2 Taariikhdii 14:6
Oo isagu dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay magaalooyin deyr leh, maxaa yeelay, dalku wuu xasilloonaa oo isaguna dagaal ma gelin sannadahaas, waayo, Ilaah baa isaga nasiyey.
Oo isagu dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay magaalooyin deyr leh, maxaa yeelay, dalku wuu xasilloonaa oo isaguna dagaal ma gelin sannadahaas, waayo, Ilaah baa isaga nasiyey.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
7Oo wuxuu dadkii Yahuudah ku yidhi, Kaalaya aan magaalooyinkan dhisnee oo aan u yeelno derbiyo, iyo munaarado, iyo irdo, iyo qataarro; dalku weli waa ina hor yaal, maxaa yeelay, waxaynu doondoonnay Rabbiga Ilaaheenna ah; isagaynu doondoonnay, oo isna dhan kasta ayuu inaga nasiyey. Markaasay magaalooyinkii dhiseen, wayna liibaaneen.
5Oo haddana magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan wuxuu ka baabbi'iyey meelihii sarsare iyo sanamyadii qorraxda, oo boqortooyaduna isaga hortiisa way ku xasilloonayd.
30Sidaas daraaddeed Yehooshaafaad boqortooyadiisii way xasilloonayd, waayo, Ilaahiis ayaa ka nasiyey hareerihiisa oo dhan.
6Markaasuu baxay oo reer Falastiin la dagaallamay, oo wuxuu dumiyey derbigii Gad, iyo derbigii Yabneh, iyo derbigii Ashdood, oo wuxuu magaalooyin ka dhisay waddankii reer Ashdood iyo reer Falastiin dhexdoodaba.
4Oo haddana wuxuu magaalooyin ka dhisay dalka Yahuudah oo buuraha leh, oo kaynta dhexdeedana wuxuu ka dhisay qalcado iyo munaarado.
12Oo Yehooshaafaadna aad iyo aad buu u sii weynaaday, oo wuxuu dalka Yahuudah ka dhex dhisay qalcado iyo magaalooyin wax lagu kaydiyo.
13Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaa loogu dhex sameeyey shuqullo badan, oo Yeruusaalemna waxaa u joogay rag dagaalyahan ah oo xoog badan.
7oo isaga ha nasinina jeeruu Yeruusaalem dhiso oo ammaan dhulka kaga dhigo,
3Waad og tahay in aabbahay Daa'uud guri u dhisi kari waayay magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, dagaalladii dhinac kasta kaga wareegsanaa aawadood, ilaa Rabbigu u wada geliyey cagihiisa hoostooda.
4Laakiinse haatan Rabbigu waa iga nasiyey dhinac kastaba, oo lama arko cadow iyo wax xun toona.
9Oo bal eeg, waxaa kuu dhalan doona wiil, kaasoo ahaan doona nin nasasho, oo waxaan ka nasin doonaa cadaawayaashiisa ku wareegsan oo dhan, oo isaga magiciisu wuxuu ahaan doonaa Sulaymaan, oo wakhtigiisa waxaan reer binu Israa'iil siin doonaa nabad iyo xasilloonaan.
25Waayo, Daa'uud wuxuu yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil dadkiisuu nasiyey, oo weligiis wuxuu deggan yahay Yeruusaalem.
1¶ Oo waxay noqotay markii boqorkii gurigiisii degay oo uu Rabbigu nasasho ka siiyey cadaawayaashiisii ku wareegsanaa oo dhan,
14¶ Haddaba waxyaalahaas ka dib magaaladii Daa'uud dibaddeeda ayuu ka dhisay derbi xagga Giixoon dhankeedii galbeed iyo dooxada dhexdeedii iyo xataa meesha laga galo Iriddii Kalluunka, oo wuxuu ka soo wareejiyey Cofel, oo aad iyo aad buu kor ugu dheereeyey, oo magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhanna wuxuu fadhiisiyey saraakiishii ciidanka.
