Xaakinnadii 6:32

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed wuxuu maalintaas Gidcoon u bixiyey Yerubbacal, oo wuxuu yidhi, Bacal ha la dagaallamo isaga, maxaa yeelay, wuxuu ka dumiyey meeshiisii allabariga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 12:11 : 11 Dabadeedna Rabbigu wuxuu soo diray Yerubbacal, iyo Bedaan, iyo Yeftaah, iyo Samuu'eel, oo idinka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiinnii dhan walba idinka jiray, oo ammaan baad ku degganaateen.
  • 2 Sam 11:21 : 21 Bal yaa dilay Abiimeleg oo ahaa ina Yerubbeshed? Sow naagu dhagax wax lagu shiido derbi kagama soo tuurin oo sow kuma uu dhiman Tebes? Haddaba maxaad idinku derbiga ugu dhowaateen? Markaas waxaad ku tidhaahdaa, Addoonkaagii Uuriyaah ahaa ee reer Xeed isna waa dhintay.
  • Xaak 7:1 : 1 ¶ Markaasay Yerubbacal oo ah Gidcoon iyo dadkii isaga la jiray oo dhan aroor hore kaceen, oo waxay degeen ishii Xarod dhinaceeda; oo xeradii reer Midyaanna waxay iyaga ka xigtay xagga woqooyi oo u dhow buurta Moreh, oo dooxadii ku dhex tiil.
  • Yer 11:13 : 13 Dadka Yahuudah ahow, ilaahyadiinnu waxay tiro le'eg yihiin magaalooyinkiinna, oo jidadka Yeruusaalem intay tiro le'eg yihiin oo kale ayaad meelo allabaryo u qotomiseen waxaas ceebta miidhan ah, waana meelo allabaryo oo aad foox ugu shiddaan Bacal.
  • Hos 9:10 : 10 Waxaan gartay in dadka Israa'iil ay la mid ahaayeen canab cidlada ku dhex yaal, oo waxaan arkay in awowayaashiin ahaayeen sidii berdaha xilliga hore bislaada, laakiinse iyagu waxay yimaadeen Bacal Fecoor, oo waxay gooni isugu sooceen waxaas ceebta miidhan ah, oo waxay u karaahiyoobeen sidii wixii ay jeclaayeen oo kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xaak 6:24-31
    8 aayado
    85%

    24Markaasaa Gidcoon halkaas wuxuu Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu magaceedii u bixiyey Rabbigu waa nabad, oo taasu xataa maantadan la joogo waxay ku taal Cofraah tii reer Abiiceser.

    25¶ Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu ku yidhi isagii, Kaxayso dibiga aabbahaa, kaasoo ah dibiga labaad oo toddoba jirka ah, oo waxaad dumisaa meeshaa allabariga loogu bixiyo Bacal oo aabbahaa haysto, oo geedaha Asheeraah ku ag yaalna jar;

    26oo Rabbiga Ilaahaaga ah meel allabari uga dul dhis dhufayskan, oo hagaaji, oo kexee dibiga labaad, oo geedihii Asheeraah oo aad gooysay qoryihiisa ku bixi allabari la gubo.

    27Markaasaa Gidcoon wuxuu soo kaxaystay toban nin oo addoommadiisii ahaa, oo wuxuu sameeyey wixii Rabbigu u sheegay, oo shuqulkii habeennimuu sameeyey, maxaa yeelay, wuxuu ka cabsanayay reerkii aabbihiis iyo dadkii magaalada, oo taas darteed maalinnimo ma uu samayn karin.

    28Oo dadkii magaaladu markay aroor hore soo tooseen ayay arkeen in meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray ay dunsan tahay iyo in geedihii Asheeraah oo agteeda ku yiil ay salka ka go'an yihiin, iyo in dibigii labaad lagu dul bixiyey meeshii allabariga oo loo dhisay.

    29Markaasaa midkoodba wuxuu kii kale ku yidhi, Yaa waxakan sameeyey? Oo markay haybiyeen oo dadkii weyddiiyeen ayaa la yidhi, Waxakan waxaa sameeyey Gidcoon ina Yoo'aash.

    30Markaasaa dadkii magaaladu waxay Yoo'aash ku yidhaahdeen, Soo bixi wiilkaaga aan dilnee, waayo, wuxuu dumiyey meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray, oo geedihii Asheeraah oo ku ag yiilna salkuu ka gooyay.

    31Markaasaa Yoo'aash wuxuu ku yidhi dadkii ku kacay oo dhan, Ma idinkaa u dagaallamaya Bacal? Oo ma isagaad badbaadinaysaan? Kii u dagaallama ha la dilo subaxda, waayo, hadduu isagu ilaah yahay, de ha isu dagaallamo, maxaa yeelay, waxaa laga jebiyey meeshiisii allabariga.

  • 29Markaasaa wiilkii Yoo'aash, oo Yerubbacal ahaa intuu tegey ayuu iska degay gurigiisii.

