Yashuuca 8:31

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa reer binu Israa'iil ugu amray, iyo sida ku qoran kitaabkii sharciga Muuse, oo waxay ahayd meel allabari oo ah dhagaxyo aan la qorin oo aan ninna bir u qaadin; oo waxay Rabbiga ugu kor bixiyeen qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 27:5-7 : 5 Oo halkaas waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah meel allabari uga dhistaan, ha ahaato meel allabari oo dhagax ah, oo dhagaxyadeeda waa inaydaan alaab bir ah u qaadan. 6 Oo Rabbiga Ilaahiinna ah meeshiisa allabariga waa inaad ku dhistaan dhagaxyo aan la qorin, oo meeshaas dusheeda waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu bixisaan qurbaanno la gubo. 7 Oo waa inaad qurbaanno nabaadiino sadqaysaan, oo aad halkaas ku cuntaan, oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku faraxdaan.
  • Bax 20:24-25 : 24 ¶ Meel allabari waa inaad ciid iiga samaysaa, oo waa inaad dusheeda iigu bixisaa qurbaannadaada la gubo, iyo qurbaannadaada nabaadiinada, iyo idahaaga iyo dibiyadaada. Oo meel kasta oo aan magacayga dadka ku xusuusiyoba waan kuugu iman doonaa oo waan kugu barakayn doonaa. 25 Oo haddaad meel allabari dhagax iiga samayso, waa inaadan dhagax qoran ka dhisin, waayo, haddaad alaabtaada taabsiisid waad nijaasaysay.
  • Bax 24:5 : 5 Kolkaasuu wuxuu diray raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabaryo la gubo iyo qurbaanno nabaadiino oo dibiyo ah.
  • Bax 18:12 : 12 Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa wuxuu qaaday qurbaan la gubo iyo allabaryo. Markaasaa waxaa yimid Haaruun iyo waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan inay Ilaah hortiisa kibis kula cunaan Muuse soddoggiis.
  • Yash 1:8 : 8 Kitaabkan sharcigu waa inaanu afkaaga ka tegin, laakiinse waa inaad u fiirsataa habeen iyo maalinba, si aad u dhawrtid wax alla waxa ku qoran oo dhan, waayo, markaasaad jidkaaga ku barwaaqoobi doontaa, waanad liibaani doontaa.
  • Yash 8:34-35 : 34 Oo dabadeedna wuxuu akhriyey erayadii sharciga oo dhan, ducadii iyo habaarkiiba, siday ahaayeen wixii ku qornaa kitaabkii sharciga oo dhan. 35 Oo ma jirin eray Muuse amray oo aan Yashuuca ku hor akhriyin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo dumarkii, iyo dhallaankii, iyo kuwii qariibka ahaa oo iyaga dhex socdayba.
  • 1 Boq 18:31-32 : 31 Oo wuxuu Eliiyaah soo qaaday laba iyo toban dhagax oo ka dhigan intii qabiilooyinkii wiilashii Yacquub tiradoodu ahayd, kaasoo eraygii Rabbigu u yimid oo ku yidhi, Magacaagu wuxuu ahaan doonaa Israa'iil. 32 Oo dhagxantii wuxuu meel allabari ugu dhisay magaca Rabbiga, oo meeshii allabariga hareeraheeda wuxuu ka qoday meel ku wareegsan oo qaadi karta laba qiyaas oo midho ah.
  • 2 Boq 14:6 : 6 Laakiinse gacankudhiiglayaasha carruurtoodii ma uu dilin; oo wuxuu yeelay sida ku qoran kitaabkii sharcigii Muuse sidii Rabbigu amray, isagoo leh, Aabbayaasha yaan loo dilin carruurtooda, carruurtana yaan loo dilin aabbayaashood; laakiinse nin waluba dembigiisa ha u dhinto.
  • 2 Boq 22:8 : 8 Markaasaa Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi Shaafaan oo karraanigii ahaa, Waxaan guriga Rabbiga ka dhex helay Kitaabkii Sharciga. Oo Xilqiyaah kitaabkii buu u dhiibay Shaafaan, oo isna wuu akhriyey.
  • 2 Taar 25:4 : 4 Laakiinse carruurtoodii ma uu dilin, wuxuuse yeelay sida ku qoran sharcigii kitaabkii Muuse ku yiil, sidii Rabbigu amray isagoo leh, Aabbayaashu yaanay u dhiman carruurtooda, carruurtuna yaanay u dhiman aabbayaashood, laakiinse nin waluba dembigiisa ha u dhinto.
  • 2 Taar 35:12 : 12 Oo iyana meel bay dhigeen qurbaannadii la gubayay inay sidii qaybihii reerihii dadku ay kala ahaayeen Rabbiga wax ugu bixiyaan si waafaqsan waxa ku qoran kitaabkii Muuse. Oo dibidiina sidaasoo kalay u galeen.
  • Cesr 6:18 : 18 Oo sida kitaabkii Muuse ku qoran waxay wadaaddadii u qaybiyeen qaybahoodii, kuwii reer Laawina jagooyinkoodii, adeegidda Ilaah oo Yeruusaalem laga adeegayo aawadeed.
  • Nex 13:1 : 1 ¶ Oo maalintaas ayay kitaabkii Muuse akhriyeen iyadoo dadkii maqlayo; oo waxaa laga helay oo ku qornaa inayan shirka Ilaah weligood soo gelin mid reer Cammoon ah iyo mid reer Moo'aab ah toona;
  • Mat 12:26 : 26 Haddii Shayddaan Shayddaan saaro, waa kala qaybsamaa. Haddaba boqortooyadiisu sidee bay u taagnaan doontaa?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 30¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Buur Ceebaal uga dhisay meel allabari,

