Xaakinnadii 18:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxay u dhawaaqeen reer Daan. Iyana intay ku soo jeesteen ayay Miikaah ku yidhaahdeen, War maxaa kaa qaylisiinaya oo aad guutada caynkan ah u soo kaxaysatay?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 21:17 : 17 Ilaah baana maqlay codkii wiilka; malaa'igtii Ilaahna Haagaar bay samada uga yeedhay, oo waxay ku tidhi, Haagaaray, maxaa ku helay? Ha baqin; waayo, Ilaah waa maqlay codkii wiilka, meeshuu joogo isagu.
  • 1 Sam 11:5 : 5 Oo bal eeg, waxaa yimid Saa'uul oo dibiyadii duurka ka keenay, oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa ku dhacay dadka oo ay la ooyayaan? Markaasay u sheegeen hadalladii nimankii reer Yaabeesh.
  • 2 Sam 14:5 : 5 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Naa maxaa kugu dhacay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Sida runta ah waxaan ahay naag carmal ah, oo ninkaygiina waa dhintay.
  • 2 Boq 6:28 : 28 Markaasaa boqorkii wuxuu iyadii ku yidhi, Naa maxaa ku helay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Naagtan waxay igu tidhi, Naa wiilkaaga na sii aan maanta cunnee oo wiilkaygana berri baannu wada cuni doonnaa.
  • Sab 114:5 : 5 Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa? Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa?
  • Ish 22:1 : 1 ¶ Kanu waa war culus ee dooxada muujinta ku saabsan. War maxaa idinku dhacay, oo aad dhammaantiin guryaha dushooda la korteen?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    24Isna wuxuu yidhi, Waxaad iga qaadateen ilaahyadaydii aan sameeyey, iyo wadaadkaygii, oo waad tagteen, haddaba maxaan kaloo haystaa? Haddaba sidee baad ii leedihiin, War maxaa kaa qaylisiinaya?

    25Markaasay reer Daan ku yidhaahdeen, War hoy, codkaaga yaan dhexdayada laga maqlin, waaba intaasoo ay ragga cadhaysanu ku dilaan, oo aad weydaa naftaada iyo nafta reerkaagaba.

    26Markaasay reer Daan iska tageen. Oo Miikaahna markuu arkay inay aad uga xoog badan yihiin ayuu iska noqday oo gurigiisii tegey.

    27Oo iyana waxay la tageen wixii Miikaah sameeyey, iyo wadaadkiisii, markaasay yimaadeen Layish, iyo dad xasilloon oo ammaan u fadhiya, oo waxay ku laayeen seef; oo magaaladiina dab bay ku gubeen.

    28Oo badbaadiyena ma ay lahayn, maxaa yeelay, Siidoon way ka fogayd, oo ninnaba lama ay macaamiloon jirin; oo waxay ku tiil dooxada u dhow Beytrexob. Oo iyana intay magaaladii dhiseen ayay degeen.

    29Oo magaaladii magaceediina waxay u bixiyeen Daan, oo waxay ku sammiyeen magicii awowgood Daan, kii u dhashay Israa'iil; habase yeeshee magaalada magaceedu wuxuu markii hore ahaa Layish.

    30Markaasay reer Daan qotonsadeen sanamkii xardhanaa; oo Yoonaataan oo ahaa ina Gershoom oo ina Muuse ahaa iyo wiilashiisiiba waxay wadaaddo u ahaayeen qabiilkii reer Daan ilaa wakhtigii dalka la qabsaday.

    31Oo waxay qotonsadeen sanamkii xardhanaa oo Miikaah sameeyey, oo intii guriga Ilaah Shiiloh ku yiil oo dhan ayuu oolli jiray.

  • 82%

    21Markaasay noqdeen oo tageen, oo waxay iska horraysiiyeen dhallaankii, iyo xoolihii iyo alaabtii.

    22Oo markay ka fogaadeen gurigii Miikaah ayaa raggii joogay guryihii u dhowaa gurigii Miikaah soo wada ururay, oo waxay gaadheen reer Daan.

