Xaakinnadii 14:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu aabbihiis dhaadhacay oo u yimid naagtii; oo Samsoon halkaasuu diyaafad ku sameeyey; waayo, ragga dhallinyarada ahu sidaasay yeeli jireen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 29:22 : 22 Markaasuu Laabaan soo ururiyey nimankii meeshaas joogay oo dhan, oo wuxuu sameeyey diyaafad.
  • Est 1:7-9 : 7 Oo waxaa dadka cabniin lagu siiyey weelal dahab ah (oo weelashana midba midka kale wuu ka duwanaa), oo khamrigii boqorkuna wuu badnaa sidii ay ahayd deeqsinimadii boqorku. 8 Oo cabniinkuna wuxuu waafaqsanaa qaynuunka, dirqina ma jirin, waayo, boqorku wuxuu madaxdii gurigiisa oo dhan ku amray inay nin kasta u yeelaan siduu doonayo. 9 Oo weliba Boqorad Washtiina waxay dumarkii diyaafad ugu samaysay hoygii reer boqor oo uu Boqor Ahashwerus lahaa. 10 ¶ Oo maalintii toddobaad boqorkii, isagoo qalbigiisu khamri ku faraxsan yahay, wuxuu amray toddobadii midiidin oo Boqor Ahashwerus ka adeegi jiray oo ahaa Mehuumaan, Bista, Xarboona, Bigtaa, Abagta, Seetar, iyo Karkas, 11 oo wuxuu iyagii ku amray inay Boqorad Washtii hortiisa keenaan, iyadoo qabta taajkii boqornimada, si quruxdeeda loo tuso dadka iyo amiirrada, waayo, iyadu waxay lahayd suurad wanaagsan oo in la fiirsado ku fiican. 12 Laakiinse boqoraddii Washtii ahayd way diidday inay ku timaado amarkii boqorku ugu soo dhiibay midiidinnada. Sidaas daraaddeed boqorkii aad buu u xanaaqay, oo cadhadiisiina wuu la gubtay. 13 ¶ Markaasaa boqorkii wuxuu la hadlay nimankii xigmadda lahaa oo xilliyada yiqiin, (waayo, boqorka caadadiisu saasay ahayd xagga kulli kuwii sharcigii yiqiin iyo xukunkaba, 14 oo waxaa isaga ku xigay Karshena, Shetaar, Admata, Tarshiish, Meres, Marsena, iyo Memuukaan oo ahaa toddobadii amiir oo Faaris iyo Maaday, oo arkay boqorka wejigiisa, oo fadhiyey boqortooyada derejadeeda kowaad), 15 oo wuxuu ku yidhi, War maxaan ku samaynaa Boqorad Washtii sida sharciga waafaqsan? Maxaa yeelay, iyadu ma ay yeelin yeedhiddii Boqor Ahashwerus iyada midiidinnada ugu sii dhiibay. 16 Markaasaa Memuukaan jawaabay, oo wuxuu boqorkii iyo amiirradii hortooda ka yidhi, Boqorad Washtii boqorka oo keliya ma ay xumayn, laakiinse waxay xumaysay amiirrada oo dhan, iyo dadka deggan Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhan. 17 Haddaba wixii ay boqoraddu samaysay wuu wada gaadhi doonaa dumarka oo dhan, kolkaasay nimankooda quudhsan doonaan markii warkan loo sheego, oo lagu yidhaahdo, Boqorkii Ahashwerus wuxuu amray in Boqorad Washtii hortiisa la keeno, laakiinse ma ay iman. 18 Haddaba isla maantadan amiiradaha Faaris iyo Maaday oo maqlay wixii ay boqoraddu samaysay, sidaasoo kalay ku odhan doonaan boqorka amiirradiisa oo dhan. Oo saas aawadeed waxaa kici doona quudhsasho iyo xanaaq badan. 19 Haddaba haddii boqorku raalli ka yahay, amar boqornimo ha bixiyo, oo amarkaasna si aan loo beddelin ha lagu dhex qoro qaynuunnada reer Faaris iyo reer Maaday, inaanay boqoradda Washtii mar dambe iman Boqor Ahashwerus hortiisa. Boqorkuna boqoradnimadeedii ha siiyo mid kale oo iyada ka wanaagsan. 20 Oo marka boqorka amarkiisa uu bixin doono lagu faafiyo boqortooyadiisa oo dhan (waayo, way weyn tahay) ayaa dumarka oo dhammu nimankooda maamuusi doonaan, yar iyo weynba. 21 ¶ Oo odhaahdaasu waxay ka farxisay boqorkii iyo amiirradii oo dhanba, kolkaasuu boqorkii yeelay sidii uu Memuukaan yidhi. 22 Oo wuxuu warqado u diray boqorka gobolladiisii oo dhan, oo gobol walba wuxuu ugu qoray fartiisii, oo dad kastana wuxuu ugu qoray afkoodii, si nin kastaa ugu taliyo reerkiisa oo uu ku sheego afka dadkiisu ku hadlo.
  • Wacd 10:19 : 19 Diyaafadda waxaa loo dhigaa qosol aawadiis, khamriguna naftuu u raaxeeyaa, oo lacagtu wax kastaba way ka jawaabtaa.
  • Mat 22:2-4 : 2 Boqortooyada jannada waxay la mid tahay sidii boqor wiilkiisa aroos u dhigay. 3 Addoommadiisii ayuu u diray inay u yeedhaan kuwa arooska loogu yeedhay, mana ay doonaynin inay yimaadaan. 4 Haddana addoommo kale ayuu diray oo wuxuu ku yidhi, Kuwii loo yeedhay waxaad ku tidhaahdaan, Bal eega, cuntadaydii waan diyaargareeyey, dibiyadaydii iyo neefafkaygii buurbuurnaana waa la qalay, wax walubana waa diyar, ee arooska kaalaya.
  • Yoox 2:9 : 9 Kii madaxda ahaa markuu dhadhamiyey biyihii khamriga noqday ma uu ogayn meel ay ka yimaadeen, laakiin midiidinyadii oo soo dhuray way ogaayeen; markaasaa kii madaxda ahaa u yeedhay ninkii arooska ahaa,
  • Muj 19:9 : 9 ¶ Oo wuxuu igu yidhi, Waxaad qortaa, Waxaa barakaysan kuwa loogu yeedhay arooska Wanka cashadiisa. Oo wuxuu kaloo igu yidhi, Kuwanu waa erayadii Ilaah oo run ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 79%

