Laawiyiintii 5:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Laakiinse haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn laba qoolley amase laba xamaam oo yaryar, markaas wixii uu ku dembaabay aawadood qurbaankiisa ha u keeno eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis oo bur ah, kaasoo qurbaan dembi ah, oo waa inuusan saliid ku shubin, waana inuusan waxba foox saarin, waayo, waa qurbaan dembi.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 5:15 : 15 markaas ninku waa inuu naagtiisa wadaadka u keenaa, oo iyada aawadeed qurbaan ugu keenaa eefaah toban meelood loo qaybiyey meeshiis bur shaciir ah. Isagu waa inuusan saliidna ku shubin amase foox saarin, waayo, taasu waxa weeye qurbaankii masayrka, waana qurbaan xusuuseed oo dembiga lagu soo xusuusto.
  • Laaw 2:1-2 : 1 ¶ Oo markii qof qurbaan hadhuudh ah Rabbiga u bixinayo, qurbaankiisu ha ahaado bur, oo waa inuu saliid ku shubaa, oo fooxna saaraa. 2 Oo isagu ha u keeno wadaaddada wiilasha Haaruun ah, oo cantoobo muggeed ha ka qaato burka, iyo saliidda, iyo fooxa oo dhan, oo wadaadku xusuus ahaan meesha allabariga dusheeda ha ugu gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
  • Laaw 2:4-5 : 4 ¶ Oo markaad bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo foorno lagu dubay, ha ahaado moofo aan khamiir lahayn oo laga sameeyo bur saliid lagu daray, ama canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay. 5 Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo digsi lagu dubay, ha ahaado bur aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray.
  • Laaw 2:15-16 : 15 Oo waa inaad saliid ku shubtaa, fooxna saartaa, waayo, taasu waa qurbaan hadhuudh ah. 16 Oo wadaadku waa inuu gubaa intii xusuusta ahayd, oo qaarkeed ha ahaado hadhuudhka tuman, qaarkeedna ha ahaado saliiddeeda, iyo fooxeeda oo dhan, waayo, taasu waa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
  • Laaw 5:6 : 6 oo markaas waa inuu dembigii uu dembaabay aawadiis Rabbiga ugu keenaa qurbaankii xadgudubkiisa, oo waa inuu adhiga ka soo qabto neef dhaddig ah, oo ah nayl ama waxar oo qurbaan dembi ah, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud uga sameeyaa dembigiisii.
  • Laaw 5:9 : 9 Oo qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis waa inuu ku rusheeyaa meesha allabariga dhinaceeda, oo dhiigga intiisa kalena ha lagaga miiro salka meesha allabariga, waayo, taasu waa qurbaan dembi.
  • Laaw 5:12 : 12 Oo waa inuu wadaadka u keenaa, oo wadaadkuna waa inuu cantoobo muggeed uga qaataa xusuus, oo meesha allabariga ha ku dul gubo, sidii qurbaannada Rabbiga dabka loogu sameeyo, waayo, waa qurbaan dembi.
  • Bax 16:18 : 18 Oo markay comerkii ku qiyaaseen, kii wax badan soo gurtay waxba kama hadhin, kii wax yar soo gurtayna waxba kama dhinmin, oo nin waluba in cuntadiisa ugu filan buu soo gurtay.
  • Bax 16:36 : 36 Comer waa eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis.
  • Tir 7:13 : 13 Oo qurbaankiisuna wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
  • Tir 7:19-89 : 19 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 20 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 21 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 22 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 23 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Netaneel ina Suucaar. 24 ¶ Oo maalintii saddexaadna waxaa bixiyey Elii'aab ina Xeelon, oo amiir u ahaa reer Sebulun. 25 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 26 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 27 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 28 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 29 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Elii'aab ina Xeelon. 30 ¶ Oo maalintii afraadna waxaa bixiyey Eliisuur ina Shedeeyuur oo amiir u ahaa reer Ruubeen. 31 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 32 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel oo foox ka buuxo. 33 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 34 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 35 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliisuur ina Shedeeyuur. 