  • Yash 8:32-35
    4 aayado
    82%

    32Oo wuxuu dhagaxyadii ku qoray naqil sharcigii Muuse ah oo uu ku qoray reer binu Israa'iil hortooda.

    33Oo reer binu Israa'iil oo dhan iyo waayeelladoodii, iyo saraakiishoodii, iyo xaakinnadoodiiba, waxay istaageen sanduuqii dhankiisa shishe iyo dhankiisa soke oo ka horreeya wadaaddada reer Laawi oo siday sanduuqii axdiga Rabbiga, qariibka iyo kii waddanka ku dhashayba, oo badhkood wuxuu is-hor taagay Buur Gerisiim, badhkoodii kalena wuxuu is-hor taagay Buur Ceebaal sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray inay marka hore u duceeyaan reer binu Israa'iil.

    34Oo dabadeedna wuxuu akhriyey erayadii sharciga oo dhan, ducadii iyo habaarkiiba, siday ahaayeen wixii ku qornaa kitaabkii sharciga oo dhan.

    35Oo ma jirin eray Muuse amray oo aan Yashuuca ku hor akhriyin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo dumarkii, iyo dhallaankii, iyo kuwii qariibka ahaa oo iyaga dhex socdayba.

  • Sharc 27:4-8
    5 aayado
    77%

    4Oo markaad Webi Urdun ka gudubtaan, waa inaad Buur Ceebaal ku qotomisaan dhagaxyada aan maanta idinkaga amrayo, oo iyaga waa inaad nuurad ku malaastaan.

    5Oo halkaas waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah meel allabari uga dhistaan, ha ahaato meel allabari oo dhagax ah, oo dhagaxyadeeda waa inaydaan alaab bir ah u qaadan.

    6Oo Rabbiga Ilaahiinna ah meeshiisa allabariga waa inaad ku dhistaan dhagaxyo aan la qorin, oo meeshaas dusheeda waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu bixisaan qurbaanno la gubo.

    7Oo waa inaad qurbaanno nabaadiino sadqaysaan, oo aad halkaas ku cuntaan, oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku faraxdaan.

    8Oo waa inaad dhagaxyada si bayaan ah ugu qortaan sharcigan erayadiisa oo dhan.

