Laawiyiintii 11:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wax alla wixii xayawaan ah oo raafkoodu kala jeexan yahay, oo qanjaafilo leeyahay, oo calyanaqsiga raamsado waa inaad cuntaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 6:6-7 : 6 Oo erayadan aan maanta kugu amrayo ha ku sii jireen qalbigaaga. 7 Oo waa inaad carruurtaada aad u bartaa oo aad kula hadashaa markaad gurigaaga fadhido, iyo markaad jid marto, iyo markaad jiifto, iyo markaad sara joogtaba.
  • Sharc 16:3-8 : 3 Oo allabariga waa inaydaan kibis khamiir leh ku cunin, toddoba maalmoodse waa inaad ku cuntaan kibis aan khamiir lahayn oo ah kibistii dhibka, waayo, dalkii Masar degdeg baad kaga soo baxdeen. Waa inaad cimrigiinna oo dhan xusuusnaataan maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen. 4 Oo intii toddoba maalmood ah soohdimihiinna gudahooda oo dhan waa inaan khamiir lagu arag, oo allabariga aad fiidka maalinta kowaad bixisaan hilibkiisu waa inuusan habeenkii oo dhan oollin oo subaxdii gaadhin. 5 Idiinma bannaana inaad allabariga Iidda Kormaridda ku bixisaan irdihiinna gudahooda oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, 6 laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo waa inaad allabariga Kormaridda ku bixisaan markay fiidka tahay, oo qorraxdu dhacdo, oo ah xilligii aad Masar ka soo baxdeen. 7 Hilibka waa inaad dubtaan oo ku cuntaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo subaxdii waa inaad noqotaan oo teendhooyinkiinna tagtaan. 8 Lix maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, oo maalinta toddobaadna shir quduus ah waa inaad u qabataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban.
  • Sab 1:1-2 : 1 Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh, Oo aan istaagin jidka dembilayaasha, Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada. 2 Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga, Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.
  • Maah 2:1-2 : 1 Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid, Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid, 2 Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;
  • Maah 2:10 : 10 Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda, Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada;
  • Maah 9:6 : 6 Garaadlaawayaashow, nacasnimada iska daaya, oo noolaada, Oo jidka waxgarashadana mara.
  • Fal 17:11 : 11 Haddaba kuwaasu waa ka sharaf badnaayeen kuwii Tesaloniika joogay, maxaa yeelay, ereygay aqbaleen iyagoo xiiso weyn u qaba oo maalin kasta baadhaya Qorniinka inay hubsadaan waxyaalahaasi inay sidaas yihiin iyo in kale.
  • 2 Kor 6:17 : 17 Sidaa daraaddeed, Ka soo baxa dhexdooda oo ka soocma, ayuu Rabbigu leeyahay, Oo ha taabanina wax aan daahir ahayn, Waanan idin aqbali doonaa.
  • 1 Tim 4:15 : 15 Waxyaalahan ku dadaal, oo nafsaddaada oo dhan u go' in horumarkaagu dadka oo dhan u muuqdo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 93%

    3¶ Waa inaydaan cunin innaba wax karaahiyo ah.

    4Kuwanu waa xayawaanka aad hilibkooda cunaysaan, oo waa lo'da, iyo idaha, iyo riyaha,

    5iyo deerada, iyo cawsha, iyo dibtaagta, iyo garannuugta, iyo goodirka, iyo biciidka, iyo adhidibadeedka.

    6Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo calyanaqsiga raamsado oo xayawaanka ka mid ah kaas waa inaad cuntaan.

    7Habase yeeshee kuwa caynkan ah oo calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela iyo bakaylaha iyo walada, maxaa yeelay, calyanaqsiga way raamsadaan laakiinse raafkoodu ma kala jeexna, oo iyagu waa idinka nijaas,

    8oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu waa kala jeexan yahay, calyanaqsigase ma raamsado, sidaas daraaddeed waa idinka nijaas, oo kuwaas hilibkooda waa inaydaan cunin, bakhtigoodana waa inaydaan taaban.

