Laawiyiintii 22:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo ku alla kii farcanka Haaruun ka mid ah oo baras qaba, ama dheecaan ka daadanayaa, waa inuusan wax ka cunin waxyaalaha quduuska ah jeeruu daahir noqdo. Oo ku alla kii taabta wax meyd ku nijaasoobay, ama uu taabta nin shahwaddiisu ka daadatay,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 11:39 : 39 ¶ Oo xayawaanka aad cuni kartaan midkood hadduu dhinto, kii baqtigiisa taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.
  • Laaw 15:2-3 : 2 Dadka reer binu Israa'iil la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Haddii qof leeyahay dheecaan jidhkiisa ka soo dareero, dheecaankiisa aawadiis isagu waa nijaas. 3 Oo nijaastiisuna sidanay ahaanaysaa inta dheecaankiisu ka daadanayo. Haddii dheecaanku jidhkiisa ka daadanayo iyo haddii dheecaanku jidhkiisa ka joogsadayba, waa nijaastiisa.
  • Laaw 15:13-16 : 13 Oo kii dheecaanka daadanayaa markuu daahir ka noqdo, waa inuu toddoba maalmood nafsaddiisa u tirsadaa daahirintiisa aawadeed, oo dharkiisana waa inuu maydhaa, oo isna ku maydhaa biyo socda, oo markaasuu daahir ahaanayaa. 14 Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar qaataa oo uu Rabbiga ugu hor yimaadaa iridda teendhada shirka, oo uu iyaga wadaadka u dhiibaa. 15 Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu Rabbiga hortiisa kafaaraggud isaga ugu sameeyaa dheecaankiisa aawadiis. 16 ¶ Haddii nin shahwaddiisu ka timaada waa inuu jidhkiisa oo dhan biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
  • Laaw 21:1 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, La hadal wadaaddada ah wiilashii Haaruun, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ninkiinna yuusan isu nijaasayn mid dadkiisa ah oo dhintay,
  • Laaw 21:22 : 22 Isagu waa inuu cunaa cuntada Ilaahiisa, tan quduuska ah iyo tan ugu wada quduusanba.
  • Tir 18:9 : 9 Kulli waxyaalaha aad u quduuska ah oo dabka laga reebay oo aad lahaan doonto waa kuwan: mid kasta oo qurbaankooda ah, xataa qurbaankooda kasta ee hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda kasta ee dembiga, iyo qurbaankooda kasta ee xadgudubka, oo ay ii bixinayaan, adiga iyo wiilashaadaba ayay aad u quduus idiin ahaan doonaan.
  • Tir 18:19 : 19 Oo waxyaalaha quduuska ah oo dhan qurbaannadooda sare loo qaado oo ay reer binu Israa'iil Rabbiga u bixiyaan ayaan adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jooga u siiyey qayb joogto ah weligeed. Oo taasu waa axdi cusbo ah oo weligiis Rabbiga ku hor yaal, oo uu idinla dhigtay adiga iyo farcankaaga kula jiraba.
  • Tir 19:11-16 : 11 Oo kii qof meyd ah taabta intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa. 12 Oo kaasu waa inuu maalinta saddexaad isku daahiriyaa, oo maalinta toddobaad isagu daahir buu ahaan doonaa; laakiinse haddaanu maalinta saddexaad isdaahirin, markaas maalinta toddobaad daahir ma uu ahaan doono. 13 Oo ku alla kii qof dhintay meydkiis taabta oo aan isdaahirin, kaasu wuxuu nijaaseeyaa Rabbiga taambuuggiisa, oo qofkaasu wuu ka go'i doonaa reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, isaga laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya, oo isagu nijaas buu ahaan doonaa, oo nijaasnimadiisa ayaa weli saaran. 14 Oo tanu waa sharciga markii nin teendho ku dhex dhinto. Mid kasta oo teendhada soo gala, iyo mid kasta oo teendhada ku jirayba, intii toddoba maalmood ah ayay nijaas ahaan doonaan. 15 Oo weel kasta oo furan oo aan lahayn dabool ku xidhan waa nijaas. 16 Oo ku alla kii berrin bannaan ku soo taabta qof seef lagu dilay, ama meyd, ama laf dad, ama qabri, intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa.
  • Laaw 13:2-3 : 2 Haddii qof jidhkiisa lagu arko barar, ama qolof, ama bar dhalaalaysa, oo ay jidhkiisa ku noqoto cudurkii baraska, markaas waa in loo keenaa wadaadka Haaruun ah, amase wiilashiisa wadaaddada ah midkood, 3 oo wadaadku waa inuu fiiriyaa cudurka jidhka ku yaal, oo haddii meesha cudurka leh timaheedu ay caddaadeen, oo cudurka muuqashadiisu ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, markaas waa cudurkii baraska, oo wadaadku waa inuu fiiriyaa oo yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay.
