Laawiyiintii 14:42

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waa in dhagaxyo kale la soo qaadaa, oo la geliyaa meeshii ay dhagaxyadaas laga bixiyey, oo malaas kale waa inuu keenaa oo guriga ku malaasaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 18:19 : 19 Waayo, waan garanayaa isaga, inuu carruurtiisa iyo kuwa gurigiisa jooga ku amri doono, inay jidka Rabbiga xajiyaan inay sameeyaan xaqnimo iyo caaddilnimo; si uu Rabbigu Ibraahim ugu soo dejiyo wixii uu kaga hadlay.
  • Yash 24:15 : 15 Oo hadday shar idinla tahay inaad Rabbiga u adeegtaan, haddaba maanta doorta kii aad u adeegi doontaan, ama ha noqoto ilaahyadii awowayaashiin ugu adeegi jireen Webiga shishadiisa, ama ilaahyada reer Amor, kuwaas oo aad dalkoodii deggan tihiin; laakiinse aniga iyo reerkayguba waxaannu u adeegi doonaa Rabbiga.
  • 2 Taar 17:7-9 : 7 Oo haddana sannaddii saddexaad oo boqortooyadiisa ayuu diray amiirradiisii oo ahaa Benxayl, iyo Cobadyaah, iyo Sekaryaah, iyo Netaneel, iyo Miikaayaah inay magaalooyinka dalka Yahuudah dadka wax ku baraan, 8 oo wuxuu la diray kuwii reer Laawi oo ahaa Shemacyaah, iyo Netanyaah, iyo Sebadyaah, iyo Casaaheel, iyo Shemiiraamood, iyo Yehoonaataan, iyo Adoniiyaah, iyo Toobiyaah, iyo Toob Adooniyaah, oo waxaa kaloo iyaga la jiray wadaaddadii ahaa Eliishaamaac iyo Yehooraam. 9 Oo iyana dalka Yahuudah ayay dadka wax ku bareen iyagoo wata kitaabkii sharciga Rabbiga, oo waxay ku dhex wareegeen magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan, oo dadkiina wax bay bareen.
  • 2 Taar 19:5-7 : 5 Oo dalkii oo dhan iyo magaalooyinkii deyrka lahaa oo dadka Yahuudah wuxuu magaalo ka magaalo fadhiisiyey xaakinno. 6 Oo xaakinnadiina wuxuu ku yidhi, Waxa aad samaynaysaan ka fiirsada, waayo, idinku garsoorid dad u samayn maysaan, laakiinse waxaad u samaynaysaan Rabbiga, oo weliba isaguna garsooridda wuu idinla weheliyaa. 7 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ka cabsada, iska jira, oo saas yeela, waayo, xagga Rabbiga Ilaaheenna ah dembi ma jiro, dadkana looma kala eexdo, laaluushna lama qaato.
  • 2 Taar 29:4-5 : 4 Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina wuu soo geliyey, oo wuxuu iyagii ku soo wada ururshay meesha bannaan oo dhinaca bari ku taal. 5 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Reer Laawiyow, i maqla, oo haddeer isdaahiriya, oo waxaad kaloo daahirisaan guriga Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo nijaastana ka bixiya meesha quduuska ah.
  • Sab 101:6 : 6 Indhahaygu waxay la jiri doonaan kuwa aamiinka ah oo dalka deggan, si ay iila joogaan aawadeed, Kii si qumman u socda ayaa ii adeegi doona.
  • Fal 1:20-26 : 20 Waayo, waxaa kitaabkii Sabuurrada lagu qoray, Gurigiisu cidla' ha noqdo, Ninnana yuusan meeshaas degin; iyo Wakiilnimadiisa mid kale ha qabto. 21 Haddaba nimankii inala socday wakhti kasta intuu Rabbi Ciise ina soo dhex galay, inagana dhex baxay, 22 oo ka bilaabmay baabtiiskii Yooxanaa ilaa maalintii sare laynooga qaaday isaga, iyagii midkood waa inuu markhaati ina gala ahaado sarakiciddiisa. 23 Markaasay laba iska soo saareen, kuwaas oo ahaa Yuusuf oo la odhan jiray Barsabaas ee naanaystiisu ahayd Yuustos, iyo Matiyas. 24 Kolkaasay tukadeen oo yidhaahdeen, Rabbow, adigoo garanaya qalbiga dadka oo dhan, na tus labadan kaad dooratay, 25 inuu galo meeshii shuqulkan iyo rasuulnimadan oo Yuudas ka dhacay inuu meeshiisa tago. 26 Markaasay u saami riteen; saamigiina wuxuu ku dhacay Matiyas; oo isagana waxaa lagu daray koob-iyo-tobankii rasuul.
  • 1 Tim 5:9-9 : 9 Ha la qoro carmal aan lixdan sannadood ka yarayn oo nin keliya naag u ahaan jirtay, 10 oo loogu marag furay inay shuqullo wanaagsan samaysay, hadday carruur korisay, hadday shisheeyaha marti soori jirtay, hadday quduusiinta cagaha u maydhay, hadday kuwii dhibaataysnaa u gargaartay, hadday shuqul kasta oo wanaagsan aad ugu dadaashay.
  • 1 Tim 5:21-22 : 21 Waxaan Ilaah iyo Ciise Masiix iyo malaa'igaha la doortay hortooda kugu waaninayaa inaad waxyaalahan ku dhawrtid eexashola'aan, oo aadan waxba samayn adoo dadka kala jeclaanaya. 22 Ninna gacmaha degdeg ha u saarin, dad kale dembiyadoodana ha ka qayb gelin. Nafsaddaada daahirsanaan ku dhawr.
  • 2 Tim 2:2 : 2 Oo waxyaalihii aad markhaatiyaal badan dhexdood igaga maqashay ku ammaanee niman aamin ah oo awooda inay kuwa kaleeto baraan.
  • Titus 1:5-9 : 5 ¶ Sababtaas daraaddeed ayaan Kereetee kaaga dhex tegey inaad hagaajisid waxyaalaha hadhay iyo inaad waayeello magaalo walba ka dooratid sidaan kuugu amray, 6 hadduu mid waliba yahay nin aan ceeb lahayn, oo naag keliya qaba, oo leh carruur rumaysan, oo aan rabshad iyo caasinimo lagu dacwaynin. 7 Waayo, hoggaamiyaha kiniisaddu waa inuu ceeb la'aado sida wakiilka Ilaah; oo uusan madax adkaan, oo uusan camal fududaan, oo uusan sakhraan noqon, oo uusan gacan fududaan, oo uusan faa'iidada ceebta ah jeclaan, 8 laakiinse waa inuu ahaado mid martida soo dhoweeya, oo wanaag jecel, oo feeyigaan, oo xaq ah, oo quduus ah, oo iscelin kara; 9 isagoo xajinaya hadalka aaminka ah oo ah sidii loo baray, inuu awoodo inuu cilmiga runta ah ku waaniyo oo ku canaanto kuwa muranka miidhan ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 89%

