Xaakinnadii 10:13
Oo weliba waad iga tagteen, oo waxaad u adeegteen ilaahyo kale; sidaas darteed anigu mar dambe idinma badbaadin doono.
Oo weliba waad iga tagteen, oo waxaad u adeegteen ilaahyo kale; sidaas darteed anigu mar dambe idinma badbaadin doono.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
14Haddaba taga oo u qayshada ilaahyadii aad doorateen; oo iyagu ha idin badbaadiyeen wakhtiga aad cidhiidhi ku jirtaan.
10Markaasay reer binu Israa'iil Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu kugu dembaabnay, maxaa yeelay, waxaannu ka tagnay Ilaahayo, oo Bacaliimkii baannu u adeegnay.
11Markaasaa Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Miyaanan idinka badbaadin Masriyiintii, iyo reer Amor, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin?
12Oo weliba reer Siidoon, iyo reer Camaaleq, iyo reer Maacoonba way idin dulmeen, oo waad ii qayshateen, oo markaasaan idinka badbaadiyey gacantoodii.
13Oo sidaas daraaddeed dalkan waan idinka xoori doonaa oo waxaan idinku dhex tuuri doonaa dal aydaan aqoonin idinka iyo awowayaashiin toona, oo halkaasaad ilaahyo kale ugu adeegi doontaan habeen iyo maalinba, oo aniguna innaba raalli idinkama ahaan doono.
9Dadka Israa'iilow, baabbi'inna waxaa sabab u ah cadownimada aad ii qabtaan anoo caawiyihiinna ah.
10Haddaba magaalooyinkiinna oo dhan ha idinku badbaadiyee meeh boqorkiinnii? Oo meeye xaakinnadiinnii aad ka tidhaahdeen, Na sii boqor iyo amiirro?
11markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin way iga tageen, oo waxay daba galeen ilaahyo kale, wayna u adeegeen oo caabudeen, oo anigana way iga tageen, oo sharcigaygiina ma ay dhawrin,
19Oo markay yidhaahdaan, Rabbiga Ilaahayaga ahu bal muxuu waxyaalahan oo dhan noogu sameeyey? Kolkaas waxaad ku tidhaahdaa, Sidaad Rabbiga uga tagteen, oo aad ilaahyo qalaad dalkiinna ugu dhex adeegteen, sidaas oo kalaad shisheeyayaal ugu dhex adeegi doontaan dal aan kiinna ahayn.
18oo wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidaasuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anaa Masar idinka soo bixiyey oo anaa idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo kulli boqortooyooyinkii idin dulmay gacantoodii oo dhan.
19Laakiinse idinku maanta waad diiddeen Ilaahiinnii idinka badbaadshay belaayooyinkiinnii iyo dhibaatooyinkiinnii oo dhan, oo waxaad isagii ku tidhaahdeen, Maya, laakiinse boqor noo yeel. Haddaba Rabbiga hortiisa ku soo ururiya qabiilooyinkiinna, iyo kumanyaalkiinna.
10Markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu dembaabnay, maxaa yeelay, waannu kaa tagnay, Rabbiyow, oo u adeegnay Bacaliim iyo Cashtarod, laakiinse haatan naga samatabbixi gacanta cadaawayaashayada, oo waannu kuu adeegi doonnaa.
19Laakiinse haddaad iga leexataan oo aad ka tagtaan qaynuunnadayda iyo amarradayda aan idin hor dhigay, oo aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,
10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.
11Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga ku soo dayn doonaa masiibo ayan kari doonin inay ka baxsadaan, oo in kastoo ay ii soo qayshadaanna, innaba dheg uma dhigi doono.
12Oo markaasaa magaalooyinka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganuba waxay u tegi oo u qayshan doonaan ilaahyadii ay fooxa u shidi jireen, laakiinse iyagu innaba ma ay badbaadin doonaan wakhtiga ay dhibaataysan yihiin.
6Laakiinse idinka ama carruurtiinnu haddaad lasocodkayga ka leexataan oo aydnaan dhawrin amarradayda iyo qaynuunnadayda aan idin hor dhigay, laakiinse aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,
4Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waa inaydaan aqoonsan ilaah kale aniga mooyaane, oo badbaadiye kale ma jiro innaba aniga mooyaane.
39Sidaas daraaddeed bal ogaada, Aniga qudhayda ayaa giddigiin idin illoobi doona, waanan idin xoori doonaa idinka iyo magaaladii aan idinka iyo awowayaashiinba siiyey, oo hortaydana waan idinka fogayn doonaa.
10oo waxaan idinku idhi, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waa inaydnaan ka baqin ilaahyada reer Amor oo aad dalkooda deggan tihiin; laakiinse idinku ma aydnaan dhegaysan codkaygii.
6Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.
6Oo ilaahyo kale ha u daba gelina inaad u adeegtaan oo caabuddaan, oo shuqullada gacmihiinna ha igaga cadhaysiinina, oo aniguna innaba wax idin yeeli maayo.
7Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.
20Oo markuu wax wanaagsan idiin sameeyo dabadeed, haddaad Rabbiga ka tagtaan, oo aad u adeegtaan ilaahyo qalaad, de markaas wuu soo jeesan doonaa oo wax xun buu idinku samayn doonaa, oo wuu idin baabbi'in doonaa.