  • Yash 4:7-9
    3 aayado
    74%

    7Waxaad ku odhan doontaan, Sababtu waxa weeye, biyihii Webi Urdun baa ku hor kala go'ay sanduuqa axdiga Ilaah; oo markii uu ka gudbayay Webi Urdun ayay biyihii Webi Urdun kala go'een; oo dhagaxyadanu xusuus bay u ahaan doonaan reer binu Israa'iil weligood.

    8Oo reer binu Israa'iil waxay yeeleen sidii Yashuuca ku amray, oo waxay Webi Urdun dhexdiisa ka qaadeen laba iyo toban dhagax, oo ah intii qabiilooyinka reer binu Israa'iil tiradoodu ahayd sidii Rabbigu u sheegay Yashuuca, oo waxay u gudbiyeen meeshii ay ku dhaxeen, oo halkaasay dhigeen.

    9Oo Yashuuca wuxuu laba iyo toban dhagax qotomiyey Webi Urdun dhexdiisa, taasoo ah meeshii wadaaddada sida sanduuqa axdiga ay cagahoodu istaageen; oo ilaa maantadan weli meeshii bay jiraan.

  • 74%

    26Markaasaa Yashuuca erayadan ku qoray kitaabkii sharcigii Ilaah; oo dhagax weyn buu qaaday, oo wuxuu hoos qotonshay geedkii ku ag yiil taambuugga quduuskaa oo Rabbiga.

    27Yashuucana wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Bal ogaada, dhagaxanaa inagu marag furi doonee; waayo, wuxuu maqlay erayadii Rabbiga oo uu inagula hadlay oo dhan; sidaas daraaddeed wuxuu idinku noqon doonaa marag, si aydnaan Ilaahiinna u inkirin.

  • 22Markaasaa Muuse yeelay sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu soo waday Yashuuca, kolkaasuu soo hor taagay wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii oo dhan.

  • Bax 24:4-5
    2 aayado
    73%

    4Markaasaa Muuse wuxuu qoray ereyadii Rabbiga oo dhan, kolkaasuu aroor hore kacay, oo buurta hoosteedii wuxuu ka dhisay meel allabari iyo laba iyo toban tiir, sidii laba iyo tobankii qolo oo reer binu Israa'iil ay ahaayeen.

    5Kolkaasuu wuxuu diray raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabaryo la gubo iyo qurbaanno nabaadiino oo dibiyo ah.

  • 26Oo sidaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Haddaba aynu isu diyaarinno inaynu dhisanno meel allabari, oo aan lagu bixin qurbaan la gubo ama allabari,

  • 2Markaasaa waxaa istaagay Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, iyo walaalihiisii wadaaddada ahaa, iyo Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo walaalihiis, oo waxay dhiseen meeshii allabariga Ilaaha reer binu Israa'iil inay ku dul bixiyaan qurbaanno la gubo, sida ay ugu qoran tahay sharcigii Muuse oo ahaa ninka Ilaah.

  • 38ee uu Rabbigu Muuse kaga amray Buur Siinay maalintii uu reer binu Israa'iil ku amray inay Rabbiga u bixiyaan qurbaannadooda iyagoo jooga cidladii Siinay.

  • 23iyo haddii aan meel allabari u dhisannay inaannu Rabbiga kaga leexanno, ama haddii aannu u dhisnay in lagu dul bixiyo qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, ama in lagu dul bixiyo allabari ah qurbaanno nabaadiino, sidaas hadday tahay, Rabbiga qudhiisu ha na weyddiiyo;

  • 15Markaasaa Muuse wuxuu dhisay meel allabari, oo magaceedii wuxuu u bixiyey Yehowah Nisii,

  • 26oo Rabbiga Ilaahaaga ah meel allabari uga dul dhis dhufayskan, oo hagaaji, oo kexee dibiga labaad, oo geedihii Asheeraah oo aad gooysay qoryihiisa ku bixi allabari la gubo.

