Yashuuca 8:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Waranka gacantaada ku jira xagga Aacii ku taag, waayo, adigaan gacanta kuu gelin doonaa Aacii. Markaasaa Yashuuca warankii gacantiisa ku jiray wuxuu ku taagay xaggii magaalada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 8:26 : 26 Waayo, Yashuuca gacantii uu waranka ku taagay dib uma celin ilaa uu wada baabbi'iyey dadkii Aacii degganaa oo dhan.
  • 1 Sam 17:6 : 6 Oo lugahana waxaa ugu xidhnaa naxaas, garbaha dhexdoodana naxaas kale.
  • 1 Sam 17:41 : 41 Oo ninkii reer Falastiinna Daa'uud buu u soo dhowaaday; ninkii gaashaanka u sidayna wuu hor socday.
  • 1 Sam 17:45 : 45 Markaasuu Daa'uud kii reer Falastiin ku yidhi, Adigu waxaad ii soo qaadatay seef iyo waran iyo hoto; aniguse waxaan kuula imid magaca Rabbiga ciidammada, kaasoo ah Ilaaha ciidammada reer binu Israa'iil ee aad caraysiisay.
  • Ayuub 15:25 : 25 Maxaa yeelay, isagu gacantiisuu Ilaah ku taagay, Oo Ilaaha Qaadirka ah kibir buu ku caasiyaa.
  • Ayuub 39:23 : 23 Korkiisa waxaa ka sanqadha gabooye, Iyo waran birbirqaya iyo hoto.
  • Bax 8:5 : 5 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Gacanta adoo ushaada ku haysta ku fidi webiyaasha dushooda, iyo durdurrada dushooda, iyo balliyada dushooda, oo rahyo ku soo daa dalka Masar.
  • Bax 14:16 : 16 Oo adigu ushaada kor u qaad, oo gacanta badda ku kor fidi, oo kala goo; oo reer binu Israa'iil waxay mari doonaan badda dhexdeeda oo ay ku socon doonaan dhul engegan.
  • Bax 17:9-9 : 9 Markaasaa Muuse wuxuu Yashuuca ku yidhi, Rag inoo dooro, oo la bax, oo reer Camaaleq la dirir. Berrito waxaan istaagi doonaa buurta dusheeda, anigoo gacanta ku haysta ushii Ilaah. 10 Kolkaasaa Yashuuca yeelay sidii Muuse ku yidhi, oo wuxuu la diriray reer Camaaleq. Markaasaa Muuse iyo Haaruun iyo Xuur waxay koreen ilaa buurta dusheedii. 11 Oo markii Muuse gacanta kor u taagayba, waxaa adkaaday reer binu Israa'iil; markuu gacanta dejiyeyna, waxaa adkaaday reer Camaaleq. 12 Laakiinse Muuse gacmihiisu way cuslaayeen; kolkaasay waxay soo qaadeen dhagax, oo Muuse u saldhigeen, isna kolkaasuu ku fadhiistay; Haaruun iyo Xuurna gacmihiisii bay sare u hayeen, intuu midba dhinac ka maray, oo gacmihiisiina way xoogeeyeen ilaa ay qorraxdii dhacday.
  • Yash 8:7 : 7 Oo markaas waa inaad gaadmada ka timaadaan, oo aad magaalada qabsataan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta idiin gelin doona iyada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 8:26-29
    4 aayado
    85%

    26Waayo, Yashuuca gacantii uu waranka ku taagay dib uma celin ilaa uu wada baabbi'iyey dadkii Aacii degganaa oo dhan.

    27Oo reer binu Israa'iil waxay keliyahoo dheceen xoolihii iyo alaabtii magaalada, sidii erayga Rabbiga uu Yashuuca ku amray ahaa.

    28Sidaasaa Yashuuca u gubay Aacii, oo wuxuu ka dhigay tuulmo cidla weligeed ah ilaa maantadan la joogo.

    29Oo boqorkii Aaciina geed buu ka soo deldelay, oo wuxuu sudhnaa ilaa makhribkii, oo qorraxdhicii ayaa Yashuuca amray, markaasay meydkiisii geedkii ka soo dejiyeen, oo waxay ku tuureen iridda magaalada laga soo galo, oo waxay ku tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan.

