2 Taariikhdii 32:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu isdhiirrigeliyey, oo dhisay derbigii dunsanaa oo dhan, oo kor u gaadhsiiyey tan iyo munaaradihii, wuxuuna dhisay derbi kaloo dibadda ah, oo xoogeeyey Millo oo ku dhex tiil magaaladii Daa'uud, oo sameeyey hub dagaal iyo gaashaammo faro badan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 25:23 : 23 Oo Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, kaasoo ahaa ina Yoo'aash ina Yehoo'aaxaas, ku qabtay Beytshemesh, oo intuu Yeruusaalem u soo kaxeeyey ayuu dumiyey derbigii Yeruusaalem tan iyo iriddii Efrayim iyo ilaa iriddii geeska ahayd, intaasoo ahayd afar boqol oo dhudhun.
  • 1 Boq 9:24 : 24 Laakiinse gabadhii Fircoon waxay ka soo baxday magaaladii Daa'uud, oo gashay gurigeedii uu Sulaymaan iyada u dhisay; markaasuu haddana wuxuu dhisay Millo.
  • 2 Sam 5:9 : 9 Oo Daa'uudna qalcaddii ayuu degay, wuxuuna u bixiyey magaaladii Daa'uud. Oo Daa'uudna wuxuu dhisay hareeraheedii iyo tan iyo Millo ilaa gudaha.
  • 2 Boq 25:4 : 4 Markaasaa meel magaalada ahayd la jebiyey, oo raggii dagaalka oo dhammu intay habeennimo carareen ayay mareen jidkii iriddii u dhexaysay labada derbi oo ku ag tiil beertii boqorka; oo boqorkiina wuxuu maray jidkii Caraabaah. (Haddaba reer Kaldayiin waxay ku wareegsanaayeen magaalada.)
  • Ish 22:9-9 : 9 Oo weliba waxaad aragteen in daldaloolka magaalada Daa'uud ay badan yihiin, oo waxaad isku soo wada ururiseen biyihii balliga hoose. 10 Oo waxaad tiriseen guryihii Yeruusaalem, oo waxaad guryihii u dumiseen inaad derbiga adkaysaan.
  • Yer 39:4 : 4 Oo Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah iyo raggii dagaalka oo dhammuba markay iyagii arkeen ayay carareen, oo waxay goor habeennimo ah magaaladii kaga bexeen jidkii beerta boqorka ee u dhowaa iriddii labada derbi u dhaxaysay, oo isna wuxuu maray jidkii Caraabaah.
  • 2 Taar 26:8 : 8 Oo reer Cammoonna waxay Cusiyaah siin jireen gabbaro, oo magiciisiina wuxuu ku faafay oo gaadhay xataa meesha Masar laga galo, maxaa yeelay, aad iyo aad buu u xoogaystay.
  • 2 Taar 26:14-15 : 14 Oo Cusiyaah wuxuu ciidankii oo dhan u diyaariyey gaashaammo iyo warmo, iyo koofiyado bir ah, iyo jubbado bir ah, iyo qaansooyin, iyo dhagaxyada la wadhfiyo. 15 Oo Yeruusaalemna wuxuu ku sameeyey makiinado ay soo hindiseen rag saanacyo ahu, oo alaabtaas waxaa la saari jiray munaaradaha iyo geesaska derbiyada, in iyaga laga gano fallaadho iyo dhagxan waaweynba. Oo weliba magiciisii aad iyo aad buu u sii faafay oo meel fog gaadhay, maxaa yeelay, ilaa uu xoogaystay si yaab leh ayaa loo caawiyey.
