Yashuuca 11:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo Yashuuca wuxuu qabsaday dalkaas oo dhan, kaas oo ahaa dalkii buuraha lahaa, iyo Koonfur oo dhan, iyo dalkii Goshen oo dhan, iyo dalkii dooxada ahaa, iyo bankii Caraabaah, iyo dalkii reer binu Israa'iil oo buuraha lahaa, iyo intiisii dooxada ahayd,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 10:41 : 41 Oo Yashuuca wuxuu laayay iyagii ilaa Qaadeesh Barneeca iyo tan iyo Gaasa, iyo dalkii reer Goshen oo dhan, iyo xataa tan iyo Gibecoon.
  • Yash 11:21 : 21 ¶ Oo markaasaa Yashuuca yimid, oo wuxuu reer Canaaq ka tiray dalkii buuraha lahaa, kaas oo ahaa Xebroon, iyo Debiir, iyo Canaab, iyo xaggii dalkii reer Yahuudah oo buuraha lahaa oo dhan, iyo dalkii reer binu Israa'iil oo buuraha lahaa oo dhan; oo Yashuuca dhammaan iyagii iyo magaalooyinkoodiiba wuu wada baabbi'iyey.
  • Yash 12:8 : 8 xagga dalkii buuraha lahaa, iyo dalkii dooxooyinka ahaa, iyo bankii Caraabaah, iyo dhaadhacyadii, iyo cidladii, iyo xagga Koonfureed, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.
  • Yex 17:23 : 23 Buurta dheer oo dalka reer binu Israa'iil ayaan ku beeri doonaa, oo waxay soo bixin doontaa laamo, oo midhona way dhali doontaa, oo waxay noqon doontaa geedkedar wanaagsan, oo waxaa hoostiisa ku hoyan doona haad cayn kasta ah, oo waxay degganaan doonaan hooska laamihiisa.
  • Yex 36:1-3 : 1 ¶ Oo weliba Wiilka Aadamow, buuraha reer binu Israa'iil wax u sii sheeg, oo waxaad ku tidhaahdaa, Buuraha reer binu Israa'iilow, bal erayga Rabbiga maqla. 2 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadowgu wuxuu idinku yidhi, Ahaa, xataa meelihii sarsare oo hore annagaa hanti ahaan u leh. 3 Sidaas daraaddeed wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iyagu cidla bay idinka dhigeen, oo dhinac kastaba way idinka liqeen, si aad quruumaha kale hanti ugu noqotaan, oo waxaa laydinku hadal hayaa bushimaha waranwarrowyada, oo dadyowgaad ceeb u tihiin.
  • Yex 36:8 : 8 Laakiinse idinku buuraha reer binu Israa'iilow, waxaad soo bixin doontaan laamihiinna, oo waxaad midhihiinna u dhali doontaan dadkayga reer binu Israa'iil, waayo, iyagu dhaqsay u iman doonaan.
  • Bil 15:18-21 : 18 Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan, oo laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn, oo ah webi Yufraad: 19 reer Qeyn, iyo reer Qenas, iyo reer Qadmon, 20 iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Refaa'iim, 21 iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Girgaash, iyo reer Yebuus.
  • Tir 34:2-9 : 2 Reer binu Israa'iil waxaad ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka Kancaan, (kaas oo ah dalka dhaxal idiinku dhici doona oo ah dalka Kancaan siday soohdimihiisu yihiin,) 3 waaxdiinna koonfureed waxay ahaan doontaa cidlada Sin iyo tan iyo dhinaca Edom, oo soohdintiinna koonfureedna waxay ka bilaaban doontaa Badda Cusbada leh darafkeeda bari, 4 oo soohdintiinnuna waxay la soo wareegi doontaa xagga koonfureed oo jiirtii Caqrabbiim, oo waxay u gudbi doontaa ilamaa Sin, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Qaadeesh Barneeca xaggeeda koonfureed, oo waxay u sii bixi doontaa xagga Hasar Addaar, oo waxay u sii dhaafi doontaa ilaa Casmoon. 5 Oo soohdintu waxay la soo wareegi doontaa Casmoon ilaa tan iyo durdurka Masar, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa xagga badda. 6 Oo soohdinta galbeedna waxaad yeelan doontaan badda weyn iyo soohdinteedaba. Intaasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna galbeed. 7 Oo intanuna waxay ahaan doontaa soohdintiinna woqooyi, waxaad ka tilmaansataan badda weyn ilaa tan iyo Buur Xor. 8 Oo Buur Xorna waxaad ka tilmaansataan ilaa tan iyo meesha Hamaad laga galo, oo soohdinta dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Sedaad. 9 Oo soohdintu waxay u bixi doontaa xagga Sifron, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Hasar Eenaan. Taasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna woqooyi. 10 Oo soohdintiinna barina waxaad ka tilmaansataan Hasar Eenaan ilamaa tan iyo Shefaam. 11 Oo soohdintu waxay hoos uga dhaadhici doontaa Shefaam iyo ilamaa Riblaah oo ah Cayn xaggeeda bari, oo soohdintu waxay hoos ugu dhaadhici doontaa oo gaadhi doontaa badda Kinnered dhinaceeda bari. 12 Oo soohdintu waxay hoos ugu dhaadhici doontaa Webi Urdun oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Badda Cusbada leh. Intaasu waxay ahaan doontaa dalkiinna siday soohdimihiisu u wareegsan yihiin. 13 Markaasaa Muuse amray reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Waa kan dalka aad saamiga ku dhaxli doontaan oo Rabbigu amray in la siiyo sagaalka qabiil iyo qabiilka badhkiis,
  • Sharc 34:2-3 : 2 iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, iyo dalkii reer Efrayim iyo reer Manaseh, iyo dalkii reer Yahuudah oo dhan, tan iyo badda galbeed, 3 iyo xagga koonfureed, iyo bannaanka dooxada Yerixoo oo ah magaalada geedaha timireed, iyo tan iyo Socar.
  • Yash 9:1 : 1 ¶ Oo Webi Urdun shishadiisa, iyo dhulka buuraha, iyo dhulka dooxada ah, iyo badda weyn xeebteeda oo ka horraysa Lubnaan boqorradii degganaa oo dhammu markay maqleen, waxaa dhacday inay reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba
  • Yash 11:2 : 2 iyo boqorradii jiray xagga woqooyi, kaas oo ahaa dalka buuraha leh, iyo kuwii joogay xagga ban Caraabaah oo koonfur ka xigta Kinnered, iyo xagga dooxooyinka, iyo dalka sare oo Door ee xagga galbeed jira,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    39Oo iyana wuu qabsaday, iyo boqorkeedii, iyo magaalooyinkeediiba, oo waxay ku laayeen seef, oo dadkii ku jiray oo dhanba way wada baabbi'iyeen oo waxba kama uu reebin; oo wuxuu Debiir iyo boqorkeediiba ku sameeyey siduu ku sameeyey Xebroon iyo weliba siduu markii hore ku sameeyey Libnaah iyo boqorkeediiba.

