Laawiyiintii 18:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waa inaadan qaawin cawrada eeddadaa, waayo, iyadu waa aabbahaa qaraabadiis u dhow.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 20:19 : 19 Oo waa inaadan qaawin habaryartaa, ama eeddadaa, waayo, kii saas yeelaa wuxuu qaawiyey xigaalkiisa u dhow, oo iyagu waxay qaadan doonaan dembigooda.
  • Bax 6:20 : 20 Oo Camraam wuxuu guursaday Yookebed oo eeddadiis ahayd, oo waxay u dhashay Haaruun iyo Muuse. Oo Camraam cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 18:6-11
    6 aayado
    94%

    6¶ Waa inaan midkiinna u dhowaan qof ka mid ah xigaalkiisa u dhow inuu cawradiisa qaawiyo, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    7Cawrada aabbahaa taasoo ah cawrada hooyadaa waa inaadan qaawin, iyadu waa hooyadaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin.

    8Oo waa inaadan qaawin cawrada naagta aabbahaa, ee waa cawradii aabbahaa.

    9Waa inaadan qaawin cawrada walaashaa oo ah aabbahaa gabadhiisa ama hooyadaa gabadheeda, hadday guriga ku dhalatay iyo hadday meel kale ku dhalatayba.

    10Waa inaadan qaawin cawrada gabadha wiilkaaga, ama cawrada gabadha gabadhaada, waayo, toodu waa cawradaadii.

    11Waa inaadan qaawin cawrada naagta aabbahaa gabadheeda ay aabbahaa u dhashay, waayo, iyadu waa walaashaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin.

  • 93%

    13Waa inaadan qaawin cawrada habaryartaa, waayo, iyadu waa hooyadaa qaraabadeed u dhow.

    14Waa inaadan adeerkaa cawradiisa qaawin. Waa inaadan naagtiisa u dhowaan, waayo, iyadu waa aayadaa.

    15Waa inaadan qaawin cawrada gabadha aad soddogga u tahay, waayo, iyadu waa naagtii wiilkaaga, ee waa inaadan cawradeeda qaawin.

    16Waa inaadan qaawin cawrada naagta walaalkaa, waayo, taasu waa cawradii walaalkaa.

    17Waa inaadan naag iyo gabadheedaba cawradooda wada qaawin, oo waa inaadan kaxaysan gabadha wiilkeeda ama gabadha gabadheeda si aad cawradeeda u qaawisid; waayo, iyagu waa naago qaraabo kuu dhow ah, oo taasu waa shar.

    18Waa inaadan naagtaada walaasheed la guursan oo aadan cawradeeda qaawin intay naagtaadu nooshahay.

    19Waa inaadan naag u dhowaan si aad cawradeeda u qaawisid, in alla intay xaylka ku nijaasaysan tahay.

    20Waa inaadan la jiifsan naagta deriskaaga, si aadan iyada ugu nijaasoobin.

  • 89%

    17Oo haddii nin kaxaysto walaashiis oo ah ina aabbihiis ama ina hooyadiis, oo uu cawradeeda arko, oo iyana ay cawradiisa aragto, taasu waa wax ceeb ah, oo iyaga waa in dadkooda hortiisa laga gooyaa, waayo, isagu wuxuu qaawiyey cawradii walaashiis, oo dembigiisana wuu qaadan doonaa.

    18Oo haddii nin la seexdo naag xayl qabta, oo uu cawradeeda qaawiyo, wuxuu qaawiyey ishii dhiiggeeda oo iyana waxay qaawisay ishii dhiiggeeda, oo markaas labadoodaba waa in laga gooyaa dadkooda.

    19Oo waa inaadan qaawin habaryartaa, ama eeddadaa, waayo, kii saas yeelaa wuxuu qaawiyey xigaalkiisa u dhow, oo iyagu waxay qaadan doonaan dembigooda.

    20Oo haddii nin la seexdo naagta adeerkiis, kaasu wuxuu qaawiyey cawradii adeerkiis; iyagu waxay qaadan doonaan dembigooda, oo waxay dhiman doonaan iyagoo gablan ah.

    21Oo haddii nin kaxaysto naagta walaalkiis, taasu waa nijaas, waayo, wuxuu qaawiyey cawradii walaalkiis, oo iyagu waxay ahaan doonaan gablan.

  • 30Ninna waa inuusan qaadan naagtii aabbihiis, oo waa inuusan aabbihiis marada ka bannayn.

  • Yex 22:10-11
    2 aayado
    76%

    10Dhexdaada ayay cawradii aabbahood ku soo bannaan dhigaan, oo dhexdaada ayay tan xaylka qabta ku ceebeeyaan.

    11Midba wuxuu karaahiyo la sameeyaa naagtii deriskiisa, oo mid kalena wuxuu si shar ah u nijaaseeyaa gabadha uu soddogga u yahay, oo mid kalena wuxuu dhexdaada ku kufsadaa walaashiis oo ah gabadhii aabbihiis.

