Yashuuca 17:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa reerkii Yuusuf waxay yidhaahdeen, Dalka buuraha lahu naguma filna; oo reer Kancaanka deggan dalka dooxada leh oo dhammu waxay leeyihiin gaadhifardood bir ah, kuwooda deggan Beytshe'aan iyo magaalooyinkeeda, iyo kuwooda deggan dooxadii Yesreceelba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 1:19 : 19 Oo Rabbigu waa la jiray reer Yahuudah, oo wuxuu hortooda ka eryay dadkii degganaa dalkii buuraha lahaa; maxaa yeelay, ma ay eryi karin dadkii dooxadii degganaa, waayo, waxay lahaayeen gaadhifardood bir ah.
  • Xaak 4:3 : 3 Oo reer binu Israa'iilna waxay u qayshadeen Rabbiga, waayo, ninkaasu wuxuu lahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, oo kaasu labaatan sannadood buu reer binu Israa'iil aad u cadaadinayay.
  • 1 Boq 4:12 : 12 iyo Bacanaa ina Axiiluud oo wakiil ka ahaa Tacanaag iyo Megiddoo, iyo Beytshe'aan oo dhan oo ku ag taal Saaretaan, Yesreceel hoosteeda, laga soo bilaabo Beytshe'aan ilaa Aabeel Mehoolaah, iyo tan iyo Yoqmecaam shishadeeda;
  • Yash 17:18 : 18 laakiinse dalka buuraha leh idinkaa yeelan doona; waayo, in kastoo uu duud yahay, waad jari doontaan, oo meelaha laga baxona idinkaa yeelan doona, maxaa yeelay, waxaad eryi doontaan reer Kancaan in kastay leeyihiin gaadhifardood bir ah, oo ay xoog badan yihiin.
  • Xaak 6:33 : 33 ¶ Markaasaa waxaa is-urursaday reer Midyaan, iyo reer Camaaleq, iyo reer barigii oo dhan, oo intay Webi Urdun ka gudbeen ayay dooxadii Yesreceel degeen.
  • Yash 17:11 : 11 Oo reer Manaseh waxay reer Isaakaar iyo reer Aasheer ku dhex lahaayeen Beytshe'aan, iyo magaalooyinkeedii oo dhan, iyo Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Ceyn Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Tacanaag, iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo xataa saddexdii meelood ee dhaadheerayd.
  • Yash 19:18 : 18 Oo soohdintooduna waxay ahayd ilaa Yesreceel, iyo Kesullood, iyo Shuuneem,
  • Xaak 4:13 : 13 Markaasaa Siiseraa wuxuu gaadhifardoodkiisii oo dhan, kuwaasoo ahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, iyo kulli dadkii isaga la joogay oo dhan, ka soo wada urursaday Xaroshed tii Quruumaha, oo wuxuu ku soo urursaday Webi Qiishoon.
  • 1 Boq 18:46 : 46 Oo Eliiyaah waxaa la jiray gacantii Rabbiga, oo intuu guntigiisii dhexda ku giigsaday ayuu Axaab hor ordayay ilaa meeshii Yesreceel laga galo.
  • 1 Boq 21:1 : 1 ¶ Oo waxyaalahaas dabadood waxay noqotay in Naabood oo ahaa reer Yesreceel uu lahaa beer canab ah oo Yesreceel ku tiil ee uu dhowayd gurigii Axaab oo ahaa boqorkii Samaariya.
  • 1 Boq 21:23 : 23 Oo Yesebeelna Rabbigu wuu ka hadlay oo yidhi, Yesebeel eeyuhu waa ku cuni doonaan derbiga Yesreceel agtiisa.
  • 2 Boq 9:10 : 10 Oo Yesebeel ayaa eeydu ku cuni doonaan dhulka Yesreceel, oo ninna iyada ma xabaali doono, oo markaasuu albaabkii furay oo cararay.
  • 2 Boq 9:37 : 37 Oo Yesebeel meydkeedu wuxuu ahaan doonaa sida digo taal beerta Yesreceel dhexdeeda, si aan loo odhan, Tanu waa Yesebeel.
  • Hos 1:4-5 : 4 Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Magiciisa waxaad u bixisaa Yesreceel, waayo, in yar dabadeed waxaan dhiiggii Yesreceel ka aar gudi doonaa reerka Yeehuu, oo boqortooyada dadka Israa'iilna waan joojin doonaa. 5 Oo maalintaas ayaan qaansada dadka Israa'iil ku jebin doona dooxada Yesreceel.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    17Markaasaa Yashuuca wuxuu la hadlay reer Yuusuf, kuwaasoo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh, oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin dad badan, oo waxaad leedihiin xoog badan; haddaba qayb keliya heli maysaan;