  • 2 Taar 12:1 : 1 ¶ Markii boqortooyadii Rexabcaam ay dhisantay oo uu xoogaystay ayuu ka tegey sharcigii Rabbiga, iyadoo ay reer binu Israa'iil oo dhammuba la jiraan.
  • 2 Taar 14:5-7 : 5 Oo haddana magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan wuxuu ka baabbi'iyey meelihii sarsare iyo sanamyadii qorraxda, oo boqortooyaduna isaga hortiisa way ku xasilloonayd. 6 Oo isagu dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay magaalooyin deyr leh, maxaa yeelay, dalku wuu xasilloonaa oo isaguna dagaal ma gelin sannadahaas, waayo, Ilaah baa isaga nasiyey. 7 Oo wuxuu dadkii Yahuudah ku yidhi, Kaalaya aan magaalooyinkan dhisnee oo aan u yeelno derbiyo, iyo munaarado, iyo irdo, iyo qataarro; dalku weli waa ina hor yaal, maxaa yeelay, waxaynu doondoonnay Rabbiga Ilaaheenna ah; isagaynu doondoonnay, oo isna dhan kasta ayuu inaga nasiyey. Markaasay magaalooyinkii dhiseen, wayna liibaaneen.
  • 2 Taar 17:1-2 : 1 ¶ Oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Yehooshaafaad, oo wuxuu u xoogaystay si uu dadka Israa'iil isaga daafaco. 2 Oo wuxuu ciidan fadhiisiyey magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, oo rugo askareedna ayuu dhex dhigay dalkii Yahuudah iyo weliba magaalooyinkii reer Efrayim oo aabbihiis Aasaa uu mar hore qabsaday.
  • 2 Taar 23:1 : 1 ¶ Haddaba sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac xoog isgeliyey oo wuxuu soo kaxaystay oo axdi la dhigtay boqol-u-taliyayaashii ahaa Casaryaah ina Yeroxaam, iyo Ismaaciil ina Yehooxaanaan, iyo Casaryaah ina Coobeed, iyo Macaseeyaah ina Cadaayaah, iyo Eliishaafaad ina Sikrii.
  • Xaak 9:6 : 6 ¶ Markaasaa waxaa soo shiray oo isku soo ururay dadkii Shekem oo dhan iyo reer Millo oo dhan, oo intay tageen ayay Abiimeleg boqor ka dhigteen, oo waxay ku ag boqreen geedkii tiirkii ku yiil Shekem.
  • 1 Boq 11:27 : 27 Tanu waxa weeye sababtii uu boqorkii gacanta ugu qaaday: Sulaymaan wuxuu dhisay Millo, oo uu hagaajiyey dildillaacii magaaladii aabbihiis Daa'uud.
  • 2 Boq 12:20 : 20 Oo addoommadiisii intay ku kaceen ayay sirqooleen, oo waxay Yoo'aash ku dileen guriga Millo agtiisa oo ku ag yiil jidka u kaca xagga Sillaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 6Oo taladii dadkana wuu u dhiibay saraakiil dagaalka yaqaan, oo dhammaantoodna wuxuu ku soo wada urursaday meeshii bannaanayd oo magaalada iriddeeda u dhowayd, wuuna dhiirrigeliyey oo ku yidhi,

