29Haddii Ilaah dadkan gacantayda hoos gelin lahaa, ogaada, Abiimeleg waan eryi lahaaye. Kolkaasuu ku yidhi Abiimeleg, Ciidankaaga soo badso oo soo bax.
30Markii Sebul oo ahaa taliyihii magaaladu maqlay erayadii Gacal ina Cebed ayuu aad u cadhooday.
31Markaasuu hoos ahaan wargeeyayaal ugu diray Abiimeleg, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, Gacal ina Cebed iyo walaalihiis ayaa Shekem yimid, oo magaaladiina wuu kugu diray.
32Haddaba adiga iyo dadka kula jiraaba habeennimo soo kaca oo duurka ku soo dhuunta.
33Oo subaxda markay qorraxdu soo baxdo waa inaad aroor hore soo kacdaa oo magaalada weerartaa; oo bal eeg, markii isaga iyo dadka la jiraa ay dagaal kuugu soo baxaan, markaasaad ku samayn doontaa sida kuu suurtowda.
34¶ Markaasaa Abiimeleg iyo dadkii la jiray oo dhammu habeennimo kaceen, oo waxay soo gaadeen Shekem, iyagoo afar guuto ah.
35Markaasaa Gacal ina Cebed baxay, oo wuxuu istaagay iridda magaalada laga soo galo; oo Abiimeleg iyo dadkii la jirayna waxay ka soo kaceen gaadmadii.
36Oo Gacalna markuu arkay dadkii wuxuu Sebul ku yidhi, Bal eeg, dad baa buuraha dushooda ka soo degaya. Sebulna wuxuu ku yidhi isagii, War waxaad arkaysaa oo dad moodaysaa buuraha hooskooda.
37Oo Gacal haddana wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Bal day, dad baa dhulka dhexdiisa soo socda, oo guutona waxay soo ag socotaa geedkii Mecooneniim.
38Markaasaa Sebul wuxuu ku yidhi isagii, Meeh afkaagii aad ku tidhi, Waa ayo Abiimeleg oo maxaynu ugu adeegnaa? Sow kanu ma aha dadkii aad quudhsatay? Haddaba waan ku baryayaaye, u bax oo la dirir.
39Oo Gacalna intuu baxay ayuu hor maray dadkii reer Shekem, oo wuxuu la diriray Abiimeleg.
40Oo Abiimelegna wuu eryooday Gacal, oo isna wuu cararay, oo dad badan oo dhaawac ah ayaa kaga dhacay tan iyo iridda magaalada laga galo.
41Oo Abiimelegna wuxuu degay Aruumaah, Sebulna wuu eryay Gacal iyo walaalihiisba, oo wuu u diiday inay Shekem degganaadaan.
42Oo subaxdii dambe ayaa dadkii duurka tegey oo ay Abiimeleg u sheegeen wixii dhacay.
43Markaasuu dadkii kaxaystay, oo intuu u kala qaybiyey saddex guuto ayuu duurka ku gaaday; markaasuu intuu wax fiiriyey ayuu arkay dadkii magaalada ka soo baxayay oo intuu ku kacay ayuu laayay.
44Markaasay Abiimeleg iyo guutooyinkii la jiray hore u soo rooreen, oo waxay istaageen iriddii magaalada laga soo geli jiray; oo labadii guutona waxay ku yaaceen dadkii duurka joogay oo dhan, wayna wada laayeen.
45Oo Abiimelegna maalintaas oo dhan wuxuu la dirirayay magaaladii; oo wuu qabsaday magaaladii, oo dadkii ku jirayna wuu wada laayay; oo magaaladiina wuu dumiyey, wuxuuna ku daadiyey cusbo.
46¶ Oo dadkii ku jiray munaaraddii Shekem markay taas maqleen, ayay galeen qalcaddii ku tiil gurigii ilaahooda Beriid la odhan jiray.
47Markaasaa Abiimeleg waxaa loo sheegay in dadkii ku jiray munaaraddii Shekem oo dhammu ay isku urursan yihiin.
48Markaasaa Abiimeleg wuxuu fuulay Buur Salmoon, isagii iyo dadkii la jiray oo dhammuba; kolkaasaa Abiimeleg wuxuu gacanta ku qabsaday faas, oo wuxuu dhirtii ka soo jaray laan, oo intuu kor u qaatay ayuu garbaha soo saaray, oo dadkii la jirayna wuxuu ku yidhi, Dhaqsada, oo wixii aad igu aragteen anoo samaynaya u sameeya sidii aan u sameeyey.