    9¶ Waxa biyaha ku dhex jira oo dhan kuwan ka cuna: wax alla wixii baalal iyo qolfo leh cuna,

    10laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn waa inaydaan cunin, maxaa yeelay, waa idinka nijaas.

    11¶ Haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.

  • Laaw 11:1-2
    2 aayado
    89%

    1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi.

    2Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Kuwanu waa waxyaalaha noolnool oo aad ka cunaysaan xayawaanka dhulka jooga oo dhan,

  • Laaw 11:4-12
    9 aayado
    87%

    4Habase yeeshee, kuwan oo ka mid ah kuwa calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela, maxaa yeelay, calyanaqsiga wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.

    5Oo waladana ha cunina, maxaa yeelay, iyadu calyanaqsiga way raamsataa, laakiinse raafkeedu ma kala jeexna, haddaba iyadu waa idinka nijaas.

    6Oo bakaylahana ha cunina, maxaa yeelay, isagu calyanaqsiga wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.

    7Oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu waa kala jeexan yahay, oo qanjaafiluu leeyahay, laakiinse calyanaqsiga ma raamsado, sidaas daraaddeed isagu waa idinka nijaas.

    8Haddaba kuwaas hilibkooda waa inaydaan cunin, oo baqtigoodana waa inaydaan taaban, maxaa yeelay, iyagu waa idinka nijaas.

    9¶ Waxa biyaha ku dhex jira oo dhan kuwan ka cuna: wax alla wixii baalal iyo qolfo leh oo ku dhex jira biyaha iyo badaha iyo webiyada cuna.

    10Laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn oo ku dhex jira badaha iyo webiyada, iyo waxa biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa oo dhan, iyo kulli waxyaalaha noolnool oo biyaha ku dhex jira oo dhammu waa idinka karaahiyo.

    11Haddaba iyagu waa inay karaahiyo idinka ahaadaan; idinku waa inaydaan hilibkooda cunin, oo baqtigoodana waa inuu karaahiyo idinka ahaadaa.

    12Wax alla wixii biyaha ku dhex jira oo aan lahayn baalal iyo qolfo waa idinka karaahiyo.

  • 83%

    25oo ku alla kii baqtigooda wax ka qaadaa waa inuu dharkiisa maydhaa, oo nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

    26Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo aan qanjaafilo lahayn ama aan calyanaqsiga raamsan waa idinka nijaas, oo ku alla kii iyaga taabtaana wuu nijaasoobayaa.

    27Oo xayawaanka afarta addinba ku socda, wax alla wixii baabacooyinka ku socdaa waa idinka nijaas, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

  • 79%

    46¶ Haddaba intaasu waa sharciga ku saabsan xayawaanka, iyo haadda, iyo wax kasta oo nool oo biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa, iyo wax kasta oo dhulka ku gurguurta;

    47si loo kala duwo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah, iyo waxa nool oo la cuni karo iyo waxa nool ee aan la cuni karin.

  • 79%

    39¶ Oo xayawaanka aad cuni kartaan midkood hadduu dhinto, kii baqtigiisa taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

    40Oo neefkaas baqtigiisa qofkii cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii, oo kii neefka baqtigiisa qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

    41¶ Oo wax kasta oo dhulka ku gurguurtaaba waa karaahiyo, oo waa inaan la cunin.

    42Wax alla wixii bogga ku socda, iyo wax alla wixii afar addin ku socda, amase wax alla wixii addimmo badan leh, kuwaas oo ah waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, waa inaydaan cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo.

    43Idinku waa inaydaan karaahiyo iskaga dhigin waxa dhulka ku gurguurta oo dhan, oo waa inaydaan iyaga isku nijaasayn si aydaan iyaga ugu nijaasoobin.