  • Yash 8:19-24
    6 aayado
    82%

    19Markaasaa haddiiba raggii gaadmada u qarsoonaa ka soo bexeen meeshoodii ay ku jireen, oo markuu gacanta taagay ayay haddiiba soo ordeen, oo waxay galeen magaaladii, wayna qabsadeen; oo intay dhaqsadeen ayay magaaladii dab qabadsiiyeen.

    20Oo dadkii reer Aacii markay dib u eegeen ayay waxay arkeen qiiqii magaalada oo samada kor ugu baxaya, oo mana ay lahayn xoog ay ugu cararaan xaggan ama xaggaa; oo dadkii u cararay xagga cidlada waxay dib ugu soo jeesteen raacdadii daba joogtay.

    21Oo markii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu arkeen in raggii gaadmada ahaa ay magaaladii qabsadeen, iyo in magaalada qiiqeedii kor u baxay, ayay dib u soo noqdeen, oo waxay laayeen dadkii reer Aacii.

    22Oo kuwii kalena waxay iyaga kaga soo bexeen magaaladii, sidaas daraaddeed waxay ku dhex jireen reer binu Israa'iil, iyadoo qaarna dhinacan ka xigo, qaarna dhinacaas ka xigo; oo way wada laayeen, oo midna kama reebin, qofna kama baxsan.

    23Oo boqorkii Aacii isagoo nool bay qabteen, oo waxay u keeneen Yashuuca.

    24Oo markii reer binu Israa'iil dhammeeyeen oo ay dadkii Aacii degganaan jiray ku wada laayeen duurkii, iyo cidladii ay u eryadeen, oo ay seef ku wada le'deen ilaa ay wada baabbe'een, ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku soo noqdeen Aacii xaggeedii, oo waxay ku laayeen seef.

  • Yash 8:1-4
    4 aayado
    79%

    1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Ha cabsan, hana qalbi jabin. Ragga dagaalyahannada ah oo dhan kaxayso, oo kac oo waxaad tagtaa xagga Aacii, oo bal eeg, adigaan gacanta ku geliyey boqorka Aacii, iyo dadkiisa, iyo magaaladiisa, iyo dalkiisaba;

    2oo Aacii iyo boqorkeedaba waxaad ku samaysaa wixii aad ku samaysay Yerixoo iyo boqorkeedii; alaabteeda iyo xoolaheedase waa inaad dhacdaan oo qaadataan. Oo magaalada xagga dambe ka gaad.

    3Sidaas daraaddeed Yashuuca waa kacay, isagii iyo raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammu, si ay Aacii u tagaan, oo Yashuuca wuxuu dooray soddon kun oo nin oo ah rag xoog leh, oo wuxuu diray goor habeennimo ah.

    4Oo wuxuu ku amray oo ku yidhi, Bal maqla, waxaad gaaddaan magaalada xaggeeda dambe, oo ha ka fogaanina magaalada, laakiinse kulligiin diyaar ahaada;

  • Yash 8:7-17
    11 aayado
    75%

    7Oo markaas waa inaad gaadmada ka timaadaan, oo aad magaalada qabsataan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta idiin gelin doona iyada.

    8Oo markii aad magaalada qabsataan, waa inaad dab qabadsiisaan magaalada, oo waxaad yeeshaan si waafaqsan ereyga Rabbiga; bal eega, sidaasaan idinku amraye.

    9Markaasaa Yashuuca iyagii diray; oo waxay tageen meeshii gaadmada, oo waxay joogeen meel u dhaxaysa Beytel iyo Aacii, oo galbeed ka xigta Aacii; laakiinse habeenkaas Yashuuca dadkii buu ku dhex baryay.

    10¶ Kolkaasaa Yashuuca aroor hore kacay, oo dadkii isu ururiyey, oo isagii iyo waayeelladii reer binu Israa'iil waxay dadkii u hor kaceen xaggii Aacii.

    11Oo dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhan oo ah kuwii isaga la jiray way wada tageen oo intay soo dhowaadeen ayay magaaladii hor yimaadeen, oo waxay degeen dhinaca woqooyi oo Aacii; oo dooxo baa u dhexaysay isaga iyo Aacii.

    12Markaasuu wuxuu kaxaystay rag shan kun ku dhow, oo wuxuu gaadmo u diray meel u dhexaysa Beytel iyo Aacii, oo magaalada ka xigta xagga galbeed.

    13Markaasay diyaariyeen dadkii oo dhan, xataa ciidankii magaalada xagga woqooyi ka xigay oo dhan, iyo kuwoodii gaadmada ugu qarsoonaa magaalada xaggeeda galbeed, oo Yashuucana habeenkaas wuxuu dhaxay dooxadii dhexdeeda.

