Yashuuca 21:44
Oo Rabbigu wuxuu iyagii ka nasiyey dadkii ku wareegsanaa, siduu awowayaashood ugu dhaartay oo dhan: oo nin cadaawayaashoodii oo dhan ka mid ihi hortooda isma taagin, oo Rabbigu cadaawayaashoodii oo dhan gacantuu u soo geliyey.
Oo Rabbigu wuxuu iyagii ka nasiyey dadkii ku wareegsanaa, siduu awowayaashood ugu dhaartay oo dhan: oo nin cadaawayaashoodii oo dhan ka mid ihi hortooda isma taagin, oo Rabbigu cadaawayaashoodii oo dhan gacantuu u soo geliyey.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
43¶ Sidaasuu Rabbigu reer binu Israa'iil u siiyey dhulkii u awowayaashood ugu dhaartay inuu siiyo oo dhan, oo iyana way hantiyeen, wayna iska degeen.
45Oo waxba kama baaqan innaba wixii wanaagsanaa oo Rabbigu u sheegay reer binu Israa'iil; laakiinse kulli way wada ahaadeen.
23Sidaasuu Yashuuca u wada qabsaday dalkii oo dhan, oo wuxuu wada yeelay sidii Rabbigu kula hadlay Muuse; oo Yashuuca wuxuu dalkii dhaxal u siiyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu ugu qaybiyey sidii qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo dalkiina dagaal wuu ka nastay.
8Oo markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Iyaga ha ka cabsan, waayo, iyaga gacmahaagaan kuu soo geliyey. Midkoodna isma kaa hor taagi doono.
56Waxaa mahad leh Rabbiga nasiyey dadkiisa reer binu Israa'iil siduu ugu ballanqaaday oo dhan, oo wixii uu u ballanqaaday oo dhan eray keliya kama baaqan ballankiisii wanaagsanaa oo dhan, ee uu ugu ballanqaaday addoonkiisii Muuse.
4Oo haatan Rabbiga Ilaahiinna ahu walaalihiin buu nasiyey, siduu markii hore kula hadlay; haddaba noqda, oo taga teendhooyinkiinnii, iyo dalkii hantida idiin ahaa, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa.
9waayo, idinku weli ma aydaan gaadhin nasashada iyo dhaxalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo.
10Laakiinse markaad Webi Urdun ka gudubtaan oo aad degtaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin dhaxalsiinayo, oo uu idinka nasiyo cadaawayaashiinna idinku wareegsan oo dhan, si aad ammaan ugu degganaataan,
13Bal xusuusta eraygii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray isagoo leh, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idin nasinayaa, oo wuxuu idin siin doonaa dalkan.
14Dumarkiinna, iyo dhallaankiinna, iyo xoolihiinnuba waxay joogi doonaan dalkii Muuse idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa, laakiinse raggiinna xoogga leh oo hubka sita oo dhammu waa inay walaalahood ka hor gudbaan, oo ay caawiyaan iyaga,
15ilaa Rabbigu walaalihiin nasiyo, siduu idinkaba idiin nasiyey, oo ay iyana hantiyaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo; oo markaasaad ku soo noqon doontaan dalkii hantidiinna, oo waad hantiyi doontaan dalkii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo ah xagga qorrax ka soo baxa.
18Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War sow Rabbiga Ilaahiinna ahu idinlama jiro? Oo sow dhan kastaba nasasho idinkama siin? Waayo, dadyowgii dalka degganaa oo dhan ayuu soo geliyey gacantayda, oo dalkiina waxaa lagu jebshay Rabbiga iyo dadkiisa hortooda.
9Waayo, Rabbigu wuxuu hortiinna ka eryay quruumo waaweyn oo xoog badan; oo weliba idinka ninna idinma hor istaagin ilaa maantadan la joogo.
1¶ Maalmo badan dabadood, markii Rabbigu reer binu Israa'iil ka nasiyey cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, Yashuucana da' weynaa, gabowna la dhacay,
29Oo boqortooyooyinkii dalalka oo dhan waxaa ku soo degtay Ilaah cabsidiis markay maqleen in Rabbigu la diriray cadaawayaashii dadkii Israa'iil.
30Sidaas daraaddeed Yehooshaafaad boqortooyadiisii way xasilloonayd, waayo, Ilaahiis ayaa ka nasiyey hareerihiisa oo dhan.
31Rabbiyow, cadaawayaashaada oo dhammu sidaas ha u halligmeen; Laakiinse kuwa Rabbiga jecel oo dhammu ha noqdeen sida qorraxda markay xooggeeda la soo baxdo. Oo dalkiina afartan sannadood wuu xasilloonaa.
21Markaasuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Siixon iyo dadkiisii oo dhanba ku riday gacantii reer binu Israa'iil oo iyana way laayeen iyagii; oo sidaasay reer binu Israa'iil ku hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan iyo dadkii waddankaasba.
24Oo waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Sida runta Rabbigu dalka oo dhan gacmaheennuu geliyey, oo weliba, kuwa dalka deggan oo dhammu horteenay ku dhalaalayaan kulligood.
