Xaakinnadii 16:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markii qalbigoodii farxay ayay yidhaahdeen, Samsoon u yeedha ha noo cayaaree. Markaasay Samsoon xabsigii uga yeedheen, oo hortooduu ku cayaaray. Kolkaasay waxay isagii taageen tiirarkii dhexdooda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 13:28 : 28 Markaasaa Absaaloom midiidinnadiisii amray, oo ku yidhi, Haddaba ogaada markii Amnoon intuu khamriga cabbo ku farxo, oo aan idinku idhaahdo, Amnoon dila, markaas waa inaad dishaan, hana baqina, waayo, sow anigu idinkuma amrin? Saas aawadeed dhiirranaada oo xoog yeesha.
  • Xaak 9:27 : 27 Markaasay beeraha tageen, oo canabkoodii soo gurteen, oo waxay ku tunteen midhihii canabka, wayna iideen, oo waxay galeen gurigii ilaahood, oo wax bay cuneen oo cabbeen, oo waxay caayeen Abiimeleg.
  • Xaak 19:6 : 6 Sidaas daraaddeed way fadhiisteen, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen oo cabbeen, markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ninkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, raalli ahow, caawa oo dhanna iska joog, oo qalbigaaguna ha faraxsanaado.
  • Xaak 19:9 : 9 Oo markii ninkii u kacay inuu tago, isagii iyo naagtiisii addoonta ahayd, iyo midiidinkiisiiba, ayaa soddoggiis oo ahaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Bal eeg haatan qorraxdu waa sii dhacaysaaye, haddaba waan ku baryayaaye, bal caawa oo dhanna iska joog; bal eeg haatan waa gabbaldhac, de halkan isaga hoyo, in qalbigaagu iska faraxsanaado; oo haddana berri aroorta hore iska tag oo gurigaagii aad.
  • Xaak 18:20 : 20 Markaasuu wadaadkii qalbiga ka farxay, oo qaaday eefodkii iyo teraafiimkii, iyo sanamkii xardhanaa, oo wuxuu dhex galay dadka.
  • 1 Boq 20:12 : 12 Markii Benhadad farriintii maqlay, isagoo khamri teendhooyinka kula cabbaya boqorradii ayuu addoommadiisii ku yidhi, War weerar isu diyaariya. Oo iyana markaasay magaaladii weerar isugu diyaariyeen.
  • Est 3:15 : 15 Oo warqaadayaashiina haddiiba degdeg bay ugu ambabbexeen boqorka amarkiisii, oo Shuushan oo ahayd hoygii boqorkana amarkii waa lagu bixiyey. Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u fadhiisteen inay wax cabbaan; laakiinse magaaladii Shuushan oo dhammu way ka wareertay.
  • Ayuub 30:9-9 : 9 Oo haatan gabay cay ah baan u noqday, Oo halqabsi baan u ahay. 10 Way i karahsadaan, oo meel fog bay iga istaagaan, Oo inay candhuufo wejiga iiga tufaanna iskama ay qabtaan.
  • Sab 35:15-16 : 15 Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn. 16 Sida labawejiilayaashu diyaafado uga dhex majaajiloodaan Ayay igu ilko jirriqsadeen.
  • Sab 69:12 : 12 Kuwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan, Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan.
  • Sab 69:26 : 26 Waayo, iyagu waxay silciyaan kii aad dishay, Oo waxay ka sheekeeyaan kuwaad dhaawacday murugtooda.
