Laawiyiintii 20:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaba waa inaad wada xajisaan oo yeeshaan qaynuunnadayda oo dhan iyo xukummadayda oo dhan, si dalka aan idin geeynayo inaad degtaan uusan idiin mantagin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 18:25-28 : 25 oo dalkii wuu nijaasoobay, haddaba sidaas daraaddeed ayaan xumaantiisii soo gaadhsiinayaa, oo dalku waa mantagayaa dadka deggan. 26 Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba, 27 (waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;) 28 si markaad nijaasaysaan dalku uusan idinkana idiin mantagin, siduu quruuntii idinka horraysay u mantagay oo kale.
  • Laaw 19:37 : 37 Oo waa inaad wada dhawrtaan oo yeeshaan qaynuunnadayda oo dhan iyo xukummadayda oo dhan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
  • Laaw 26:33 : 33 Oo waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon doonaan.
  • Sharc 4:45 : 45 kuwanuna waa markhaatifurkii iyo qaynuunnadii iyo xukummadii uu Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay dalkii Masar ka soo baxeen,
  • Sharc 5:1 : 1 ¶ Markaasaa Muuse u wada yeedhay dadkii reer binu Israa'iil oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada aan maanta dhegahiinna kula hadlayo inaad iyaga barataan oo aad dhawrtaan si aad u samaysaan.
  • Sharc 28:25-26 : 25 Oo Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in laydinku laayo cadaawayaashiinna hortooda, oo iyaga jid qudha baad kaga iman doontaan, oo hortooda ayaad toddoba jid ku kala carari doontaan, oo boqortooyooyinka dunida oo dhammu waad ku dhex rogrogmi doontaan hore iyo dib. 26 Oo meydkiinnu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka hawada oo dhan iyo dugaagga dhulka, oo mid iyaga ka eryana lama arki doono.
  • Sab 19:8-9 : 8 Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan, Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa. 9 Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa, Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood. 10 Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah, Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka. 11 Oo weliba addoonkaagana iyagaa loogu digay, Oo xajintoodana waxaa ku jira abaalgud weyn.
  • Sab 105:45 : 45 Inay amarradiisa dhawraan, Oo ay qaynuunnadiisa xajiyaan. Rabbiga ammaana.
  • Sab 119:20 : 20 Naftaydu waxay u xiisootay Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.
  • Sab 119:80 : 80 Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado, Si aanan u ceeboobin.
  • Sab 119:106 : 106 Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.
  • Sab 119:145 : 145 Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab, Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.
  • Sab 119:160 : 160 Eraygaaga dhammaantiisu waa run, Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.
  • Sab 119:164 : 164 Maalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa, Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.
  • Sab 119:171 : 171 Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen, Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.
  • Sab 119:175 : 175 Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa, Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.
  • Ish 26:8-9 : 8 Rabbiyow, annagu waxaannu kugu sugaynay jidka xukummadaada. Oo naftayaduna waxay xiiso u qabtaa magacaaga iyo xusuustaada. 9 Habeenka naftaydu adigay kuu xiisootay, oo ruuxa gudahayga ku jira ayaan aad kuugu doondooni doonaa, waayo, markii xukummadaadu ay dhulka joogaan ayaa dadka dunida degganu xaqnimo bartaan.
  • Yex 36:27 : 27 Oo Ruuxayga ayaan idin dhex gelin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inaad qaynuunnadayda ku socotaan, xukummadaydana waad xajin doontaan, waadna samayn doontaan.
  • Bax 21:1 : 1 ¶ Haddaba kuwanu waa amarradii aad hortooda dhigi lahayd.
  • Laaw 18:4-5 : 4 Waxaad samaysaan xukummadayda, oo waxaad dhawrtaan qaynuunnadayda si aad iyaga ugu dhex socotaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 5 Haddaba sidaas daraaddeed idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo ninkii sameeyaana iyaguu ku noolaan doonaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    24¶ Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen,

    25oo dalkii wuu nijaasoobay, haddaba sidaas daraaddeed ayaan xumaantiisii soo gaadhsiinayaa, oo dalku waa mantagayaa dadka deggan.

    26Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba,

    27(waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;)

    28si markaad nijaasaysaan dalku uusan idinkana idiin mantagin, siduu quruuntii idinka horraysay u mantagay oo kale.

    29Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa.