  • Laaw 13:44-46 : 44 isagu waa nin baras qaba, oo waa nijaasaysan yahay, oo sida xaqiiqada ah wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay; oo cudur buu madaxa ka qabaa. 45 ¶ Oo qofkii cudurka baraska qaba dharkiisu wax jeexjeexan ha ahaadeen, oo timaha madaxiisuna ha bannaanaadeen, oo bushintiisa sarena ha daboolo, oo ha ku qayliyo, Waan nijaasaysnahay, waan nijaasaysnahay! 46 Oo in alla intuu cudurkaas qabo oo dhan isagu waa inuu nijaasaysnaadaa, waayo, isagu waa nijaasaysan yahay, oo waa inuu keligiis meel ku hoydaa, oo hoygiisuna waa inuu ahaadaa xerada dibaddeeda.
  • Laaw 14:1-9 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 Kanu waa inuu ahaadaa sharciga ku saabsan qofkii baras qaba maalinta la daahirinayo: Waa in isaga wadaadka loo keenaa. 3 Oo wadaadku waa inuu xerada dibadda uga baxaa, oo waa inuu qofkaa fiiriyaa, oo bal eeg, cudurkii barasku hadduu ka bogsaday qofkii baraska qabay, 4 markaas wadaadku waa inuu amraa in kan la daahirinayo aawadiis loo keeno laba shimbirrood oo noolnool oo daahir ah, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo. 5 Oo wadaadku waa inuu amraa in shimbirraha middood lagu dhex gowraco weel dhoobo ah oo biyo socda korkooda ah. 6 Oo shimbirta nool iyo qoriga kedarka ah, iyo waxa casaanta ah iyo geedka husobka ahba waa inuu soo qaadaa oo iyaga iyo shimbirta noolba waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii biyaha socda lagu kor gowracay. 7 Oo wadaadkuna kan baraska laga daahirinayo toddoba jeer waa inuu dhiigga ku saydhaa oo waa inuu yidhaahdaa, Kanu waa daahir. Oo shimbirta noolna berrin bannaan ha ku sii daayo. 8 Oo kan la daahirinayaana waa inuu dharkiisa maydhaa oo timihiisa oo dhanna iska xiiraa, oo isna biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye, oo markaas dabadeedna waa inuu xerada soo galaa, laakiinse intii toddoba maalmood ah waa inuu teendhadiisa dibaddeeda ku hoydaa. 9 Oo maalinta toddobaad waa inuu timaha ka wada xiiraa madaxa iyo gadhka iyo suunniyadaba. Xataa timihiisa oo dhan waa inuu iska wada xiiraa, oo waa inuu dharkiisana maydhaa, jidhkiisana biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye. 10 Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu keenaa laba wan oo yaryar oo aan innaba iin lahayn, iyo nayl gu jira oo aan iin lahayn, iyo eefaah toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood oo bur ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan hadhuudh, iyo qiyaas log la yidhaahdo oo saliid ah. 11 Oo wadaadka isaga daahirinayaa waa inuu kan la daahirinayo iyo alaabtiiba keenaa Rabbiga hortiisa, meel iridda teendhada shirka agteeda ah. 12 Oo wadaadku waa inuu soo qaadaa wananka midkood oo waa inuu u bixiyaa qurbaan xadgudub aawadiis, oo weliba waa inuu logga saliidda ah qaadaa oo uu iyaga Rabbiga hortiisa ugu ruxruxaa qurbaan la ruxruxo. 13 Oo wanka waa inuu ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka dembiga iyo qurbaanka la gubo oo ku dhex taal meesha quduuska ah, waayo, sida qurbaanka dembigu uu kii wadaadka u yahay ayaa qurbaanka xadgudubkuna kiisii u yahay. Waa kan ugu quduusan. 14 Oo wadaadku waa inuu qaadaa dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis, oo waa inuu dhiigga taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba. 15 Oo wadaadku waa inuu qaadaa loggii saliidda ahaa qaarkiis oo waa inuu calaacasha gacantiisa bidix ku shubaa. 16 Oo wadaadku waa inuu fartiisa midig daraa saliidda ku jirta calaacashiisa bidix, oo waa inuu toddoba jeer saliidda fartiisa kula saydhaa Rabbiga hortiisa. 17 Oo saliidda inteeda kale oo gacantiisa ku hadhayna waa in wadaadku taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig, oo ha ka kor mariyo dhiiggii qurbaanka xadgudubka. 18 Oo saliidda inteeda kale oo ku jirta wadaadka calaacashiisana waa inuu taabsiiyaa kan la daahirinayo madaxiisa, oo wadaadku waa inuu isaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu sameeyaa. 19 Oo wadaadku waa inuu bixiyaa qurbaanka dembiga, oo waa inuu nejisnimadiisii daraaddeed kan la daahirinayo aawadiis kafaaraggud u sameeyaa, oo dabadeedna waa inuu gowracaa neefkii ahaa qurbaanka la gubo, 20 oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul bixiyaa qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka, oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna daahir buu ahaan doonaa. 