Xaakinnadii 13:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo naagtiina wiil bay dhashay, oo magiciisiina waxay u bixisay Samsoon; wiilkiina wuu koray, Ilaahna wuu barakeeyey isagii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 3:19 : 19 Oo Samuu'eelna wuu koray, Rabbiguna waa la jiray isaga, oo uma oggolaan in erayadiisii midna dhulka ku dhaco.
  • Luuk 1:80 : 80 ¶ Wiilkuna waa koray oo ruuxuu ka xoogoobay, wuxuuna joogay cidlada ilaa maalintii uu Israa'iil istusi lahaa.
  • Luuk 2:52 : 52 ¶ Ciisena wuxuu ku koray xigmad iyo dherer iyo nimco, Ilaah iyo dadka hortooda.
  • Cib 11:32 : 32 ¶ Oo maxaan kale oo idhaahdaa? Waayo, wakhtigu waa igu gaabnaan doonaa haddaan wax ka sheegi lahaa Gidcoon, iyo Baaraaq, iyo Samsoon, iyo Yeftaah, iyo Daa'uud, iyo Samuu'eel iyo nebiyadii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 25Oo Ruuxii Rabbiguna wuxuu bilaabay inuu ku dhaqaajiyo Maxaneh Daan, oo u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool.

  • 23Laakiinse afadiisii waxay ku tidhi, Hadduu Rabbigu doonayo inuu ina dilo, inagama uu aqbaleen qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah, oo waxyaalahan oo dhanna inama uu tuseen, oo haatanna inooma uu sheegeen waxyaalo caynkan ah.

  • Xaak 13:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Reer binu Israa'iilna waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, markaasaa Rabbigu gacanta u geliyey reer Falastiin intii afartan sannadood ah.

    2¶ Oo waxaa jiray nin reer Sorcaah ah, oo jilibkiisuna ahaa reer Daan, magiciisana waxaa la odhan jiray Maanoo'ax, oo naagtiisuna madhalays bay ahayd, oo ma ay dhali jirin.

    3Markaasay malaa'igtii Rabbigu naagtii u muuqatay, oo ku tidhi, Bal eeg, haatan waxaad tahay madhalays, oo waxba ma aad dhashid; laakiinse waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil.

  • 75%

    19Markaasay aroor hore kaceen, oo Rabbiga caabudeen, dabadeedna way noqdeen, oo yimaadeen gurigoodii Raamaah ku yiil; markaasaa Elqaanaah u tegey naagtiisii Xannaah; oo Rabbiguna iyadii wuu xusuustay.

    20Oo markii wakhtigii la gaadhay ayay Xannaah uuraysatay, oo ay wiil dhashay; oo magiciisiina waxay u bixisay Samuu'eel, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, isagaan Rabbiga weyddiistay.

  • Xaak 14:1-7
    7 aayado
    74%

    1¶ Markaasuu Samsoon tegey Timnaad, oo wuxuu ku arkay naag ka mid ah gabdhaha reer Falastiin.

    2Oo intuu soo noqday ayuu aabbihiis iyo hooyadiis u sheegay; oo wuxuu ku yidhi, Waxaan Timnaad ku arkay naag gabdhaha reer Falastiin ka mid ah, haddaba sidaas daraaddeed taas ii doona aan guursadee.

    3Markaasay aabbihiis iyo hooyadiis ku yidhaahdeen, War miyaan naagu ku jirin gabdhaha tolkaa, amase dadkayga oo dhan, oo maxaa kugu wata inaad ka guursato reer Falastiinka buuryoqabka ah? Markaasuu Samsoon aabbihiis ku yidhi, Iyada ii doon, waayo, aad bay iila wanaagsan tahay.

    4Laakiinse aabbihiis iyo hooyadiis ma ay ogayn in taasu ahayd wax Rabbiga ka yimid; waayo, wuxuu doonayay sabab uu ku qabsado reer Falastiin. Oo wakhtigaas reer Falastiin ayaa xukumay reer binu Israa'iil.

    5¶ Markaasaa Samsoon, iyo aabbihiis iyo hooyadiis, waxay tageen Timnaad, oo waxay yimaadeen beerihii canabka ahaa oo Timnaad. Oo bal eeg, waxaa isagii ku soo ciyey libaax yar.

    6Markaasaa Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isagii, oo Samsoon wuxuu u jeexjeexay libaaxii sidii uu orgi yar u kala jeexjeexi lahaa oo kale, oo gacmihiisana waxba kuma uu haysan; laakiinse wixii uu sameeyey uma uu sheegin aabbihiis iyo hooyadiis toona.

    7Markaasuu dhaadhacay oo naagtii la hadlay; oo iyana Samsoon aad bay ula wanaagsanayd.