    40¶ Sidaasuu Yashuuca u wada laayay dadkii dalkii oo dhan, kaas oo ahaa waddankii buuraha ahaa, iyo xaggii Koonfureed, iyo dooxooyinkii, iyo dhaadhacyadii, iyo xataa boqorradoodii oo dhan, oo waxba kama uu reebin; laakiinse wuu wada baabbi'iyey intii neefsanaysay oo dhan, sidii uu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ku amray.

    41Oo Yashuuca wuxuu laayay iyagii ilaa Qaadeesh Barneeca iyo tan iyo Gaasa, iyo dalkii reer Goshen oo dhan, iyo xataa tan iyo Gibecoon.

    42Oo boqorradaas iyo dalkoodii oo dhan Yashuuca isku mar buu wada qabsaday, maxaa yeelay, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil baa u diriray reer binu Israa'iil.

  • 81%

    17haddii laga bilaabo Buur Haalaaq, taasoo kor u kacsan ilaa Seciir, iyo xataa tan iyo Bacal Gaad oo ku taal dooxadii Lubnaan oo ka hoosaysa Buur Xermoon; oo wuxuu wada qabsaday boqorradoodii oo dhan, oo intuu dilay buu wada laayay.

    18Oo Yashuuca wakhti dheer buu la dirirayay boqorradaas oo dhan.

    19Oo lama arag magaalo la nabadday reer binu Israa'iil, reer Xiwi oo Gibecoon degganaa mooyaane: oo dagaal bay kulligood ku wada qabsadeen.

  • 23Sidaasuu Yashuuca u wada qabsaday dalkii oo dhan, oo wuxuu wada yeelay sidii Rabbigu kula hadlay Muuse; oo Yashuuca wuxuu dalkii dhaxal u siiyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu ugu qaybiyey sidii qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo dalkiina dagaal wuu ka nastay.

  • 12Oo Yashuuca wuxuu wada qabsaday boqorradaas magaalooyinkoodii oo dhan, iyo boqorradoodii oo dhan, oo wuxuu ku wada laayay seef, oo wuu wada baabbi'iyey; sidii uu addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray.