    18laakiinse dalka buuraha leh idinkaa yeelan doona; waayo, in kastoo uu duud yahay, waad jari doontaan, oo meelaha laga baxona idinkaa yeelan doona, maxaa yeelay, waxaad eryi doontaan reer Kancaan in kastay leeyihiin gaadhifardood bir ah, oo ay xoog badan yihiin.

  • 77%

    11Oo reer Manaseh waxay reer Isaakaar iyo reer Aasheer ku dhex lahaayeen Beytshe'aan, iyo magaalooyinkeedii oo dhan, iyo Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Ceyn Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Tacanaag, iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo xataa saddexdii meelood ee dhaadheerayd.

    12Laakiin reer Manaseh ma ay eryi karin dadkii degganaa magaalooyinkaas; reer Kancaanse waxay doonayeen inay dalkaas sii degganaadaan.

    13Oo markii reer binu Israa'iil aad u xoogaysteen ayay hawl saareen reer Kancaan, oo ma ay wada eryin.

    14¶ Oo reerkii Yuusuf Yashuuca bay la hadleen, oo ku yidhaahdeen, Maxaad qayb keliya dhaxal noogu siisay? Maxaa yeelay, annagu waxaannu nahay dad badan, oo Rabbigu waa na barakeeyey ilaa haatan.

    15Markaasaa Yashuuca wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaad dad badan tihiin, haddaba kaca oo duudda taga, oo waxaad soo goosataan dalka reer Feris iyo kan reer Rafaa; maxaa yeelay, dalka buuraha leh oo reer Efrayim waa idinku cidhiidhi.

  • 19Oo Rabbigu waa la jiray reer Yahuudah, oo wuxuu hortooda ka eryay dadkii degganaa dalkii buuraha lahaa; maxaa yeelay, ma ay eryi karin dadkii dooxadii degganaa, waayo, waxay lahaayeen gaadhifardood bir ah.

  • 29iyo xagga reer Manasehna Beytshe'aan iyo magaalooyinkeedii, iyo Tacanaag iyo magaalooyinkeedii, iyo Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo Door iyo magaalooyinkeedii. Magaalooyinkaas waxaa degganaa reer Yuusuf ina Israa'iil.

  • 1¶ Oo reer Yuusuf qaybtoodiina wuxuu ka bilaabmay Webi Urdun oo Yerixoo ku ag yaal, biyaha Yerixoo dhankooda bari, taasoo ah xagga cidlada, iyo markii laga tago Yerixoo oo la dhex maro dalka buuraha leh ilaa Beytel,

  • Yash 16:3-4
    2 aayado
    74%

    3oo wuxuu dhanka galbeed ka maray soohdinta reer Yaafleetii iyo ilaa soohdinta Beytxooroonta hoose iyo tan iyo xataa Geser; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga badda.

    4Oo reer Yuusuf, oo ahaa reer Manaseh iyo reer Efrayim, dhaxalkoodii way qaateen.

  • 22¶ Oo reer Yuusufna waxay ku kaceen Beytel; oo Rabbiguna wuu la jiray iyagii.

  • 35Laakiinse reer Amor waxay doonayeen inay degganaadaan Buur Xeres oo ku taal Ayaaloon iyo Shacalbiim; laakiinse waxaa ka adkaatay gacantii reer Yuusuf, oo sidaas daraaddeed addoommo ayay u noqdeen.