  • Maah 24:17-18 : 17 Ha rayrayn markuu cadowgaagu dhaco, Oo qalbigaaguna yaanu farxin markuu turunturoodo, 18 Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.
  • Ish 22:13 : 13 Oo bal eega, waxaa jira farxad iyo rayrayn, dibi la qalo iyo ido la gowraco, hilib la cuno iyo khamri la cabbo, oo waxaa la yidhaahdaa, Aynu wax cunno oo cabno, waayo, berrito waynu dhiman doonaaye.
  • Daan 5:2-3 : 2 Beelshaasar markuu dhadhamiyey khamrigii ayuu amray in la keeno weelashii dahabka iyo lacagta ahaa, oo aabbihiis Nebukadnesar ka soo qaaday macbudkii Yeruusaalem ku yiil, in boqorka iyo saraakiishiisa, iyo naagihiisii, iyo naagihiisii addoommaha ahaa ay wax ku cabbaan. 3 Markaasay keeneen weelashii dahabka ahaa oo laga soo qaaday macbudkii guriga Ilaah ahaa ee Yeruusaalem ku yiil; oo boqorkii iyo saraakiishiisii, iyo naagihiisii iyo naagihiisii addoommaha ahaa ay wax ku cabbeen.
  • Miik 7:8-9 : 8 ¶ Cadowgaygow, ha igu farxin. Goortaan dhoco waan kici doonaa, oo goortaan gudcur fadhiistana Rabbiga ayaa iftiin ii noqon doona. 9 Anigu waan qaadan doonaa Rabbiga dhirifkiisa, maxaa yeelay, waan ku dembaabay isaga, ilaa uu dacwaddayda ii muddaco, oo uu ii garsooro. Iftiinka wuu ii soo bixin doonaa, oo anna xaqnimadiisa waan arki doonaa. 10 Dabadeedna waxaa arki doonta tan cadowgayga ah, oo aad bay u ceeboobi doontaa tan igu lahayd, Meeh Rabbiga Ilaahaaga ah? Indhahaygu way fiirin doonaan iyada, oo haatan waxaa iyada loogu tuman doonaa sidii dhoobada jidadka dhex taal.
  • Mat 14:6-7 : 6 Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay. 7 Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba.
  • Mat 26:67-68 : 67 Markaasay wejiga kaga candhuufeen oo garaaceen. Qaarna waa dharbaaxeen, 68 oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Masiixow. Yuu yahay kan kugu dhuftay?
  • Mat 27:29 : 29 Markaasay taaj qodxan uga taxeen oo madaxiisay saareen, cawsduurna gacantiisa midigtaa ayay u geliyeen, oo intay hortiisa jilba joogsadeen oo ku majaajiloodeen ayay waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow.
  • Mat 27:39-44 : 39 Kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen, 40 waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow, isbadbaadi, haddii aad tahay Wiilka Ilaah, oo iskutallaabta ka soo deg. 41 Sidaas oo kale ayaa wadaaddada sare ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimmada iyo waayeelladaba, oo waxay yidhaahdeen, 42 Kuwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo. Waa Boqorka Israa'iil; haddeer iskutallaabta ha ka soo dego, annaguna waannu rumaysan doonnaaye. 43 Ilaah buu isku halleeyey, haddeer ha bixiyo hadduu isaga ku faraxsan yahay, waayo, wuxuu yidhi, Waxaan ahay Wiilka Ilaah. 44 Tuugaggii iskutallaabaha lagu la qodbayna sidaas oo kale ayay u caayeen.
  • Cib 11:36 : 36 Qaar kalena waxay jirrabaad ahaan ula kulmeen majaajilo iyo karbaashid iyo weliba silsilado iyo xabbis.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 79%