    11Oo markay isagii arkeen ayay u keeneen soddon nin si ay ula joogaan.

    12Kolkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Bal aan idin halxidho. Toddobada maalmood oo diyaafadda ah haddaad ii sheegi kartaan oo aad furi kartaan, waxaan idin siinayaa soddon maro, iyo soddon isku joog oo dhar ah;

  • Xaak 14:1-9
    9 aayado
    78%

    1¶ Markaasuu Samsoon tegey Timnaad, oo wuxuu ku arkay naag ka mid ah gabdhaha reer Falastiin.

    2Oo intuu soo noqday ayuu aabbihiis iyo hooyadiis u sheegay; oo wuxuu ku yidhi, Waxaan Timnaad ku arkay naag gabdhaha reer Falastiin ka mid ah, haddaba sidaas daraaddeed taas ii doona aan guursadee.

    3Markaasay aabbihiis iyo hooyadiis ku yidhaahdeen, War miyaan naagu ku jirin gabdhaha tolkaa, amase dadkayga oo dhan, oo maxaa kugu wata inaad ka guursato reer Falastiinka buuryoqabka ah? Markaasuu Samsoon aabbihiis ku yidhi, Iyada ii doon, waayo, aad bay iila wanaagsan tahay.

    4Laakiinse aabbihiis iyo hooyadiis ma ay ogayn in taasu ahayd wax Rabbiga ka yimid; waayo, wuxuu doonayay sabab uu ku qabsado reer Falastiin. Oo wakhtigaas reer Falastiin ayaa xukumay reer binu Israa'iil.

