Laawiyiintii 11:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wax alla wixii wax baqtigooda ahu ku dhacaanba way nijaasoobi doonaan, hadday yihiin foorno ama sholad, waa in la burburiyaa, waayo, iyagu waa nijaas, waana inay nijaas idinka ahaadaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 6:28 : 28 Laakiinse weelka dhoobada ah oo lagu kariyey waa in la burburiyaa, oo haddii weel naxaas ah lagu kariyana waa in la xaquuqaa oo biyo lagu dhaqaa.
  • Laaw 11:33 : 33 Oo weelkii dhoobo ah oo mid iyaga ka mid ahu gudihiisa ku dhaco, wax alla wixii weelkaas gudihiisa ku jiraaba way nijaasoobi doonaan, oo weelkiina waa inaad jebisaan.
  • Laaw 15:12 : 12 Oo kan dheecaanku ka daadanayo weelkii dhoobo ah oo uu taabtona waa in la burburiyaa, oo weel kasta oo qori ahna waa in biyo lagu xalaa.
  • 2 Kor 5:1-7 : 1 ¶ Waayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira. 2 Kan baynu ku dhex taahnaa innagoo u xiisoonayna inaynu huwanno rugteenna xagga jannada ah. 3 Haddii aynu huwan nahay laynama heli doono innagoo qaawan. 4 Haddaba kuweenna taambuuggan ku jiraa waynu taahnaa, innagoo layna culaysiyey, ma aha inaynu doonayno in layna qaawiyo, laakiin in layna huwiyo, si ay noloshu u liqdo waxa dhimanaya. 5 Maxaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey. 6 Haddaba mar walba waynu kalsoon nahay innagoo og in intaynu jidhka ku jirno aynu Rabbiga ka maqan nahay, 7 waayo, waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    36Habase yeeshee il amase god ay biyo badanu ku jiraan daahir bay ahaanayaan, laakiinse wixii baqtigooda taabtaa way nijaasoobayaan.

    37Oo wax baqtigooda ahu hadday ku dhacaan abuur la abuurayo, kaasu waa daahir.

    38Laakiinse abuurka haddii biyo lagu shubo oo wax baqtigooda ahu ay ku dhacaan markaas waa idinka nijaas.

    39¶ Oo xayawaanka aad cuni kartaan midkood hadduu dhinto, kii baqtigiisa taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

    40Oo neefkaas baqtigiisa qofkii cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii, oo kii neefka baqtigiisa qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

    41¶ Oo wax kasta oo dhulka ku gurguurtaaba waa karaahiyo, oo waa inaan la cunin.

    42Wax alla wixii bogga ku socda, iyo wax alla wixii afar addin ku socda, amase wax alla wixii addimmo badan leh, kuwaas oo ah waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, waa inaydaan cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo.

    43Idinku waa inaydaan karaahiyo iskaga dhigin waxa dhulka ku gurguurta oo dhan, oo waa inaydaan iyaga isku nijaasayn si aydaan iyaga ugu nijaasoobin.

  • 87%

    31Oo waxa gurguurta oo dhan kuwaasu waa kuwa idinka nijaas ah, oo ku alla kii taabtaa markay dhintaan nijaas buu ahaan doonaa tan iyo fiidkii.

    32Oo wax alla wixii ay ku dhacaan markay dhintaan, nijaas bay ahaan doonaan, hadday yihiin weel qori ah, ama dhar, ama harag, ama joonyad, weelkaasu wax kasta ha ahaadee haddii wax loogu isticmaalo waa in biyo la dhex geliyaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, oo markaas dabadeedna daahir buu ahaanayaa.

    33Oo weelkii dhoobo ah oo mid iyaga ka mid ahu gudihiisa ku dhaco, wax alla wixii weelkaas gudihiisa ku jiraaba way nijaasoobi doonaan, oo weelkiina waa inaad jebisaan.

    34Oo waxa la cuno oo ku jira oo biyo gaadhaanba way nijaasoobi doonaan, oo weelka caynkaas ah waxa la cabbo oo ku jira oo dhammuna way nijaasoobi doonaan.

  • 85%

    24¶ Oo kuwaas idinku waad ku nijaasoobaysaan, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii,

    25oo ku alla kii baqtigooda wax ka qaadaa waa inuu dharkiisa maydhaa, oo nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

    26Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo aan qanjaafilo lahayn ama aan calyanaqsiga raamsan waa idinka nijaas, oo ku alla kii iyaga taabtaana wuu nijaasoobayaa.

    27Oo xayawaanka afarta addinba ku socda, wax alla wixii baabacooyinka ku socdaa waa idinka nijaas, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

    28Oo kii baqtigooda qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, waayo, iyagu waa idinka nijaas.

  • Laaw 11:7-8
    2 aayado
    81%

    7Oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu waa kala jeexan yahay, oo qanjaafiluu leeyahay, laakiinse calyanaqsiga ma raamsado, sidaas daraaddeed isagu waa idinka nijaas.

    8Haddaba kuwaas hilibkooda waa inaydaan cunin, oo baqtigoodana waa inaydaan taaban, maxaa yeelay, iyagu waa idinka nijaas.

  • 2Ama haddii qof taabto wax nijaas ah, hadduu yahay bahal nijaas ah baqtigiis, ama neef xoolo ah oo nijaas ah baqtigiis, ama waxyaalo gurguurta oo nijaas ah baqtigood, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, oo uu saas ku nijaasoobo, markaas isagu wuxuu ahaan doonaa mid eed leh.

