Xaakinnadii 14:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markaasuu gacmihiisii ku qaaday, oo iska tegey, isagoo cunaya intuu sii socday, markaasuu u yimid aabbihiis iyo hooyadiis, oo iyagiina wuu siiyey, wayna cuneen; laakiinse iyagii uma uu sheegin inuu malabka ka soo qaaday bakhtigii libaaxa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 14:25-30 : 25 Oo dadkii oo dhammu waxay soo galeen duurkii, dhulkana waxaa yiil malab. 26 Oo markii dadkii soo galay duurkii ayaa malabkii soo dareeray, laakiinse ninna gacanta afka ma saarin, waayo, dadku waxay ka cabsadeen dhaartii. 27 Laakiinse Yoonaataan ma uu maqlin markii aabbihiis dadka dhaarta ku amray, sidaas aawadeed wuxuu soo fidiyey ushii gacanta ugu jirtay caaraddeedii, oo wuxuu daray malabkii, markaasuu gacantii afka saaray; oo indhihiisiina aad bay u iftiimeen. 28 Markaasaa dadkii mid ka mid ahu u jawaabay, oo ku yidhi, Aabbahaa dadka dhaar buu aad ugu amray oo yidhi, Maanta ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Oo dadkiina way itaal darnaayeen. 29 Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Aabbahay isagaa dalka dhibay, waan idin baryayaaye, bal eega sida indhahaygu u iftiimeen, maxaa yeelay, in yar baan ka dhadhamiyey malabkan. 30 Haddaba intee bay ka sii fiicnaan lahayd haddii dadku maanta ikhtiyaar wax uga cuni lahaayeen wixii ay cadaawayaashooda ka dhaceen ee ay heleen? Waayo, hadday sidaas ahaan lahayd reer Falastiin dhexdooda layn tan ka weyn baa ku dhici lahayd.
  • Maah 25:15 : 15 Waxaa xaakin wax lagu oggolaysiiyaa dulqaadasho badan, Carrab macaanuna laftuu jebiyaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xaak 14:2-8
    7 aayado
    87%

    2Oo intuu soo noqday ayuu aabbihiis iyo hooyadiis u sheegay; oo wuxuu ku yidhi, Waxaan Timnaad ku arkay naag gabdhaha reer Falastiin ka mid ah, haddaba sidaas daraaddeed taas ii doona aan guursadee.

    3Markaasay aabbihiis iyo hooyadiis ku yidhaahdeen, War miyaan naagu ku jirin gabdhaha tolkaa, amase dadkayga oo dhan, oo maxaa kugu wata inaad ka guursato reer Falastiinka buuryoqabka ah? Markaasuu Samsoon aabbihiis ku yidhi, Iyada ii doon, waayo, aad bay iila wanaagsan tahay.

    4Laakiinse aabbihiis iyo hooyadiis ma ay ogayn in taasu ahayd wax Rabbiga ka yimid; waayo, wuxuu doonayay sabab uu ku qabsado reer Falastiin. Oo wakhtigaas reer Falastiin ayaa xukumay reer binu Israa'iil.

    5¶ Markaasaa Samsoon, iyo aabbihiis iyo hooyadiis, waxay tageen Timnaad, oo waxay yimaadeen beerihii canabka ahaa oo Timnaad. Oo bal eeg, waxaa isagii ku soo ciyey libaax yar.

    6Markaasaa Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isagii, oo Samsoon wuxuu u jeexjeexay libaaxii sidii uu orgi yar u kala jeexjeexi lahaa oo kale, oo gacmihiisana waxba kuma uu haysan; laakiinse wixii uu sameeyey uma uu sheegin aabbihiis iyo hooyadiis toona.

    7Markaasuu dhaadhacay oo naagtii la hadlay; oo iyana Samsoon aad bay ula wanaagsanayd.

    8Oo wakhti yar dabadeed ayuu u soo noqday inuu kaxaysto iyadii, markaasuu ku leexday inuu arko bakhtigii libaaxa; oo bal eeg, bakhtigii libaaxa waxaa ku jiray shinni badan iyo malab.

  • 75%

    10Markaasuu aabbihiis dhaadhacay oo u yimid naagtii; oo Samsoon halkaasuu diyaafad ku sameeyey; waayo, ragga dhallinyarada ahu sidaasay yeeli jireen.

    11Oo markay isagii arkeen ayay u keeneen soddon nin si ay ula joogaan.

  • 75%

    14Markaasuu ku yidhi iyagii, Kii wax cuni jiray ayaa cunto ka soo baxday, Kii xoogga badnaana waxaa ka soo baxay macaan. Oo iyana intii saddex maalmood ah ayay halxidhkii furi waayeen.

    15Oo maalintii toddobaad waxay Samsoon naagtiisii ku yidhaahdeen, Soo sasab ninkaaga si uu noogu sheego halxidhkii, yaannan adiga iyo reerka aabbahaaba dab ku gubine. Ma waxaad noogu yeedheen inaad na caydhaysaan? Sow sidaas ma aha?