    5¶ Markaasaa Samsoon, iyo aabbihiis iyo hooyadiis, waxay tageen Timnaad, oo waxay yimaadeen beerihii canabka ahaa oo Timnaad. Oo bal eeg, waxaa isagii ku soo ciyey libaax yar.

    6Markaasaa Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isagii, oo Samsoon wuxuu u jeexjeexay libaaxii sidii uu orgi yar u kala jeexjeexi lahaa oo kale, oo gacmihiisana waxba kuma uu haysan; laakiinse wixii uu sameeyey uma uu sheegin aabbihiis iyo hooyadiis toona.

    7Markaasuu dhaadhacay oo naagtii la hadlay; oo iyana Samsoon aad bay ula wanaagsanayd.

    8Oo wakhti yar dabadeed ayuu u soo noqday inuu kaxaysto iyadii, markaasuu ku leexday inuu arko bakhtigii libaaxa; oo bal eeg, bakhtigii libaaxa waxaa ku jiray shinni badan iyo malab.

    9Oo markaasuu gacmihiisii ku qaaday, oo iska tegey, isagoo cunaya intuu sii socday, markaasuu u yimid aabbihiis iyo hooyadiis, oo iyagiina wuu siiyey, wayna cuneen; laakiinse iyagii uma uu sheegin inuu malabka ka soo qaaday bakhtigii libaaxa.

  • Xaak 15:1-8
    8 aayado
    77%

    1¶ Laakiinse wakhti yar dabadeed ayuu Samsoon xilligii sarreenka la goosan jiray soo booqday naagtiisii, isagoo orgi yar wada. Markaasuu yidhi, Naagtayda waxaan ugu tegayaa qowladda. Laakiinse aabbeheed uma uu oggolaanin inuu u tago.

    2Oo aabbeheedna wuxuu yidhi, Sida runta ah waxaan mooday inaad nacday iyada, sidaas daraaddeed waxaan siiyey saaxiibkaa. Walaasheeda ka yari sow kama qurux badna? Haddaba waan ku baryayaaye, meesheedii ka qaado iyada.

    3Markaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Markan anigu eed kuma lahaan doono markaan belaayo ku sameeyo reer Falastiin.

    4Markaasuu Samsoon tegey, oo wuxuu soo qabsaday saddex boqol oo dawaco, oo intuu qoryo soo qaaday ayuu dabooyinka isugu xidhay, oo qoryihiina wuxuu ku dhex xidhay laba dabo oo kasta.

    5Oo markuu qoryihii dab ku dhejiyey dabadeed ayuu dawacooyinkii ku sii dhex daayay beerihii sarreenka ahaa oo reer Falastiin, markaasaa waxaa gubtay sarreenkii beeraha dhex tuulnaa iyo kii weli taagnaa, iyo weliba beerihii saytuunka ahaa.

    6Markaasay reer Falastiin yidhaahdeen, Yaa waxakan sameeyey? Kolkaasay yidhaahdeen, Waxaa sameeyey Samsoon oo ah wiilka uu kan reer Timnaad soddogga u yahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu ka qaaday naagtiisii, oo wuxuu siiyey saaxiibkiis. Kolkaasay reer Falastiin yimaadeen oo iyadii iyo aabbeheedba dab bay ku gubeen.

    7Kolkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Haddaad sidatan yeeshaan, hubaal waan idinka aargudan doonaa, oo dabadeedna waan joogsan doonaa.

    8Markaasuu aad iyo aad u laayay, dabadeedna intuu dhaadhacay ayuu degay dillaacii dhagaxa weyn oo Ceetaam.

  • 74%

    19Markaasuu Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isaga, oo wuxuu tegey Ashqeloon, wuxuuna ka laayay soddon nin, oo intuu soo furtay ayuu dharkii siiyey kuwii halxidhkii furay. Oo markaasuu intuu aad u cadhooday ayuu reerkii aabbihiis tegey.