    26Markaasuu Samsoon ku yidhi yarkii hagayay, Bal i daa aan taabtee tiirarka gurigu ku taagan yahaye, oo aan ku tiirsadee.

    27Oo gurigana waxaa ka buuxay rag iyo dumarba, oo amiirradii reer Falastiin oo dhammuna halkaasay wada joogeen; saqafkana waxaa dul joogay dad ku dhow saddex kun oo rag iyo dumarba leh, oo daawanayay intuu Samsoon cayaarayay.

    28Markaasuu Samsoon Rabbiga baryay, oo yidhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i xusuuso, oo waan ku tuugayaaye, markan keliya xoog ii yeel, Ilaahow, si aan reer Falastiin haddiiba uga magdhowdo labadaydii indhood.

    29Markaasuu Samsoon qabsaday labadii tiirdhexaad oo gurigu ku taagnaa, wuuna ku tiirsaday, oo mid wuxuu ku qabsaday gacantiisii midig, kii kalena wuxuu ku qabsaday bidixdiisii.

    30Markaasuu Samsoon yidhi, Aan reer Falastiin la dhinto. Oo wuxuu la foororsaday itaalkiisii oo dhan, gurigiina wuxuu ku dhacay amiirradii iyo dadkii ku jiray oo dhan. Sidaasay kuwuu markuu dhintay laayay uga sii badnaayeen kuwuu laayay markuu noolaa.

  • 77%

    18Deliilaahna markay ogaatay inuu u wada sheegay wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan ayay u cid dirtay oo u yeedhay amiirradii reer Falastiin, oo waxay ku tidhi, Bal markan ii kaalaya, waayo, wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan wuu ii sheegay. Markaasay amiirradii reer Falastiin iyadii u yimaadeen oo lacagtiina gacantooday ugu soo qaadeen.

    19Markaasay intay isagii ku seexisay jilbaheedii, ayay nin u yeedhatay, oo waxay ka xiirtay toddobadii raamood ee madaxiisa, dabadeedna waxay bilowday inay saxariiriso, oo xooggiisiina waa ka tegey.

    20Markaasay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Kolkaasuu hurdadiisii ka soo toosay, oo wuxuu yidhi, Sidii mararkii kale ayaan bixi doonaa oo isgilgili doonaa. Laakiinse isma uu ogayn in Rabbigu ka tegey isaga.

    21Markaasay reer Falastiin isagii qabteen, indhihiisiina way ka rideen, kolkaasay isagii keeneen Gaasa, oo waxay ku xidheen silsilado naxaas ah; oo isna wax buu ku ridqi jiray xabsiga.

    22Habase yeeshee timihii madaxiisu waxay bilaabeen inay soo baxaan kolkii la xiiray dabadeed.

    23¶ Markaasay amiirradii reer Falastiin isu soo urursadeen inay allabari weyn u bixiyaan ilaahood oo ahaa Daagoon, iyo inay reyreeyaan; waayo, waxay isku yidhaahdeen, Cadowgeennii Samsoon ahaa waxaa gacanteenna soo geliyey ilaaheen.

    24Oo dadkiina markay isagii arkeen ayay ilaahood ammaaneen; waayo, waxay yidhaahdeen, Ilaaheen wuxuu gacanteenna soo geliyey kii ahaa cadowgeennii iyo kii dalkeenna baabbi'in jiray oo layn jiray kuwo badan oo inaga mid ah.

  • 71%

    10Oo markaasay raggii reer Yahuudah ku yidhaahdeen, War maxaad noogu soo duusheen? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu u nimid inaannu Samsoon soo xidhno oo ku samayno wixii uu nagu sameeyey oo kale.

    11Markaasaa dillaacii dhagaxa weyn oo Ceetaam waxaa ku dhaadhacay saddex kun oo nin oo reer Yahuudah ah, oo waxay Samsoon ku yidhaahdeen, War miyaanad ogayn inay reer Falastiin inoo taliyaan? Oo haddaba waa maxay waxakan aad nagu samaysay? Oo isna wuxuu ku yidhi, Wixii ay igu sameeyeen oo kale ayaan anna ku sameeyey iyaga.

    12Markaasay isagii ku yidhaahdeen, Waxaannu u nimid inaannu ku xidhno, si aannu gacanta kuugu gelinno reer Falastiin. Kolkaasuu Samsoon ku yidhi iyagii, Ii dhaarta inaydnaan idinku i dilayn.

    13Oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Maya; laakiinse aad baannu kuu xidhaynaa oo gacantoodaannu ku gelinaynaa; laakiinse hubaal annagu ku dili mayno. Markaasay laba xadhig oo cusub ku soo xidheen, oo intay dhagaxii weynaa ka soo bixiyeen ayay kor u kexeeyeen.

  • 71%

    14Markaasuu ku yidhi iyagii, Kii wax cuni jiray ayaa cunto ka soo baxday, Kii xoogga badnaana waxaa ka soo baxay macaan. Oo iyana intii saddex maalmood ah ayay halxidhkii furi waayeen.