  • 74%

    20Oo Ceeliina waa u duceeyey Elqaanaah iyo afadiisiiba, oo wuxuu ku yidhi, Daynkii Rabbiga la siiyey aawadiis Rabbigu naagtan farcan ha kaa siiyo. Oo iyana waxay tageen xaggii gurigoodii.

    21Oo Rabbigu waa soo booqday Xannaah, oo way uuraysatay, oo waxay dhashay saddex wiil iyo laba gabdhood. Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu ku koray Rabbiga hortiisa.

  • Xaak 13:5-9
    5 aayado
    74%

    5waayo, bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil, oo madaxiisana waa inaan mandiil la marin; waayo ilmuhu markuu dhasho iyo inta ka dambaysaba wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay; oo isagu wuxuu bilaabi doonaa inuu reer binu Israa'iil ka badbaadiyo gacanta reer Falastiin.

    6Markaasaa naagtii timid oo ninkeedii u sheegtay, oo ku tidhi, Nin Ilaah baa ii yimid, jaahiisuna wuxuu u ekaa jaahii malaa'igta Ilaah oo aad looga cabsado. Anna ma aan weyddiin meeshuu ka yimid, isna iima uu sheegin magiciisa;

    7laakiinse wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil; oo haddaba ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo; wax aan nadiif ahaynna ha cunin; waayo, ilmuhu markuu dhasho iyo ilaa maalinta dhimashadiisa wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay.

    8Markaasuu Maanoo'ax Rabbiga baryay oo yidhi, Sayidow, waan ku baryayaaye, ninkii Ilaah oo aad soo dirtay, mar kale ha noo yimaado, oo ha na baro waxa aannu ku samayn lahayn wiilka dhalan doona.

    9Ilaahna codkii Maanoo'ax wuu maqlay, oo malaa'igtii Ilaahna naagtii bay mar kale u timid iyadoo berrinka fadhida; laakiinse Maanoo'ax oo ahaa ninkeedii lama uu joogin iyada.

  • 1¶ Laakiinse wakhti yar dabadeed ayuu Samsoon xilligii sarreenka la goosan jiray soo booqday naagtiisii, isagoo orgi yar wada. Markaasuu yidhi, Naagtayda waxaan ugu tegayaa qowladda. Laakiinse aabbeheed uma uu oggolaanin inuu u tago.

  • 4¶ Dabadeedna wuxuu jeclaaday naag joogta dooxadii Soreq, oo magaceedana la odhan jiray Deliilaah.

  • 71%

    19Markaasuu Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isaga, oo wuxuu tegey Ashqeloon, wuxuuna ka laayay soddon nin, oo intuu soo furtay ayuu dharkii siiyey kuwii halxidhkii furay. Oo markaasuu intuu aad u cadhooday ayuu reerkii aabbihiis tegey.

    20Laakiinse naagtii Samsoon waxaa la siiyey wehelkiis oo uu saaxiib ka dhigan jiray.

  • 26Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuu sii koray, oo Rabbiga iyo dadkuba raalli bay ka ahaayeen.

  • 17Oo naagtiina way uuraysatay, oo wiil bay dhashay markii wakhtigii soo wareegay, oo waxay noqotay sidii Eliishaa iyada ku yidhi.

  • 12Markaasuu Maanoo'ax yidhi, Haddaba markii sidaad tidhi ay rumowdo, wiilku caynkee buu noqon doonaa, shuqulkiisuna muxuu ahaan doonaa?

  • 70%

    19Markaasay intay isagii ku seexisay jilbaheedii, ayay nin u yeedhatay, oo waxay ka xiirtay toddobadii raamood ee madaxiisa, dabadeedna waxay bilowday inay saxariiriso, oo xooggiisiina waa ka tegey.

    20Markaasay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Kolkaasuu hurdadiisii ka soo toosay, oo wuxuu yidhi, Sidii mararkii kale ayaan bixi doonaa oo isgilgili doonaa. Laakiinse isma uu ogayn in Rabbigu ka tegey isaga.

  • 70%

    22Habase yeeshee timihii madaxiisu waxay bilaabeen inay soo baxaan kolkii la xiiray dabadeed.

    23¶ Markaasay amiirradii reer Falastiin isu soo urursadeen inay allabari weyn u bixiyaan ilaahood oo ahaa Daagoon, iyo inay reyreeyaan; waayo, waxay isku yidhaahdeen, Cadowgeennii Samsoon ahaa waxaa gacanteenna soo geliyey ilaaheen.

    24Oo dadkiina markay isagii arkeen ayay ilaahood ammaaneen; waayo, waxay yidhaahdeen, Ilaaheen wuxuu gacanteenna soo geliyey kii ahaa cadowgeennii iyo kii dalkeenna baabbi'in jiray oo layn jiray kuwo badan oo inaga mid ah.