8Siday hore u yeeleen tan iyo maalintii aan ka soo bixiyey Masar iyo ilaa maantadan, taasoo ahayd inay iga tageen, oo ilaahyo kale u adeegeen, saasay adigana kugu samaynayaan.
29¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal maxaad iila muddacaysaan? Waayo, idinku kulligiin waad iga gudubteen.
18Oo maalintaas waxaad ka qaylin doontaan boqorkiinna aad idinku doorateen oo Rabbiguna idiin jawaabi maayo maalintaas.
9Oo waxaa lagu jawaabi doonaa, Waxay ka tageen Rabbigii Ilaahood ahaa oo awowayaashood ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, wayna caabudeen oo u adeegeen, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaantan oo dhan ugu soo dejiyey.
9laakiinse waxaad samaysay shar ka sii badan kii intii kaa horraysay oo dhan, oo waxaad samaysatay ilaahyo kale iyo sanamyo la shubay, waanad iga xanaajisay, oo waxaad igu tuurtay gadaashaada.
26oo intay tageen ayay u adeegeen oo caabudeen ilaahyo kale oo ayan aqoon, isaguna uusan siin,
2Idinkuna waa inaydnaan axdi la dhigan dadka dalkan deggan; oo waa inaad jejebisaan meelahooda allabariga. Laakiinse idinku ma aydnaan dhegaysan codkaygii. De haddaba maxaad sidan u yeesheen?
2Yeftaahna wuxuu ku yidhi, Aniga iyo dadkayguba dagaal weyn baannu kula jirnay reer Cammoon, oo markaan idiin yeedhay igama aydnaan badbaadin gacantoodii.
14Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo iyaga aawadood kor ha ugu qaadin qaylo iyo salaad toona, waayo, anigu dheg uma dhigi doono wakhtigii ay ii soo qayshadaan dhibkooda aawadiis.
27Sidaas daraaddeed waxaad gacanta u gelisay cadaawayaashoodii, oo iyana way dhibeen; oo markii ay dhibtoodeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo naxariistaada badan aawadeed waxaad siisay badbaadshayaal cadaawayaashooda ka badbaadshay.
11Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii, Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin.
20Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sida xaqiiqada ah naag khaa'inad ahu siday ninkeeda uga tagto oo kale ayaad idinkuna khiyaano igula macaamilooteen.
22Oo waxaa lagu jawaabi doonaa, Waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaaha awowayaashood oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, wayna caabudeen oo u adeegeen, oo sidaas daraaddeed ayuu xumaantan oo dhan ugu soo dejiyey.
15Waayo, haddaad Rabbiga ka noqotaan, cidlada dhexdeeda ayuu haddana iyaga kaga tegi doonaa, oo dadkan oo dhan waad wada baabbi'in doontaan.
16Markaad ku xadgudubtaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray, oo aad ka tagtaan, ee aad u adeegtaan ilaahyo kale, oo aad iyaga u sujuuddaan, de markaasaa cadhada Rabbigu idinku kululaan doontaa, oo aad haddiiba ka baabbi'i doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.
4Oo adiga qudhaadu waad sii dayn doontaa dhaxalkii aan ku siiyey, oo inaad cadaawayaashaada ugu adeegtid dal aadan weligaa aqoonin ayaan ka dhigi doonaa, waayo, waxaad cadhadaydii ku dhex shidday dab weligiisba sii ololaya.
9Oo iyana waxay ugu jawaabi doonaan, Maxaa yeelay, axdigii Rabbiga Ilaahooda ah ayay ka tageen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ilaahyo kale.
13Oo haatan harqoodkiisa waan idinka jebin doonaa, oo jebbooyinka idinku xidhanna waan jebin doonaa.
12Oo waxay u adeegi jireen sanamyadii uu Rabbigu ku yidhi, Idinku waxan ha samaynina.
13Iyagaa iska hoogay, waayo, way iga ambadeen! Halaag ha ku dhaco, waayo, way igu xadgudbeen! In kastoo aan iyaga soo furan lahaa haddana been bay iga sheegeen.
34Oo reer binu Israa'iilna ma ay xusuusan Rabbiga Ilaahood ahaa, oo ka samatabbixiyey cadaawayaashoodii dhan kasta ka xigay oo dhan;
13Oo intay Rabbiga ka tageen ayay u adeegeen Bacal iyo Cashtarod.
14Wax baad cuni doontaan mase dhergi doontaan. Gaajadiinnu dhexdiinnay ku jiri doontaa. Wax baad kaydin doontaan, laakiinse sinaba uma aad nabad gelin doontaan, oo wixii aad nabadgelisaanna seef baan u gacangelinayaa.
16¶ Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo baryootan iyo salaad midna iyaga aawadood ha u samayn, oo hana ii baryin iyaga aawadood, waayo, innaba ku maqli maayo.
17Sow adiga qudhaadu isuma aad keenin belaayadan, waayo, waxaad ka tagtay Rabbiga Ilaahaaga ah markuu jidka kugu hagayay?
13Oo haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad samayseen shuqulladan oo dhan, oo anna goor wanaagsan waan idinla hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, waanan idiin dhawaaqay, laakiinse iima aydaan jawaabin,