  • 75%

    14Oo magaalooyinkaas alaabtoodii oo dhan iyo xoolahoodii oo dhanba reer binu Israa'iil way dhaceen, laakiinse nin kasta waxay ku dileen seef ilaa ay wada baabbi'iyeen, oo waxba kama ay reebin intii neefsatay oo dhan.

    15Wixii Rabbigu addoonkiisii Muuse ahaa ku amray ayuu Muusena Yashuuca ku amray, oo Yashuucana sidaasuu yeelay, oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray wax aanu samayn ma jirin.

  • Yash 12:7-8
    2 aayado
    74%

    7¶ Oo kuwanu waa boqorradii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil ka laayeen Webi Urdun shishadiisa xagga galbeed ka xigta, markii laga bilaaba Bacal Gaad oo ku tiil dooxadii Lubnaan iyo tan iyo Buur Xaalaaq oo kor u kacsan Seciir; oo Yashuuca wuxuu siiyey qabiilooyinkii reer binu Israa'iil, oo hanti ahaan buu ugu qaybiyey,

    8xagga dalkii buuraha lahaa, iyo dalkii dooxooyinka ahaa, iyo bankii Caraabaah, iyo dhaadhacyadii, iyo cidladii, iyo xagga Koonfureed, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

  • Yash 13:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Yashuuca waa da' weynaa, gaboowna wuu la dhacay, oo kolkaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Adigu waad da' weyn tahay oo gaboowna waad la dhacday, laakiinse weliba waxaa hadhay dal badan in la hantiyo.

    2Oo dalka weli hadhay waxa weeye kan: gobollada reer Falastiin oo dhan iyo reer Geshuur oo dhan,

  • 74%

    21Markaasuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Siixon iyo dadkiisii oo dhanba ku riday gacantii reer binu Israa'iil oo iyana way laayeen iyagii; oo sidaasay reer binu Israa'iil ku hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan iyo dadkii waddankaasba.

    22Oo waxay hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan tan iyo Arnoon iyo ilaa Yabboq, iyo tan iyo cidlada iyo ilaa Webi Urdun.

  • Sharc 34:2-3
    2 aayado
    73%

    2iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, iyo dalkii reer Efrayim iyo reer Manaseh, iyo dalkii reer Yahuudah oo dhan, tan iyo badda galbeed,

    3iyo xagga koonfureed, iyo bannaanka dooxada Yerixoo oo ah magaalada geedaha timireed, iyo tan iyo Socar.

  • 8Oo Rabbigu wuxuu iyagii geliyey gacantii reer binu Israa'iil, oo way laayeen, oo waxay u eryadeen xagga Siidoonta weyn, iyo xagga Misrefood Mayim, iyo xagga dooxadii Misfaah oo bari xigta, oo way laayeen ilaa aanay waxba ka reebin.

  • 5Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay reer binu Israa'iil yeeleen, oo dalkiina way qaybsadeen.

  • 4Oo soohdintiinnu waxay noqon doontaa marka laga bilaabo cidlada, iyo Lubnaantan, iyo xataa tan iyo webiga weyn oo ah Webi Yufraad, iyo dalka reer Xeed oo dhan, iyo tan iyo badda weyn ee xagga qorraxdu u dhacdo.

  • 24Oo waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Sida runta Rabbigu dalka oo dhan gacmaheennuu geliyey, oo weliba, kuwa dalka deggan oo dhammu horteenay ku dhalaalayaan kulligood.

  • 16Markaasaa reerkii Yuusuf waxay yidhaahdeen, Dalka buuraha lahu naguma filna; oo reer Kancaanka deggan dalka dooxada leh oo dhammu waxay leeyihiin gaadhifardood bir ah, kuwooda deggan Beytshe'aan iyo magaalooyinkeeda, iyo kuwooda deggan dooxadii Yesreceelba.

  • 72%

    35oo maalintaasay iyana qabsadeen oo dadkii ku jiray oo dhan waxay ku laayeen seef, oo maalintaasuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey Laakiish oo kale.

    36¶ Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu way dhaafeen Cegloon oo waxay tageen Xebroon, wayna la dirireen,

  • 1¶ Kuwanu waa dhaxalkii ay reer binu Israa'iil ka qaateen dalkii reer Kancaan, oo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii qabiilooyinkii reer binu Israa'iil ay u qaybiyeen.

  • 17iyo Caraabaah, iyo Webi Urdun oo soohdinta ah, tan iyo Kinnered iyo xataa ilaa badda Caraabaah oo ah Badda Cusbada oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah xaggeeda bari.