    16Markaasay Samsoon naagtiisu ku hor ooyday, oo waxay isagii ku tidhi, Waxba iima aad samayn nacayb maahee, oo ima aad jeclid innaba. Dadkaygii waad halxidhay, oo iima aad sheegin. Markaasuu ku yidhi, Aabbahay iyo hooyaday toona uma aan sheegine, ma adaan kuu sheegayaa?

    17Oo toddobadii maalmoodba way ku hor ooyaysay isaga, intii ay diyaafaddoodii ka dhammaanaysay; oo waxaa dhacay maalintii toddobaad inuu iyadii u sheegay, maxaa yeelay, aad bay ugu cadaadisay; markaasay halxidhkii micnihiisii dadkeedii u sheegtay.

    18Markaasay dadkii magaaladu isagii ku yidhaahdeen maalintii toddobaad intaan qorraxdu dhicin, Maxaa malab ka macaan? Maxaase libaax ka xoog badan? Markaasuu iyagii ku yidhi, Haddaydnan qaalintayda beerta ku falin, Halxidhkayga ma aydnaan furteen.

    19Markaasuu Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isaga, oo wuxuu tegey Ashqeloon, wuxuuna ka laayay soddon nin, oo intuu soo furtay ayuu dharkii siiyey kuwii halxidhkii furay. Oo markaasuu intuu aad u cadhooday ayuu reerkii aabbihiis tegey.

    20Laakiinse naagtii Samsoon waxaa la siiyey wehelkiis oo uu saaxiib ka dhigan jiray.

  • 75%

    25Oo dadkii oo dhammu waxay soo galeen duurkii, dhulkana waxaa yiil malab.

    26Oo markii dadkii soo galay duurkii ayaa malabkii soo dareeray, laakiinse ninna gacanta afka ma saarin, waayo, dadku waxay ka cabsadeen dhaartii.

    27Laakiinse Yoonaataan ma uu maqlin markii aabbihiis dadka dhaarta ku amray, sidaas aawadeed wuxuu soo fidiyey ushii gacanta ugu jirtay caaraddeedii, oo wuxuu daray malabkii, markaasuu gacantii afka saaray; oo indhihiisiina aad bay u iftiimeen.

    28Markaasaa dadkii mid ka mid ahu u jawaabay, oo ku yidhi, Aabbahaa dadka dhaar buu aad ugu amray oo yidhi, Maanta ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Oo dadkiina way itaal darnaayeen.

    29Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Aabbahay isagaa dalka dhibay, waan idin baryayaaye, bal eega sida indhahaygu u iftiimeen, maxaa yeelay, in yar baan ka dhadhamiyey malabkan.

    30Haddaba intee bay ka sii fiicnaan lahayd haddii dadku maanta ikhtiyaar wax uga cuni lahaayeen wixii ay cadaawayaashooda ka dhaceen ee ay heleen? Waayo, hadday sidaas ahaan lahayd reer Falastiin dhexdooda layn tan ka weyn baa ku dhici lahayd.

  • 28Kolkaasuu tegey oo wuxuu helay meydkiisii oo jidka dhex yaal, iyo dameerkii iyo libaaxii oo meydka ag taagan; libaaxiina meydkii ma cunin, dameerkiina ma dildillaacsan.

  • 13Wiilkaygiiyow, malab cun, waayo, wuu wanaagsan yahay, Oo waxaad cuntaa awlallada malabka, taas oo kuu dhadhan macaan.

  • 1¶ Laakiinse wakhti yar dabadeed ayuu Samsoon xilligii sarreenka la goosan jiray soo booqday naagtiisii, isagoo orgi yar wada. Markaasuu yidhi, Naagtayda waxaan ugu tegayaa qowladda. Laakiinse aabbeheed uma uu oggolaanin inuu u tago.

  • 43Kolkaasaa Saa'uul wuxuu Yoonaataan ku yidhi, Bal ii sheeg waxaad samaysay. Oo Yoonaataan wuu u sheegay oo ku yidhi, Xaqiiqa in yar oo malab ah ayaan ku dhadhamiyey ushii gacanta iigu jirtay caaraddeedii; haddaba waa inaan dhintaa.

  • 71%

    22laakiinse waad soo noqotay oo kibis baad ku cuntay, biyona waad ku cabtay meeshii uu kugu yidhi, Kibis ha ku cunin, biyona ha ku cabbin. Sidaas daraaddeed meydkaagu gaadhi maayo xabaashii awowayaashaa.

    23Oo markuu kibis cunay oo biyo cabbay dabadeed ayuu dameerkiisii u kooreeyey nebigii uu soo celiyey.