    43Oo haddii cudurku mar kale guriga ku soo noqdo oo uu ka soo dhex baxo, markii dhagaxyada laga bixiyey oo guriga oo dhan la xoqay oo la malaasay dabadeed,

    44markaas wadaadku waa inuu soo galaa, oo fiiriyaa, oo bal eeg, cudurku hadduu guriga ku faafay, waa baras wax xagta oo guriga ku jira, oo markaas gurigu waa nijaasaysan yahay.

    45Oo isagu waa inuu guriga dumiyaa kulli dhagxantiisa, iyo alwaaxdiisa, iyo malaastiisa oo dhanba, oo waa inuu magaalada dibaddeeda u bixiyaa, oo meel nijaas ah ku daadiyaa.

    46Oo weliba gurigu intuu xidhan yahay oo dhan ku alla kii galaaba, nijaas buu ahaan doonaa tan iyo fiidkii.

    47Oo qofkii guriga seexdaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo kii guriga wax ku cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa.

    48Oo haddii wadaadku guriga soo galo, oo uu fiiriyo, oo uu arko inaan cudurkii guriga ku dhex faafin markii guriga la malaasay dabadeed, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Gurigu waa daahir, maxaa yeelay, cudurkii wuu ka bogsaday.

    49Oo isna si uu guriga u daahiriyo aawadeed waa inuu qaadaa laba shimbirrood, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo.

  • 87%

    34Idinku markaad gashaan dalka reer Kancaan oo aan hantida idiin siinayo, haddaan cudurka baraska ah ku rido guri ku yaal dalka hantidiinna ah,

    35markaas qofka guriga lahu waa inuu wadaadka u yimaadaa oo u sheegaa isagoo leh, Waxay ila tahay in cuduru guriga ku jiro.

    36Oo wadaadku waa inuu amraa in guriga mid madhan laga dhigo, intaan wadaadku soo gelin markuu cudurka fiirinayo, si aan waxa guriga ku jira oo dhan nijaas looga dhigin, oo dabadeedna wadaadku waa inuu galaa si uu guriga u fiiriyo.

