Laawiyiintii 23:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bisha kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay, waa Rabbiga iiddiisii Kormaridda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 16:1-8 : 1 ¶ Bisha Aabiib dhawra, oo Rabbiga Ilaahiinna ah Iiddii Kormaridda u sameeya, waayo, bisha Aabiib ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu habeennimo idinka soo bixiyey dalkii Masar. 2 Oo Iidda Kormaridda waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u bixisaan neef aad ka qaaddaan idaha iyo lo'da, uguna bixiya meesha uu Rabbiga u dooranayo inuu magiciisa dhigo. 3 Oo allabariga waa inaydaan kibis khamiir leh ku cunin, toddoba maalmoodse waa inaad ku cuntaan kibis aan khamiir lahayn oo ah kibistii dhibka, waayo, dalkii Masar degdeg baad kaga soo baxdeen. Waa inaad cimrigiinna oo dhan xusuusnaataan maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen. 4 Oo intii toddoba maalmood ah soohdimihiinna gudahooda oo dhan waa inaan khamiir lagu arag, oo allabariga aad fiidka maalinta kowaad bixisaan hilibkiisu waa inuusan habeenkii oo dhan oollin oo subaxdii gaadhin. 5 Idiinma bannaana inaad allabariga Iidda Kormaridda ku bixisaan irdihiinna gudahooda oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, 6 laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo waa inaad allabariga Kormaridda ku bixisaan markay fiidka tahay, oo qorraxdu dhacdo, oo ah xilligii aad Masar ka soo baxdeen. 7 Hilibka waa inaad dubtaan oo ku cuntaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo subaxdii waa inaad noqotaan oo teendhooyinkiinna tagtaan. 8 Lix maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, oo maalinta toddobaadna shir quduus ah waa inaad u qabataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban.
  • Yash 5:10 : 10 ¶ Oo reer binu Israa'iil waxay degeen Gilgaal; oo bisha maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay bannaankii Yerixoo ku sameeyeen Iiddii Kormaridda.
  • Tir 28:16-17 : 16 ¶ Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaadna waa wakhtiga Kormaridda Rabbiga. 17 Oo bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa in iidi jirtaa. Toddoba maalmood waa in kibis aan khamiir lahayn la cunaa.
  • Bax 12:2-9 : 2 Bishanu waxay idiin noqonaysaa tii bilaha ugu horraysay; oo waxay idiin noqonaysaa sannadda bisheedii kowaad. 3 Shirka reer binu Israa'iil oo dhan la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Maalinta tobnaad oo bishan waa in nin waluba wan qaataa sida reeraha aabbayaashood yihiin, qoys waluba wan ha qaato; 4 oo haddii qoys uusan wada qaadan karin wan, de markaas waa in isaga iyo deriskiisa oo ah kan qoyskiisa ku xiga ay mid wada qaataan oo ay u qaybsadaan sida tirada dadku tahay; nin walba sida cuntadiisu tahay waa inaad u tirisaan kalaqaybinta wanka. 5 Wankiinnu waa inuu ahaadaa mid aan iin lahayn, waana inuu ahaadaa mid lab oo sannad jiray, waana inaad wananka ama orgiyada ka bixisaan, 6 oo waa inaad gooni u xidhaan ilaa bisha maalinteeda afar iyo tobnaad; oo ururka shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inay makhribkii qalaan. 7 Oo waa inay dhiigga wax ka qaataan, oo ay mariyaan fayaaradda albaabka labadeeda dhinac iyo meesheeda sare oo ah guryaha ay wax ku dhex cuni doonaan. 8 Oo habeenkaas waa inay cunaan hilibka oo dab lagu dubay, iyo kibis aan khamiir lahayn, oo ha ku cuneen caleemo qadhaadh. 9 Ha cunina isagoo ceedhiin ama biyo lagu kariyey, laakiin waxaad cuntaan isagoo dab lagu dubay, oo qaba madaxiisa iyo mijihiisa iyo waxa gudihiisa ku jira qaba. 10 Oo waa inaydnaan waxba ka reebin ilaa subaxda, laakiin waxa ka hadha markuu waagu beryo waa inaad dab ku gubtaan. 11 Oo sidan waa inaad u cuntaan, idinkoo guntan, oo kabihiinnu cagaha idiinku jiraan, ushiinnuna gacanta idiinku jirto; oo waa inaad degdeg u cuntaan; waayo, waa Rabbiga Kormariddiisa. 12 Waayo, habeenkaas waxaan dhex mari doonaa dalka Masar, oo waxaan wada layn doonaa curadyada dalka Masar oo dhan, kuwa dadka iyo kuwa duunyadaba, oo ilaahyada Masar oo dhan waxaan ku soo dejin doonaa xukummo. Anigu waxaan ahay Rabbiga. 13 Oo dhiiggu wuxuu idiin noqon doonaa calaamo kor taal guryaha aad ku jirtaan; oo markii aan dhiigga arko, waan iska kiin kor mari doonaa, belaayo idin baabbi'isaana idinkuma dhici doonto, markaan wax ku dhufto dhulka Masar. 14 Oo maalintanu waa inay xusuus idiin noqotaa, oo waa inaad Rabbiga u iiddaan. Waa inaad ka ab ka ab weligiin ku dhawrtaan iid amar ahaan.