  • Yash 12:7-8
    2 aayado
    73%

    7¶ Oo kuwanu waa boqorradii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil ka laayeen Webi Urdun shishadiisa xagga galbeed ka xigta, markii laga bilaaba Bacal Gaad oo ku tiil dooxadii Lubnaan iyo tan iyo Buur Xaalaaq oo kor u kacsan Seciir; oo Yashuuca wuxuu siiyey qabiilooyinkii reer binu Israa'iil, oo hanti ahaan buu ugu qaybiyey,

    8xagga dalkii buuraha lahaa, iyo dalkii dooxooyinka ahaa, iyo bankii Caraabaah, iyo dhaadhacyadii, iyo cidladii, iyo xagga Koonfureed, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

  • 16¶ Oo Yashuuca wuxuu qabsaday dalkaas oo dhan, kaas oo ahaa dalkii buuraha lahaa, iyo Koonfur oo dhan, iyo dalkii Goshen oo dhan, iyo dalkii dooxada ahaa, iyo bankii Caraabaah, iyo dalkii reer binu Israa'iil oo buuraha lahaa, iyo intiisii dooxada ahayd,

  • Yash 11:2-3
    2 aayado
    72%

    2iyo boqorradii jiray xagga woqooyi, kaas oo ahaa dalka buuraha leh, iyo kuwii joogay xagga ban Caraabaah oo koonfur ka xigta Kinnered, iyo xagga dooxooyinka, iyo dalka sare oo Door ee xagga galbeed jira,

    3iyo kuwii reer Kancaan oo jiray bari iyo galbeedba, iyo reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Yebuus oo degganaa dalka buuraha leh, iyo reer Xiwi oo degganaa dalkii Misfaah oo ka hooseeyey Xermoon.

  • 1¶ Oo Webi Urdun shishadiisa, iyo dhulka buuraha, iyo dhulka dooxada ah, iyo badda weyn xeebteeda oo ka horraysa Lubnaan boqorradii degganaa oo dhammu markay maqleen, waxaa dhacday inay reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba

  • 9Oo dabadeedna reer Yahuudah waxay u kaceen inay la diriraan reer Kancaankii degganaa dalkii buuraha lahaa, iyo kuwii xagga koonfureed, iyo kuwii degganaa dalkii dooxada ahaa.

  • Yash 17:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Oo intanuna waxay ahayd qaybtii qabiilka reer Manaseh, waayo, isagu wuxuu ahaa curadkii Yuusuf. Maakiir oo ahaa curadkii Manaseh oo aabbe u ahaa Gilecaad, wuxuu helay Gilecaad iyo Baashaan, maxaa yeelay, isagu wuxuu ahaa dagaalyahan.

    2Oo reer Manaseh iyo reerahoodii intii hadhay iyana qayb bay heleen; kuwaas oo ahaa reer Abiiceser, iyo reer Xeeleq, iyo reer Asrii'eel, iyo reer Shekem, iyo reer Heefer, iyo reer Shemiidaac; intaasu waxay ahaayeen ilmihii labka ahaa ee Manaseh ina Yuusuf sidii reerahoodii ahaayeen.

  • 10Oo Yashuuca wuxuu yidhi, Sidan baad ku ogaan doontaan in Ilaaha nool idin dhex joogo, iyo inuu shakila'aan hortiinna ka eryi doono reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Xiwi, iyo reer Feris, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Yebuus.

  • 27¶ Oo reer Manasehna ma ay eryin dadkii degganaa Beytshe'aan iyo magaalooyinkeedii, ama kuwii Tacanaag iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, laakiinse reer Kancaan waxay doonayeen inay dalkaas degganaadaan.

  • 33¶ Markaasaa waxaa is-urursaday reer Midyaan, iyo reer Camaaleq, iyo reer barigii oo dhan, oo intay Webi Urdun ka gudbeen ayay dooxadii Yesreceel degeen.

  • 4Maxaa yeelay, reer Yuusuf waxay ahaayeen laba qabiil, oo kala ah reer Manaseh iyo reer Efrayim; oo dhulkii qayb lagama siin reer Laawi magaalooyinkii ay degganaayeen mooyaane, iyo agagaarkoodii ay xoolahoodii iyo alaabtoodii ku hayn jireen.