  • Xaak 18:1-5
    5 aayado
    82%

    1¶ Waagaas reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo qabiilkii reer Daan waxay wakhtigaas doonayeen dal dhaxal u ah oo ay degaan; waayo, ilaa maalintaas dhaxal kama ay helin qabiilooyinka reer binu Israa'iil.

    2Markaasay reer Daan qabiilkoodii oo dhan ka direen shan nin oo xoog leh, oo waxay ka direen Sorcaah iyo Eshtaa'ool, inay dalka soo basaasaan oo ay soo baadhaan; oo waxay ku yidhaahdeen, Taga oo dalka soo baadha. Markaasay yimaadeen gurigii Miikaah oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo meeshaasay u hoydeen.

    3Oo markay gurigii Miikaah ag joogeen ayay garteen codkii ninkii dhallinyarada ahaa oo reer Laawi. Markaasay halkaas ku leexdeen, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa halkan ku keenay? Oo maxaad ka samaysaa meeshan? Maxaadse ku haysataa halkan?

    4Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Sidan iyo sidaas ayaa Miikaah ii sameeyey, wuuna i kiraystay, oo anna waxaan noqday wadaadkiisii.

    5Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, bal Ilaah talo noo weyddii, inaannu ogaanno bal inaannu jidkayaga aan ku soconno ku soo liibaanayno iyo in kale.

  • 78%

    11¶ Markaas reer Daan waxaa halkaas kaga bixitimay oo Sorcaah iyo Eshtaa'ool ka tegey lix boqol oo nin oo hubkii dagaalka xidhan.

    12Markaasay baxeen oo degeen Qiryad Yecaariim oo ku taal Yahuudah; sidaas daraaddeed meeshaas waxay u bixiyeen Maxaneh Daan, oo ilaa maanta waa la yidhaahdaa; oo waxay ka dambaysaa Qiryad Yecaariim.

    13Oo halkaasna way ka tageen oo waxay u kaceen dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, markaasay yimaadeen gurigii Miikaah.

    14Kolkaasaa shantii nin oo waddanka Layish soo basaastay waxay ku jawaabeen oo walaalahood ku yidhaahdeen, War ma og tihiin inay guryahan ku jiraan eefod iyo teraafiim, iyo sanam xardhan iyo sanam la shubay? Haddaba sidaas daraaddeed ka fiirsada waxaad samayn lahaydeen.

    15Oo intay halkaas ku soo leexdeen ayay yimaadeen gurigii ninkii dhallinyarada ahaa oo reer Laawi, kaasoo ahaa gurigii Miikaah, wayna nabdaadiyeen.

    16Markaasay lixdii boqol oo nin ee hubka dagaalka xidhnayd ee ahaa reer Daan ag istaageen iridda laga soo galo.

    17Markaasay shantii nin oo dalka soo basaastay yimaadeen oo gudaha galeen, oo waxay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay; oo wadaadkiina wuxuu iridda laga soo galo isla taagay lixdii boqol oo nin ee xidhnayd hubka dagaalka.

    18Oo kuwaasu markay galeen gurigii Miikaah, oo ay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay, ayuu wadaadkii ku yidhi, War maxaad samaynaysaan?

    19Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, Iska aamus, oo gacanta afka saar, ee haddaba na soo raac, oo noo noqo aabbe iyo wadaad; bal kee baa kuu roon, inaad nin keliya reerkiis wadaad u ahaatid, iyo inaad wadaad u ahaatid qabiil iyo jilib reer binu Israa'iil ka mid ah?

  • 8Markaasay nimankii walaalahood ugu yimaadeen Sorcaah iyo Eshtaa'ool. Kolkaasaa walaalahood waxay ku yidhaahdeen, War bal warrama.

  • 15Markaasay u yimaadeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad, oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen,

  • 67%

    10Oo markaasay raggii reer Yahuudah ku yidhaahdeen, War maxaad noogu soo duusheen? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu u nimid inaannu Samsoon soo xidhno oo ku samayno wixii uu nagu sameeyey oo kale.

