Xaakinnadii 13:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo malaa'igtii Rabbiguna waxay Maanoo'ax ku tidhi, In kastoo aad i raajiso, anigu cuni maayo cuntadaada; oo haddaad diyaarisid allabari la gubo, waa inaad Rabbiga u bixisid. Waayo, Maanoo'ax ma uu ogayn inay malaa'igtii Rabbiga tahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 6:20 : 20 Markaasaa malaggii Ilaah wuxuu ku yidhi isagii, Hilibka iyo kibista aan khamiirka lahayn qaad, oo waxaad saartaa dhagaxan, oo maraqana ku qub. Oo isna sidaasuu yeelay.
  • Xaak 6:26 : 26 oo Rabbiga Ilaahaaga ah meel allabari uga dul dhis dhufayskan, oo hagaaji, oo kexee dibiga labaad, oo geedihii Asheeraah oo aad gooysay qoryihiisa ku bixi allabari la gubo.
  • Xaak 13:23 : 23 Laakiinse afadiisii waxay ku tidhi, Hadduu Rabbigu doonayo inuu ina dilo, inagama uu aqbaleen qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah, oo waxyaalahan oo dhanna inama uu tuseen, oo haatanna inooma uu sheegeen waxyaalo caynkan ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xaak 13:6-15
    10 aayado
    86%

    6Markaasaa naagtii timid oo ninkeedii u sheegtay, oo ku tidhi, Nin Ilaah baa ii yimid, jaahiisuna wuxuu u ekaa jaahii malaa'igta Ilaah oo aad looga cabsado. Anna ma aan weyddiin meeshuu ka yimid, isna iima uu sheegin magiciisa;

    7laakiinse wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil; oo haddaba ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo; wax aan nadiif ahaynna ha cunin; waayo, ilmuhu markuu dhasho iyo ilaa maalinta dhimashadiisa wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay.

    8Markaasuu Maanoo'ax Rabbiga baryay oo yidhi, Sayidow, waan ku baryayaaye, ninkii Ilaah oo aad soo dirtay, mar kale ha noo yimaado, oo ha na baro waxa aannu ku samayn lahayn wiilka dhalan doona.

    9Ilaahna codkii Maanoo'ax wuu maqlay, oo malaa'igtii Ilaahna naagtii bay mar kale u timid iyadoo berrinka fadhida; laakiinse Maanoo'ax oo ahaa ninkeedii lama uu joogin iyada.

    10Markaasay naagtii dhaqsatay oo orodday, oo ninkeeday u sheegtay, oo waxay ku tidhi, Bal eeg, waxaa ii muuqday ninkii maalintii ii yimid.

    11Markaasuu Maanoo'ax kacay, oo naagtiisii raacay, oo wuxuu u yimid ninkii, kolkaasuu ku yidhi, Ma waxaad tahay ninkii la hadlay naagta? Oo isna wuxuu yidhi, Waan ahay.

    12Markaasuu Maanoo'ax yidhi, Haddaba markii sidaad tidhi ay rumowdo, wiilku caynkee buu noqon doonaa, shuqulkiisuna muxuu ahaan doonaa?

    13Markaasay malaa'igtii Rabbigu Maanoo'ax ku tidhi, Kulli wixii aan u sheegay oo dhan naagtu ha iska jirto.

    14Iyadu waa inaanay cunin wax ka soo baxa geedcanab, oo yaanay cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna yaanay cunin; oo kulli wixii aan ku amray oo dhan ha dhawrto.

    15Maanoo'axna wuxuu malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Waan ku baryayaaye, aan ku raajinno intii aannu orgi yar kuu diyaarinayno.

  • 81%

    17Markaasuu Maanoo'ax malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Magacaa, si markay erayadaadu ahaadaan, aannu kuu murwayno?

    18Malaa'igtii Rabbiguna waxay ku tidhi, Maxaad magacayga u haybsanaysaa, waaba yaabe?

    19Sidaas daraaddeed Maanoo'ax wuxuu qaaday orgigii yaraa iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, oo dhagax dushiis buu Rabbiga ugu bixiyey; oo malaa'igtiina yaab bay samaysay, Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen.

    20Waayo, markii ololkii meesha allabariga ka kacay xagga samada, ayay malaa'igtii Rabbigu kor u raacday ololkii meesha allabariga; Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen; oo intay dhaceen ayay wejigoodii dhulka saareen.