    15Oo maalintii toddobaad waxay Samsoon naagtiisii ku yidhaahdeen, Soo sasab ninkaaga si uu noogu sheego halxidhkii, yaannan adiga iyo reerka aabbahaaba dab ku gubine. Ma waxaad noogu yeedheen inaad na caydhaysaan? Sow sidaas ma aha?

    16Markaasay Samsoon naagtiisu ku hor ooyday, oo waxay isagii ku tidhi, Waxba iima aad samayn nacayb maahee, oo ima aad jeclid innaba. Dadkaygii waad halxidhay, oo iima aad sheegin. Markaasuu ku yidhi, Aabbahay iyo hooyaday toona uma aan sheegine, ma adaan kuu sheegayaa?

    17Oo toddobadii maalmoodba way ku hor ooyaysay isaga, intii ay diyaafaddoodii ka dhammaanaysay; oo waxaa dhacay maalintii toddobaad inuu iyadii u sheegay, maxaa yeelay, aad bay ugu cadaadisay; markaasay halxidhkii micnihiisii dadkeedii u sheegtay.

  • 70%

    10Markaasuu aabbihiis dhaadhacay oo u yimid naagtii; oo Samsoon halkaasuu diyaafad ku sameeyey; waayo, ragga dhallinyarada ahu sidaasay yeeli jireen.

    11Oo markay isagii arkeen ayay u keeneen soddon nin si ay ula joogaan.

    12Kolkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Bal aan idin halxidho. Toddobada maalmood oo diyaafadda ah haddaad ii sheegi kartaan oo aad furi kartaan, waxaan idin siinayaa soddon maro, iyo soddon isku joog oo dhar ah;

  • Xaak 16:1-15
    15 aayado
    70%

    1¶ Markaasuu Samsoon tegey Gaasa, oo halkaas wuxuu ku arkay dhillo, wuuna u galay.

    2Oo waxaa dadkii reer Gaasa lagu yidhi, Samsoon halkanuu yimid. Oo intay hareereeyeen ayay habeenkii oo dhan magaalada iriddeeda ku gaadayeen, oo habeenkaas oo dhanna way aamusnaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Markuu waagu beryo ayaynu dili doonnaa.

    3Oo Samsoonna ilaa habeenbadhkii ayuu jiifay, oo wuxuu kacay habeenbadhkii, oo gacanta ku qabsaday albaabbadii magaalada iriddeeda iyo labadii tiir, markaasuu fujiyey dhammaantood iyo qataarkiiba, oo garbahuu saaray, oo wuxuu la tegey buurta Xebroon ku hor taal dusheeda.

    4¶ Dabadeedna wuxuu jeclaaday naag joogta dooxadii Soreq, oo magaceedana la odhan jiray Deliilaah.

    5Oo amiirradii reer Falastiin ayaa u yimid iyadii, oo waxay ku yidhaahdeen, Bal sasab isaga oo soo ogow meesha xooggiisa weynu kaga jiro, iyo sida aannu kaga adkaan karno, oo aannu intaannu xidhno u saxariirin karno; oo midkayo kastaaba wuxuu ku siin doonaa kun iyo boqol xabbadood oo lacag ah.

    6Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Waan ku baryayaaye ii sheeg meesha xooggaaga weynu kaaga jiro, oo maxaa lagugu xidhi karaa si laguu saxariiriyo.

    7Oo Samsoonna wuxuu iyadii ku yidhi, Haddii laygu xidho toddoba xadhig oo qoyan oo aan weligood engegin, markaasaan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.

    8Markaasay amiirradii reer Falastiin iyadii u keeneen toddoba xadhig oo qoyan oo aan engegin, oo iyana isagii bay ku xidhay xadhkihii.

    9Haddaba waxay haysatay niman gaadmo ah oo joogay qolka hoose. Oo waxay isagii ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin way ku hayaan. Oo xadhkihiina wuxuu u jaray sidii shootali dab la saaray u go'o oo kale. Taas darteed xooggiisii meeluu ku jiro lama ogaan.

    10Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Bal eeg, waad igu majaajilootaye. Oo been baad ii sheegtay, haddaba waan ku baryayaaye, ii sheeg waxa lagugu xidhi karo.