    20Laakiinse naagtii Samsoon waxaa la siiyey wehelkiis oo uu saaxiib ka dhigan jiray.

  • 27Oo gurigana waxaa ka buuxay rag iyo dumarba, oo amiirradii reer Falastiin oo dhammuna halkaasay wada joogeen; saqafkana waxaa dul joogay dad ku dhow saddex kun oo rag iyo dumarba leh, oo daawanayay intuu Samsoon cayaarayay.

  • Xaak 19:3-9
    7 aayado
    71%

    3Markaasuu ninkeedii kacay oo iyadii doonay, inuu si raxmad leh ula hadlo oo soo celiyo; oo wuxuu u tegey iyadii, isagoo wata midiidinkiisii iyo laba dameer. Markaasay isagii soo gelisay gurigii aabbeheed; oo gabadha aabbeheedna markuu isagii arkay ayuu ku farxay inuu la kulmo.

    4Markaasaa soddoggiis oo gabadha aabbeheed ahaa ayaa raajiyey isagii, oo saddex maalmood ayuu la joogay; markaasay wax cuneen oo cabbeen oo halkaasay ku hoydeen.

    5Oo maalintii afraad aroor hore ayay tooseen, oo wuxuuna u kacay inuu tago. Markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ku yidhi wiilkii uu soddogga u ahaa, Bal nafta ugu raaxee wuxoogaa cunto ah, dabadeedna waad tegaysaaye.

    6Sidaas daraaddeed way fadhiisteen, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen oo cabbeen, markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ninkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, raalli ahow, caawa oo dhanna iska joog, oo qalbigaaguna ha faraxsanaado.

    7Markaasuu ninkii u kacay inuu tago; laakiinse soddoggiis baa ku sii adkeeyey, oo halkaasuu ku hoyday haddana.

    8Oo haddana maalintii shanaad ayuu aroor hore u kacay inuu tago; markaasaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Waan ku baryayaaye iska raaxayso, oo iska joog ilaa gelinka dambe, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen.

    9Oo markii ninkii u kacay inuu tago, isagii iyo naagtiisii addoonta ahayd, iyo midiidinkiisiiba, ayaa soddoggiis oo ahaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Bal eeg haatan qorraxdu waa sii dhacaysaaye, haddaba waan ku baryayaaye, bal caawa oo dhanna iska joog; bal eeg haatan waa gabbaldhac, de halkan isaga hoyo, in qalbigaagu iska faraxsanaado; oo haddana berri aroorta hore iska tag oo gurigaagii aad.

  • 71%

    14Markaasuu ku yidhi iyagii, Kii wax cuni jiray ayaa cunto ka soo baxday, Kii xoogga badnaana waxaa ka soo baxay macaan. Oo iyana intii saddex maalmood ah ayay halxidhkii furi waayeen.

    15Oo maalintii toddobaad waxay Samsoon naagtiisii ku yidhaahdeen, Soo sasab ninkaaga si uu noogu sheego halxidhkii, yaannan adiga iyo reerka aabbahaaba dab ku gubine. Ma waxaad noogu yeedheen inaad na caydhaysaan? Sow sidaas ma aha?

    16Markaasay Samsoon naagtiisu ku hor ooyday, oo waxay isagii ku tidhi, Waxba iima aad samayn nacayb maahee, oo ima aad jeclid innaba. Dadkaygii waad halxidhay, oo iima aad sheegin. Markaasuu ku yidhi, Aabbahay iyo hooyaday toona uma aan sheegine, ma adaan kuu sheegayaa?

    17Oo toddobadii maalmoodba way ku hor ooyaysay isaga, intii ay diyaafaddoodii ka dhammaanaysay; oo waxaa dhacay maalintii toddobaad inuu iyadii u sheegay, maxaa yeelay, aad bay ugu cadaadisay; markaasay halxidhkii micnihiisii dadkeedii u sheegtay.

