5Oo amiirradii reer Falastiin ayaa u yimid iyadii, oo waxay ku yidhaahdeen, Bal sasab isaga oo soo ogow meesha xooggiisa weynu kaga jiro, iyo sida aannu kaga adkaan karno, oo aannu intaannu xidhno u saxariirin karno; oo midkayo kastaaba wuxuu ku siin doonaa kun iyo boqol xabbadood oo lacag ah.
6Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Waan ku baryayaaye ii sheeg meesha xooggaaga weynu kaaga jiro, oo maxaa lagugu xidhi karaa si laguu saxariiriyo.
7Oo Samsoonna wuxuu iyadii ku yidhi, Haddii laygu xidho toddoba xadhig oo qoyan oo aan weligood engegin, markaasaan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.
8Markaasay amiirradii reer Falastiin iyadii u keeneen toddoba xadhig oo qoyan oo aan engegin, oo iyana isagii bay ku xidhay xadhkihii.
9Haddaba waxay haysatay niman gaadmo ah oo joogay qolka hoose. Oo waxay isagii ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin way ku hayaan. Oo xadhkihiina wuxuu u jaray sidii shootali dab la saaray u go'o oo kale. Taas darteed xooggiisii meeluu ku jiro lama ogaan.
10Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Bal eeg, waad igu majaajilootaye. Oo been baad ii sheegtay, haddaba waan ku baryayaaye, ii sheeg waxa lagugu xidhi karo.
11Oo isna wuxuu ku yidhi, Haddii laygu xidho xadhko cuscusub oo aan lagu shaqayn, markaas waan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.
12Markaasay Deliilaah qaadday xadhko cuscusub oo ku xidhay isagii, oo waxay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin way ku hayaan. Nimankii gaadmadii ahaana waxay ku jireen qolka hoose. Markaasuu xadhkihii gacmihiisa uga jaray sida dunta oo kale.
13Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Haddaba tan iyo markii hore waad igu majaajilootay, oo been baad ii sheegtay. Ii sheeg waxa lagugu xidhi karo. Kolkaasuu ku yidhi, Toddobada raamood ee madaxayga haddaad dharsameeye duntiis kula tidicdid waan taag yaraanayaa.
14Markaasay qodob ku qodobtay oo ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Oo intuu hurdadii ka soo toosay ayuu rujiyey qodobkii iyo looxii dunta, iyo duntii dharsameeyaha.