Yashuuca 20:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo magaalooyinkaas middood waa inuu u cararaa, oo waa inuu istaagaa iridda magaalada laga soo galo, oo xaalkiisa waa inuu u caddeeyaa odayaasha magaalada, oo iyana waa inay magaalada soo geliyaan, oo meel siiyaan inuu la degganaado.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 38:7 : 7 Haddaba Cebedmeleg oo ahaa reer Itoobiya oo ahaa bohon guriga boqorka joogay, markuu maqlay inay Yeremyaah godkii ku dhex rideen, iyadoo boqorkii uu iridda Benyaamiin fadhiyo,
  • Ruud 4:1-2 : 1 ¶ Markaasaa Bocas wuxuu tegey iriddii magaalada, oo halkaasuu fadhiistay; oo bal eeg waxaa ag yimid ninkii Bocas ka hadlay ee ahaa xigaalka uga dhow. Markaasuu wuxuu ku yidhi, War, hebelow, soo leexo, oo bal kaalay, halkan fadhiiso. Kolkaasuu soo leexday oo fadhiistay. 2 Markaasuu wuxuu soo kaxaystay toban nin oo odayaashii magaalada ah, oo wuxuu ku yidhi, Bal halkan fadhiista, oo iyana way fadhiisteen.
  • Ayuub 5:4 : 4 Carruurtiisu nabaadiino way ka fog yihiin, Oo iridda agteeda ayaa iyaga lagu burburiyaa, Mana jiro mid samatabbixiyaa.
  • Ayuub 29:7 : 7 Markaan magaalada iriddeeda u bixi jiray, Oo aan kursigayga meel bannaan ku diyaarin jiray.
  • Sab 26:9 : 9 Naftayda ha la ururin dembilayaal, Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
  • Maah 31:23 : 23 Ninkeedana waxaa laga yaqaan irdaha magaalada, Markuu dhex fadhiisto waayeellada waddanka.
  • Cib 6:18 : 18 in laba waxyaalood, oo aan beddelmi karin, oo aan suurtoobin inuu Ilaah been ka sheego, aynu ku helno dhiirranaan xoog leh innagoo magangal u soo cararnay si aynu u qabsanno rajada ina hor taal,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 20:2-3
    2 aayado
    85%

    2La hadal reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sooca magaalooyinkii magangalka oo aan idiinku sheegay Muuse,

    3in gacankudhiiglihii qof dilaa, isagoo aan u kasayn oo aan badheedh u samayn, uu halkaas u cararo; oo waxay idiin noqonayaan meeshaad ka magangeli lahaydeen kan dhiigga ka aarsada.

  • 82%

    42in gacankudhiiglihii deriskiisa kama' u dilo, isagoo aan wakhti hore nebcayn, uu halkaas ku cararo, iyo in hadduu magaalooyinkan middood ku cararo uu noolaado.

    43Saddexdaas magaalona waxay ahaayeen Beser oo ku taal cidlada ah waddanka bannaan oo uu u doortay reer Ruubeen, iyo Raamod oo Gilecaad ku taal oo uu u doortay reer Gaad, iyo Goolaan oo Baashaan ku taal oo uu u doortay reer Manaseh.

  • 9Intaasu waa magaalooyinkii loo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, iyo qariibkii dhexdooda degganaa, in ku alla kii qof dilaa, isagoo aan u kasayn, uu halkaas ku carari karo inaanu ku dhiman gacanta kan dhiigga ka aarsada, ilaa uu hor istaago shirka.

  • Yash 20:5-7
    3 aayado
    81%

    5Oo haddii kan dhiigga ka aarsadaa uu soo eryado, markaas waa inaanay gacankudhiiglihii gacantiisa gelin, maxaa yeelay, kaasu wuxuu deriskiisa ku dilay kama' oo horena ma uu nebcaan jirin.

    6Oo magaaladaas waa inuu degganaadaa ilaa uu xukun isu hor taago shirka, iyo ilaa uu ka dhinto wadaadka sare oo jiri doona waayahaas, oo markaas ka dib gacankudhiigluhu waa inuu noqdaa, oo waa inuu magaaladiisii yimaadaa, iyo gurigiisii, ilaa magaaladii uu markii hore ka cararay.

    7Oo waxay sooceen Qedesh oo ku tiil Galili oo ah dalka buuraha leh oo reer Naftaali, iyo Shekem oo iyana ku tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyo Qiryad Arbac (oo ah Xebroon) ee ku tiil dalka buuraha leh oo reer Yahuudah.

  • Tir 35:11-15
    5 aayado
    80%

    11waa inaad doorataan magaalooyin idiin ahaada magaalooyin aad magan gashaan, si uu gacankudhiigluhu qof kama' u dilaa halkaas ugu cararo.

