Xaakinnadii 8:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasuu haddana wuxuu la hadlay raggii reer Fenuu'eel oo wuxuu ku yidhi, Markaan soo nabad noqdo ayaan dumin doonaa munaaraddan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 8:17 : 17 Oo munaaraddii Fenuu'eelna wuu dumiyey, dadkii magaaladana wuu laayay.
  • 1 Boq 22:27-28 : 27 oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqorkii wuxuu leeyahay, Ninkan xabsiga geliya, oo waxaad ku quudisaan kibis dhib ah, oo waxaad ka waraabisaan biyo dhib ah, ilaa aan soo nabad noqdo. 28 Markaasaa Miikayhuu ku yidhi, Sinaba haddaad ku soo nabad noqotid, Rabbigu igama dhex hadlin. Oo wuxuu kaloo yidhi, Dadkoo dhammow, maqla.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xaak 8:15-18
    4 aayado
    83%

    15Markaasuu wuxuu u yimid raggii reer Sukod, oo wuxuuna ku yidhi, Bal eega Sebah iyo Salmunnac, kuwii aad daraaddood iigu majaajilooteen oo aad igu tidhaahdeen, Sebah iyo Salmunnac miyey haatan gacantaada ku jiraan, aannu raggaaga daalan cunto siinnee?

    16Markaasuu kaxaystay odayaashii magaalada, oo wuxuu qaaday qodxantii cidlada iyo gocondho, wuuna ku edbiyey dadkii reer Sukod.

    17Oo munaaraddii Fenuu'eelna wuu dumiyey, dadkii magaaladana wuu laayay.

    18Kolkaasuu Sebah iyo Salmunnac ku yidhi, Raggii aad Taaboor ku layseen siday ahaayeen? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Waxay ahaayeen sidaadoo kale; oo mid waluba wuxuu u ekaa ilmo boqor oo kale.

  • Xaak 8:7-8
    2 aayado
    83%

    7Markaasaa Gidcoon wuxuu yidhi, Waa hagaag ee markii Rabbigu ii soo gacangeliyo Sebah iyo Salmunnac ayaan hilibkiinna ku jeexjeexi doonaa qodxanta cidlada iyo gocondhada.

    8Markaasuu intuu halkaas ka tegey ayuu u kacay xagga reer Fenuu'eel, sidii oo kaluu ku yidhi; oo raggii reer Fenuu'eel waxay ugu jawaabeen sidii ay reer Sukod ugu jawaabeen oo kale.

  • 9Wuxuu derbiyadaada ku tumi doonaa wax lagu jejebiyo, oo munaaradahaagana wuxuu ku dumin doonaa faasaskiisa.

  • 21oo aan aniga oo nabad qaba ku soo noqdo gurigii aabbahay, markaas Rabbigu wuxuu ii noqon doonaa Ilaah,

  • Xaak 9:46-47
    2 aayado
    67%

    46¶ Oo dadkii ku jiray munaaraddii Shekem markay taas maqleen, ayay galeen qalcaddii ku tiil gurigii ilaahooda Beriid la odhan jiray.

    47Markaasaa Abiimeleg waxaa loo sheegay in dadkii ku jiray munaaraddii Shekem oo dhammu ay isku urursan yihiin.

  • Xaak 9:50-52
    3 aayado
    67%

    50¶ Oo haddana Abiimeleg wuxuu tegey Teebees, oo wuxuu degay meel ka soo hor jeedda, markaasuu qabsaday.

    51Laakiinse magaalada waxaa ku dhex tiil munaarad xoog badan. Markaasay halkaas ku carareen rag iyo dumarba, iyo kulli wixii magaalada joogay oo dhan, oo intay isku soo xidheen ayay kor u fuuleen munaaradda saqafkeedii.

    52Markaasaa Abiimeleg munaaraddii yimid, wuuna la diriray, oo wuxuu u dhowaaday iridda munaaradda inuu dab ku gubo.

  • 8oo wuxuu isyidhi, Ceesaw hadduu koox u yimaado oo uu laayo, dabadeed kooxda hadha ayaa baxsan doonta.

  • 21Markaasaa Sebah iyo Salmunnac waxay ku yidhaahdeen, War adigu kac oo na laa; waayo, nin waluba siduu yahay ayaa xooggiisuna yahay. Markaasaa Gidcoon kacay oo laayay Sebah iyo Salmunnac, oo wuxuu qaatay bilihii ku xidhnaa qoorta awrtooda.

