Xaakinnadii 15:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markuu qoryihii dab ku dhejiyey dabadeed ayuu dawacooyinkii ku sii dhex daayay beerihii sarreenka ahaa oo reer Falastiin, markaasaa waxaa gubtay sarreenkii beeraha dhex tuulnaa iyo kii weli taagnaa, iyo weliba beerihii saytuunka ahaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 22:6 : 6 ¶ Haddii dab baxo, oo uu qodxanta qabsado, oo uu wada gubo xidhmooyinka sarreenka ah ama sarreenka weli baalka ku yaal, ama beerta oo dhan, markaas kii dabka shiday waa inuu magdhabaa.
  • 2 Sam 14:30 : 30 Sidaas daraaddeed Absaaloom wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Bal eega, Yoo'aab beertiisu waxay u dhow dahay tayda, oo waxaa ugu taal shaciir; haddaba taga oo dab qabadsiiya. Markaasaa Absaaloom addoommadiisii beertii dab qabadsiiyeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xaak 15:3-4
    2 aayado
    84%

    3Markaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Markan anigu eed kuma lahaan doono markaan belaayo ku sameeyo reer Falastiin.

    4Markaasuu Samsoon tegey, oo wuxuu soo qabsaday saddex boqol oo dawaco, oo intuu qoryo soo qaaday ayuu dabooyinka isugu xidhay, oo qoryihiina wuxuu ku dhex xidhay laba dabo oo kasta.

  • Xaak 15:6-17
    12 aayado
    83%

    6Markaasay reer Falastiin yidhaahdeen, Yaa waxakan sameeyey? Kolkaasay yidhaahdeen, Waxaa sameeyey Samsoon oo ah wiilka uu kan reer Timnaad soddogga u yahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu ka qaaday naagtiisii, oo wuxuu siiyey saaxiibkiis. Kolkaasay reer Falastiin yimaadeen oo iyadii iyo aabbeheedba dab bay ku gubeen.

    7Kolkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Haddaad sidatan yeeshaan, hubaal waan idinka aargudan doonaa, oo dabadeedna waan joogsan doonaa.

    8Markaasuu aad iyo aad u laayay, dabadeedna intuu dhaadhacay ayuu degay dillaacii dhagaxa weyn oo Ceetaam.

    9¶ Markaasay reer Falastiin intay tageen degeen dhulka Yahuudah, oo waxay ku dhex firdheen Lexii.

    10Oo markaasay raggii reer Yahuudah ku yidhaahdeen, War maxaad noogu soo duusheen? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu u nimid inaannu Samsoon soo xidhno oo ku samayno wixii uu nagu sameeyey oo kale.

    11Markaasaa dillaacii dhagaxa weyn oo Ceetaam waxaa ku dhaadhacay saddex kun oo nin oo reer Yahuudah ah, oo waxay Samsoon ku yidhaahdeen, War miyaanad ogayn inay reer Falastiin inoo taliyaan? Oo haddaba waa maxay waxakan aad nagu samaysay? Oo isna wuxuu ku yidhi, Wixii ay igu sameeyeen oo kale ayaan anna ku sameeyey iyaga.

    12Markaasay isagii ku yidhaahdeen, Waxaannu u nimid inaannu ku xidhno, si aannu gacanta kuugu gelinno reer Falastiin. Kolkaasuu Samsoon ku yidhi iyagii, Ii dhaarta inaydnaan idinku i dilayn.

    13Oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Maya; laakiinse aad baannu kuu xidhaynaa oo gacantoodaannu ku gelinaynaa; laakiinse hubaal annagu ku dili mayno. Markaasay laba xadhig oo cusub ku soo xidheen, oo intay dhagaxii weynaa ka soo bixiyeen ayay kor u kexeeyeen.

    14Oo markuu Lexii yimid ayay reer Falastiin qayliyeen intay ka hor yimaadeen. Markaasuu Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isagii, oo xadhkihii gacmihiisa ku xidhnaa waxay noqdeen sidii geed linen ah oo dab lagu gubay, birihiina way ka dhaceen gacmihiisii.

    15Markaasuu helay daan dameer oo cusub, oo intuu gacantiisii fidiyey ayuu ku qaatay, oo wuxuu daankii ku laayay kun nin.

    16Oo Samsoonna wuxuu yidhi, Dameer daankiis ayaan taallo taallo ku dul dhigay, Oo dameer daankiis ayaan kun nin ku laayay.