5¶ Oo Rexabcaamna wuxuu iska degganaa Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ayuu magaalooyin qalcado leh ka dhisay.
10Oo boqortooyooyinkii dalalkii ku wareegsanaa dalka Yahuudah oo dhan waxaa ku dhacday Rabbiga cabsidiisii, oo sidaas daraaddeed iyagu Yehooshaafaad lama ayan diririn.
15Oo waagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac; oo Arbacna wuxuu ahaa ninkii ugu weynaa reer Canaaq. Oo dalkiina dagaal wuu ka xasillay.
44Oo Yehooshaafaadna nabad buu la dhigtay boqorkii dalka Israa'iil.
10iyo Sorcaah, iyo Ayaaloon, iyo Xebroon, oo dhammaantood ku yaal dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin, waxayna wada ahaayeen magaalooyin deyr leh.
11Oo isagu qalcadihii ayuu xoogeeyey oo wuxuu halkaas fadhiisiyey saraakiil, wuxuuna ku kaydiyey cunto iyo saliid iyo khamri.
12Oo magaalo kasta wuxuu dhigay gaashaammo iyo warmo, kulligoodna aad buu u xoogeeyey. Oo dalka Yahuudah iyo dalka Benyaamiinna isagaa iska lahaa.
18Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War sow Rabbiga Ilaahiinna ahu idinlama jiro? Oo sow dhan kastaba nasasho idinkama siin? Waayo, dadyowgii dalka degganaa oo dhan ayuu soo geliyey gacantayda, oo dalkiina waxaa lagu jebshay Rabbiga iyo dadkiisa hortooda.
6Oo anigu waxaan dalka idinku siin doonaa nabaadiino, oo idinna waad iska jiifsan doontaan, oo waxba idinma cabsiin doonaan, oo anna dugaagga xun dalkiinna waan ka baabbi'in doonaa, oo seefuna dalkiinna innaba ma dhex mari doonto.
22Oo isna Eelad wuu dhisay oo dalka Yahuudah u soo celiyey markii boqorkii dhintay oo la seexday awowayaashiis dabadeed.
11iyo tan iyo maalintii aan xaakinno ku amray inay dadkayga reer binu Israa'iil u taliyaan. Oo adiga waan kaa nasin doonaa cadaawayaashaada oo dhan. Oo weliba Rabbigu wuxuu kuu sheegayaa inuu reer kuu yeeli doono.
24Waayo, isagaa xukumay Webiga dhankiisan oo dhan, marka laga bilaabo Tifsax iyo ilaa Gaasa, iyo kulli boqorradii webiga dhankiisan joogay oo dhan; oo hareerihiisa oo dhanna nabad buu la ahaa.
25Oo wakhtigii Sulaymaan oo dhan dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna ammaan bay ku degganaayeen, oo nin waluba wuxuu hoos fadhiyey geedkiisii canabka ahaa iyo geedkiisii berdaha ahaa marka laga bilaabo Daan iyo xataa ilaa Bi'ir Shebac.
18Oo dadkayguna waxay joogi doonaan rug nabaadiino, iyo hoyaal ammaan ah, iyo meelo xasilloon oo lagu nasto.
5Markaasuu isdhiirrigeliyey, oo dhisay derbigii dunsanaa oo dhan, oo kor u gaadhsiiyey tan iyo munaaradihii, wuxuuna dhisay derbi kaloo dibadda ah, oo xoogeeyey Millo oo ku dhex tiil magaaladii Daa'uud, oo sameeyey hub dagaal iyo gaashaammo faro badan.
6Oo taladii dadkana wuu u dhiibay saraakiil dagaalka yaqaan, oo dhammaantoodna wuxuu ku soo wada urursaday meeshii bannaanayd oo magaalada iriddeeda u dhowayd, wuuna dhiirrigeliyey oo ku yidhi,
4Oo isagu wuxuu qabsaday magaalooyinkii deyrka lahaa ee dalka Yahuudah, oo haddana wuxuu yimid Yeruusaalem.