    37Oo waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, cudurku hadduu ku yaal guriga derbiyadiisa oo ay leeyihiin meelo godgodan oo ah cagaar iyo guduud, iyo haddii muuqashadiisu ay derbiga sare hoos u sii dhaafsiisan tahay,

    38markaas waa in wadaadku gurigaas ka baxo oo albaabka istaagaa, oo waa inuu gurigaas intii toddoba maalmood ah xidhaa.

    39Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku soo noqdaa oo fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurku ku sii faafay guriga derbiyadiisa,

    40markaas wadaadku waa inuu amraa in guriga laga bixiyo dhagaxyada cudurka qaba, oo lagu xooraa meel nijaas ah oo magaalada dibaddeeda ah.

    41Oo markaas waa inuu ka dhigaa in guriga gudihiisa oo dhan la wada xoqo, oo malaasta guriga laga xoqayna waa in lagu soo daadiyaa meel nijaas ah oo magaalada dibaddeeda ah.

  • Yex 13:14-15
    2 aayado
    74%

    14Sidaasaan derbigii aad dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasteen u dumin doonaa, oo dhulkaan ku ridi doonaa, oo aasaaskiisana waa la bannayn doonaa. Wuu soo dhici doonaa, oo dhexdiisaa laydinku wada baabbi'in doonaa, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

    15Oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammayn doonaa derbigii iyo kuwii dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasayba, oo waxaan idinku odhan doonaa, Imminka derbigii iyo kuwii malaasayba ma jiraan.

  • 72%

    51Oo isagu markaas waa inuu soo qaadaa qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah iyo shimbirta nool, oo iyaga waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii la gowracay iyo biyaha socdaba, oo markaas waa inuu toddoba jeer guriga ku saydhsaydhaa.

    52Oo waa inuu guriga ku daahiriyaa dhiigga shimbirta, iyo biyaha socda, iyo shimbirta nool, iyo qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah.

    53Laakiinse waa inuu shimbirta nool ku sii daayaa berrin bannaan oo magaalada dibaddeeda ah, oo sidaas waa inuu guriga kafaaraggud ugu sameeyaa, oo markaasuu daahir ahaan doonaa.

    54¶ Kanu waa sharciga ku saabsan cayn kasta oo ah cudurka baraska ah, waana cambaarta,

    55iyo weliba baraska dharka gala iyo kan guriga galaba,

  • Yex 13:10-12
    3 aayado
    72%

    10Waxyaalahaasu way dhici doonaan, maxaa yeelay, iyagu dadkaygay sireen, iyagoo leh, Waa nabad, iyadoo aan innaba nabadu jirin, oo markii derbi la dhiso, bal eeg, waxay ku malaasaan dhoobo aan nuurad lahayn.

    11Kuwa dhoobada aan nuuradda lahayn wax ku malaasa waxaad u sheegtaa inuu derbigaasu soo dhici doono, waxaana jiri doona roob daad weyn. Kuwiinnan roobdhagaxyaale waaweyn ahow, waad soo di'i doontaan, oo dabayl duufaan leh ayaa kala ridi doonta derbigaas.

    12Bal ogaada, markii derbigu dhaco sow laydinkuma odhan doono, War meeday dhoobadii aad wax ku malaasteen?

  • 2 Boq 22:5-6
    2 aayado
    72%

    5Oo iyagu ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya, oo si meelaha guriga ka jajabay loo dhiso iyana ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga ku jira,

    6kuwaasoo ah nijaarrada, iyo waxdhisayaasha, iyo wastaadyada, oo ha ku soo iibiyeen alwaax iyo dhagaxyo la qoray oo guriga lagu dhiso.

  • 14waayo, waxay lacagtii siiyeen kuwii shuqulka sameeyey, oo waxay ku dhiseen gurigii Rabbiga.

  • 2¶ Markaasaa Daa'uud amray in la soo wada ururiyo shisheeyayaashii dalka reer binu Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu kaloo amray in wastaadyo dhagxan soo qoraan in la dhiso gurigii Ilaah aawadeed.

  • 12iyo wastaadyadii, iyo kuwii dhagaxyada qori jiray, waxayna u bixiyeen in lagu iibiyo alwaax iyo dhagaxyo la qoray si loogu dhiso meelihii guriga Rabbiga ka jajabnaa, iyo wax kasta oo loo bixiyey in guriga lagu dhiso.