  • 14¶ Haddaba waxyaalahaas ka dib magaaladii Daa'uud dibaddeeda ayuu ka dhisay derbi xagga Giixoon dhankeedii galbeed iyo dooxada dhexdeedii iyo xataa meesha laga galo Iriddii Kalluunka, oo wuxuu ka soo wareejiyey Cofel, oo aad iyo aad buu kor ugu dheereeyey, oo magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhanna wuxuu fadhiisiyey saraakiishii ciidanka.

  • 77%

    7Oo Daa'uudna qalcaddii ayuu degay, oo sidaas daraaddeed waxaa loo bixiyey magaaladii Daa'uud.

    8Oo wuxuu dhisay magaalada hareeraheedii, iyo tan iyo Millo wareeggeeda. Oo Yoo'aabna wuxuu cusboonaysiiyey magaalada inteedii kale.

  • 77%

    11Oo isagu qalcadihii ayuu xoogeeyey oo wuxuu halkaas fadhiisiyey saraakiil, wuxuuna ku kaydiyey cunto iyo saliid iyo khamri.

    12Oo magaalo kasta wuxuu dhigay gaashaammo iyo warmo, kulligoodna aad buu u xoogeeyey. Oo dalka Yahuudah iyo dalka Benyaamiinna isagaa iska lahaa.

  • 9Oo Daa'uudna qalcaddii ayuu degay, wuxuuna u bixiyey magaaladii Daa'uud. Oo Daa'uudna wuxuu dhisay hareeraheedii iyo tan iyo Millo ilaa gudaha.

  • 6Markaasuu baxay oo reer Falastiin la dagaallamay, oo wuxuu dumiyey derbigii Gad, iyo derbigii Yabneh, iyo derbigii Ashdood, oo wuxuu magaalooyin ka dhisay waddankii reer Ashdood iyo reer Falastiin dhexdoodaba.

  • 9Oo weliba Cusiyaah wuxuu Yeruusaalem ka dhisay oo xoogeeyey munaarado, oo waxay ku yiilleen iriddii geeska, iyo iriddii dooxada, iyo meesha derbigu ka leexdo.

  • 74%

    3Oo isagu wuxuu dhisay iriddii sare oo guriga Rabbiga, oo derbigii Cofel dushiisana wax badan buu ka dhisay.

    4Oo haddana wuxuu magaalooyin ka dhisay dalka Yahuudah oo buuraha leh, oo kaynta dhexdeedana wuxuu ka dhisay qalcado iyo munaarado.

  • 73%

    3ayuu amiirradiisii iyo raggiisii xoogga badnaa kula tashaday in la wada awdo ilaha biyaha ah oo magaalada dibaddeeda ku yaal, oo iyana way caawiyeen.

    4Sidaas aawadeed waxaa isu soo ururay dad badan, wayna wada awdeen ilihii biyaha ahaa oo dhan iyo durdurkii waddanka dhex mari jiray, oo waxay isyidhaahdeen, Bal boqorrada dalka Ashuur intay yimaadaan maxay biyo badan u helayaan?

  • 73%

    14Oo Cusiyaah wuxuu ciidankii oo dhan u diyaariyey gaashaammo iyo warmo, iyo koofiyado bir ah, iyo jubbado bir ah, iyo qaansooyin, iyo dhagaxyada la wadhfiyo.

    15Oo Yeruusaalemna wuxuu ku sameeyey makiinado ay soo hindiseen rag saanacyo ahu, oo alaabtaas waxaa la saari jiray munaaradaha iyo geesaska derbiyada, in iyaga laga gano fallaadho iyo dhagxan waaweynba. Oo weliba magiciisii aad iyo aad buu u sii faafay oo meel fog gaadhay, maxaa yeelay, ilaa uu xoogaystay si yaab leh ayaa loo caawiyey.

  • Ish 22:9-10
    2 aayado
    72%

    9Oo weliba waxaad aragteen in daldaloolka magaalada Daa'uud ay badan yihiin, oo waxaad isku soo wada ururiseen biyihii balliga hoose.

    10Oo waxaad tiriseen guryihii Yeruusaalem, oo waxaad guryihii u dumiseen inaad derbiga adkaysaan.

  • 27Tanu waxa weeye sababtii uu boqorkii gacanta ugu qaaday: Sulaymaan wuxuu dhisay Millo, oo uu hagaajiyey dildillaacii magaaladii aabbihiis Daa'uud.

  • 1¶ Kii wax burburinayay waa u soo baxay hortiinna. Qalcaddiinna dhawra, oo jidka ilaaliya, oo guntiga isku giijiya, oo xooggiinnana si weyn u adkeeya.

  • 5Wuxuu xusuustaa geesiyaashiisii, way turunturoodaan markay socdaan, oo derbigay ku degdegayaan, gabbaadkana waa la diyaariyey.

  • Nex 3:19-20
    2 aayado
    70%

    19Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Ceser ina Yeeshuuca oo ahaa taliyihii Misfaah, taas oo ahayd meel ka soo hor jeedda meesha loo fuulo maqsinka hubka oo ku ag yiil meeshuu derbigu ka leexdo.