    21Laakiinse malaa'igtii Rabbigu mar dambe uma ay muuqan Maanoo'ax iyo afadiisii. Markaasaa Maanoo'ax ogaaday inay ahayd malaa'igtii Rabbiga.

    22Oo Maanoo'axna wuxuu afadiisii ku yidhi, Hubaal waynu dhimanaynaa, maxaa yeelay, waxaynu aragnay Ilaah.

    23Laakiinse afadiisii waxay ku tidhi, Hadduu Rabbigu doonayo inuu ina dilo, inagama uu aqbaleen qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah, oo waxyaalahan oo dhanna inama uu tuseen, oo haatanna inooma uu sheegeen waxyaalo caynkan ah.

  • 74%

    15Markaasuu ku yidhi, Kaalay oo gurigaygii ii raac aad kibis soo cuntide.

    16Isna wuxuu yidhi, Kari maayo inaan kula noqdo iyo inaan gurigaaga galo toona. Halkan innaba kibis kugula cuni maayo, biyona kugula cabbi maayo.

    17Waayo, erayga Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waa inaadan meeshaas kibis ku cunin, biyona ka cabbin, jidkii aad soo martayna dib ha u sii qaadin.

    18Isna wuxuu ku yidhi, War anba waxaan ahay nebi kula mid ah, oo malaa'ig baa Eraygii Rabbiga igula hadashay oo igu tidhi, Isaga soo celi oo gurigaaga keen inuu kibis cuno oo biyo cabbo. Laakiinse been buu u sheegay.

    19Sidaas daraaddeed wuu la noqday, oo gurigiisii buu kibis ka cunay, biyona ka cabbay.

  • Xaak 13:2-4
    3 aayado
    72%

    2¶ Oo waxaa jiray nin reer Sorcaah ah, oo jilibkiisuna ahaa reer Daan, magiciisana waxaa la odhan jiray Maanoo'ax, oo naagtiisuna madhalays bay ahayd, oo ma ay dhali jirin.

    3Markaasay malaa'igtii Rabbigu naagtii u muuqatay, oo ku tidhi, Bal eeg, haatan waxaad tahay madhalays, oo waxba ma aad dhashid; laakiinse waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil.

    4Haddaba sidaas daraaddeed iska jir, oo waan ku baryayaaye ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna ha cunin;

  • 1 Boq 13:8-9
    2 aayado
    72%

    8Kolkaasaa ninkii Ilaah wuxuu boqorkii ku yidhi, Xataa haddaad gurigaaga badhkiis i siinayso ku raaci maayo, oo innaba kibisna ku cuni maayo, biyona ka cabbi maayo meeshan;

    9waayo, Erayga Rabbiga ayaa saas igu amray, oo yidhi, Waa inaadan kibis cunin, biyona cabbin, waana inaadan dib u sii qaadin jidkii aad soo martay.

  • Xaak 6:18-23
    6 aayado
    71%

    18Waan ku baryayaaye, halkaas ha ka tegin ilaa aan kuu imaado, oo aan qurbaankayga kuu keeno, oo aan ku hor dhigo. Isagu wuxuu yidhi, Waan ku sugayaa ilaa aad soo noqotid.

    19Markaasaa Gidcoon gudaha galay, oo wuxuu diyaariyey orgi yar, iyo qiyaas eefaah bur ah oo uu ka sameeyey kibis aan khamiir lahayn. Hilibkii wuxuu ku riday dambiil, maraqiina dheri buu ku shubay, oo wuxuu ugu keenay oo ku siiyey geedkii hoostiisa.

    20Markaasaa malaggii Ilaah wuxuu ku yidhi isagii, Hilibka iyo kibista aan khamiirka lahayn qaad, oo waxaad saartaa dhagaxan, oo maraqana ku qub. Oo isna sidaasuu yeelay.

    21Markaasaa malaggii Rabbigu wuxuu soo taagay ushii gacantiisa ku jirtay dabadeedii, oo wuxuu ku taabtay hilibkii iyo kibistii aan khamiirka lahayn, markaasaa dab ka soo baxay dhagaxii, oo wuxuu laastay hilibkii iyo kibistii aan khamiirka lahayn; oo markaasaa malaggii Rabbigu ka libdhay araggiisii.