  • 21¶ Oo markaasaa Yashuuca yimid, oo wuxuu reer Canaaq ka tiray dalkii buuraha lahaa, kaas oo ahaa Xebroon, iyo Debiir, iyo Canaab, iyo xaggii dalkii reer Yahuudah oo buuraha lahaa oo dhan, iyo dalkii reer binu Israa'iil oo buuraha lahaa oo dhan; oo Yashuuca dhammaan iyagii iyo magaalooyinkoodiiba wuu wada baabbi'iyey.

  • 30oo Rabbigu iyada iyo boqorkeediiba wuxuu gacanta u geliyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu seef ku laayay iyada iyo dadkii ku jiray oo dhan, oo waxba kama uu reebin, oo boqorkeediina wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey boqorkii Yerixoo.

  • 1¶ Haddaba kuwanu waa boqorradii dalka, oo ay reer binu Israa'iil laayeen oo ay dalkoodii ka qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo qorrax ka soo baxa ka xigta, markii laga bilaabo dooxadii Arnoon iyo tan iyo Buur Xermoon, iyo inta banka Caraabaah xagga bari ka xigta oo dhan:

  • 11iyo Gilecaad, iyo soohdinta reer Geshuur, iyo reer Macakaad, iyo Buur Xermoon oo dhan, iyo Baashaan oo dhan iyo ilaa Salkaah,

  • 1¶ Oo Webi Urdun shishadiisa, iyo dhulka buuraha, iyo dhulka dooxada ah, iyo badda weyn xeebteeda oo ka horraysa Lubnaan boqorradii degganaa oo dhammu markay maqleen, waxaa dhacday inay reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba

  • 27Oo reer binu Israa'iil waxay keliyahoo dheceen xoolihii iyo alaabtii magaalada, sidii erayga Rabbiga uu Yashuuca ku amray ahaa.

  • Yash 11:2-3
    2 aayado
    71%

    2iyo boqorradii jiray xagga woqooyi, kaas oo ahaa dalka buuraha leh, iyo kuwii joogay xagga ban Caraabaah oo koonfur ka xigta Kinnered, iyo xagga dooxooyinka, iyo dalka sare oo Door ee xagga galbeed jira,

    3iyo kuwii reer Kancaan oo jiray bari iyo galbeedba, iyo reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Yebuus oo degganaa dalka buuraha leh, iyo reer Xiwi oo degganaa dalkii Misfaah oo ka hooseeyey Xermoon.

  • 3iyo bankii Caraabaah iyo tan iyo baddii Kinnered, iyo xagga bari, iyo tan iyo baddii Caraabaah, taas oo ah Badda Cusbada leh, oo bari, ee ku taal jidkii Beytyeshimood, ee xagga koonfureed, ee ka hoosaysay dhaadhacyadii Fisgaah:

  • 27iyo kuwii dooxadii ku dhex yiil oo ahaa Beytaaraam, iyo Beytnimraah, iyo Sukod, iyo Saafoon oo ahaa boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa boqortooyadiisii intii ka hadhay, iyo Urdun iyo soohdintiisii, iyo meesha ugu fog badda Kinnered ee ka shishaysa Webi Urdun ee xagga bari ka xigta.

  • 7haddaba noqda oo guura oo waxaad tagtaan dalka buuraha leh oo reer Amor, iyo meelaha halkaas u dhow oo dhan oo ah Caraabaah, iyo dalka buuraha leh, iyo dooxooyinka, iyo xagga koonfureed, iyo badda xeebteeda, kuwaasoo ah dalka reer Kancaan, iyo Lubnaan, iyo tan iyo webiga weyn oo Yufraad.

  • 4Oo reer Yuusuf, oo ahaa reer Manaseh iyo reer Efrayim, dhaxalkoodii way qaateen.

  • 8Oo waagaas ayaynu dalka kala baxnay farihii labadii boqor oo reer Amor oo degganaa Webi Urdun shishadiisa tan iyo dooxada Arnoon iyo ilaa Buur Xermoon.

  • 25Oo reer binu Israa'iil magaalooyinkan oo dhan ayay qabsadeen, oo reer binu Israa'iil waxay degeen magaalooyinkii reer Amor oo dhan, xataa Xeshboon iyo magaalooyinkeedii oo dhan.

  • 18laakiinse dalka buuraha leh idinkaa yeelan doona; waayo, in kastoo uu duud yahay, waad jari doontaan, oo meelaha laga baxona idinkaa yeelan doona, maxaa yeelay, waxaad eryi doontaan reer Kancaan in kastay leeyihiin gaadhifardood bir ah, oo ay xoog badan yihiin.