  • 31Markaasay walaalihiis iyo reer aabbihiis oo dhammu soo dhaadhaceen, oo intay qaadeen isagii ayay keeneen oo ku aaseen meel u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool, taasoo ahayd xabaashii aabbihiis Maanoo'ax. Oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay labaatan sannadood.

  • 69%

    15Oo maalintii toddobaad waxay Samsoon naagtiisii ku yidhaahdeen, Soo sasab ninkaaga si uu noogu sheego halxidhkii, yaannan adiga iyo reerka aabbahaaba dab ku gubine. Ma waxaad noogu yeedheen inaad na caydhaysaan? Sow sidaas ma aha?

    16Markaasay Samsoon naagtiisu ku hor ooyday, oo waxay isagii ku tidhi, Waxba iima aad samayn nacayb maahee, oo ima aad jeclid innaba. Dadkaygii waad halxidhay, oo iima aad sheegin. Markaasuu ku yidhi, Aabbahay iyo hooyaday toona uma aan sheegine, ma adaan kuu sheegayaa?

  • Xaak 14:9-11
    3 aayado
    69%

    9Oo markaasuu gacmihiisii ku qaaday, oo iska tegey, isagoo cunaya intuu sii socday, markaasuu u yimid aabbihiis iyo hooyadiis, oo iyagiina wuu siiyey, wayna cuneen; laakiinse iyagii uma uu sheegin inuu malabka ka soo qaaday bakhtigii libaaxa.

    10Markaasuu aabbihiis dhaadhacay oo u yimid naagtii; oo Samsoon halkaasuu diyaafad ku sameeyey; waayo, ragga dhallinyarada ahu sidaasay yeeli jireen.

    11Oo markay isagii arkeen ayay u keeneen soddon nin si ay ula joogaan.

  • Xaak 15:6-7
    2 aayado
    68%

    6Markaasay reer Falastiin yidhaahdeen, Yaa waxakan sameeyey? Kolkaasay yidhaahdeen, Waxaa sameeyey Samsoon oo ah wiilka uu kan reer Timnaad soddogga u yahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu ka qaaday naagtiisii, oo wuxuu siiyey saaxiibkiis. Kolkaasay reer Falastiin yimaadeen oo iyadii iyo aabbeheedba dab bay ku gubeen.

    7Kolkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Haddaad sidatan yeeshaan, hubaal waan idinka aargudan doonaa, oo dabadeedna waan joogsan doonaa.

  • 27Waxaan ka baryay wiilkan, oo Rabbigu waa i siiyey baryadaydii aan weyddiistay isaga,

  • 13¶ Markaasuu Bocas kaxaystay Ruud, oo iyana waxay noqotay naagtiisii; kolkaasuu iyadii u tegey, oo Rabbiguna wuxuu iyadii siiyey uur oo waxay dhashay wiil.

  • 11Markaasay nidar nidartay, oo waxay tidhi, Rabbiga Ciidammadow, haddaad fiirisid dhibta aan anoo addoontaada ah qabo, oo aad i soo xusuusatid, ee aadan i illoobin anoo addoontaada ah, laakiinse aad i siiso wiil, de markaas cimrigiisa oo dhan waan ku siinayaa, Rabbiyow, oo madaxiisana mandiil lama marin doono.

  • 27Oo gurigana waxaa ka buuxay rag iyo dumarba, oo amiirradii reer Falastiin oo dhammuna halkaasay wada joogeen; saqafkana waxaa dul joogay dad ku dhow saddex kun oo rag iyo dumarba leh, oo daawanayay intuu Samsoon cayaarayay.

  • 3Markaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Markan anigu eed kuma lahaan doono markaan belaayo ku sameeyo reer Falastiin.

  • 19Oo Samuu'eelna wuu koray, Rabbiguna waa la jiray isaga, oo uma oggolaan in erayadiisii midna dhulka ku dhaco.

  • 17Oo markaasuu u sheegay wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan oo ku yidhi, Madaxayga mandiil lama marin, waayo, tan iyo markaan dhashay waxaan ahaa Nadiir Ilaah loo soocay. Haddii la ii xiiro, xooggaygu waa iga tegayaa, oo waan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.

  • 6Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Waan ku baryayaaye ii sheeg meesha xooggaaga weynu kaaga jiro, oo maxaa lagugu xidhi karaa si laguu saxariiriyo.

  • 12Markaasay Deliilaah qaadday xadhko cuscusub oo ku xidhay isagii, oo waxay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin way ku hayaan. Nimankii gaadmadii ahaana waxay ku jireen qolka hoose. Markaasuu xadhkihii gacmihiisa uga jaray sida dunta oo kale.