    20Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa dadaal ku cusboonaysiiyey Baaruug ina Sabbay, tan iyo leexashada derbiga iyo ilaa albaabkii guriga Eliyaashiib oo ahaa wadaadka sare.

  • 5Oo weliba wuxuu kaloo dhisay Beytxooroontii sare iyo Beytxooroontii hooseba, wuxuuna ka dhigay magaalooyin deyr leh oo ay derbiyo ku wareegsan yihiin oo irdo iyo qataarroba leh,

  • 70%

    6Oo isagu dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay magaalooyin deyr leh, maxaa yeelay, dalku wuu xasilloonaa oo isaguna dagaal ma gelin sannadahaas, waayo, Ilaah baa isaga nasiyey.

    7Oo wuxuu dadkii Yahuudah ku yidhi, Kaalaya aan magaalooyinkan dhisnee oo aan u yeelno derbiyo, iyo munaarado, iyo irdo, iyo qataarro; dalku weli waa ina hor yaal, maxaa yeelay, waxaynu doondoonnay Rabbiga Ilaaheenna ah; isagaynu doondoonnay, oo isna dhan kasta ayuu inaga nasiyey. Markaasay magaalooyinkii dhiseen, wayna liibaaneen.

  • 9Wuxuu derbiyadaada ku tumi doonaa wax lagu jejebiyo, oo munaaradahaagana wuxuu ku dumin doonaa faasaskiisa.

  • Nex 4:17-18
    2 aayado
    70%

    17Oo kuwii derbiga dhisayay iyo kuwii wax culus isa saarayba mid waluba gacmihiisa middood wuxuu ku sameeyey shuqulkii, midda kale wuxuu ku haystay hubkiisii dagaalka.

    18Oo kuwii wax dhisayayna mid walba seeftiisu dhinaca ayay ugu xidhnayd, oo sidaasayna wax u dhisayeen. Oo kii buunka yeedhin jirayna aniguu i ag joogay.

  • Nex 4:6-7
    2 aayado
    70%

    6Haddaba derbigii waannu dhisnay; oo derbigii oo dhan waa lays qabadsiiyey ilaa qotonkiisii badhkiis la gaadhsiiyey, waayo dadku waxay maanka ku hayeen inay shaqeeyaan.

    7¶ Laakiinse markii Sanballad, iyo Toobiyaah, iyo kuwii Carbeed, iyo reer Cammoon, iyo reer Ashdood ay maqleen in derbiyadii Yeruusaalem cusboonaysiintoodii ay hore u socotay iyo in la bilaabay in daldaloolladii la fureeyo ayay aad u cadhoodeen.

  • 15¶ Oo sababtii uu Sulaymaan shaqaalayaashii u doortay waxay ahayd inuu dhiso gurigii Rabbiga, iyo gurigii uu isagu lahaa, iyo Millo, iyo derbigii Yeruusaalem, iyo Xaasoor, iyo Megiddoo, iyo Geser.

  • Nex 3:15-16
    2 aayado
    69%

    15Iriddii Isha biyaha ahna waxaa cusboonaysiiyey Shalluun ina Kaalxoseh oo ahaa taliyihii degmada Misfaah, wuu dhisay oo deday, oo wuxuu qotomiyey albaabbadeedii oo geliyey handarraabbadeedii iyo qataarradeedii, oo derbigii Warta Shelax oo beerta boqorka u dhowaana wuu dhisay, oo wuxuu gaadhsiiyey tan iyo jaranjarada hoos uga degata magaalada Daa'uud.

    16Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Nexemyaah ina Casbuuq oo ahaa taliyihii degmada Beytsuur badhkiis, oo isagu wuxuu dhisay tan iyo meesha ka soo hor jeedda xabaalihii Daa'uud, iyo tan iyo balligii la sameeyey, iyo tan iyo gurigii ragga xoogga badan.