    30Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 82%

    23Oo waa inaydaan ku socon caadooyinkii quruuntii aan hortiinna ka eryayo, waayo, iyagu waxyaalahaas oo dhan ayay samayn jireen, oo sidaas daraaddeed ayaan u karhay.

    24Laakiinse waxaan idinku idhi, Idinka ayaa dalkoodii dhaxli doona, oo hanti ahaan ayaan idiin siinayaa, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soocay dadyowga.

    25Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad kala soocdaan xayawaanka daahirka ah iyo kan nijaasta ah, iyo haadda daahirka ah iyo tan nijaasta ah, oo waa inaydaan nafihiinna wax karaahiyo ah kaga dhigin xayawaan ama haad ama waxa dhulka ku gurguurta oo aan idinka soocay oo aan idhi, Waa nijaas.

  • 18Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad qaynuunnadayda yeeshaan, oo aad xukummadaydana dhawrtaan oo yeeshaan, oo markaasaad dalka ammaan ku degganaan doontaan.

  • 37Oo waa inaad wada dhawrtaan oo yeeshaan qaynuunnadayda oo dhan iyo xukummadayda oo dhan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • Laaw 18:3-5
    3 aayado
    75%

    3Falimaha dalka Masar ee aad degganaan jirteen waa inaydaan samayn, oo falimaha dalka Kancaan oo aan idiin geeynayana waa inaydaan samayn, oo qaynuunnadoodana waa inaydaan ku socon.

    4Waxaad samaysaan xukummadayda, oo waxaad dhawrtaan qaynuunnadayda si aad iyaga ugu dhex socotaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

    5Haddaba sidaas daraaddeed idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo ninkii sameeyaana iyaguu ku noolaan doonaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 8Oo waa inaad qaynuunnadayda dhawrtaan oo yeeshaan, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga.

  • 15iyo haddaad qaynuunnadayda diiddaan, iyo haddii naftiinnu xukummadayda karahdo, oo aad amarradayda oo dhan wada yeeli weydaan, illowse aad igu axdi furtaan,

  • 21Oo haddii nin kaxaysto naagta walaalkiis, taasu waa nijaas, waayo, wuxuu qaawiyey cawradii walaalkiis, oo iyagu waxay ahaan doonaan gablan.

  • 32Oo waa inaad dhawrtaan oo wada yeeshaan qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idin hor dhigayo oo dhan.

  • 1¶ Kuwanu waa qaynuunnada iyo xukummada ay tahay inaad dhawrtaan oo aad ku dhex yeeshaan dalkii Rabbiga Ilaaha awowayaashiin ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan intaad dhulka ku nooshihiin oo dhan.

  • 34Oo waa inaydaan nijaasayn dalka aad dhex deggan tihiin, oo anna aan dhexdiisa degganahay, waayo, aniga Rabbiga ahu waxaan dhex degganahay reer binu Israa'iil.

  • 19Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Qaynuunnadayda ku socda, oo xukummadayda xajiya oo sameeya,

  • 7Oo waxaan idin keenay waddan barwaaqo badan, inaad midhihiisa iyo wanaaggiisa cuntaan, laakiinse markaad soo gasheen ayaad dalkaygii nijaasayseen, oo dhaxalkaygiina waxaad ka dhigteen wax karaahiyo ah.

  • 19Waa inaad qaynuunnadayda dhawrtaan. Waa inaadan xoolahaaga u dayn inay cayn kale ku beermaan, oo waa inaadan beertaada ku beeran midho laba cayn ah, oo waa inaadan xidhan dhar laga sameeyey laba cayn oo isku darsan.

  • 3¶ Haddaad qaynuunnadayda ku socotaan, oo aad amarradayda dhawrtaan oo yeeshaan,

  • 11Haddaba waa inaad dhawrtaan amarka iyo qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idinku amrayo inaad yeeshaan.

  • 26Gurigiinnana waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay, waxaasu waa xaaraan.

  • 18si ayan idiin barin inaad samaysaan waxyaalahooda karaahiyada ah oo ay ilaahyadooda ku sameeyeen oo dhan, oo aydaan idinku saas ugu dembaabin Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 18Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Dalka aan idin geeynayo markaad gaadhaan,

  • 3Oo waa inaad rag iyo dumarba bixisaan, oo aad xerada dibaddeeda geeysaan si aanay u nijaasayn xeradooda aan anigu dhex deggan ahay.