    12Oo magaalooyinkaasu waxay idiin ahaan doonaan meel aad ka magan gashaan kan aardoonka ah, si uusan gacankudhiigluhu u dhiman intuusan shirka hortiisa xukun isu soo taagin.

    13Oo magaalooyinka aad bixin doontaan waxay idiin ahaan doonaan lix magaalo oo magangal ah.

    14Oo Webi Urdun shishadiisa waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, dalka Kancaanna waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, oo iyagu waa inay ahaadaan magaalooyin magangal ah.

    15Oo lixdaas magaalo waxaa magangeli doona reer binu Israa'iil iyo shisheeyaha iyo qariibka iyaga dhex deggan, si uu ku alla kii qof kama' u dilaa ugu cararo.

  • 79%

    10si aan dhiig aan xaq qabinu loogu dhex daadin dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waaba intaasoo dhiig idin saarnaadaa.

    11Laakiinse haddii nin deriskiisa neceb yahay ee uu isaga meel ugu gabbado oo uu markaas ku soo boodo oo uu ku dhufto nabar uu u dhinto, kolkaas hadduu u cararo magaalooyinkaas middood,

    12waayeellada magaaladiisu waa inay cid u soo diraan, oo halkaas ka soo wadaan, oo waa inay kii aardoonka ahaa gacantiisa ku ridaan isagu ha dhintee.

    13Oo isaga ishiinnu yaanay u nixin, laakiinse dhiigga aan xaqa qabin reer binu Israa'iil dhexdooda waa inaad ka fogaysaan, si aad u nabdoonaataan.

  • Sharc 19:2-7
    6 aayado
    79%

    2markaas waa inaad saddex magaalo gaar kaga dhex dhigataan dalkiinna uu Rabbiga Ilaahiina ahu idiin siinayo inaad hantidaan.

    3Oo waa inaad jidka hagaagsataan oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin dhaxalsiinayona soohdimihiisa waxaad u qaybisaan saddex meelood in gacankudhiigle kastaaba halkaas ku cararo.

    4Oo gacankudhiiglaha halkaas ku cararayo oo noolaanayo waa caynkan: oo waa kii deriskiisa kama' ku dilay isagoo aan hore u necbayn,

    5sida markii nin deriskiis duurka ugu raaco inay qoryo soo jaraan, oo gacantiisu ay faaska qaadato inuu geedka ku jaro, oo markaas birtu intay daabka ka siibato ku dhacdo kii deriskiisa ahaa ee uu saas ku dhinto, markaas isagu waa inuu ku cararaa magaalooyinkaas middood si uu ku noolaado,

    6waaba intaasoo ka aardoonka ahu uu gacankudhiiglaha raacdaystaa intuu qalbigiisu kulul yahay, oo uu gaadhaa jidka fog aawadiis, oo uu markaas dilaa isagoo aan dhimasho istaahilin, maxaa yeelay, isagu hore uma uu necbayn.

    7Oo sidaas daraaddeed waxaan idinku amrayaa oo idinku leeyahay, Waa inaad saddex magaalo gaar ka dhigataan.

  • Tir 35:22-29
    8 aayado
    76%

    22Laakiinse hadduu kama' u riixo isagoo aan cadownimo ku jirin, amase uu wax ku tuuro isagoo aan u gabban,

    23amase hadduu ku dhufto dhagax qof u dhiman karo, oo isagoo aan arkayn uu ku tuuro, oo uu sidaas ku dhinto, oo hadduusan cadowgiis ahayn ama uusan waxyeelladiisa doondoonayn,

    24markaas kii wax dilay iyo kan ah aardoonka dhiigga doonayo, shirku waa inuu ugu kala garsooraa sida xukummadanu yihiin.

    25Oo shirku waa inuu gacankudhiiglaha ka samatabbixiyaa gacanta kan ah aardoonka dhiigga doonayo, oo shirku waa inuu isaga ku celiyaa magaaladiisii uu magangalay, oo uu ku cararay, oo isagu waa inuu halkaas degganaado jeer uu dhinto wadaadka sare oo lagu subkay saliiddii quduuska ahayd.

    26Laakiinse gacankudhiigluhu mar kasta ha ahaatee hadduu ka gudbo soohdinta magaaladiisii uu magangalay oo uu ku cararay,

    27oo markaas kii ahaa aardoonka dhiigga doonayo uu ka helo meel dibadda ka ah soohdinta magaaladiisii uu magangalay, kolkaas kii ahaa aardoonka dhiigga doonayo hadduu gacankudhiiglaha dilo, isagu ma ahaan doono mid dhiig qaba,

    28waayo, waxaa isaga waajib ku ahaa inuu iska joogo magaaladiisii uu magangalay ilamaa uu wadaadka sare dhinto, laakiinse markuu wadaadka sare dhinto gacankudhiigluhu waa inuu markaas dabadeed ku noqdo dalkiisii hantida u ahaa.