  • 11Oo ninkii naagta aabbihiis la seexdaana wuxuu qaawiyey cawradii aabbihiis, oo sida xaqiiqada ah labadoodaba waa in la dilaa; oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

  • 22¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii la seexda walaashiis oo ah ina aabbihiis ama ina hooyadiis. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

  • Laaw 21:2-3
    2 aayado
    73%

    2xigaalkiisa u dhow mooyaane, kuwaasoo ah hooyadiis, ama aabbihiis, ama wiilkiisa, ama gabadhiisa, ama walaalkiis,

    3ama walaashiisa bikradda ah oo isaga u dhow, oo aan weli nin guursan; taas wuu isu nijaasayn karaa.

  • 20¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii la seexda naagtii aabbihiis, maxaa yeelay, aabbihiis buu maradii ka banneeyey. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

  • 18Sidaasay dhillanimadeedii u soo bandhigtay oo cawradeedii daahay ka qaadday, markaasaa nafsaddaydii iyada uga go'day sidii ay nafsaddaydu walaasheed uga go'day oo kale.

  • 26Ama waa inaanad meeshayda allabariga sallaan ku fuulin, si aan cawradaadu uga muuqan.

  • 12Oo weliba sida runta ah iyadu waa walaashay, waana gabadhii aabbahay, laakiin ma aha gabadhii hooyaday; waxayna noqotay naagtaydii.

  • 69%

    11Oo markay u soo dhowaysay inuu cuno ayuu iyadii qabsaday, oo wuxuu ku yidhi, Walaalay, kaalay ila seexo!

    12Oo waxay ugu jawaabtay, Maya, walaalkayow, ha i xoogin; waayo, waxan oo kale in reer binu Israa'iil lagu dhex sameeyo ma habboona, haddaba nacasnimadan ha samayn.

  • 25Oo waa inayan qof meyd ah u dhowaan si ayan isu nijaasayn, laakiinse waxay keliyahoo isu nijaasayn karaan aabbe daraaddiis, ama hooyo daraaddeed, ama wiil, ama gabadh, ama walaal, amase gabadh walaashood ah oo aan nin lahayn.

  • 29Waa inaadan gabadhaada nijaasayn oo aadan dhillo ka dhigin, waaba intaasoo uu dalku noqdaa sino miidhan oo uu shar ka buuxsamaa.

  • 1¶ Meel walba waxaa laga maqlay in dhexdiinna ay sino ku jirto, sinada caynkaas ahna xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ma qabaan, taasoo ah inuu midkiin naagtii aabbihii haysto.

  • 9Oo wadaad kasta haddii ay gabadhiisu isnijaasayso oo ay dhillowdo, iyadu nijaas bay ka dhigaysaa aabbaheed, oo waa in dab lagu gubaa.

  • Bil 9:22-23
    2 aayado
    68%

    22Oo Xaam, oo ahaa Kancaan aabbihiis, ayaa arkay qaawanaantii aabbihiis, kolkaasuu u sheegay labadii walaalihiis ahayd oo dibadda joogta.

    23Kolkaasaa Sheem iyo Yaafed dhar qaadeen, oo labadoodu garbahay saareen, oo dib dib u socdeen, kolkaasay qaawanaantii aabbahood ku dedeen, oo wejiyadooduna way sii jeedeen, mana ay arkin qaawanaantii aabbahood.

  • 22Waa inaadan ragga ula seexan sida dumarka loola seexdo oo kale, waayo, taasu waa karaahiyo.

  • 12¶ Oo dharka aad guntato afartiisa darafba waa inaad faraq u yeeshaa.

  • 45Waxaad tahay gabadhii hooyadaa oo ninkeeda iyo carruurteedaba nacda, oo weliba waxaad tahay walaashii walaalahaa oo nimankoodii iyo carruurtoodiiba nacay. Hooyadaa waxay ahayd reer Xeed, oo aabbahaana wuxuu ahaa reer Amor.

  • 36Oo sidaasay Luud labadiisii gabdhoodba aabbahood uurka ugu lahaayeen.

  • 16Kuwanu waa qaynuunnadii Rabbigu ku amray Muuse, ee u dhexeeya nin iyo naagtiis, oo u dhexeeya aabbe iyo gabadhiis dhallinyaro ah oo guriga aabbaheed joogta.

  • 24¶ Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen,

  • 16oo waaba intaasoo aad gabdhahooda u guurisaa wiilashaada, oo ay gabdhahooduna ilaahyadooda raacaan sida dhillooyin oo kale, oo ay wiilashaadana u jiitaan inay raacaan ilaahyadooda.

  • 3Oo idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina, wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina.

  • 13oo haddii nin kale la jiifsado oo waxaas ninkeedii laga qariyo oo qarsoodi loo haysto, oo ay naagtaasu sidaas ku nijaasowdo, laakiinse markhaati loo waayo iyada, amase aan iyada lagu qaban samayntii,

  • 26Sidaas daraaddeed darfaha dharkaagaan xaydi doonaa ilaa wejigaaga si ay ceebtaadu u muuqato aawadeed.