  • 78%

    21Haddii meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo ay idinka fog tahay, markaas waa inaad lo'diinna iyo adhigiinna uu Rabbigu idin siiyey wax uga qalataan sida aan idinku amray, oo waa inaad irdihiinna gudahooda ku cuntaan in alla inta nafsaddiinnu doonayso.

    22Oo waxaad iyaga u cuntaan sida loo cuno cawsha iyo deerada, oo qofkii daahir ah iyo qofkii aan daahir ahaynuba isku si ha u cuneen.

  • Laaw 7:23-25
    3 aayado
    78%

    23Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku waa inaydaan cunin baruur lo'aad ama mid idaad amase mid riyood.

    24Oo neefkii iska dhinta baruurtiisa iyo neefkii dugaaggu bakhtiisto baruurtiisa toona waa inaydaan sinaba u cunin, laakiinse siyaalo kale waa loogu isticmaali karaa.

    25Waayo, qofkii cuna baruurtii neefka dadku u bixiyo qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga, qofka kaas cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.

  • 78%

    20Laakiinse haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.

    21¶ Oo wax alla wixii iska dhinta waa inaydaan cunin, laakiinse shisheeyihii irdihiinna ku jira waad siin kartaan isagu ha cunee, amase ajnabiga waad ka iibsan karaysaan, waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah. Oo waxar waa inaydaan ku karsan caanihii hooyadeed.

  • 15Laakiinse waa idiin bannaan tahay inaad wax qalataan oo aad irdihiinna gudahooda hilib ku cuntaan in alla intii naftiinnu doonayso sida ay tahay barakadii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey, oo qofkii daahir ah iyo qofkii aan daahir ahaynuba way u cuni karaan, sida cawsha iyo deerada loo cuno.

  • 77%

    21Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waxaad ka cuni kartaan kuwa addimmada ku leh cagahooda ka kor, oo dhulka ku kor boodbooda,

    22iyaga waxaad ka cuntaan kuwa caynkan ah oo ah ayaxa iyo caynkiisa, iyo kabajaanka iyo caynkiisa, iyo jiriqsiga iyo caynkiisa, iyo koronkorrada iyo caynkeeda.

    23Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta cagood lahu, waa idinka karaahiyo.

  • 7iyo xoolahaaga, iyo xayawaanka dalkaaga jooga oo dhan waxaa cunto u ahaan doona midhaha dalka iska baxa oo idil.

  • 8Oo isagu si uusan ugu nijaasoobin waa inuusan innaba cunin wax iska bakhtiyey amase dugaagu bakhtiistay, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 22Waa inaad irdahaaga gudahooda ku cuntaa, oo qofkii daahir ah iyo kii aan daahir ahaynuba isku si ha u cuneen sida cawsha iyo deerada oo kale.

  • 31Oo waa inaad dad quduus ah ii ahaataan, oo sidaas daraaddeed waa inaydnaan cunin hilib neef oo dugaag berrinka ku bakhtiistay, laakiinse waa inaad eeyaha u tuurtaan.

  • 25Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad kala soocdaan xayawaanka daahirka ah iyo kan nijaasta ah, iyo haadda daahirka ah iyo tan nijaasta ah, oo waa inaydaan nafihiinna wax karaahiyo ah kaga dhigin xayawaan ama haad ama waxa dhulka ku gurguurta oo aan idinka soocay oo aan idhi, Waa nijaas.

  • Bil 9:3-4
    2 aayado
    74%

    3Wax kasta oo dhaqdhaqaaqa oo noolu cuntay idiin noqon doonaan; sidii aan geedaha cagaarka ah idiin siiyey ayaan kulli idiin siiyey.

    4Laakiin waa inaydnaan cunin hilibka noloshiisu la jirto, taasoo ah dhiiggiisa.

  • 3Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah, oo xerada gudaheeda ama dibaddeeda ku gowraca dibi ama wan yar ama orgi,

  • 19Bal eega, adhigaygu wuxuu daaqaa wixii aad cagaha kula tumateen, oo wuxuu cabbaa wixii aad cagaha ku qasteen.