  • Laaw 6:27-28
    2 aayado
    78%

    27Oo wax alla wixii hilibkiisa taabtaana quduus bay ahaan doonaan, oo dhiiggiisana haddii dhar lagu saydho, wixii uu kaga saydhmay waa inaad ku maydhaa meel quduus ah.

    28Laakiinse weelka dhoobada ah oo lagu kariyey waa in la burburiyaa, oo haddii weel naxaas ah lagu kariyana waa in la xaquuqaa oo biyo lagu dhaqaa.

  • Laaw 22:4-6
    3 aayado
    78%

    4Oo ku alla kii farcanka Haaruun ka mid ah oo baras qaba, ama dheecaan ka daadanayaa, waa inuusan wax ka cunin waxyaalaha quduuska ah jeeruu daahir noqdo. Oo ku alla kii taabta wax meyd ku nijaasoobay, ama uu taabta nin shahwaddiisu ka daadatay,

    5ama ku alla kii taabta wax gurguurta oo uu isagu ku nijaasoobo, amase qof isaga nijaaso qabadsiin kara, wax kastoo ay nijaastiisu tahayba,

    6qof alla qofkii waxyaalaha caynkaas ah taabtaa wuxuu nijaas ahaan doonaa tan iyo fiidkii, oo waa inuusan wax ka cunin waxyaalaha quduuska ah, inuu jidhkiisa biyo ku maydho mooyaane.

  • 15Oo qof kasta oo cuna neef iska bakhtiyey amase neef dugaagu bakhtiistay, hadduu yahay waddani iyo hadduu shisheeye yahayba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkana nijaas buu ahaanayaa, oo dabadeedna daahir buu ahaan doonaa.

  • Laaw 7:19-21
    3 aayado
    78%

    19Oo hilibkii taabta wax nijaas ahna waa inaan la cunin; waase in dab lagu gubaa. Oo hilibkana qof kasta oo daahir ahu wax ha ka cuno.

    20Laakiinse hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay qofkii cuna isagoo nijaastiisii ku taal waa in dadkiisii laga gooyaa.

    21Oo qof hadduu taabto wax nijaas ah, hadday tahay qof nijaastiis ama bahal nijaas ah amase karaahiyo nijaas ah, oo uu wax ka cuno hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay, qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

  • 77%

    10Laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn oo ku dhex jira badaha iyo webiyada, iyo waxa biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa oo dhan, iyo kulli waxyaalaha noolnool oo biyaha ku dhex jira oo dhammu waa idinka karaahiyo.

    11Haddaba iyagu waa inay karaahiyo idinka ahaadaan; idinku waa inaydaan hilibkooda cunin, oo baqtigoodana waa inuu karaahiyo idinka ahaadaa.

  • 77%

    10Oo ku alla kii taabtaa wixii isaga hoostiisa ku jirayna, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa, oo waxyaalahaas qofkii qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

    11Oo kan dheecaanku ka daadanayo isagoo aan gacmihiisa biyo ku maydhin ku alla kii uu taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

    12Oo kan dheecaanku ka daadanayo weelkii dhoobo ah oo uu taabtona waa in la burburiyaa, oo weel kasta oo qori ahna waa in biyo lagu xalaa.

  • Tir 19:15-16
    2 aayado
    77%

    15Oo weel kasta oo furan oo aan lahayn dabool ku xidhan waa nijaas.

    16Oo ku alla kii berrin bannaan ku soo taabta qof seef lagu dilay, ama meyd, ama laf dad, ama qabri, intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa.

  • 27Oo waxyaalahaas ku alla kii taabtaa wuu nijaasoobayaa, oo waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

  • 47si loo kala duwo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah, iyo waxa nool oo la cuni karo iyo waxa nool ee aan la cuni karin.

  • 22Oo wax alla wixii uu qofka nijaasta ahu taabtana nijaas bay ahaan doonaan, oo qofkii taabtaana tan iyo fiidkii nijaas buu ahaan doonaa.

  • 8oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu waa kala jeexan yahay, calyanaqsigase ma raamsado, sidaas daraaddeed waa idinka nijaas, oo kuwaas hilibkooda waa inaydaan cunin, bakhtigoodana waa inaydaan taaban.

  • 11Oo kii qof meyd ah taabta intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa.

  • 4Oo kan dheecaanku ka daadanayo sariir alla sariirtii uu ku jiifsadaaba way nijaasoobaysaa, oo wax alla wixii uu ku fadhiistaaba way nijaasoobayaan.

  • 20Oo intay nijaasaysan tahay wax alla wixii ay ku jiifsataaba way nijaasoobayaan, oo wax alla wixii ay ku fadhiisataaba way nijaasoobayaan.

  • 10laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn waa inaydaan cunin, maxaa yeelay, waa idinka nijaas.

  • Laaw 11:4-5
    2 aayado
    73%

    4Habase yeeshee, kuwan oo ka mid ah kuwa calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela, maxaa yeelay, calyanaqsiga wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.

    5Oo waladana ha cunina, maxaa yeelay, iyadu calyanaqsiga way raamsataa, laakiinse raafkeedu ma kala jeexna, haddaba iyadu waa idinka nijaas.

  • 25Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad kala soocdaan xayawaanka daahirka ah iyo kan nijaasta ah, iyo haadda daahirka ah iyo tan nijaasta ah, oo waa inaydaan nafihiinna wax karaahiyo ah kaga dhigin xayawaan ama haad ama waxa dhulka ku gurguurta oo aan idinka soocay oo aan idhi, Waa nijaas.

  • 31¶ Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal.

  • 19Oo wax baalal leh oo gurguurta oo dhammu waa idinka nijaas, oo iyaga waa inaan la cunin.

  • 22Oo wax alla wixii ay ku fadhiisato kii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.