    11Markaasaa dillaacii dhagaxa weyn oo Ceetaam waxaa ku dhaadhacay saddex kun oo nin oo reer Yahuudah ah, oo waxay Samsoon ku yidhaahdeen, War miyaanad ogayn inay reer Falastiin inoo taliyaan? Oo haddaba waa maxay waxakan aad nagu samaysay? Oo isna wuxuu ku yidhi, Wixii ay igu sameeyeen oo kale ayaan anna ku sameeyey iyaga.

  • 3(Markaasaa reer Benyaamiin waxay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah tageen.) Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War bal noo sheeg siday xumaantanu u dhacday.

  • 12¶ Markaasay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil rag u direen qabiilkii reer Benyaamiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, War xumaantan dhexdiinna ka dhacday waa maxay?

  • 8Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye noo sheeg kan aawadiis belaayadanu inoogu dhacday. Waa maxay shuqulkaagu? Oo xaggee baad ka timid? Waddankaagu waa kee? Dadkaaguna waa ayo?

  • 23Markaasuu wuxuu ku yidhi iyagii, War maxaad waxyaalaha caynkaas ah u samaysaan? Waayo, waxaan dadkan oo dhan ka maqlay macaamilooyinkiinna xunxun.

  • 6oo haddana waxay yimaadeen Gilecaad, iyo ilaa dalkii Taxtiim Xodshii; oo waxay yimaadeen Daan Yacan, iyo Siidoon hareeraheeda,

  • 14Oo Ceeliina markuu maqlay dhawaaqii qaylada ayuu yidhi, Buuqan sawaxankiisu waa maxay micnihiisu? Markaasaa ninkii intuu soo dhaqsaday ayuu Ceelii u yimid oo u warramay.

  • 47Oo soohdintii reer Daan iyagay ka baxday, oo intay reer Daan tageen ayay la dirireen Leshem, oo way qabsadeen, oo dadkii degganaana waxay ku laayeen seef markaasay Leshem hantiyeen oo iska degeen, oo waxay u bixiyeen Daan, kaas oo ahaa magicii awowgood Daan.

  • 1¶ Oo raggii reer Efrayim waxay Gidcoon ku yidhaahdeen, War maxaad waxan noogu samaysay, oo aad noogu yeedhi weyday, markaad u soo kacday inaad reer Midyaan la dagaallanto? Oo aad iyo aad bay u canaanteen isagii.

  • 15Waayo, xagga Daan cod baa ka yeedhaya, oo buuraha Efrayimna belaayo baa laga naadiyaa.

  • 2Yeftaahna wuxuu ku yidhi, Aniga iyo dadkayguba dagaal weyn baannu kula jirnay reer Cammoon, oo markaan idiin yeedhay igama aydnaan badbaadin gacantoodii.

  • 5Oo bal eeg, waxaa yimid Saa'uul oo dibiyadii duurka ka keenay, oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa ku dhacay dadka oo ay la ooyayaan? Markaasay u sheegeen hadalladii nimankii reer Yaabeesh.

  • 16Oo ninkii wuxuu Ceelii ku yidhi, Anigu waxaan ahay kii ciidankii ka soo baxay, oo maantaan ciidankii ka soo cararay. Markaasuu yidhi, Wiilkaygiiyow, sidee bay xaaladdu u dhacday?

  • 38¶ Oo reer Daanna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 34¶ Markaasaa reer Amor waxay ku dirqiyeen reer Daan dalkii buuraha ahaa, maxaa yeelay, ma ay u oggolaan inay u soo degaan xagga dooxada.

  • 29Markaasaa Daa'uud ku yidhi, Bal maxaan haatan sameeyey? Sow hadal uun ma aha?

  • 9Markaasuu Miikaah ku yidhi isagii, Xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay reer Laawi, oo Beytlaxam Yahuudah ayaan ka imid, oo waxaan u socdaa inaan dego meel aan heli karo.

  • 10Oo markaad dadkan u sheegtid erayadan oo dhan oo ay kugu yidhaahdaan, Bal maxaa Rabbigu noogaga hadlay masiibadan weyn? Amase waa maxay xumaantayadu? Amase waa maxay dembigii aannu Rabbiga Ilaahayaga ah ku samaynay?

  • 9Markaasaa Ilaah Balcaam u yimid, oo wuxuu ku yidhi, War nimanka kula joogaa yay yihiin?