21 ¶ Laakiinse isagu hadduu miskiin yahay oo uusan intaas oo dhan wada heli karin, markaas waa inuu keenaa wan yar oo qurbaankii xadgudubka aawadiis loo ruxruxo si uu kafaaraggud ugu sameeyo, iyo eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis oo bur ah oo saliid lagu daray oo qurbaan hadhuudh ah loo bixiyo, iyo log saliid ah, 22 iyo laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, kuwaas oo ah wax uu heli karo, oo middood waa inay ahaato qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo. 23 Oo waa inuu maalinta siddeedaad daahirintiisa aawadeed wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka agteeda oo Rabbiga hortiisa ah. 24 Oo wadaadku markaas waa inuu soo qaadaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, iyo logga saliidda ah, oo wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa ugu ruxruxaa qurbaan la ruxruxo. 25 Oo waa inuu gowracaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, oo wadaadku waa inuu dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis soo qaadaa, oo taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba. 26 Oo waa in wadaadku saliidda ku shubaa calaacasha gacantiisa bidix. 27 Oo waa inuu saliidda calaacashiisa bidix ku jirta qaarkeed toddoba jeer fartiisa midig kula saydhaa Rabbiga hortiisa. 28 Oo waa in wadaadku saliidda calaacashiisa ku jirta qaarkeed taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig, oo ha ka kor mariyo meeshii uu ku yiil dhiiggii qurbaanka xadgudubku. 29 Oo saliidda wadaadka gacantiisa ku jirta inteeda kalena waa inuu mariyaa kan la daahirinayo madaxiisa, si uu isaga kafaaraggud ugu sameeyo Rabbiga hortiisa. 30 Oo markaas waa inuu bixiyaa mid ka mid ah qoolleyaha ama xamaamka yaryar, kuwaas oo ah wax uu heli karo. 31 Oo xataa waxaas uu heli karo middood ha u bixiyo qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo qurbaankii hadhuudhka la socda, oo wadaadku waa inuu kan la daahirinayo kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa. 32 Kaasu waa sharciga ku saabsan qofkii cudurka baraska ah qaba, oo aan awoodin inuu keeno wixii daahirintiisa waajibka ku ahaa.
  • Laaw 2:3 : 3 Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadhana waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa; oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.
  • Laaw 2:10 : 10 Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadho waa in Haaruun iyo wiilashiisu iska lahaadaan, oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.
  • Laaw 6:25-29 : 25 La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka dembiga: meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco waa in qurbaanka dembigana lagu gowracaa Rabbiga hortiisa, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan. 26 Oo wadaadka dembiga aawadiis u bixiyaa waa inuu cunaa, waana in lagu cunaa meel quduus ah oo ah barxadda teendhada shirka. 27 Oo wax alla wixii hilibkiisa taabtaana quduus bay ahaan doonaan, oo dhiiggiisana haddii dhar lagu saydho, wixii uu kaga saydhmay waa inaad ku maydhaa meel quduus ah. 28 Laakiinse weelka dhoobada ah oo lagu kariyey waa in la burburiyaa, oo haddii weel naxaas ah lagu kariyana waa in la xaquuqaa oo biyo lagu dhaqaa. 29 Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, waayo, waa kan ugu wada quduusan.
  • Laaw 11:24-28 : 24 ¶ Oo kuwaas idinku waad ku nijaasoobaysaan, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii, 25 oo ku alla kii baqtigooda wax ka qaadaa waa inuu dharkiisa maydhaa, oo nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii. 26 Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo aan qanjaafilo lahayn ama aan calyanaqsiga raamsan waa idinka nijaas, oo ku alla kii iyaga taabtaana wuu nijaasoobayaa. 27 Oo xayawaanka afarta addinba ku socda, wax alla wixii baabacooyinka ku socdaa waa idinka nijaas, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii. 28 Oo kii baqtigooda qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, waayo, iyagu waa idinka nijaas.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 22:5-7
    3 aayado
    85%