  • Bax 23:15 : 15 Oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn waa inaad dhawrtaa. Toddoba maalmood waa inaad cuntaa kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi oo bisha Aabiib ah, maxaa yeelay, bishaas ayaad Masar ka soo baxday; oo midkiinna hortayda yuusan iman isagoo faro madhan.
  • Mat 26:17 : 17 ¶ Maalintii ugu horraysay oo Iiddii Kibistii aan khamiirka lahayn xertii ayaa Ciise u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu kuu diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda?
  • Mark 14:12 : 12 ¶ Maalinta ugu horraysay oo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn, goortii neefka Kormaridda la gowraco ayaa xertiisii ku tidhi, Xaggee baad doonaysaa inaannu tagno oo ku diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda?
  • Luuk 22:7 : 7 ¶ Waxaa timid maalintii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, tan la leeyahay in neefka Kormaridda la gowraco.
  • 1 Kor 5:7-8 : 7 Khamiirkii hore iska safeeya inaad noqotaan cajiin cusub sidii idinkoo aan khamiirsanayn. Waayo, Masiixa ah Kormariddeenna waa la sadqeeyey. 8 Haddaba yeynan ku iidin khamiirkii hore ama khamiirka xumaanta iyo sharka, laakiin aan ku iidno kibista khamiirka la' ee daacadda iyo runta ah.
  • Tir 9:2-7 : 2 Weliba reer binu Israa'iil ha dhawreen Iidda Kormaridda xilligeedii la amray. 3 Bishan maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidkii tahay waa inaad dhawrtaan xilligeedii la amray. Waxaad u dhawrtaan sida qaynuunnadeedii iyo amarradeedii oo dhammu ay yihiin. 4 Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil oo wuxuu u sheegay inay Iidda Kormaridda dhawraan. 5 Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay Iiddii Kormaridda ku dhawreen cidladii Siinay; oo sidii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen. 6 Oo waxaa jiray niman ku nijaasoobay nin dhintay meydkiis oo aanay sidaas aawadeed karin inay maalintaas Iiddii Kormaridda dhawraan, oo maalintaasay yimaadeen Muuse iyo Haaruun hortooda. 7 Oo nimankaasu waxay isagii ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu ku nijaasownay nin dhintay meydkiis. Haddaba maxaa nalooga celiyey inaannu reer binu Israa'iil la bixinno qurbaankii Rabbiga xilligii la amray?
  • Bax 12:18-19 : 18 Bisha kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, ilaa laga gaadho maalinta koob iyo labaatanaad oo bisha, markay fiidkii tahay. 19 Toddoba maalmood waa inaan guryihiinna khamiir laga helin; waayo, ku alla kii wax khamiir leh cuna, qofkaas waa laga gooyn doonaa shirka reer binu Israa'iil, hadduu yahay qariib iyo hadduu waddanka ku dhex dhashayba.
  • Bax 13:3-9 : 3 Markaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, Xusuusta maalintan aad Masar ka soo baxdeen, oo aad ka soo baxdeen gurigii addoonsiga; waayo, Rabbigu gacan xoog badan buu idinkaga soo bixiyey meeshan; waa inaan kibis khamiirsan la cunin. 4 Idinku waxaad baxdeen maanta oo ah bisha Aabiib. 5 Oo markii Rabbigu idin geeyo dalka reer Kancaan iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo, kaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, de markaas waa inaad bishan dhexdeeda dhawrtaan u adeegiddan Ilaah. 6 Toddoba maalmood waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan, oo maalinta toddobaad waa inay iid Rabbiga u ahaato. 7 Oo kibis aan khamiir lahayn waa in la cunaa toddobada maalmood oo dhan; oo waa inaan lagugu arag kibis khamiirsan, ama waa inaan xataa lagugu arag khamiir, tan iyo xudduudkaaga oo dhan. 8 Maalintaas waa inaad wiilkaaga u sheegtaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waa wixii Rabbigu ii sameeyey aawadood markii aan Masar ka soo baxay. 9 Oo waxay kuu noqon doontaa calaamo gacantaada saaran, iyo xusuus indhahaaga u dhaxaysa, in Rabbiga sharcigiisu afkaaga ku jiro; waayo, Rabbigu gacan xoog leh buu kaaga soo bixiyey dalkii Masar. 10 Sidaas daraaddeed waa inaad amarkan haysaa xilligiisa, oo aad dhawrtaa sannad ilaa sannad.
  • 2 Taar 35:18-19 : 18 Oo Iiddaas Kormaridda mid la mid ah dalka Israa'iil laguma iidin tan iyo wakhtigii Nebi Samuu'eel, oo boqorradii reer binu Israa'iilna midkoodna ma uu iidin Iiddii Kormaridda siday u iideen Yoosiyaah, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli dadka Yahuudah iyo dadka Israa'iil ee joogay oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba. 19 Oo Iiddaas Kormaridda waxaa la iiday sannaddii siddeed iyo tobnaad oo boqornimadii Yoosiyaah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 28:16-18
    3 aayado
    91%