20ilaa uu Rabbigu nasiyo walaalihiin siduu idiin nasiyey oo kale, oo iyana ay hantiyaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu iyaga ka siinayo Webi Urdun shishadiisa, markaas ninkiin waluba ha ku soo noqdo hantidiisa aan siiyey.
24Oo boqorradooda wuxuu soo gelin doonaa gacantiinna, oo magacooda waa inaad ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo ninnaba ma awoodi doono inuu hortiinna istaago jeeraad iyaga wada baabbi'isaan.
4Oo Rabbigu wuxuu quruumahaas ku samayn doonaa siduu ugu sameeyey Siixon iyo Coog iyo dalkoodiiba, kuwaas oo ahaa boqorradii reer Amor ee uu baabbi'iyey.
5Oo Rabbigu iyaga gacantiinna buu soo gelin doonaa, oo waa inaad ku samaysaan siduu yahay amarkii aan idinku amray oo dhan.
24Markaasay carruurtii dalkii galeen oo hantiyeen, oo waxaad ka hoosaysiisay dadkii dalka degganaa oo ahaa reer Kancaan, waanad gelisay gacmahoodii, iyagii iyo boqorradoodii iyo dadyowgii dalka degganaaba, inay iyaga ku sameeyaan wax alla waxay doonayaan.
8Oo Rabbigu wuxuu iyagii geliyey gacantii reer binu Israa'iil, oo way laayeen, oo waxay u eryadeen xagga Siidoonta weyn, iyo xagga Misrefood Mayim, iyo xagga dooxadii Misfaah oo bari xigta, oo way laayeen ilaa aanay waxba ka reebin.
25Oo ninnaba ma awoodi doono inuu idin hor istaago, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dalkii aad cag marin doontaan oo dhan saari doonaa cabsidiinna iyo naxdintiinna, siduu idiin sheegay.
42Oo boqorradaas iyo dalkoodii oo dhan Yashuuca isku mar buu wada qabsaday, maxaa yeelay, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil baa u diriray reer binu Israa'iil.
19oo aad cadaawayaashiinna oo dhan hortiinna ka eridaan sidii Rabbigu idiin sheegay.
11Oo idinku waxaad ka soo gudubteen Webi Urdun oo aad timaadeen Yerixoo, oo dadkii reer Yerixoo way idinla dagaallameen, kuwaasu waxay ahaayeen reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo anna dhammaantood gacantaan idiin geliyey.
12Oo dalkoodiina dhaxal ahaan buu u bixiyey, Oo wuxuu dhaxal u siiyey dadkiisa reer binu Israa'iil.
4Laakiinse haatan Rabbigu waa iga nasiyey dhinac kastaba, oo lama arko cadow iyo wax xun toona.
39laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo isna wuxuu idinka samatabbixin doonaa gacanta cadaawayaashiinna oo dhan.
11Dabadeedna Rabbigu wuxuu soo diray Yerubbacal, iyo Bedaan, iyo Yeftaah, iyo Samuu'eel, oo idinka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiinnii dhan walba idinka jiray, oo ammaan baad ku degganaateen.
30Sidaasay reer Moo'aab ku hoos galeen reer binu Israa'iil; dalkiina wuu xasilloonaa siddeetan sannadood.
21ayaa dadkii oo dhammu nabdoonaan ku soo noqdeen Yashuuca oo joogay xeradii ku tiil Maqeedaah, oo mid qudh ahu afka uma kala qaadin reer binu Israa'iil.
3oo idinkuna waad aragteen kulli wixii Rabbigu quruumahan oo dhan ku sameeyey idinka aawadiin; waayo, kan idiin diriray waa Rabbiga Ilaahiinna ah.
36Oo magaalo inagu adag laguma arag tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon qarkeeda, iyo tan iyo magaalada dooxada ku dhex taal iyo tan iyo Gilecaad, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa kulligood gacanta inoo geliyey.
6Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.
15Oo meel kasta oo ay tageenba gacanta Rabbigu dhib bay u ahayd, sidii Rabbigu ku hadlay, iyo sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay; oo iyana aad bay u dhibaataysnaayeen.
25Markaasaa Yashuuca wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, hana qalbi jabina; xoog yeesha oo aad u dhiirranaada; waayo, Rabbigu sidaasuu u geli doonaa cadaawayaashiinna aad la diriraysaan oo dhan.
15Oo weliba gacantii Rabbigu iyaga gees bay ka ahayd, si iyaga looga wada baabbi'iyo xerada dhexdeeda jeeray wada baabba'aan.
22Oo iyagaad siisay dalkan aad awowayaashood ugu dhaaratay inaad iyaga siinaysid kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan,
1¶ Oo boqorradii reer Amor oo dhan oo joogay Webi Urdun xaggiisa shishe oo galbeed, iyo boqorradii reer Kancaan oo dhan oo badda dhinaceeda degganaa, markay maqleen sida Rabbigu biyihii Webi Urdun u engejiyey reer binu Israa'iil hortooda ilaa aannu soo wada gudubnay, ayay wada dhalaaleen, oo xoog dambena kuma jirin, reer binu Israa'iil aawadood.
6Oo isagu dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay magaalooyin deyr leh, maxaa yeelay, dalku wuu xasilloonaa oo isaguna dagaal ma gelin sannadahaas, waayo, Ilaah baa isaga nasiyey.