    24Oo markuu ka tegey ayaa libaax jidkii kaga hor yimid, wuuna dilay isagii; oo meydkiisiina waxaa lagu tuuray jidka dhexdiisa, oo dameerkiina wuu ag taagnaa; libaaxiina wuxuu dhinac taagnaa meydka.

    25Oo bal eeg, dad baa soo ag maray, oo waxay arkeen meydka jidka lagu tuuray iyo libaaxa meydka agtiisa taagan; oo waxay yimaadeen magaaladii nebiga duqa ahu degganaa, markaasay dadkii u sheegeen.

    26Oo nebigii isaga jidka ka soo celiyey markuu taas maqlay ayuu yidhi, Waa ninkii Ilaah oo ku caasiyoobay Rabbiga; oo sidaas daraaddeed ayuu Rabbigu isaga ugu gacan gashay libaaxa dildillaacsaday oo dilay, taasuna waa sidii uu ahaa erayguu Rabbigu kula hadlay.

  • 15Markaasuu helay daan dameer oo cusub, oo intuu gacantiisii fidiyey ayuu ku qaatay, oo wuxuu daankii ku laayay kun nin.

  • 43Markaasuu qaaday oo hortooda ku cunay.

  • 6Oo isaguna libaaxyaduu dhex socday, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.

  • 29iyo malab, iyo subag, iyo ido, iyo faar lo'aad, oo waxay waxaas oo dhan u keeneen Daa'uud iyo dadkii la socday inay cunaan, waayo, waxay isyidhaahdeen, Dadku cidladay ku gaajoodeen, oo ku daaleen, oo ku harraadeen.

  • 3Oo dhasheedii midkood ayay korisay, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.

  • 13Wuuna fuuliyey meelaha sarsare ee dhulka, Oo wuxuu cunay wixii beerta ka baxay, Wuxuuna ka dhigay inuu nuugo malab dhagaxii ka soo baxay, Iyo saliid dhagax madow ka soo baxday.

  • 17Markaasay hilibkii macaanaa iyo kibistii ay diyaarisay u dhiibtay wiilkeedii Yacquub.

  • 24Oo naagtiina wiil bay dhashay, oo magiciisiina waxay u bixisay Samsoon; wiilkiina wuu koray, Ilaahna wuu barakeeyey isagii.

  • 34Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Anoo addoonkaaga ah waxaan hayn jiray idaha aabbahay, oo haddii libaax ama orso yimaado, oo idaha nayl yar ka qaato,

  • Xaak 15:3-6
    4 aayado
    67%

    3Markaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Markan anigu eed kuma lahaan doono markaan belaayo ku sameeyo reer Falastiin.

    4Markaasuu Samsoon tegey, oo wuxuu soo qabsaday saddex boqol oo dawaco, oo intuu qoryo soo qaaday ayuu dabooyinka isugu xidhay, oo qoryihiina wuxuu ku dhex xidhay laba dabo oo kasta.

    5Oo markuu qoryihii dab ku dhejiyey dabadeed ayuu dawacooyinkii ku sii dhex daayay beerihii sarreenka ahaa oo reer Falastiin, markaasaa waxaa gubtay sarreenkii beeraha dhex tuulnaa iyo kii weli taagnaa, iyo weliba beerihii saytuunka ahaa.

    6Markaasay reer Falastiin yidhaahdeen, Yaa waxakan sameeyey? Kolkaasay yidhaahdeen, Waxaa sameeyey Samsoon oo ah wiilka uu kan reer Timnaad soddogga u yahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu ka qaaday naagtiisii, oo wuxuu siiyey saaxiibkiis. Kolkaasay reer Falastiin yimaadeen oo iyadii iyo aabbeheedba dab bay ku gubeen.

  • 12Markaasay isagii ku yidhaahdeen, Waxaannu u nimid inaannu ku xidhno, si aannu gacanta kuugu gelinno reer Falastiin. Kolkaasuu Samsoon ku yidhi iyagii, Ii dhaarta inaydnaan idinku i dilayn.

  • 31Markaasay walaalihiis iyo reer aabbihiis oo dhammu soo dhaadhaceen, oo intay qaadeen isagii ayay keeneen oo ku aaseen meel u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool, taasoo ahayd xabaashii aabbihiis Maanoo'ax. Oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay labaatan sannadood.

  • 9Bal adhiga u kac, oo iiga keen laba waxar oo wanwanaagsan, oo waxaan aabbahaa uga samayn hilib macaan, oo ah kan uu jecel yahay,

  • 16Oo markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba.

  • 12Aarkii libaaxu wuxuu dhashiisii u dildillaaciyey wax ku filan, oo goolihiisiina wax buu u dilay, oo godadkiisii wuxuu ka buuxsaday ugaadh, oo boholihiisiina wuxuu ka buuxsaday raq.

  • 14Markaasuu tegey, oo soo kaxeeyey, oo u keenay hooyadiis, hooyadiisna waxay samaysay hilib macaan, oo ah sidii kii aabbihiis jeclaa.