  • 11Oo idinku waxaad ka soo gudubteen Webi Urdun oo aad timaadeen Yerixoo, oo dadkii reer Yerixoo way idinla dagaallameen, kuwaasu waxay ahaayeen reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo anna dhammaantood gacantaan idiin geliyey.

  • 19Oo dadka koonfur degganu waxay hantiyi doonaan buurta Ceesaw, oo kuwa bannaanka degganuna waxay hantiyi doonaan dalka reer Falastiin, oo weliba waxay hantiyi doonaan dalka reer Efrayim, iyo dalka reer Samaariya, oo reer Benyaamiinna waxay hantiyi doonaan dalka Gilecaad.

  • 8Oo Rabbigu wuxuu iyagii geliyey gacantii reer binu Israa'iil, oo way laayeen, oo waxay u eryadeen xagga Siidoonta weyn, iyo xagga Misrefood Mayim, iyo xagga dooxadii Misfaah oo bari xigta, oo way laayeen ilaa aanay waxba ka reebin.

  • 29Oo reer Camaaleq waxay deggan yihiin dalka xaggiisa koonfureed, oo reer Xeed iyo reer Yebuus iyo reer Amorna waxay deggan yihiin buuraha, oo reer Kancaanna waxay deggan yihiin badda agteeda iyo Webi Urdun dhinaciisa.

  • 11¶ Oo qabiilkii reer Benyaamiin saamigoodii ay u heleen sidii ay reerahoodii kala ahaayeen ayaa u soo hor baxay; oo soohdintoodii ay saamiga u heleen waxay kala dhex mari jirtay reer Yahuudah iyo reer Yuusuf.

  • 3Oo reer binu Israa'iilna waxay u qayshadeen Rabbiga, waayo, ninkaasu wuxuu lahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, oo kaasu labaatan sannadood buu reer binu Israa'iil aad u cadaadinayay.

  • 27iyo kuwii dooxadii ku dhex yiil oo ahaa Beytaaraam, iyo Beytnimraah, iyo Sukod, iyo Saafoon oo ahaa boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa boqortooyadiisii intii ka hadhay, iyo Urdun iyo soohdintiisii, iyo meesha ugu fog badda Kinnered ee ka shishaysa Webi Urdun ee xagga bari ka xigta.

  • 1¶ Oo boqorradii reer Amor oo dhan oo joogay Webi Urdun xaggiisa shishe oo galbeed, iyo boqorradii reer Kancaan oo dhan oo badda dhinaceeda degganaa, markay maqleen sida Rabbigu biyihii Webi Urdun u engejiyey reer binu Israa'iil hortooda ilaa aannu soo wada gudubnay, ayay wada dhalaaleen, oo xoog dambena kuma jirin, reer binu Israa'iil aawadood.

  • 6Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Ha ka cabsan iyaga, waayo, berri hadda oo kale ayaan reer binu Israa'iil gacanta u gelin doonaa, iyagoo la wada laayay. Oo waa inaad fardahooda boqno gooysaa, oo gaadhifardoodkoodana waa inaad dab ku gubtaa.

  • 13Markaasaa Siiseraa wuxuu gaadhifardoodkiisii oo dhan, kuwaasoo ahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, iyo kulli dadkii isaga la joogay oo dhan, ka soo wada urursaday Xaroshed tii Quruumaha, oo wuxuu ku soo urursaday Webi Qiishoon.

  • 17laakiinse annaga qudhayadu diyaar baannu ahaanaynaa annagoo hub leh, oo reer binu Israa'iil baannu hor kacaynaa ilamaa aannu iyaga geeyno meeshoodii, oo kuwa dhulka deggan aawadood dhallaankayagu waxay deganaanayaan magaalooyinka deyrarka leh.

  • 12¶ Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi,

  • 5Oo reer binu Israa'iil waxay dhex degeen reer Kancaan, kuwaas oo ahaa reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

  • 2oo dadkoodu yihiin dad waaweyn oo dhaadheer oo ah reer Canaaq, oo aad taqaanaan oo aad maqasheen in la yidhi, Bal yaa reer Canaaq hor istaagi kara?