    29Oo waxyaalahanu waa inay qaynuun xukun ah degmooyinkiinna oo dhan idiinku ahaadaan ab ka abkiin.

  • Bax 21:13-14
    2 aayado
    76%

    13Oo haddii aanu gaadin, laakiinse Ilaah u dhiibo gacantiisa, de markaas anaa kuu samayn doona meel uu ku cararo.

    14Oo haddii nin kibir ula badheedho inuu deriskiisa khiyaano ku dilo, waa inaad isaga ka waddaa meeshayda allabariga, ha dhintee.

  • Sharc 21:1-3
    3 aayado
    74%

    1¶ Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan haddii laga dhex helo mid la dilay oo berrinka dhex yaal, oo la aqoon waayo kii isaga dilay,

    2markaas waa inay wadaaddadiinna iyo xaakinnadiinnu soo baxaan, oo waa inay qiyaasaan ilaa magaalooyinka kan la dilay hareerahiisa ku wareegsan,

    3oo magaaladii ugu dhow ninka la dilay waa in odayaasha magaaladaasu ay lo'da ka soo wataan qaalin aan lagu shaqaysan oo aan harqood wax ku jiidin,

  • 6¶ Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan waxay ahaan doonaan lixda magaalo oo magangalka ah oo aad siin doontaan si uu gacankudhiigluhu ugu cararo, oo kuwaas mooyaane waxaad kaloo iyaga siisaan laba iyo afartan magaalo.

  • 32Oo weliba waa inaydaan furan kii ku cararay magaaladiisa magangalka ah, si uu ugu noqdo oo uu u dego dalkiisa ilamaa uu wadaadka sare dhinto.

  • 16Isagu ha idinla joogo, oo dhexdiinna ha joogo meeshuu irdihiinna middood ka doorto oo uu jecel yahay. Waa inaydaan isaga dulmin.

  • 8¶ Oo haddii dhexdiinna ka kaco xaal garsoorid ah oo idinku adag oo ku saabsan dhiig, ama gar, ama dhaawac, oo xaalalkaas irdihiinna gudahooda lagaga murmo, kolkaas waa inaad kacdaan oo tagtaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu dooranayo.

  • 20Oo hadduu nacayb aawadiis u riixdo, ama intuu u gabbado uu wax ku tuuro, oo uu markaas dhinto,

  • Yash 8:5-6
    2 aayado
    69%

    5oo aniga iyo dadka ila jira oo dhammuba waxaannu u dhowaan doonnaa magaalada, oo markay dibadda noogu soo baxaan sida kolkii ugu horraysay, waannu ka carari doonnaa hortooda.

    6Markaasay na soo eryan doonaan ilaa aannu iyaga magaalada ka fogayno; waayo, waxay is-odhan doonaan, Sidii markii ugu horraysay bay naga cararayaan, oo sidaasaannu uga hor carari doonnaa iyaga.

  • 20Bal eeg, magaaladan baa dhow inaan u cararo, waana mid yar, de iyada aan u baxsado, (miyaanay mid yar ahayn?) naftayduna waa noolaan doontaa.

  • 21Oo waxay iyagii siiyeen Shekem iyo agagaarkeedii, oo waxay ku tiil dalka reer Efrayim oo buuraha leh, oo waxayna ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Geser iyo agagaarkeedii,

  • 17Ninkii nin dhiiggiis qabaa Wuxuu u carari doonaa godka, oo ninna yaanu ka joojin.

  • 12¶ Oo haddaad wax ka maqashaan mid ka mid ah magaalooyinka Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin siinayo inaad degtaan,

  • 19Oo waxay ahaan doontaa, in ku alla kii ka baxa albaabbada gurigaaga oo jidka maraba, uu dhiiggiisu ahaan doono dushiisa, oo annana aannan eed ku yeelanaynin, iyo in ku alla kii guriga kugula jira haddii far la saaro, uu dhiiggiisu dushayada ahaan doono.

  • 10¶ Markaad magaalo ugu soo dhowaataan inaad la dirirtaan, waxaad u naadisaan war nabdeed.

  • 19markaas aabbihiis iyo hooyadiis waa inay isaga soo qabtaan, oo intay odayaasha magaaladiisa u soo bixiyaan ay iridda magaalada keenaan,