  • 44¶ Oo kanu waa sharcigii Muuse hor dhigay reer binu Israa'iil,

  • 15Wixii Rabbigu addoonkiisii Muuse ahaa ku amray ayuu Muusena Yashuuca ku amray, oo Yashuucana sidaasuu yeelay, oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray wax aanu samayn ma jirin.

  • 29Oo meeshii allabariga lagu gubi jirayna wuxuu ag dhigay iridda taambuugga ee teendhada shirka, oo wuxuu dusheeda ku bixiyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 27Oo maalintaasuu Yashuuca iyagii ka dhigay kuwo xaabada u gura, biyahana u dhaamiya shirka iyo meesha allabariga Rabbiga, taas oo ku taal meel alla meeshuu doortoba, ilaa maantadan la joogo.

  • 4Oo waxay noqotay maalintii dambe inay dadkii aroor hore kaceen oo ay halkaas ka dhiseen meel allabari, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.

  • 31Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa waxay sameeyeen sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 28¶ Sidaas daraaddeed ayaa Muuse amar iyaga ku saabsan siiyey wadaadkii Elecaasaar iyo Yashuuca ina Nuun iyo madaxdii reeraha qabiilooyinka reer binu Israa'iil.

  • 28Kolkaasaa Muuse gacmahoodii ka qaaday oo wuxuu qurbaankii la gubayay kula dul gubay meesha allabariga, oo waxay ahaayeen quduuskadhigidda oo caraf udgoon loo bixiyo. Taasu waxay ahayd qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

  • Sharc 27:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Markaasaa Muuse iyo odayaashii reer binu Israa'iil waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan wada xajiya.

    2Oo maalintii aad Webi Urdun uga gudubtaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaad dhagaxyo waaweyn qotomisaan oo aad nuurad ku malaastaan,

  • 5Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay reer binu Israa'iil yeeleen, oo dalkiina way qaybsadeen.

  • 2oo wuxuu ku yidhi, Waad xajiseen kulli wixii uu addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray, oo codkaygana waad dhegaysateen oo waad yeesheen kulli wixii aan idinku amray.

  • 13Bal xusuusta eraygii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray isagoo leh, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idin nasinayaa, oo wuxuu idin siin doonaa dalkan.

  • 16Markaasuu hagaajiyey meeshii allabariga ee Rabbiga, oo wuxuu ku dul bixiyey qurbaanno nabaadiino iyo qurbaanno mahadnaqid ah, oo wuxuu dadkii Yahuudah ku amray inay u adeegaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 14Oo gaadhigiina wuxuu soo galay beertii Yashuuca kii reer Beytshemesh, oo wuxuu istaagay meel dhagax weynu ku yiil; oo intay qoryihii gaadhiga jeexjeexeen ayay sacihiina Rabbiga ugu bixiyeen qurbaan la gubo aawadiis.

  • 25ayaa Muuse amray reer Laawi oo qaadi jiray sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi iyagii,

  • 40Oo Muuse wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan.

  • 1¶ Kuwanu waa erayadii axdigii Rabbigu Muuse ku amray, oo uu reer binu Israa'iil kula dhigtay dalkii reer Moo'aab, oo aan ahayn axdigii uu iyaga kula dhigtay Buur Xoreeb.

  • 20Oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu sidaasay ku sameeyeen reer Laawi. Wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.

  • 9¶ Markaasaa Muuse sharcigan qoray, oo wuxuu u dhiibay wadaaddadii reer Laawi oo qaadi jiray sanduuqii axdiga Rabbiga, iyo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 13¶ Intaasu waa amarradii iyo xukummadii uu Rabbigu u soo dhiibay Muuse oo uu ku amray reer binu Israa'iil oo jooga bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday.

  • 5Oo Yashuuca wuxuu ku yidhi iyagii, Ka hor gudba sanduuqa Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waxaad tagtaan Webi Urdun dhexdiisa, oo midkiin waluba dhagax garabka ha ku qaado, inta reer binu Israa'iil qabiilooyinkooda tiradoodu tahay,