  • 12Haddaadse dib ugu noqotaan oo aad u xajisataan kuwa ka hadhay quruumahan, kuwaas oo ah kuwa idinku dhex hadhay, haddaad guursataan oo aad isdhex gashaan, oo iyana ay idin dhex galaan,

  • 7oo waxaan iyaga ku idhi, Ninkiin kastaaba waxyaalaha karaahiyada ah ee indhihiisa ha iska xooro, oo sanamyada Masar ha isku nijaasaynina. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 12Waayo, ku alla kii waxyaalahaas sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga, oo waxyaalahan karaahiyada ah daraaddood ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinna uga eryayaa.

  • 71%

    17Oo waa inaad aad u xajisaan Rabbiga Ilaahiinna ah amarradiisa iyo markhaatifurkiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray.

    18Waa inaad samaysaan wixii Rabbiga hortiisa ku qumman oo ku wanaagsan inaad nabdoonaataan oo aad intaad gashaan hantidaan dalka wanaagsan oo Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin,

  • 15waaba intaasoo aad axdi la dhigataan dadka dalkaas deggan, oo ay ilaahyadooda raacaan sida naagi ninkeeda uga dhillowdo, oo ay allabari u bixiyaan ilaahyadooda, oo inta laydiin yeedho, aad allabarigiisa wax ka cuntaan,

  • 20Oo wixii dhammaan xaq ah waa inaad raacdaan, inaad noolaataan, oo aad dhaxashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo.

  • 5Bal eega, qaynuunno iyo xukummo ayaan idiin baray sidii Rabbiga Ilaahayga ahu igu amray, inaad saas ku dhex samaysaan dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.

  • 4ninkeedii hore oo iyada eryay yuusan mar dambe naagnimo u qaadan, kolkii iyadu ay nijaasowday dabadeed, maxaa yeelay, taasu Rabbiga hortiisa karaahiyo bay ku tahay, oo waa inaydaan dembi keenin dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siinayo.

  • 31Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo yeeshaan amarradayda, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 19Habase yeeshee, haddii dalkii hantidiinna ahaa aanu nadiif ahayn, de markaas u soo gudba dalka Rabbiga hantidiisa ah, oo uu taambuuggii Rabbigu ku dhex jiro, oo nala qayb qaata; laakiinse Rabbiga ha ku caasiyoobina, oo annagana ha nagu caasiyoobina, oo ha dhisina meel allabari oo aan ahayn tii Rabbiga Ilaaheenna ah.

  • 20Waa inaadan la jiifsan naagta deriskaaga, si aadan iyada ugu nijaasoobin.

  • 11Oo waxaan iyaga siiyey qaynuunnadaydii, xukummadaydiina waan tusay, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo.

  • 11aad noogu soo dhiibtay nebiyadii addoommadaada ahaa, oo aad ku tidhi, Dalka aad inaad hantidaan ugu socotaan waa dal aan nadiif ahayn, oo wuxuu ku nijaasoobay dadyowga deggan nijaastooda, iyo karaahiyadooda, iyo wasakhnimadooda dhammaan ka buuxsantay gees ilaa ka gees.

  • 16oo waxaan maanta idinku amrayaa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa ku socotaan, oo aad wada xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa iyo xukummadiisa inaad noolaataan oo badataan iyo in Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan.

  • 31¶ Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal.

  • 21Oo Rabbigu wuxuu idinku dhejin doonaa balaayada, jeeruu idinka baabbi'iyo dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.

  • 9¶ Oo markaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaydaan baran inaad samaysaan waxyaalaha karaahiyo ah oo ay quruumahaasu sameeyaan.

  • 52waa inaad dadka dalka deggan oo dhan hortiinna ka eridaan, oo aad dhagaxyadooda sawirrada ah oo dhan wada baabbi'isaan, oo aad sanamyadooda la shubay oo dhan wada burburisaan, oo aad meelahooda sarsare oo dhan wada dumisaan.

  • 10Oo mar alla markii dacwo idiinka timaado walaalihiinna magaalooyinkooda deggan, taasoo u dhexaysa oo ah dhiig iyo dhiig, iyo sharci iyo amar, iyo qaynuun iyo xukummo, de markaas waa inaad u digtaan si aanay Rabbiga ugu dembaabin, oo aan taas aawadeed cadhada Rabbigu ugu soo degin idinka iyo walaalihiinba. Saas yeela oo eed lahaan maysaan.