5Oo weliba wuxuu kaloo dhisay Beytxooroontii sare iyo Beytxooroontii hooseba, wuxuuna ka dhigay magaalooyin deyr leh oo ay derbiyo ku wareegsan yihiin oo irdo iyo qataarroba leh,
2Oo wuxuu ciidan fadhiisiyey magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, oo rugo askareedna ayuu dhex dhigay dalkii Yahuudah iyo weliba magaalooyinkii reer Efrayim oo aabbihiis Aasaa uu mar hore qabsaday.
7Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda, Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.
19Oo dagaal dambena ma jirin ilaa sannaddii shan iyo soddonaad ee Aasaa boqornimadiisii.
5Oo dalkii oo dhan iyo magaalooyinkii deyrka lahaa oo dadka Yahuudah wuxuu magaalo ka magaalo fadhiisiyey xaakinno.
5Oo waayahaas oo dhanna nabadu uma jirin kii dibadda u baxa iyo kii gudaha soo gala toona, laakiinse dadka dalalka deggan oo dhan waxaa kor saarnaa dhibaatooyin waaweyn.
14Oo magaalooyinkii reer Falastiin ay ka qabsadeen reer binu Israa'iil waa loo soo celiyey reer binu Israa'iil, oo waxay ahaayeen Ceqroon iyo xataa tan iyo Gad; oo xuduudkeedii reer binu Israa'iil waa kala soo baxeen gacantii reer Falastiin. Oo reer binu Israa'iil iyo reer Amorna nabad baa u dhexaysay.
29Oo weliba wuxuu dhistay magaalooyin, oo wuxuu urursaday ido iyo lo' faro badan, waayo, Rabbigu wuxuu isaga siiyey maal aad u badan.
1¶ Markaasaa Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah nabad ugu noqday gurigiisa Yeruusaalem ku yaal.
7Dunida oo dhammu way nasan tahay oo way xasilloon tahay, farxad baana lala gabyayaa.
44Oo Rabbigu wuxuu iyagii ka nasiyey dadkii ku wareegsanaa, siduu awowayaashood ugu dhaartay oo dhan: oo nin cadaawayaashoodii oo dhan ka mid ihi hortooda isma taagin, oo Rabbigu cadaawayaashoodii oo dhan gacantuu u soo geliyey.
23Sidaasuu Yashuuca u wada qabsaday dalkii oo dhan, oo wuxuu wada yeelay sidii Rabbigu kula hadlay Muuse; oo Yashuuca wuxuu dalkii dhaxal u siiyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu ugu qaybiyey sidii qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo dalkiina dagaal wuu ka nastay.
8Oo wuxuu dhisay magaalada hareeraheedii, iyo tan iyo Millo wareeggeeda. Oo Yoo'aabna wuxuu cusboonaysiiyey magaalada inteedii kale.
2Oo isna Eelood wuu dhisay oo dalka Yahuudah u soo celiyey markii boqorkii dhintay oo la seexday awowayaashiis dabadeed.
10Laakiinse markaad Webi Urdun ka gudubtaan oo aad degtaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin dhaxalsiinayo, oo uu idinka nasiyo cadaawayaashiinna idinku wareegsan oo dhan, si aad ammaan ugu degganaataan,
5Oo sidaas daraaddeed Rabbigu boqortooyadii gacantiisuu ku xoogeeyey, oo dadkii Yahuudah oo dhammuna Yehooshaafaad ayay hadiyado u keeni jireen, oo isagu wuxuu lahaa maal iyo sharaf badan.
50oo sidii Rabbigu ku amray waxay isagii siiyeen magaaladii uu weyddiistay taasoo ahayd Timnad Serah oo ku tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim; markaasuu magaaladii dhistay oo dhex degay.