36 ¶ Oo maalintii shanaad waxaa bixiyey Shelumii'eel ina Suuriishadday, oo amiir u ahaa reer Simecoon. 37 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 38 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 39 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 40 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 41 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Shelumii'eel ina Suuriishadday. 42 ¶ Oo maalintii lixaadna waxaa bixiyey Eliyaasaaf ina Decuu'eel, oo amiir u ahaa reer Gaad. 43 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaankii hadhuudhka aawadiis, 44 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 45 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 46 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 47 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliyaasaaf ina Decuu'eel. 48 ¶ Oo maalintii toddobaadna waxaa bixiyey Eliishaamaac ina Cammiihuud oo amiir u ahaa reer Efrayim. 49 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 50 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 51 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 52 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 53 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliishaamaac ina Cammiihuud. 54 ¶ Oo maalintii siddeedaadna waxaa bixiyey Gamalii'eel ina Fedaahsuur oo amiir u ahaa reer Manaseh. 55 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 56 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 57 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 58 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 59 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Gamalii'eel ina Fedaahsuur. 60 ¶ Oo maalintii sagaalaadna waxaa bixiyey Abiidaan ina Gidconii, oo amiir u ahaa reer Benyaamiin. 61 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 62 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 63 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 64 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 65 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Abiidaan ina Gidconii. 66 ¶ Oo maalintii tobnaadna waxaa bixiyey Axiiceser ina Cammiishadday oo amiir u ahaa reer Daan. 67 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 68 iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 69 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 70 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 71 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Axiiceser ina Cammiishadday. 72 ¶ Oo maalintii kow iyo tobnaadna waxaa bixiyey Fagcii'eel ina Cokraan oo amiir u ahaa reer Aasheer. 73 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 74 iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 75 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 76 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 77 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Fagcii'eel ina Cokraan. 78 ¶ Oo maalintii laba iyo tobnaadna waxaa bixiyey Axiirac ina Ceynaan oo amiir u ahaa reer Naftaali. 79 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 80 iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 81 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 82 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 83 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Axiirac ina Ceynaan. 84 ¶ Intaasu waxay ahayd wixii amiirradii reer binu Israa'iil ay maalintii meesha allabariga la subkay daahirinteeda u bixiyeen, waxayna ahaayeen laba iyo toban saxan oo waaweyn oo lacag ah, iyo laba iyo toban maddiibadood oo lacag ah, iyo laba iyo toban malqacadood oo dahab ah. 85 Oo miisaanka saxan kastaa oo lacag ah wuxuu ahaa boqol iyo soddon sheqel, oo kan maddiibad kastaana wuxuu ahaa toddobaatan sheqel, oo weelasha oo dhan lacagtoodu waxay ahayd laba kun iyo afar boqol oo sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah. 86 Oo laba iyo tobanka malqacadood oo dahabka ahna waxaa ka wada buuxay foox, oo mid kastaaba waxay ahayd toban sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo malqacadaha oo dhan dahabkoodu wuxuu ahaa boqol iyo labaatan sheqel. 