  • 2oo iyada weerar, qalcadona ku hareeree, oo tuulmona ku tuul, oo xerooyinna hareereheeda ka dhis, oo wax lagu dumiyona ku wareeji.

  • 30Oo Xisqiyaahaas qudhiisa ayaa awday biyihii Giixoon ishoodii sare, oo wuxuu hoos ugu soo toosiyey magaaladii Daa'uud dhankeedii galbeed. Oo Xisqiyaahna wuu ku liibaanay shuqulladiisii uu sameeyey oo dhan.

  • 38Oo kooxdii kale oo kuwa mahadda naqaa waxay u kaceen inay ka hor tagaan, oo anna iyagaan daba socday; aniga iyo dadkii badhkiis waxaannu soconnay derbiga korkiisa, xagga ka sarraysa Munaaradda Foornooyinka iyo xataa tan iyo derbiga ballaadhan,

  • 13Haddaba sidaas daraaddeed meeshii ugu hoosaysay oo derbiga ka dambaysay oo meelaha bannaan ku yiil ayaan taagay dadkii qoloqolo u safan oo wada haysta seefahoodii, iyo warmahoodii, iyo qaansooyinkoodiiba.

  • 15Oo intay yimaadeen ayay isagii ku hareereeyeen Aabeel oo ku taal Beytmacakaah, oo taallo ciid ah ayay derbigii magaalada ag tuuleen, ilaa ay qarkii ugu sarreeyey gaadhsiiyeen; oo dadkii Yoo'aab la socday oo dhammuna aad bay u garaacayeen derbigii magaalada si ay u dumiyaan.

  • 2Markaasuu ka hor hadlay walaalihiis iyo ciidankii Samaariya, oo wuxuu yidhi, War Yuhuuddan itaalka daranu waxay samaynayaan waa maxay? Iyaga ma la daynayaa? Oo miyey allabaryayaan? Oo ma maalin bay hawshaas ku dhammaynayaan? Oo dhagxantii miyey ka soo noolaynayaan tuulmooyinkii waxyaalaha baabba'ay oo gubtay?

  • 18Waayo, bal eeg, maanta waxaan kaa dhigay magaalo deyr leh, iyo tiir bir ah, iyo derbiyo naxaas ah, oo dalka oo dhan col ku ah, oo col ku ah boqorrada dalka Yahuudah, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo dadka dalka oo dhanba.

  • 14Biyo u soo dhaanso hareeraynta aawadeed, oo qalcadahaagana adkee. Dhoobada dhex gal, oo dhigada ku joogjoogso, oo xoog u yeel meesha lebenka lagu dubo.

  • 8Oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Cusii'eel oo ahaa ina Xarhayaah oo ka mid ahaa dahabtumayaashii. Oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xananyaah oo ka mid ahaa dawosameeyayaashii, oo waxay Yeruusaalem adkeeyeen tan iyo derbiga ballaadhan.

  • 15iyo munaarad kasta oo dheer, iyo derbi kasta oo deyr leh,

  • 12Oo Yehooshaafaadna aad iyo aad buu u sii weynaaday, oo wuxuu dalka Yahuudah ka dhex dhisay qalcado iyo magaalooyin wax lagu kaydiyo.

  • 24Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Binnuwii ina Xeenaadaad, taas oo ka bilaabmaysay gurigii Casaryaah ilaa meeshuu derbigu ka leexdo iyo tan iyo derbiga geeskiisii.

  • 12iyo wastaadyadii, iyo kuwii dhagaxyada qori jiray, waxayna u bixiyeen in lagu iibiyo alwaax iyo dhagaxyo la qoray si loogu dhiso meelihii guriga Rabbiga ka jajabnaa, iyo wax kasta oo loo bixiyey in guriga lagu dhiso.

  • 18Oo iyagoo afkii Yuhuudda ku hadlaya ayay cod weyn ugu dhawaaqeen dadkii reer Yeruusaalem oo derbiga kor joogay inay iyaga cabsiiyaan oo ay wareeriyaan si ay iyagu magaalada u qabsadaan.