    16¶ Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaadna waa wakhtiga Kormaridda Rabbiga.

    17Oo bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa in iidi jirtaa. Toddoba maalmood waa in kibis aan khamiir lahayn la cunaa.

    18Oo maalinta kowaadna waa in la yeesho shir quduus ah. Idinku waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn,

  • 21Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaad waa inaad Iiddii Kormaridda iiddaan, taasoo ah iid toddoba maalmood ah, waana in la cunaa kibis aan khamiir lahayn.

  • Tir 9:2-5
    4 aayado
    87%

    2Weliba reer binu Israa'iil ha dhawreen Iidda Kormaridda xilligeedii la amray.

    3Bishan maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidkii tahay waa inaad dhawrtaan xilligeedii la amray. Waxaad u dhawrtaan sida qaynuunnadeedii iyo amarradeedii oo dhammu ay yihiin.

    4Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil oo wuxuu u sheegay inay Iidda Kormaridda dhawraan.

    5Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay Iiddii Kormaridda ku dhawreen cidladii Siinay; oo sidii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.

  • Laaw 23:6-7
    2 aayado
    84%

    6Oo isla bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn oo Rabbiga loo qabto, oo intii toddoba maalmood ah waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan.

    7Oo maalinta kowaad waa inaad shir quduus ah yeelataan. Waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.

  • 18Bisha kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, ilaa laga gaadho maalinta koob iyo labaatanaad oo bisha, markay fiidkii tahay.

  • Tir 9:11-12
    2 aayado
    83%

    11Bishii labaad maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidka tahay waa inay dhawraan oo ay kibis aan khamiir lahayn iyo caleemo qadhaadh cunaan.

    12Waa inayan waxba ka reebin ilaa subaxda, oo ayan lafahana mid ka jebin. Waa inay u dhawraan sida qaynuunka Iidda Kormaridda yahay oo dhan.

  • 4¶ Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ah shirar quduus ah, oo ay tahay inaad naadisaan wakhtigooda la amray.

  • Sharc 16:1-6
    6 aayado
    80%

    1¶ Bisha Aabiib dhawra, oo Rabbiga Ilaahiinna ah Iiddii Kormaridda u sameeya, waayo, bisha Aabiib ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu habeennimo idinka soo bixiyey dalkii Masar.

    2Oo Iidda Kormaridda waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u bixisaan neef aad ka qaaddaan idaha iyo lo'da, uguna bixiya meesha uu Rabbiga u dooranayo inuu magiciisa dhigo.

    3Oo allabariga waa inaydaan kibis khamiir leh ku cunin, toddoba maalmoodse waa inaad ku cuntaan kibis aan khamiir lahayn oo ah kibistii dhibka, waayo, dalkii Masar degdeg baad kaga soo baxdeen. Waa inaad cimrigiinna oo dhan xusuusnaataan maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen.

    4Oo intii toddoba maalmood ah soohdimihiinna gudahooda oo dhan waa inaan khamiir lagu arag, oo allabariga aad fiidka maalinta kowaad bixisaan hilibkiisu waa inuusan habeenkii oo dhan oollin oo subaxdii gaadhin.

    5Idiinma bannaana inaad allabariga Iidda Kormaridda ku bixisaan irdihiinna gudahooda oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo,

    6laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo waa inaad allabariga Kormaridda ku bixisaan markay fiidka tahay, oo qorraxdu dhacdo, oo ah xilligii aad Masar ka soo baxdeen.

  • 6oo waa inaad gooni u xidhaan ilaa bisha maalinteeda afar iyo tobnaad; oo ururka shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inay makhribkii qalaan.

  • 7¶ Waxaa timid maalintii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, tan la leeyahay in neefka Kormaridda la gowraco.

  • 1¶ Oo Yoosiyaah Yeruusaalem ayuu Rabbiga ugu dhawray Iiddii Kormaridda, oo neefafkii Kormariddana waxaa la gowracay bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad.

  • 19¶ Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad ayaa dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday waxay dhawreen Iiddii Kormaridda.