    17Oo markuu hadalkii dhammeeyey ayuu daankii iska xooray, oo meeshaasna waxaa loo bixiyey Raamad Lexii.

  • 1¶ Laakiinse wakhti yar dabadeed ayuu Samsoon xilligii sarreenka la goosan jiray soo booqday naagtiisii, isagoo orgi yar wada. Markaasuu yidhi, Naagtayda waxaan ugu tegayaa qowladda. Laakiinse aabbeheed uma uu oggolaanin inuu u tago.

  • 15Oo maalintii toddobaad waxay Samsoon naagtiisii ku yidhaahdeen, Soo sasab ninkaaga si uu noogu sheego halxidhkii, yaannan adiga iyo reerka aabbahaaba dab ku gubine. Ma waxaad noogu yeedheen inaad na caydhaysaan? Sow sidaas ma aha?

  • Xaak 16:7-9
    3 aayado
    72%

    7Oo Samsoonna wuxuu iyadii ku yidhi, Haddii laygu xidho toddoba xadhig oo qoyan oo aan weligood engegin, markaasaan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.

    8Markaasay amiirradii reer Falastiin iyadii u keeneen toddoba xadhig oo qoyan oo aan engegin, oo iyana isagii bay ku xidhay xadhkihii.

    9Haddaba waxay haysatay niman gaadmo ah oo joogay qolka hoose. Oo waxay isagii ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin way ku hayaan. Oo xadhkihiina wuxuu u jaray sidii shootali dab la saaray u go'o oo kale. Taas darteed xooggiisii meeluu ku jiro lama ogaan.

  • Xaak 14:4-7
    4 aayado
    72%

    4Laakiinse aabbihiis iyo hooyadiis ma ay ogayn in taasu ahayd wax Rabbiga ka yimid; waayo, wuxuu doonayay sabab uu ku qabsado reer Falastiin. Oo wakhtigaas reer Falastiin ayaa xukumay reer binu Israa'iil.

    5¶ Markaasaa Samsoon, iyo aabbihiis iyo hooyadiis, waxay tageen Timnaad, oo waxay yimaadeen beerihii canabka ahaa oo Timnaad. Oo bal eeg, waxaa isagii ku soo ciyey libaax yar.

    6Markaasaa Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isagii, oo Samsoon wuxuu u jeexjeexay libaaxii sidii uu orgi yar u kala jeexjeexi lahaa oo kale, oo gacmihiisana waxba kuma uu haysan; laakiinse wixii uu sameeyey uma uu sheegin aabbihiis iyo hooyadiis toona.

    7Markaasuu dhaadhacay oo naagtii la hadlay; oo iyana Samsoon aad bay ula wanaagsanayd.

  • 71%

    19Markaasuu Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isaga, oo wuxuu tegey Ashqeloon, wuxuuna ka laayay soddon nin, oo intuu soo furtay ayuu dharkii siiyey kuwii halxidhkii furay. Oo markaasuu intuu aad u cadhooday ayuu reerkii aabbihiis tegey.

    20Laakiinse naagtii Samsoon waxaa la siiyey wehelkiis oo uu saaxiib ka dhigan jiray.

  • 70%

    29Markaasuu Samsoon qabsaday labadii tiirdhexaad oo gurigu ku taagnaa, wuuna ku tiirsaday, oo mid wuxuu ku qabsaday gacantiisii midig, kii kalena wuxuu ku qabsaday bidixdiisii.

    30Markaasuu Samsoon yidhi, Aan reer Falastiin la dhinto. Oo wuxuu la foororsaday itaalkiisii oo dhan, gurigiina wuxuu ku dhacay amiirradii iyo dadkii ku jiray oo dhan. Sidaasay kuwuu markuu dhintay laayay uga sii badnaayeen kuwuu laayay markuu noolaa.

  • 70%

    12Iyana halkaasay ilaahyadoodii kaga tageen, markaasaa Daa'uud amar ku bixiyey in la gubo.

    13Haddana reer Falastiin mar kalay dooxadii ku soo firdheen.

  • 6¶ Haddii dab baxo, oo uu qodxanta qabsado, oo uu wada gubo xidhmooyinka sarreenka ah ama sarreenka weli baalka ku yaal, ama beerta oo dhan, markaas kii dabka shiday waa inuu magdhabaa.

  • 69%

    23¶ Markaasay amiirradii reer Falastiin isu soo urursadeen inay allabari weyn u bixiyaan ilaahood oo ahaa Daagoon, iyo inay reyreeyaan; waayo, waxay isku yidhaahdeen, Cadowgeennii Samsoon ahaa waxaa gacanteenna soo geliyey ilaaheen.