87 Oo dibidii qurbaanka la gubo loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen laba iyo toban dibi, wanankuna waxay ahaayeen laba iyo toban wan oo waaweyn, iyo laba iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, waxaana la keenay qurbaankoodii hadhuudhka ahaa. Oo qurbaankii dembigana orgidii loo bixiyey waxay ahaayeen laba iyo toban, 88 oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinada dibidii loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen afar iyo labaatan, wananka waaweynuna waxay ahaayeen lixdan, orgiduna waxay ahaayeen lixdan, wananka yaryar oo wada gu jirka ahuna waxay ahaayeen lixdan. Intaasu waa wixii daahirinta meesha allabariga loo bixiyey markii la subkay dabadeed. 89 Oo markii Muuse u galay teendhadii shirka inuu Rabbiga la hadlo, wuxuu maqlay Codka isaga la hadlaya oo ka yeedhaya daboolkii saarnaa sanduuqii maragga iyo labadii keruub dhexdooda, oo isaguna wuu la hadlay isagii.
  • Tir 15:4-9 : 4 haddaba kii wax bixinayaa qurbaankiisa ha ku bixiyo Rabbiga aawadiis qurbaan hadhuudh ah eefaah toban meelood loo qaybiyey meeshiis oo bur wanaagsan ah oo lagu daray hiin rubuceed oo saliid ah; 5 oo khamri ah qurbaanka cabniinka hiin rubuceed waa inaad qurbaanka la gubo ama allabariga ula diyaarisaan wan kasta. 6 Oo wankii weynna waxaad qurbaan hadhuudh ah u diyaarisaan eefaah toban meelood loo qaybiyo labadiis meelood oo bur wanaagsan ah oo hiin saddex meelood meel saliid ah lagu daray. 7 Oo qurbaanka cabniinkana waxaad u bixisaan hiin saddex meelood meel khamri ah oo Rabbiga u ah caraf udgoon. 8 Oo markaad dibi u bixinaysid allabariga la gubo amase allabari aad nidar ku samaynaysid, amase qurbaanno nabaadiino oo aad Rabbiga u bixinayso, 9 markaas eefaah toban meelood loo qaybiyey saddexdiis meelood oo bur wanaagsan ah oo lagu daray hiin nuskeed saliid ah qurbaan hadhuudh ha ula bixiyo dibiga.
  • Sab 22:1-9 : 1 Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga? 2 Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid, Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto. 3 Laakiinse adigu quduus baad tahay, Oo kursigaaga waxaad ka dhigtaa ammaanta reer binu Israa'iil. 4 Awowayaashayo adigay isku kaa halleeyeen, Iyagu way isku kaa halleeyeen, oo adna waad samatabbixisay. 5 Adigay kuu qayshadeen, oo way samatabbexeen, Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin. 6 Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi, Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado. 7 Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan, Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh, 8 Rabbiguu isku halleeyey, ha samatabbixiyo, Bal isagu waa kan ku faraxsane hadda ha samatabbixiyo. 9 Laakiinse adigu waxaad tahay kii uurka iga soo bixiyey, Oo intaan naasaha hooyaday nuugayay, waxaad iga dhigtay mid ku aaminsan. 10 Aniga dushaadaa laygu soo tuuray markaan uurka ka soo baxay, Xataa tan iyo intaan uurkii hooyaday ku jiray, Ilaahaygaad ahayd. 11 Ha iga fogaan, waayo, dhib baa soo dhow, Qof i caawiyaana ma jiro. 12 Waxaa i hareereeyey dibiyo badan, Oo kuwii Baashaan oo xoogga badnaa ayaa hareerahayga isku wareejiyey. 13 Afkooday iigu fureen, Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya. 14 Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga. 15 Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada. 16 Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo, Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha, Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha. 17 Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa, Oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan, 18 Dharkayga bay qaybsadaan, Oo maradaydana saami bay u ritaan. 19 Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan, Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi. 20 Naftayda ka samatabbixi seefta, Noloshaydana ka samatabbixi xoogga eeyga. 21 Iga badbaadi libaaxa afkiisa, Haah, xataa geesihii gisiyada waad iiga jawaabtay.
  • Sab 69:1-9 : 1 Ilaahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay. 2 Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago, Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya. 3 Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay, Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan. 4 Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga, Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin, Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan. 5 Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda, Oo dembiyadayduna kaama qarsoona. 6 Sayidow, Ilaaha ciidammadow, kuwa ku sugaya yaanan ceeb u soo jiidin, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kuwa ku doondoonaya yaanan sharafjab u soo jiidin. 7 Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday, Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb. 8 Waxaan walaalahay u noqday shisheeye, Oo ilma hooyadayna waxaan u noqday ajanabi. 9 Qiiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay, Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday. 10 Markaan ooyay, oo aan naftayda soon ku edbiyey, Taasu waxay igu noqotay ceeb. 11 Markaan joonyado dhar ka dhigtayna, Waxaan iyagii u noqday masaal. 12 Kuwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan, Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan. 13 Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow, Ilaahow, naxariistaada badan Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab. 14 Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban, Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer. 15 Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin, Oo yaan moolku i liqin, Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan. 16 Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay, Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso. 17 Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah, Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab. 18 Naftayda u soo dhowow, oo furo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ii samatabbixi. 19 Waad og tahay caydayda iyo ceebtayda iyo sharafdarradayda, Oo cadaawayaashayda oo dhammu hortaaday joogaan. 20 Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa, Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay, Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin. 21 Oo weliba waxay cunto ahaan ii siiyeen xammeeti, Oo markaan harraadsanaana waxay i cabsiiyeen khal.
  • Ish 53:2-9 : 2 Waayo, isagu hortiisuu ku koray sidii geed curdan ah, iyo sidii xidid dhul engegan ka soo baxay oo kale. Isagu suurad iyo qurux aynu ku fiirinno toona ma leh, oo qurux aynu ku jeclaanno laguma arko. 3 Isaga waa la quudhsaday, waana la diiday, oo wuxuu ahaa nin murugeed, oo xanuun bartay, waana la quudhsaday sida mid dadku wejiga ka qarsado, mana aynaan xurmayn. 4 ¶ Sida runta ah wuxuu xambaartay xanuunyadeennii, wuxuuna qaatay murugadeennii, laakiinse waxaynu ku tirinnay mid belaayo ku dhacday, oo Ilaah dilay, oo dhibaataysan. 5 Laakiinse waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeenna, waxaana loo nabareeyey xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday, dildillaaciisiina waynu ku bogsannay. 6 Dhammaanteen sidii ido baynu u hallownay, midkeen waluba jidkiisuu u leexday, oo Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan. 7 ¶ Isaga waa la dulmay, waana la dhibay, laakiinse innaba afkiisii ma uu kala qaadin. Isaga sidii wan la qalayo baa loo kexeeyey, oo sidii lax ku aamusan kuwa dhogorta ka xiira hortooda, isagu afkiisa ma uu furin. 8 Isaga dulmi iyo xukun baa lagu sii qaaday. Haddaba bal yaa qarnigiisii ka mid ahaa oo u maleeyey in isaga laga gooyay dalkii kuwa nool? Xadgudubka dadkayga daraaddiis ayaa isaga loo garaacay. 9 Xabaashiisiina waxaa lagu daray kuwii sharka lahaa, dhimashadiisiina mid taajir ahaa, in kastoo uusan dulmi samayn, khiyaanona aanay afkiisa ku jirin. 10 ¶ Habase ahaatee waxaa Rabbigu raalli ka noqday inuu isaga nabareeyo. Wuxuu isaga ku riday xanuun. Markaad naftiisa qurbaan dembi ka dhigtid ayuu arki doonaa farcankiisii, cimrigiisuna waa dheeraan doonaa, oo Rabbiga doonistiisuna gacantiisay ku liibaani doontaa.
  • 2 Kor 5:21 : 21 Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 5:6-8
    3 aayado
    87%