  • 1¶ Waxaa soo dhowaatay Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn oo la yidhaahdo Kormaridda.

  • 23Laakiinse sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Boqor Yoosiyaah ayaa Iiddaas Kormaridda Rabbiga loogu dhawray Yeruusaalem.

  • 11Oo sidan waa inaad u cuntaan, idinkoo guntan, oo kabihiinnu cagaha idiinku jiraan, ushiinnuna gacanta idiinku jirto; oo waa inaad degdeg u cuntaan; waayo, waa Rabbiga Kormariddiisa.

  • 17¶ Maalintii ugu horraysay oo Iiddii Kibistii aan khamiirka lahayn xertii ayaa Ciise u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu kuu diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda?

  • 10¶ Oo reer binu Israa'iil waxay degeen Gilgaal; oo bisha maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay bannaankii Yerixoo ku sameeyeen Iiddii Kormaridda.

  • 6Toddoba maalmood waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan, oo maalinta toddobaad waa inay iid Rabbiga u ahaato.

  • Bax 12:14-15
    2 aayado
    75%

    14Oo maalintanu waa inay xusuus idiin noqotaa, oo waa inaad Rabbiga u iiddaan. Waa inaad ka ab ka ab weligiin ku dhawrtaan iid amar ahaan.

    15Toddoba maalmood waxaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn; weliba maalinta kowaad waa inaad khamiirka ka saartaan guryihiinna; waayo, ku alla kii cuna kibis khamiir leh maalinta kowaad ilaa maalinta toddobaad, qofkaas waa laga gooyn doonaa reer binu Israa'iil.

  • 17Reer binu Israa'iil oo markaas joogayna wakhtigaasay dhawrayeen Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahaynba intii toddoba maalmood ah.

  • 12¶ Maalinta ugu horraysay oo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn, goortii neefka Kormaridda la gowraco ayaa xertiisii ku tidhi, Xaggee baad doonaysaa inaannu tagno oo ku diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda?

  • 18Waa inaad dhawrtaan Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn. Oo toddoba maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi ee bishii Aabiib ahayd, maxaa yeelay, bishii Aabiib ayaad Masar ka soo baxday.

  • 15Oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn waa inaad dhawrtaa. Toddoba maalmood waa inaad cuntaa kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi oo bisha Aabiib ah, maxaa yeelay, bishaas ayaad Masar ka soo baxday; oo midkiinna hortayda yuusan iman isagoo faro madhan.

  • 42Habeenkaasu waa habeen aad Rabbiga loogu dhawro, bixintii uu iyaga Masar ka soo bixiyey aawadeed; kaasu waa habeenkii Rabbiga oo ay reer binu Israa'iil oo dhammu ka ab ka ab aad u dhawraan.

  • 15Markaasay neefafkii Iiddii Kormaridda qaleen bishii labaad maalinteedii afar iyo tobnaad, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina way yaxyaxeen, oo intay isdaahiriyeen ayay qurbaanno la gubo keeneen gurigii Rabbiga.

  • 21¶ Markaasaa Muuse wuxuu u wada yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, La baxa wanan oo qoys, qoys u qaata, oo qala wanka Kormaridda.

  • 21¶ Markaasaa boqorkii dadkii oo dhan amray oo ku yidhi, Rabbiga Ilaahiinna ah u dhawra Iidda Kormaridda, siday ugu qoran tahay kitaabkan axdiga.

  • 27waxaad ku odhan doontaan, Waa allabarigii Rabbiga Kormariddiisii, kii kor maray guryihii reer binu Israa'iil markay Masar joogeen, oo samatabbixiyey reerahayagii, Masriyiintiise laayay. Markaasaa dadku madaxa u foororiyey oo u sujuuday.

  • 19Oo Iiddaas Kormaridda waxaa la iiday sannaddii siddeed iyo tobnaad oo boqornimadii Yoosiyaah.

  • Bax 12:2-3
    2 aayado
    73%

    2Bishanu waxay idiin noqonaysaa tii bilaha ugu horraysay; oo waxay idiin noqonaysaa sannadda bisheedii kowaad.

    3Shirka reer binu Israa'iil oo dhan la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Maalinta tobnaad oo bishan waa in nin waluba wan qaataa sida reeraha aabbayaashood yihiin, qoys waluba wan ha qaato;

  • 25Waa inaydnaan dhiigga allabarigayga la bixin kibis khamiir leh, oo waa inaan allabariga Iidda Kormaridda ilaa subaxda la gaadhsiin.

  • 2Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo aad naadin doontaan inay ahaadaan shirar quduus ah. Xataa kuwanu waa iidahayga la amray.

  • 4Idinku waxaad baxdeen maanta oo ah bisha Aabiib.

  • 4Markaasna waxaa dhowayd Iiddii Kormaridda ee ahayd iiddii Yuhuudda.