    22Markaasaa Gidcoon arkay inuu yahay malaggii Rabbiga, oo Gidcoon wuxuu yidhi, Waa ii hoog, Sayidow, Rabbiyow, waayo, malaggii Rabbiga ayaan fool ka fool u arkay.

    23Kolkaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi isagii, Nabad ahow, oo ha cabsan, adigu dhiman mayside.

  • Xaak 6:11-12
    2 aayado
    68%

    11¶ Markaasaa waxaa yimid malaggii Rabbiga, oo wuxuu hoos fadhiistay geedkii ku yiil Cofraah, oo uu lahaa Yoo'aash kii reer Abiiceser; oo wiilkiisii Gidcoon ahaa ayaa sarreen ku tumayay meeshii macsaradda inuu ka qariyo reer Midyaan.

    12Markaasaa malaggii Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu waa kula jiraa, nin yahow xoogga lahu.

  • 33Cuntona waa la hor dhigay inuu cuno: laakiinse wuxuu yidhi, Cuni maayo ilaa aan sheego farriintayda. Kolkaasuu yidhi, Sheeg.

  • 25Dadkii waxay cuneen kibistii malaa'igaha, Oo weliba wuxuu iyaga u soo diray hilib ay ka dhergaan.

  • 7Markaasaa malaa'igtii Rabbiga mar labaad u timid, oo intay taabatay ayay ku tidhi, Toos oo wax cun, maxaa yeelay, sodcaalku waa kugu dheer yahay.

  • 67%

    15Oo weliba intaan baruurta la gubin ayaa midiidinkii wadaadku iman jiray, oo wuxuu ku odhan jiray ninkii alla baryayay, Hilib wadaadka loo dubo keen, waayo, isagu kaa dooni maayo hilib karsan, mid ceedhin ah mooyaane.

    16Oo haddii ninku ku yidhaahdo, Marka hore baruurta hubaal waa la gubayaa, dabadeedse intii naftaadu jeceshahay qaado; markaas wuxuu ku odhan jiray, Maya, saas ma aha, laakiinse haatan i sii, haddii kalese, xoog baan ku qaadan doonaa.

  • 23Laakiinse wuu diiday, oo wuxuu yidhi, Anigu waxba cuni maayo. Laakiinse addoommadiisii ayaa naagtii kula qasbay; markaasuu codkoodii yeelay. Oo intuu dhulkii ka kacay ayuu sariirtii ku fadhiistay.

  • 15Oo markay reer binu Israa'iil arkeen ayaa midkoodba ka kale ku yidhi, Maxay tahay? Waayo, ma ay garanayn waxay tahay. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Tanu waa kibistii Rabbigu idiin siiyey inaad cuntaan.

  • 19oo aad dalka cuntadiisa cuntaan waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan sare loo qaado.

  • 3Wuu idin hoosaysiiyey, oo gaajuu idinku riday, oo wuxuu idinku quudiyey maanna aydaan aqoon oo awowayaashiinna ayan aqoon, inuu idin ogeysiiyo inaan dadku kibis oo keliya ku noolaan, laakiinse uu dadku eray walba oo afka Rabbiga ka soo baxa ku noolaado.

  • 12Markaasay ku tidhi, Gacantaada ha saarin wiilka, waxbana ha ku samaynin: waayo, hadda waan garanayaa inaad Ilaah ka cabsatid, maxaa yeelay, igama aadan lexejeclaysan wiilkaaga, kaas oo ahaa wiilkaaga keligiis ah.

  • 20¶ Bal eeg, waxaan hortaada u soo dirayaa malaa'ig, inay jidka kugu dhawrto oo ay meeshii aan diyaarshay ku geeyso.

  • 4Way ku salaami doonaan, oo waxay ku siin doonaan laba xabbadood oo kibis ah, oo aad gacantooda ka guddoomi doonto.

  • 5Markaasaa malaggii ila hadlay jawaabay oo wuxuu igu yidhi, War miyaadan aqoon waxa kuwanu yihiin? Oo anna waxaan ku idhi, Maya, sayidkaygiiyow.

  • 21¶ Rabbiga ciidammada oo Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Qurbaannadiinna la gubo allabaryadiinna ku darsada, oo hilibkana iska cuna.

  • 21Wuuna ku qayliyey ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid, oo ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Caasi baad ku noqotay Rabbiga, mana aadan xajin amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray,