Laawiyiintii 15:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo haddii dheecaan naag ka daadanayo, oo dheecaanka jidhkeeda ku yaal uu xayl yahay, iyadu waa inay intii toddoba maalmood ah nijaasteeda ku sii jirtaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 12:2 : 2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii naagu ilmo uuraysato oo ay wiil dhasho, markaas intii toddoba maalmood ah waa inay nijaas ahaataa, oo waxay u nijaasoobaysaa siday nijaasta u ahayd maalmihii dhiiggeeda.
  • Laaw 12:4 : 4 Oo iyadu waa inay ku sii jirtaa dhiigga isdaahirinteeda saddex iyo soddon maalmood oo kale, oo waa inayan taaban wax quduus ah, waana inayan meesha quduuska ah gelin ilamaa maalmaha isdaahirinteedu ay dhammaystirmaan.
  • Laaw 20:18 : 18 Oo haddii nin la seexdo naag xayl qabta, oo uu cawradeeda qaawiyo, wuxuu qaawiyey ishii dhiiggeeda oo iyana waxay qaawisay ishii dhiiggeeda, oo markaas labadoodaba waa in laga gooyaa dadkooda.
  • Bar 1:8-9 : 8 Yeruusaalem aad iyo aad bay u dembaabtay, oo sidaas daraaddeed sida wax wasakh ah ayaa loo xooray. Intii sharfi jirtay oo dhammu way quudhsadaan, maxaa yeelay, waxay arkeen cawradeedii. Hubaal way taahdaa, wayna sii jeesataa. 9 Nijaasteedii waxay ku tiil googaradaheeda, kamana ay fiirsan ugudambaysteeda, Haddaba sidaas daraaddeed si aad loola yaabay ayay u dhacday, oo mid u qalbi qaboojiyana ma ay lahayn. Rabbiyow, bal dhibkayga fiiri, waayo, cadowgii wuu isweyneeyey.
  • Bar 1:17 : 17 Siyoon gacmahay hoorsataa, mase jiro mid u qalbi qaboojiya. Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka Yacquub ku wareegsan ay cadaawayaashooda noqdaan. Yeruusaalemna waxay dhexdooda ku tahay sida wax wasakh ah.
  • Yex 36:17 : 17 Wiilka Aadamow, markii reer binu Israa'iil ay dalkooda dhex degganaayeen waxay ku nijaaseeyeen socodkooda iyo falimahooda, oo jidkooduna wuxuu hortayda kula mid ahaa sidii naag caado qabta xaylkeed oo kale.
  • Mat 15:19 : 19 Waayo, waxaa qalbiga ka soo baxaa fikirrada sharka leh iyo dilidda iyo sinada iyo galmada xaaraanta ah iyo tuuganimada iyo maragga beenta ah iyo cayda.
  • Mark 5:25 : 25 ¶ Waxaa jirtay naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 91%

    20Oo intay nijaasaysan tahay wax alla wixii ay ku jiifsataaba way nijaasoobayaan, oo wax alla wixii ay ku fadhiisataaba way nijaasoobayaan.

    21Oo ku alla kii sariirteeda taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

    22Oo wax alla wixii ay ku fadhiisato kii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

    23Oo sariirteeda ama waxay ku fadhiisato haddii xayl ku yaal, markuu taabto, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

    24Oo nin hadduu iyada la jiifsado oo xaylkeedu taabto intii toddoba maalmood ah nijaas buu ahaanayaa, oo sariir alla sariirtii uu ku jiifsadaaba way nijaasoobaysaa.

    25¶ Haddii naag uu ka daato dheecaan dhiiggeeda ah maalmo badan oo aan ahayn wakhtigii xaylkeeda, ama hadduu iyada ka daato dheecaan ka badan oo dhaafsiisan wakhtigii xaylkeeda, inta iyada dheecaanku ka daadanayo oo ay nijaasaysan tahay oo dhan waa inay ahaataa sidii maalmihii ay xaylka qabtay oo kale, waayo, way nijaasaysan tahay.

    26Oo inta dheecaanku iyada ka daadanayo oo dhan, sariir alla sariirtii ay ku jiifsataaba, waxay iyada u ahaan doontaa sida sariirta ay ku jiifsato markay xaylka qabto, oo wax alla wixii ay ku fadhiisataaba waxay u nijaasoobayaan sida nijaasta xaylkeeda.

    27Oo waxyaalahaas ku alla kii taabtaa wuu nijaasoobayaa, oo waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

    28Laakiinse hadday dheecaankeedii ka daahirsanaato, markaas waa inay toddoba maalmood nafsaddeeda u tirsataa, oo markaas dabadeedna daahir bay ahaanaysaa.

  • Laaw 15:2-13
    12 aayado
    87%

    2Dadka reer binu Israa'iil la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Haddii qof leeyahay dheecaan jidhkiisa ka soo dareero, dheecaankiisa aawadiis isagu waa nijaas.

    3Oo nijaastiisuna sidanay ahaanaysaa inta dheecaankiisu ka daadanayo. Haddii dheecaanku jidhkiisa ka daadanayo iyo haddii dheecaanku jidhkiisa ka joogsadayba, waa nijaastiisa.

    4Oo kan dheecaanku ka daadanayo sariir alla sariirtii uu ku jiifsadaaba way nijaasoobaysaa, oo wax alla wixii uu ku fadhiistaaba way nijaasoobayaan.

    5Oo ku alla kii sariirtiisa taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

    6Oo ku alla kii ku fadhiisto wixii uu qofkii dheecaanku ka daadanaya ku fadhiistay waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

    7Oo kan dheecaanku ka daadanayo jidhkiisa qofkii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

    8Oo kan dheecaanku ka daadanayaana hadduu ku candhuufo qof daahir ah, markaas ninkaasu waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

    9Oo kan dheecaanku ka daadanayo koore alla koorihii uu fuulaaba nijaas buu ahaanayaa.

    10Oo ku alla kii taabtaa wixii isaga hoostiisa ku jirayna, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa, oo waxyaalahaas qofkii qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

    11Oo kan dheecaanku ka daadanayo isagoo aan gacmihiisa biyo ku maydhin ku alla kii uu taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

    12Oo kan dheecaanku ka daadanayo weelkii dhoobo ah oo uu taabtona waa in la burburiyaa, oo weel kasta oo qori ahna waa in biyo lagu xalaa.

    13Oo kii dheecaanka daadanayaa markuu daahir ka noqdo, waa inuu toddoba maalmood nafsaddiisa u tirsadaa daahirintiisa aawadeed, oo dharkiisana waa inuu maydhaa, oo isna ku maydhaa biyo socda, oo markaasuu daahir ahaanayaa.

  • 83%

    15Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu Rabbiga hortiisa kafaaraggud isaga ugu sameeyaa dheecaankiisa aawadiis.

    16¶ Haddii nin shahwaddiisu ka timaada waa inuu jidhkiisa oo dhan biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

    17Oo dhar kasta iyo harag kasta oo ay shahwaddiisu ku taalba, waa in biyo lagu maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas bay ahaanayaan.

    18Oo weliba nin hadduu naag la seexdo, labadooduba waa inay biyo ku maydhaan, oo tan iyo fiidkii nijaas bay ahaanayaan.

  • 82%

    30Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, oo midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu iyada kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa dheecaankii nijaasteeda aawadiis.

    31¶ Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal.

    32¶ Kanu waa sharciga ku saabsan kii dheecaan ka daadanayo iyo kii shahwaddiisu ka timaado, oo uu sidaas ku nijaasoobay,

    33iyo naagtii xayl qabta, iyo qofkii dheecaan ka daadanayo nin iyo naag miduu yahayba, iyo kii la seexda tii nijaasaysan.

  • 2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii naagu ilmo uuraysato oo ay wiil dhasho, markaas intii toddoba maalmood ah waa inay nijaas ahaataa, oo waxay u nijaasoobaysaa siday nijaasta u ahayd maalmihii dhiiggeeda.

  • Laaw 12:4-5
    2 aayado
    80%

    4Oo iyadu waa inay ku sii jirtaa dhiigga isdaahirinteeda saddex iyo soddon maalmood oo kale, oo waa inayan taaban wax quduus ah, waana inayan meesha quduuska ah gelin ilamaa maalmaha isdaahirinteedu ay dhammaystirmaan.

    5Laakiinse hadday gabadh dhasho, markaas intii laba toddobaad ah waa inay nijaas ahaataa sidii markay xagga dhiigga nijaas ka tahay, oo waa inay ku sii jirtaa dhiigga isdaahirinteeda lix iyo lixdan maalmood oo kale.

  • Tir 19:19-22
    4 aayado
    78%

    19Oo qofka daahirka ahu waa inuu maalinta saddexaad iyo maalinta toddobaad ku rusheeyaa kii nijaas ah, oo maalinta toddobaad waa inuu isaga daahiriyaa, markaas dharkiisana ha maydho, jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas fiidkii daahir buu ahaan doonaa.

    20Laakiinse qofka nijaasta ah, oo aan isdaahirin, qofkaasu shirka dhexdiisa waa in laga gooyaa, maxaa yeelay, wuxuu nijaaseeyey Rabbiga meeshiisii quduuska ahayd, oo waa nijaas oo laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya.

    21Kaasu wuxuu iyaga u ahaanayaa qaynuun weligiis jira, oo kii rusheeyo biyaha nijaasta daahiriyana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo kii biyaha nijaasta daahiriya taabtaana nijaas buu ahaan doonaa tan iyo fiidkii.

    22Oo wax alla wixii uu qofka nijaasta ahu taabtana nijaas bay ahaan doonaan, oo qofkii taabtaana tan iyo fiidkii nijaas buu ahaan doonaa.

  • 18Oo haddii nin la seexdo naag xayl qabta, oo uu cawradeeda qaawiyo, wuxuu qaawiyey ishii dhiiggeeda oo iyana waxay qaawisay ishii dhiiggeeda, oo markaas labadoodaba waa in laga gooyaa dadkooda.

  • Tir 19:11-13
    3 aayado
    77%

    11Oo kii qof meyd ah taabta intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa.

    12Oo kaasu waa inuu maalinta saddexaad isku daahiriyaa, oo maalinta toddobaad isagu daahir buu ahaan doonaa; laakiinse haddaanu maalinta saddexaad isdaahirin, markaas maalinta toddobaad daahir ma uu ahaan doono.

    13Oo ku alla kii qof dhintay meydkiis taabta oo aan isdaahirin, kaasu wuxuu nijaaseeyaa Rabbiga taambuuggiisa, oo qofkaasu wuu ka go'i doonaa reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, isaga laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya, oo isagu nijaas buu ahaan doonaa, oo nijaasnimadiisa ayaa weli saaran.

  • 7Oo isna qurbaankaas waa inuu ku bixiyaa Rabbiga hortiisa, oo waa inuu iyada kafaaraggud u sameeyaa, oo iyana dhiigbixiddeeda way ka daahirsanaan doontaa. Kanu waa sharciga ku saabsan tii dhasha ama wiil ha ahaado ama gabadhe.

  • 16Oo ku alla kii berrin bannaan ku soo taabta qof seef lagu dilay, ama meyd, ama laf dad, ama qabri, intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa.

  • 19Waa inaadan naag u dhowaan si aad cawradeeda u qaawisid, in alla intay xaylka ku nijaasaysan tahay.

  • 28Laakiinse naagtu haddaanay nijaasoobin illowse ay daahir tahay, markaas iyadu xor bay ahaanaysaa, wayna uuraysanaysaa.

  • 25¶ Waxaa jirtay naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay.

  • Laaw 22:4-6
    3 aayado
    75%

    4Oo ku alla kii farcanka Haaruun ka mid ah oo baras qaba, ama dheecaan ka daadanayaa, waa inuusan wax ka cunin waxyaalaha quduuska ah jeeruu daahir noqdo. Oo ku alla kii taabta wax meyd ku nijaasoobay, ama uu taabta nin shahwaddiisu ka daadatay,

    5ama ku alla kii taabta wax gurguurta oo uu isagu ku nijaasoobo, amase qof isaga nijaaso qabadsiin kara, wax kastoo ay nijaastiisu tahayba,

    6qof alla qofkii waxyaalaha caynkaas ah taabtaa wuxuu nijaas ahaan doonaa tan iyo fiidkii, oo waa inuusan wax ka cunin waxyaalaha quduuska ah, inuu jidhkiisa biyo ku maydho mooyaane.

  • 8Oo kii qaalinta gubona dharkiisa biyo ha ku maydho, jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo isna tan iyo fiidkii nijaas buu ahaan doonaa.

  • 2Waxaad reer binu Israa'iil amar ku tidhaahdaa, Xerada ka saara mid kasta oo baras qaba, iyo mid kasta oo dheecaan ka dareera, iyo mid kasta oo meyd ku nijaasoobay.