    11Oo isna wuxuu ku yidhi, Haddii laygu xidho xadhko cuscusub oo aan lagu shaqayn, markaas waan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.

    12Markaasay Deliilaah qaadday xadhko cuscusub oo ku xidhay isagii, oo waxay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin way ku hayaan. Nimankii gaadmadii ahaana waxay ku jireen qolka hoose. Markaasuu xadhkihii gacmihiisa uga jaray sida dunta oo kale.

    13Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Haddaba tan iyo markii hore waad igu majaajilootay, oo been baad ii sheegtay. Ii sheeg waxa lagugu xidhi karo. Kolkaasuu ku yidhi, Toddobada raamood ee madaxayga haddaad dharsameeye duntiis kula tidicdid waan taag yaraanayaa.

    14Markaasay qodob ku qodobtay oo ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Oo intuu hurdadii ka soo toosay ayuu rujiyey qodobkii iyo looxii dunta, iyo duntii dharsameeyaha.

    15Markaasay isagii ku tidhi, Sidee baad u odhan kartaa, Waan ku jeclahay, adigoo aanu qalbigaagu ila jirin? Bal eeg, saddex jeer baad igu majaajilootay oo iimana aad sheegin meesha xooggaaga weynu ku jiro.

  • Xaak 15:3-7
    5 aayado
    69%

    3Markaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Markan anigu eed kuma lahaan doono markaan belaayo ku sameeyo reer Falastiin.

    4Markaasuu Samsoon tegey, oo wuxuu soo qabsaday saddex boqol oo dawaco, oo intuu qoryo soo qaaday ayuu dabooyinka isugu xidhay, oo qoryihiina wuxuu ku dhex xidhay laba dabo oo kasta.

    5Oo markuu qoryihii dab ku dhejiyey dabadeed ayuu dawacooyinkii ku sii dhex daayay beerihii sarreenka ahaa oo reer Falastiin, markaasaa waxaa gubtay sarreenkii beeraha dhex tuulnaa iyo kii weli taagnaa, iyo weliba beerihii saytuunka ahaa.

    6Markaasay reer Falastiin yidhaahdeen, Yaa waxakan sameeyey? Kolkaasay yidhaahdeen, Waxaa sameeyey Samsoon oo ah wiilka uu kan reer Timnaad soddogga u yahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu ka qaaday naagtiisii, oo wuxuu siiyey saaxiibkiis. Kolkaasay reer Falastiin yimaadeen oo iyadii iyo aabbeheedba dab bay ku gubeen.

    7Kolkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Haddaad sidatan yeeshaan, hubaal waan idinka aargudan doonaa, oo dabadeedna waan joogsan doonaa.

  • 16Oo markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba.

  • 68%

    19Markaasuu Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isaga, oo wuxuu tegey Ashqeloon, wuxuuna ka laayay soddon nin, oo intuu soo furtay ayuu dharkii siiyey kuwii halxidhkii furay. Oo markaasuu intuu aad u cadhooday ayuu reerkii aabbihiis tegey.

    20Laakiinse naagtii Samsoon waxaa la siiyey wehelkiis oo uu saaxiib ka dhigan jiray.

  • 22Oo intay farxayeen waxaa yimid raggii magaalada oo niman xunxun ah, oo intay guriga hareereeyeen ayay albaabkii garaaceen, markaasay la hadleen odaygii guriga lahaa, oo ku yidhaahdeen, Noo soo bixi ninkii gurigaaga soo galay, aannu u tagnee.

  • 7Markaasuu dhaadhacay oo naagtii la hadlay; oo iyana Samsoon aad bay ula wanaagsanayd.

  • 1¶ Laakiinse wakhti yar dabadeed ayuu Samsoon xilligii sarreenka la goosan jiray soo booqday naagtiisii, isagoo orgi yar wada. Markaasuu yidhi, Naagtayda waxaan ugu tegayaa qowladda. Laakiinse aabbeheed uma uu oggolaanin inuu u tago.

  • 16Oo Samsoonna wuxuu yidhi, Dameer daankiis ayaan taallo taallo ku dul dhigay, Oo dameer daankiis ayaan kun nin ku laayay.