    5ama ku alla kii taabta wax gurguurta oo uu isagu ku nijaasoobo, amase qof isaga nijaaso qabadsiin kara, wax kastoo ay nijaastiisu tahayba,

    6qof alla qofkii waxyaalaha caynkaas ah taabtaa wuxuu nijaas ahaan doonaa tan iyo fiidkii, oo waa inuusan wax ka cunin waxyaalaha quduuska ah, inuu jidhkiisa biyo ku maydho mooyaane.

    7Oo isna markii qorraxdu dhacdo ayuu daahir noqon doonaa, oo markaas dabadeedna isagu wax ha ka cuno waxyaalaha quduuska ah, maxaa yeelay, taasu waa cuntadiisii.

  • Laaw 22:2-3
    2 aayado
    83%

    2La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad iyaga u sheegtaa inay iska soocaan waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil, oo ay ii daahiriyaan, iyo inayan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    3Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Ku alla kii ka mid ah farcankiinna oo dhan tan iyo ab ka ab, hadduu isagoo nijaas qaba u soo dhowaado waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil ay Rabbiga u daahiriyeen, qofkaas hortayda waa in laga gooyaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • Tir 19:13-14
    2 aayado
    82%

    13Oo ku alla kii qof dhintay meydkiis taabta oo aan isdaahirin, kaasu wuxuu nijaaseeyaa Rabbiga taambuuggiisa, oo qofkaasu wuu ka go'i doonaa reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, isaga laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya, oo isagu nijaas buu ahaan doonaa, oo nijaasnimadiisa ayaa weli saaran.

    14Oo tanu waa sharciga markii nin teendho ku dhex dhinto. Mid kasta oo teendhada soo gala, iyo mid kasta oo teendhada ku jirayba, intii toddoba maalmood ah ayay nijaas ahaan doonaan.

  • 11Oo kii qof meyd ah taabta intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa.