    14Oo markii boqorkii Aacii taas arkay, ayay isaga iyo dadkiisa oo dhammu aroor hore keceen oo dhaqsadeen, oo markaasay dadkii magaaladu dagaal ugu bexeen reer binu Israa'iil wakhtigii la yidhi, oo waxay wada tageen meel ka horraysa Caraabaah, laakiinse ma uu ogayn in rag gaadmo ugu qarsoon yahay magaalada dabadeeda.

    15Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay iska dhigeen sidii iyagoo laga adkaaday, oo waxay ku carareen xaggii jidka cidlada.

    16Markaasaa dadkii magaalada joogay oo dhan waxaa loogu wada yeedhay inay eryadaan reer binu Israa'iil, oo intay Yashuuca eryanayeen ayaa iyagii laga fogeeyey magaaladii.

    17Oo nin keliyahu kuma hadhin Aacii iyo Beytel toona, oo aan daba gelin reer binu Israa'iil; oo magaaladii oo furan bay ka tageen, oo waxay eryadeen reer binu Israa'iil.

  • Yash 7:2-3
    2 aayado
    74%

    2¶ Oo Yashuuca wuxuu niman ka diray Yerixoo oo u diray Aacii, taasoo ku tiil Beytaawen dhinaceeda, oo xagga bari ka jirtay Beytel. Oo intuu la hadlay wuxuu iyagii ku yidhi, Bal taga oo dalka soo basaasa. Oo nimankii intay tageen ayay Aacii soo basaaseen.

    3Oo markaasay Yashuuca ku soo noqdeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Dadka oo dhammu yaanay wada tegin; laakiinse laba ama saddex kun oo nin ha tageen, oo ha baabbi'iyeen Aacii; oo dadka oo dhan halkaas ha ku daalin, maxaa yeelay, iyagu way yar yihiin.

  • 2Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Bal eeg, adigaan gacanta kuu geliyey Yerixoo, iyo boqorkeeda, iyo ragga xoogga leh.

  • 13¶ Oo markii Yashuuca joogay Yerixoo agteeda ayuu indhihiisa kor u taagay oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay nin isaga ka soo hor jeeda oo seeftiisii oo gal la' gacanta ku haysta. Markaasaa Yashuuca intuu u tegey ku yidhi, War ma annagaad nala gees tahay mise colkayagaad la gees tahay?

  • 8Oo markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Iyaga ha ka cabsan, waayo, iyaga gacmahaagaan kuu soo geliyey. Midkoodna isma kaa hor taagi doono.

  • 30oo Rabbigu iyada iyo boqorkeediiba wuxuu gacanta u geliyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu seef ku laayay iyada iyo dadkii ku jiray oo dhan, oo waxba kama uu reebin, oo boqorkeediina wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey boqorkii Yerixoo.

  • 8Oo Rabbigu wuxuu iyagii geliyey gacantii reer binu Israa'iil, oo way laayeen, oo waxay u eryadeen xagga Siidoonta weyn, iyo xagga Misrefood Mayim, iyo xagga dooxadii Misfaah oo bari xigta, oo way laayeen ilaa aanay waxba ka reebin.

  • 7Oo waxay dadkii ku yidhaahdeen, Socda oo magaalada hareereeya, oo ragga hubka sitaana ha ka hor mareen sanduuqa Rabbiga.

  • 19laakiinse intiinna kale ha joogsanina; ee cadaawayaashiinna eryada, oo laaya intooda ugu dambaysa, oo ha u oggolaanina inay galaan magaalooyinkooda; waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa iyaga gacanta idiin geliyey.

  • 15¶ Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 13Oo Yashuucana seef afkeed buu ku jebiyey reer Camaaleq iyo dadkiisiiba.

  • 16Oo markii toddobaad, markii wadaaddadii afuufeen buunankii ayaa Yashuuca dadkii ku yidhi, Qayliya, waayo, Rabbigu waa idin siiyey magaalada.

  • 18Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Waxaad soo waddaa Yashuuca ina Nuun oo ah nin Ruuxu ku jiro, oo gacanta dul saar isaga.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 23Oo markaasay ka bixiyeen teendhadii dhexdeedii, oo waxay u keeneen Yashuuca, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxay hor dhigeen Rabbiga.