  • 37Oo Gacal haddana wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Bal day, dad baa dhulka dhexdiisa soo socda, oo guutona waxay soo ag socotaa geedkii Mecooneniim.

  • 25¶ Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu dhisay Shekem oo ku taal dalka buuraha leh oo reer Efrayim, halkaasuuna iska degay, oo haddana halkaas wuu ka tegey oo wuxuu dhisay Fenuu'eel.

  • 5oo aniga iyo dadka ila jira oo dhammuba waxaannu u dhowaan doonnaa magaalada, oo markay dibadda noogu soo baxaan sida kolkii ugu horraysay, waannu ka carari doonnaa hortooda.

  • 9¶ Oo isla habeenkaas Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Kac, oo xerada ku dhaadhac, waayo, iyada gacantaan kuu geliyey.

  • 10¶ Haddaba Sebah iyo Salmunnac waxay joogeen Qarqor, iyaga iyo ciidammadoodii, oo waxay ku dhowaayeen shan iyo toban kun oo nin, oo intaasuna waxay ahayd intii ka hadhay ciidankii reer bariga oo dhan; waayo, waxaa ka la'day boqol iyo labaatan kun oo nin oo seefqaad ah.

  • 25Markaasuu iyagii tusay iriddii magaalada laga geli jiray, oo waxay dadkii magaalada ku laayeen seef, laakiinse ninkii iyo xaaskiisii oo dhanba way iska sii daayeen.

  • 10Oo markaasay raggii reer Yahuudah ku yidhaahdeen, War maxaad noogu soo duusheen? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu u nimid inaannu Samsoon soo xidhno oo ku samayno wixii uu nagu sameeyey oo kale.

  • 19Oo mid reer Yacquub ka soo farcamay ayaa xukun yeelan doona, Oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa magaalada ka hadha.

  • 65%

    10¶ Markaad magaalo ugu soo dhowaataan inaad la dirirtaan, waxaad u naadisaan war nabdeed.

    11Oo hadday jawaab nabdeed idin siiyaan oo ay albaabka idinka furaan, waa inay dadka magaaladaas dhexdeeda laga helo oo dhammu addoommo idiin noqdaan oo ay idiin wada adeegaan.

    12Oo hadday idinla nabdi waayaan, laakiinse ay doonayaan inay idinla diriraan, markaas waa inaad hareeraysaan,

  • 5Oo maalintaas ayaan qaansada dadka Israa'iil ku jebin doona dooxada Yesreceel.

  • 9¶ Markaasaa Ilaah mar kale Yacquub u muuqday, markii uu ka yimid Fadan Araam, wuuna barakeeyey.

  • 33Oo subaxda markay qorraxdu soo baxdo waa inaad aroor hore soo kacdaa oo magaalada weerartaa; oo bal eeg, markii isaga iyo dadka la jiraa ay dagaal kuugu soo baxaan, markaasaad ku samayn doontaa sida kuu suurtowda.

  • 20Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Teendhada iriddeeda istaag, oo haddii dad kuu yimaado oo ay i kaa weyddiiyaan, oo ku yidhaahdaan, Halkan nin ma jooga? waxaad ku tidhaahdaa, Maya.

  • Bil 32:19-20
    2 aayado
    64%

    19Sidaasuu ku amray kii labaad, iyo kii saddexaad, iyo kuwii goosannada daba socday oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Sidaas waa inaad ula hadashaan Ceesaw markaad aragtaan;

    20oo waxaad ku tidhaahdaan, Weliba addoonkaagii Yacquub waa naga dambeeyaa. Oo wuxuu yidhi, Hadiyadda iga horraysa ayaan ku cadho tirayaa isaga, dabadeedna wejigiisaan arki doonaa; oo mindhaa wuu i aqbali doonaa.

  • 7Kolkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Haddaad sidatan yeeshaan, hubaal waan idinka aargudan doonaa, oo dabadeedna waan joogsan doonaa.

  • 29De xoog aan wax kugu yeelo waan leeyahay, laakiinse Ilaaha aabbahaa baa xalay ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Iska jir oo Yacquub ha kula hadlin xumaan iyo wanaag toona.

  • 30Yacquubna meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Fenii'eel; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah fool ka fool baan u arkay, naftayduna way nabad gashay.

  • 5Markaasuu dadkii reer Sukod ku yidhi, Waan idin baryayaaye, dadka ila socda kibis siiya, waayo, way daalan yihiin, oo anna waxaan eryoonayaa boqorrada reer Midyaan oo ah Sebah iyo Salmunnac.