  • Laaw 15:2-8
    7 aayado
    80%

    2Dadka reer binu Israa'iil la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Haddii qof leeyahay dheecaan jidhkiisa ka soo dareero, dheecaankiisa aawadiis isagu waa nijaas.

    3Oo nijaastiisuna sidanay ahaanaysaa inta dheecaankiisu ka daadanayo. Haddii dheecaanku jidhkiisa ka daadanayo iyo haddii dheecaanku jidhkiisa ka joogsadayba, waa nijaastiisa.

    4Oo kan dheecaanku ka daadanayo sariir alla sariirtii uu ku jiifsadaaba way nijaasoobaysaa, oo wax alla wixii uu ku fadhiistaaba way nijaasoobayaan.

    5Oo ku alla kii sariirtiisa taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

    6Oo ku alla kii ku fadhiisto wixii uu qofkii dheecaanku ka daadanaya ku fadhiistay waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

    7Oo kan dheecaanku ka daadanayo jidhkiisa qofkii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

    8Oo kan dheecaanku ka daadanayaana hadduu ku candhuufo qof daahir ah, markaas ninkaasu waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, La hadal wadaaddada ah wiilashii Haaruun, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ninkiinna yuusan isu nijaasayn mid dadkiisa ah oo dhintay,

  • 80%

    16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    17Haaruun la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Tan iyo ab ka ab ku alla kii farcankaaga ahu, isagoo iin leh, yuusan u dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.

    18Waayo, nin alla ninkuu yahayba, kii iin lahu waa inuusan u soo dhowaan, kaasoo ah ninkii indha la' ama curyaan ah, ama kii sankiisu faruuran yahay, ama jidhkiisu leeyahay wax dheeraad ah,

  • Laaw 7:19-21
    3 aayado
    80%

    19Oo hilibkii taabta wax nijaas ahna waa inaan la cunin; waase in dab lagu gubaa. Oo hilibkana qof kasta oo daahir ahu wax ha ka cuno.

    20Laakiinse hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay qofkii cuna isagoo nijaastiisii ku taal waa in dadkiisii laga gooyaa.

    21Oo qof hadduu taabto wax nijaas ah, hadday tahay qof nijaastiis ama bahal nijaas ah amase karaahiyo nijaas ah, oo uu wax ka cuno hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay, qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

  • 79%

    10Oo ku alla kii taabtaa wixii isaga hoostiisa ku jirayna, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa, oo waxyaalahaas qofkii qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

    11Oo kan dheecaanku ka daadanayo isagoo aan gacmihiisa biyo ku maydhin ku alla kii uu taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

  • 2Waxaad reer binu Israa'iil amar ku tidhaahdaa, Xerada ka saara mid kasta oo baras qaba, iyo mid kasta oo dheecaan ka dareera, iyo mid kasta oo meyd ku nijaasoobay.

  • 22Oo wax alla wixii uu qofka nijaasta ahu taabtana nijaas bay ahaan doonaan, oo qofkii taabtaana tan iyo fiidkii nijaas buu ahaan doonaa.

  • 27Oo waxyaalahaas ku alla kii taabtaa wuu nijaasoobayaa, oo waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

  • 16Oo ku alla kii berrin bannaan ku soo taabta qof seef lagu dilay, ama meyd, ama laf dad, ama qabri, intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa.

  • 21Wadaadka Haaruun ah nin alla ninkii farcankiisa ka mid ahu isagoo iin leh waa inuusan u soo dhowaan inuu bixiyo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, isagu iin buu leeyahay, oo waa inuusan u soo dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.

  • 11Oo weliba waa inuusan meyd gudaha ugu gelin, oo xataa waa inuusan isu nijaasayn aabbihiis iyo hooyadiis toona.

  • 77%

    31¶ Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal.