  • Xaak 7:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Markaasay Yerubbacal oo ah Gidcoon iyo dadkii isaga la jiray oo dhan aroor hore kaceen, oo waxay degeen ishii Xarod dhinaceeda; oo xeradii reer Midyaanna waxay iyaga ka xigtay xagga woqooyi oo u dhow buurta Moreh, oo dooxadii ku dhex tiil.

    2¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Dadka kula socdaa way igu badan yihiin inaan reer Midyaan gacanta u soo geliyo, waayo, waaba intaasoo ay reer binu Israa'iil ii faanaan, oo ay isyidhaahdaan, Gacantaydaa i badbaadisay.

  • 33¶ Markaasaa waxaa is-urursaday reer Midyaan, iyo reer Camaaleq, iyo reer barigii oo dhan, oo intay Webi Urdun ka gudbeen ayay dooxadii Yesreceel degeen.

  • Xaak 9:16-17
    2 aayado
    70%

    16Haddaba haddaad daacad iyo si qumman ku socoteen, markii aad boqrateen Abiimeleg, iyo haddaad daacad kula macaamilooteen Yerubbacal iyo reerkiisii, oo aad u samayseen wixii uu idinka istaahilay;

    17(waayo, aabbahay idinkuu idiin diriray oo aawadiin buu naftiisii u biimeeyey, oo wuxuu idinka soo samatabbixiyey gacantii reer Midyaan;

  • 70%

    24Oo markaas idinku u yeedha magaca ilaahiinna, oo anna waxaan u yeedhanayaa magaca Rabbiga; oo markaas Ilaahii dab ku soo jawaabaa ha ahaado Ilaah. Markaasaa dadkii oo dhammu jawaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kaasu waa hadal wanaagsan.

    25Markaasaa Eliiyaah wuxuu nebiyadii Bacal ku yidhi, Bal idinku dibi doorta oo marka hore qala, dabse hoosta ha ka gelinina, oo idinku waad badan tihiine marka hore u yeedha magaca ilaahiinna.

    26Markaasay qaateen dibigii la siiyey, wayna qaleen, oo aroortii ilaa duhurkii ayay u yeedhanayeen magicii Bacal, oo waxay lahaayeen, Bacalow, na maqal! Laakiinse cod iyo wax iyaga u jawaabay toona ma jirin. Oo meeshii allabariga oo la dhisay hareeraheeda ayay boodboodayeen.

  • 19haddaba haddaad maanta daacad iyo si qumman ula macaamilooteen Yerubbacal iyo reerkiisii, de markaas Abiimeleg ku reyreeya oo isna ha idinku reyreeyo;

  • 7Markaasaa Gidcoon wuxuu yidhi, Waa hagaag ee markii Rabbigu ii soo gacangeliyo Sebah iyo Salmunnac ayaan hilibkiinna ku jeexjeexi doonaa qodxanta cidlada iyo gocondhada.

  • 68%

    26Oo waxay soo bixiyeen tiirarkii guriga Bacal ku jiray, wayna gubeen.

    27Wayna jebiyeen tiirkii Bacal, oo dumiyeen gurigii Bacal oo ilaa maantadan waxay ka dhigeen meel lagu saxaroodo.

    28Oo Yeehuu sidaasuu Bacal uga baabbi'iyey dalka Israa'iil.

  • 68%

    19Haddaba sidaas daraaddeed iigu soo wada yeedha nebiyadii Bacal oo dhan, iyo intii isaga caabudi jirtay oo dhan, iyo wadaaddadiisii oo dhan; oo midna yuusan ka maqnaan, waayo, allabari weyn baan Bacal u bixinayaa; oo ku alla ka maqnaadaa noolaan maayo. Laakiinse Yeehuu saas khiyaanuu u sameeyey, waayo, wuxuu damacsanaa inuu wada baabbi'iyo inta Bacal caabudda oo dhan.

    20Yeehuuna wuxuu yidhi, Shir weyn Bacal quduus uga dhiga. Oo taas waa la naadiyey.

  • 5Markaasuu reerkii aabbihiis ugu tegey Coofraah, oo wuxuu isku dhagax dushiis ku laayay walaalihiis ilmo Yerubbacal oo ahaa toddobaatan qof; laakiinse garuddambayskii Yerubbacal oo ahaa Yootam ayaa hadhay, waayo, wuu dhuuntay.

  • 36Markaasaa Gidcoon wuxuu Ilaah ku yidhi, Sidaad ii sheegtay, haddaad reer binu Israa'iil gacantayda ku badbaadinaysid,

  • 32Oo Bacal aawadiis wuxuu meel allabari uga dhisay gurigii Bacal ee uu hore uga dhex dhisay Samaariya.

  • 14Markaasaa saaxiibkiis u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Taasu wax kale ma aha, seeftii Gidcoon ina Yoo'aash mooyaane, kaasoo ah nin reer Israa'iil ah. Ilaah baa kaas gacantiisa geliyey reer Midyaan iyo ciidanka oo dhanba.

  • Xaak 8:1-3
    3 aayado
    66%

    1¶ Oo raggii reer Efrayim waxay Gidcoon ku yidhaahdeen, War maxaad waxan noogu samaysay, oo aad noogu yeedhi weyday, markaad u soo kacday inaad reer Midyaan la dagaallanto? Oo aad iyo aad bay u canaanteen isagii.