    24Oo dadkiina markay isagii arkeen ayay ilaahood ammaaneen; waayo, waxay yidhaahdeen, Ilaaheen wuxuu gacanteenna soo geliyey kii ahaa cadowgeennii iyo kii dalkeenna baabbi'in jiray oo layn jiray kuwo badan oo inaga mid ah.

  • 1¶ Markaasuu Samsoon tegey Timnaad, oo wuxuu ku arkay naag ka mid ah gabdhaha reer Falastiin.

  • 30Sidaas daraaddeed Absaaloom wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Bal eega, Yoo'aab beertiisu waxay u dhow dahay tayda, oo waxaa ugu taal shaciir; haddaba taga oo dab qabadsiiya. Markaasaa Absaaloom addoommadiisii beertii dab qabadsiiyeen.

  • 69%

    20Markaasay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Kolkaasuu hurdadiisii ka soo toosay, oo wuxuu yidhi, Sidii mararkii kale ayaan bixi doonaa oo isgilgili doonaa. Laakiinse isma uu ogayn in Rabbigu ka tegey isaga.

    21Markaasay reer Falastiin isagii qabteen, indhihiisiina way ka rideen, kolkaasay isagii keeneen Gaasa, oo waxay ku xidheen silsilado naxaas ah; oo isna wax buu ku ridqi jiray xabsiga.

  • 12Markaasay Deliilaah qaadday xadhko cuscusub oo ku xidhay isagii, oo waxay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin way ku hayaan. Nimankii gaadmadii ahaana waxay ku jireen qolka hoose. Markaasuu xadhkihii gacmihiisa uga jaray sida dunta oo kale.

  • 14Markaasay qodob ku qodobtay oo ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Oo intuu hurdadii ka soo toosay ayuu rujiyey qodobkii iyo looxii dunta, iyo duntii dharsameeyaha.

  • 27Oo gurigana waxaa ka buuxay rag iyo dumarba, oo amiirradii reer Falastiin oo dhammuna halkaasay wada joogeen; saqafkana waxaa dul joogay dad ku dhow saddex kun oo rag iyo dumarba leh, oo daawanayay intuu Samsoon cayaarayay.

  • 14Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya,

  • 16Oo markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba.

  • 18¶ Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.

  • 3Oo Samsoonna ilaa habeenbadhkii ayuu jiifay, oo wuxuu kacay habeenbadhkii, oo gacanta ku qabsaday albaabbadii magaalada iriddeeda iyo labadii tiir, markaasuu fujiyey dhammaantood iyo qataarkiiba, oo garbahuu saaray, oo wuxuu la tegey buurta Xebroon ku hor taal dusheeda.

  • Yex 15:5-6
    2 aayado
    68%

    5Bal eeg, markuu dhamaa shuqulna waxba uma tarayn, haddaba bal intee buu ka sii liitaa haatan oo uu dab dhammeeyey oo uu gubtay?

    6Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sidii geedka canabka ah oo ku dhex yaal dhirta kaynta, oo aan xaabo ahaan dabka u siiyey, sidaas oo kale ayaan dadka Yeruusaalem deggan u siin doonaa.

  • 10Oo magaalooyinkoodii ku yiil meelihii ay degganaayeen iyo xerooyinkoodii oo dhan way wada gubeen.

  • 33Wuxuu wax ku dhuftay geedahoodii canabka ahaa iyo geedahoodii berdaha ahaaba, Oo dhirtii waddankooda ku tiilna wuu jejebiyey.

  • 9Oo markaasuu gacmihiisii ku qaaday, oo iska tegey, isagoo cunaya intuu sii socday, markaasuu u yimid aabbihiis iyo hooyadiis, oo iyagiina wuu siiyey, wayna cuneen; laakiinse iyagii uma uu sheegin inuu malabka ka soo qaaday bakhtigii libaaxa.

  • 21Iyana halkaasay sanamyadoodii kaga tageen, waxaana qaaday Daa'uud iyo raggiisii.

  • 10Oo intii Samuu'eel allabariga la gubo bixinayay ayaa reer Falastiin soo dhowaadeen inay la diriraan reer binu Israa'iil; laakiinse Rabbigu maalintaas wuxuu reer Falastiin ku soo daayay onkod weyn, wuuna baabbi'iyey, oo reer binu Israa'iil hortooday ku jabeen.