  • 70%

    10Oo markaasay raggii reer Yahuudah ku yidhaahdeen, War maxaad noogu soo duusheen? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu u nimid inaannu Samsoon soo xidhno oo ku samayno wixii uu nagu sameeyey oo kale.

    11Markaasaa dillaacii dhagaxa weyn oo Ceetaam waxaa ku dhaadhacay saddex kun oo nin oo reer Yahuudah ah, oo waxay Samsoon ku yidhaahdeen, War miyaanad ogayn inay reer Falastiin inoo taliyaan? Oo haddaba waa maxay waxakan aad nagu samaysay? Oo isna wuxuu ku yidhi, Wixii ay igu sameeyeen oo kale ayaan anna ku sameeyey iyaga.

    12Markaasay isagii ku yidhaahdeen, Waxaannu u nimid inaannu ku xidhno, si aannu gacanta kuugu gelinno reer Falastiin. Kolkaasuu Samsoon ku yidhi iyagii, Ii dhaarta inaydnaan idinku i dilayn.

  • 16Oo markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba.

  • 24Oo naagtiina wiil bay dhashay, oo magiciisiina waxay u bixisay Samsoon; wiilkiina wuu koray, Ilaahna wuu barakeeyey isagii.

  • 25Oo markii qalbigoodii farxay ayay yidhaahdeen, Samsoon u yeedha ha noo cayaaree. Markaasay Samsoon xabsigii uga yeedheen, oo hortooduu ku cayaaray. Kolkaasay waxay isagii taageen tiirarkii dhexdooda.

  • 1¶ Markaasuu Samsoon tegey Gaasa, oo halkaas wuxuu ku arkay dhillo, wuuna u galay.

  • 4Oo wiilashiisii way tegi jireen, oo midkood kastaaba maalintiisa ayuu gurigiisa diyaafad ku samayn jiray, oo waxay u cid direen oo u yeedheen saddexdii gabdhood oo walaalahood ahaa inay wax la cunaan oo wax la cabbaan aawadeed.

  • 30Diyaafad buuna u sameeyey, wayna cuneen oo cabbeen.

  • 68%

    21Markaasuu gurigiisii geliyey, oo dameerihii cuntuu siiyey; oo iyana intay cago maydheen ayay wax cuneen oo cabbeen.

    22Oo intay farxayeen waxaa yimid raggii magaalada oo niman xunxun ah, oo intay guriga hareereeyeen ayay albaabkii garaaceen, markaasay la hadleen odaygii guriga lahaa, oo ku yidhaahdeen, Noo soo bixi ninkii gurigaaga soo galay, aannu u tagnee.

  • 22Markaasuu Laabaan soo ururiyey nimankii meeshaas joogay oo dhan, oo wuxuu sameeyey diyaafad.

  • 31Markaasay walaalihiis iyo reer aabbihiis oo dhammu soo dhaadhaceen, oo intay qaadeen isagii ayay keeneen oo ku aaseen meel u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool, taasoo ahayd xabaashii aabbihiis Maanoo'ax. Oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay labaatan sannadood.

  • 23¶ Markaasay amiirradii reer Falastiin isu soo urursadeen inay allabari weyn u bixiyaan ilaahood oo ahaa Daagoon, iyo inay reyreeyaan; waayo, waxay isku yidhaahdeen, Cadowgeennii Samsoon ahaa waxaa gacanteenna soo geliyey ilaaheen.

  • 4¶ Dabadeedna wuxuu jeclaaday naag joogta dooxadii Soreq, oo magaceedana la odhan jiray Deliilaah.

  • 3Aad buuna u baryay; xaggiisayna u soo leexdeen, oo gurigiisii bay galeen; diyaafad buuna u sameeyey, kibis aan khamiir lahaynna wuu u dubay, wayna cuneen.

  • 20Saas aawadeed Abneer wuxuu Daa'uud ugu yimid Xebroon, labaatan nin baana la socday. Oo Daa'uudna diyaafad ayuu Abneer iyo raggii la socdayba u sameeyey.