    2Oo isna wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan sameeyey oo u qalma waxaad samayseen? Ururinta dambe oo canabka reer Efrayim sow kama wanaagsana ururinta hore oo canabka reer Abiiceser?

    3Ilaah wuxuu gacanta idiin geliyey amiirradii reer Midyaan oo ahaa Cooreeb iyo Se'eeb; haddaba maxaan samayn karay oo u qalma waxaad samayseen? Oo markuu sidaas ku yidhi ayaa ciilkay u qabeen ka baxay.

  • 17Oo munaaraddii Fenuu'eelna wuu dumiyey, dadkii magaaladana wuu laayay.

  • 28Markaasaa Gacal ina Cebed yidhi, Abiimeleg waa ayo? Shekemna waa ayo? Maxaynu ugu adeegna? Sow isagu ma aha ina Yerubbacal? Sirkaalkiisuna sow ma aha Sebul? U adeega dadkii reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis; laakiinse maxaynu ugu adeegnaa isaga?

  • 3Oo isla maalintaasba calaamad buu tusay oo wuxuu yidhi, Tanu waa calaamaddii Rabbigu ku hadlay: Bal ogaada, meesha allabarigu way kala dillaaci doontaa oo dambaska saaranuna wuu soo daadan doonaa.

  • 7Oo markii taas loo sheegay Yootam ayuu tegey oo wuxuu isku taagay Buur Gerisiim dusheedii, oo intuu qayliyey ayuu codkiisii kor u qaaday oo yidhi, Bal i maqla, dadka reer Shekemow, in Ilaah idin maqlo.

  • 33¶ Oo isla markii Gidcoon dhintay ayay reer binu Israa'iil haddana noqdeen, oo Bacaliimkii raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, oo Bacal Beriidna ilaahoodii bay ka dhigteen.

  • 21Markaasaa Sebah iyo Salmunnac waxay ku yidhaahdeen, War adigu kac oo na laa; waayo, nin waluba siduu yahay ayaa xooggiisuna yahay. Markaasaa Gidcoon kacay oo laayay Sebah iyo Salmunnac, oo wuxuu qaatay bilihii ku xidhnaa qoorta awrtooda.

  • 32Markaasuu Yeftaah u gudbay xagga reer Cammoon inuu la dagaallamo, oo Rabbiguna gacantiisuu soo geliyey.

  • 9¶ Oo isla habeenkaas Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Kac, oo xerada ku dhaadhac, waayo, iyada gacantaan kuu geliyey.

  • 30¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Buur Ceebaal uga dhisay meel allabari,

  • 15Markaasay dadkii Yahuudah qayliyeen oo markay dadkii Yahuudah qayliyeen ayaa Rabbigu wax ku dhuftay Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil oo dhan Abiiyaah iyo dadkii Yahuudah hortooda.

  • 10Markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu dembaabnay, maxaa yeelay, waannu kaa tagnay, Rabbiyow, oo u adeegnay Bacaliim iyo Cashtarod, laakiinse haatan naga samatabbixi gacanta cadaawayaashayada, oo waannu kuu adeegi doonnaa.

  • 32Waayo, hadalkii uu amarkii Rabbiga ku qayliyey ee ka geesta ahaa meesha allabariga oo Beytel ku taal, iyo kulli guryaha meelaha sarsare oo ku yaal magaalooyinka reer Samaariya, hubaal wuu ahaan doonaa.

  • 5Oo maalintaas ayaan qaansada dadka Israa'iil ku jebin doona dooxada Yesreceel.

  • 24in dulmigii lagu sameeyey toddobaatankii wiil oo Yerubbacal uu yimaado, oo dhiiggoodii la saaro walaalkood Abiimeleg oo iyaga dilay, iyo dadkii reer Shekem oo gacmihiisa xoojiyey inuu laayo walaalihiis.

  • 17Waayo, afkeeda waan ka fogayn doonaa magacyada Bacaliimta, iyana mar dambe magacooda lama soo qaadi doono.

  • 25Oo waxay gacanta ku dhigeen labadii amiir oo reer Midyaan, oo ahaa Cooreeb iyo Se'eeb; oo markaasay Cooreeb ku dileen dhagaxii Cooreeb, oo Se'eebna waxay ku dileen macsaraddii Se'eeb, wayna sii eryoodeen reer Midyaan; markaasay madaxyadii Cooreeb iyo Se'eeb Gidcoon ugu keeneen Webi Urdun shishadiisa.

  • 5Oo meeshaas magaceedii waxay u bixiyeen Bokiim; oo halkaasay allabari Rabbiga ugu bixiyeen.

  • 4Oo meelihii Bacaliim allabariga loogu bixin jiray oo dhanna hortiisay ku dumiyeen, sanamyadii qorraxda ee iyaga ka sarreeyeyna wuu wada jaray, oo geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaana dhammaantood wuu wada burburiyey oo boodh ka dhigay, oo wuxuu ku dul firdhiyey qabuurihii kuwii allabariga u bixin jiray.