  • 11Waayo, bal eeg, Rabbigu waa amraa, oo daarta weyn waxaa lagu dhufan doonaa daldalool, guriga yarna waxaa lagu dhufan dildillaac.

  • 71%

    10Oo lacagtii waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u talin jiray, oo raggii guriga Rabbiga ka dhex shaqayn jirayna waxay u bixiyeen in guriga lagu hagaajiyo oo lagu cusboonaysiiyo.

    11Waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii inay ku soo iibiyaan dhagaxyo la qoray iyo alwaax wax laysku xidho, iyo inay alwaax saqafka haya u sameeyaan guryihii ay boqorradii reer Yahuudah dumiyeen.

  • 4Oo markaad Webi Urdun ka gudubtaan, waa inaad Buur Ceebaal ku qotomisaan dhagaxyada aan maanta idinkaga amrayo, oo iyaga waa inaad nuurad ku malaastaan.

  • 11Waayo, dhagax baa ka qaylin doona derbiga dhexdiisa, oo loox alwaaxda ku dhex jira ayaa u jawaabi doona.

  • 70%

    17Markaasaa boqorkii amray, oo iyana waxay soo jareen dhagxan waaweyn oo qaali ah, inay dhagxan la qoray ka dhigaan aasaaskii guriga.

    18Oo Sulaymaan waxdhisayaashiisii iyo Xiiraam waxdhisayaashiisii iyo reer Gebal ayaa qoray, oo waxay hagaajiyeen alwaaxdii iyo dhagxantii guriga lagu dhisi lahaa.

  • 14¶ Oo haddii qof doonayo inuu gurigiisa quduus uga dhigo Rabbiga, markaas wadaadku waa inuu qiimeeyaa hadduu xun yahay iyo hadduu fiican yahayba, oo sidii wadaadku ku qiimeeyo ha ahaato.

  • 40Oo weliba guutay kugu kicin doonaan, wayna ku dhagxin doonaan, oo seefahooday kugu mudhbixin doonaan.

  • 11Oo hadday wixii ay sameeyeen oo dhan ku ceeboobaan, waxaad tustaa daarta qaabkeeda, iyo qabanqaabkeeda, iyo meelaha laga baxo, iyo meelaha laga soo galo, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo qaynuunnadeeda oo dhan, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo sharciyadeeda oo dhan, oo iyagoo indhaha ku haya qor, si ay qaabkeeda oo dhan u sii dhawraan, oo ay qaynuunnadeeda oo dhan u wada sameeyaan.

  • 54markaas wadaadku waa inuu ku amraa in la maydhaa waxaas cudurka qaba, oo isagu haddana waa inuu waxaas meel ku xereeyaa intii toddoba maalmood oo kale ah.

  • 4oo ha lagu dhiso saddex saf oo dhagaxyo waaweyn ah iyo saf alwaax cusub ah; kharashkiisana ha laga bixiyo guriga boqorka.

  • 9Dhagxan waaweyn gacanta ku qaad, oo iyadoo ay dadka dalka Yahuudah u wada jeedaan waxaad ku dhex qarisaa meesha lebenku yaal ee iridda laga galo guriga Fircoon ee Taxfanxees ku yaal.

  • 42Markaasaa Ciise ku yidhi iyaga, Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Wuxuu noqday madaxa rukunka. Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga?

  • 13Oo waa inay meesha allabariga dambaska ka daadiyaan, oo ay maro guduudan ku kala dul bixiyaan.

  • 14¶ Oo isna wuxuu odhan doonaa, Dhisa, dhisa, oo jidka hagaajiya, oo jidka dadkayga waxa lagu turunturoodo ka wareejiya.

  • 26Rabbigu wuxuu leeyahay, Lagaama qaadan doono dhagax rukun noqon kara iyo dhagax aasaas noqon kara toona, laakiinse adigu weligaaba cidla baad ahaan doontaa.

  • 14Biyo u soo dhaanso hareeraynta aawadeed, oo qalcadahaagana adkee. Dhoobada dhex gal, oo dhigada ku joogjoogso, oo xoog u yeel meesha lebenka lagu dubo.

  • 5Oo iyagoo indhaha kugu haya derbiga dalooli oo alaabta halkaas ka soo bixi.

  • 4Oo haddana kuwaas qaar ka qaad oo dab ku dhex tuur, oo dab ku gub, oo iyaga dab baa ka soo bixi doona, wuxuuna wada gaadhi doonaa reer binu Israa'iil oo dhan.