    32¶ Kanu waa sharciga ku saabsan kii dheecaan ka daadanayo iyo kii shahwaddiisu ka timaado, oo uu sidaas ku nijaasoobay,

  • 15Oo qof kasta oo cuna neef iska bakhtiyey amase neef dugaagu bakhtiistay, hadduu yahay waddani iyo hadduu shisheeye yahayba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkana nijaas buu ahaanayaa, oo dabadeedna daahir buu ahaan doonaa.

  • 18Oo qof kasta oo lab ah oo reer Haaruun ka mid ahu waa inuu wax ka cunaa, oo tan iyo ab ka ab intaasaa looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; oo ku alla kii taabtaana quduus buu ahaan doonaa.

  • 77%

    24¶ Oo kuwaas idinku waad ku nijaasoobaysaan, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii,

    25oo ku alla kii baqtigooda wax ka qaadaa waa inuu dharkiisa maydhaa, oo nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

  • 20Laakiinse qofka nijaasta ah, oo aan isdaahirin, qofkaasu shirka dhexdiisa waa in laga gooyaa, maxaa yeelay, wuxuu nijaaseeyey Rabbiga meeshiisii quduuska ahayd, oo waa nijaas oo laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya.

  • 23Laakiinse waa inuusan meesha daaha leh gelin, ama uusan meesha allabariga u dhowaan, si uusan u nijaasayn meelahayga quduuska ah, maxaa yeelay, isagu iin buu leeyahay, oo aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

  • 22Oo wax alla wixii ay ku fadhiisato kii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

  • Laaw 5:2-3
    2 aayado
    76%

    2Ama haddii qof taabto wax nijaas ah, hadduu yahay bahal nijaas ah baqtigiis, ama neef xoolo ah oo nijaas ah baqtigiis, ama waxyaalo gurguurta oo nijaas ah baqtigood, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, oo uu saas ku nijaasoobo, markaas isagu wuxuu ahaan doonaa mid eed leh.

    3Ama hadduu taabto qof nijaastiis, nijaasta uu ku nijaasoobay wax kastoo ay tahayba, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, markuu ogaado wuxuu ahaan doonaa mid eed leh.

  • 40Oo neefkaas baqtigiisa qofkii cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii, oo kii neefka baqtigiisa qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

  • 16¶ Haddii nin shahwaddiisu ka timaada waa inuu jidhkiisa oo dhan biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

  • 32Oo wax alla wixii ay ku dhacaan markay dhintaan, nijaas bay ahaan doonaan, hadday yihiin weel qori ah, ama dhar, ama harag, ama joonyad, weelkaasu wax kasta ha ahaadee haddii wax loogu isticmaalo waa in biyo la dhex geliyaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, oo markaas dabadeedna daahir buu ahaanayaa.

  • 27Oo wax alla wixii hilibkiisa taabtaana quduus bay ahaan doonaan, oo dhiiggiisana haddii dhar lagu saydho, wixii uu kaga saydhmay waa inaad ku maydhaa meel quduus ah.

  • 28Oo kii baqtigooda qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, waayo, iyagu waa idinka nijaas.

  • 25Oo waa inayan qof meyd ah u dhowaan si ayan isu nijaasayn, laakiinse waxay keliyahoo isu nijaasayn karaan aabbe daraaddiis, ama hooyo daraaddeed, ama wiil, ama gabadh, ama walaal, amase gabadh walaashood ah oo aan nin lahayn.

  • 13Oo kii dheecaanka daadanayaa markuu daahir ka noqdo, waa inuu toddoba maalmood nafsaddiisa u tirsadaa daahirintiisa aawadeed, oo dharkiisana waa inuu maydhaa, oo isna ku maydhaa biyo socda, oo markaasuu daahir ahaanayaa.

  • 14Laakiinse mar alla markii boog xumu isaga ka muuqdo, waa inuu nijaas ahaadaa.

  • 10Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin idinka mid ah amase farcankiinna ka mid ahu uu ku nijaasoobo sabab meyd ka timid, amase hadduu sodcaal dheer ku jiro, weli waa inuu Rabbiga u dhawraa Iidda Kormaridda.