    6oo markaas waa inuu dembigii uu dembaabay aawadiis Rabbiga ugu keenaa qurbaankii xadgudubkiisa, oo waa inuu adhiga ka soo qabto neef dhaddig ah, oo ah nayl ama waxar oo qurbaan dembi ah, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud uga sameeyaa dembigiisii.

    7Oo haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn inuu neef baraar ah keeno, markaas dembigii uu dembaabay aawadiis waa inuu qurbaankii xadgudubkiisa Rabbiga ugu keenaa laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, oo mid qurbaan dembi ha ka dhigo, midda kalena qurbaan la gubo.

    8Iyaga waa inuu wadaadka u keenaa, oo isna marka hore ha bixiyo tan qurbaanka dembiga ah, oo madaxa ha ka maroojiyo, laakiinse waa inuusan kala dillaacin.

  • 86%

    19Oo wadaadku waa inuu bixiyaa qurbaanka dembiga, oo waa inuu nejisnimadiisii daraaddeed kan la daahirinayo aawadiis kafaaraggud u sameeyaa, oo dabadeedna waa inuu gowracaa neefkii ahaa qurbaanka la gubo,

    20oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul bixiyaa qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka, oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna daahir buu ahaan doonaa.

    21¶ Laakiinse isagu hadduu miskiin yahay oo uusan intaas oo dhan wada heli karin, markaas waa inuu keenaa wan yar oo qurbaankii xadgudubka aawadiis loo ruxruxo si uu kafaaraggud ugu sameeyo, iyo eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis oo bur ah oo saliid lagu daray oo qurbaan hadhuudh ah loo bixiyo, iyo log saliid ah,

    22iyo laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, kuwaas oo ah wax uu heli karo, oo middood waa inay ahaato qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo.

  • Laaw 5:12-13
    2 aayado
    85%

    12Oo waa inuu wadaadka u keenaa, oo wadaadkuna waa inuu cantoobo muggeed uga qaataa xusuus, oo meesha allabariga ha ku dul gubo, sidii qurbaannada Rabbiga dabka loogu sameeyo, waayo, waa qurbaan dembi.

    13Oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeya dembigiisii uu ku dembaabay wax kasta oo waxyaalahan ka mid ah, oo isna waa la cafiyi doonaa, oo inta kalena waxaa iska leh wadaadka, sidii qurbaankii hadhuudhka.

  • 10Oo tan labaadna waa inuu qurbaan la gubo ugu bixiyo si qaynuunka waafaqsan, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.

  • 81%

    30Oo markaas waa inuu bixiyaa mid ka mid ah qoolleyaha ama xamaamka yaryar, kuwaas oo ah wax uu heli karo.

    31Oo xataa waxaas uu heli karo middood ha u bixiyo qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo qurbaankii hadhuudhka la socda, oo wadaadku waa inuu kan la daahirinayo kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa.

  • 14¶ Oo haddii qurbaankiisa uu Rabbiga u bixinayo uu yahay haad qurbaan la gubo ah, markaas qurbaankiisa ha u bixiyo qoolleyo ama xamaam yaryar.

  • Tir 6:10-11
    2 aayado
    78%

    10Oo maalinta siddeedaad waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka.

    11Oo markaas wadaadku waa inuu mid u bixiyaa qurbaan dembi, midka kalena qurbaan la gubo, oo waa inuu isaga u kafaaro gudaa, waayo, wuu ku dembaabay meyd, oo isla maalintaas waa inuu madaxiisa quduus ka dhigaa.

  • 8Oo haddii lacagteedu ayan wan ugu filnaynna waa inay keentaa laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, oo midkood waa in loo bixiyaa qurbaan la gubo aawadiis, kan kalena waa in loo bixiyaa qurbaan dembi aawadiis, oo wadaadkuna waa inuu iyada kafaaraggud u sameeyaa, oo iyana daahir bay ahaan doontaa.

  • 5Oo waxaad la bixisaa oo qurbaan hadhuudh ka dhigtaa eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis oo lagu daray hiin rubuceed oo ah saliid saafi ah.

  • 4haddaba kii wax bixinayaa qurbaankiisa ha ku bixiyo Rabbiga aawadiis qurbaan hadhuudh ah eefaah toban meelood loo qaybiyey meeshiis oo bur wanaagsan ah oo lagu daray hiin rubuceed oo saliid ah;

  • 77%

    14Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar qaataa oo uu Rabbiga ugu hor yimaadaa iridda teendhada shirka, oo uu iyaga wadaadka u dhiibaa.

    15Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu Rabbiga hortiisa kafaaraggud isaga ugu sameeyaa dheecaankiisa aawadiis.

  • 10Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu keenaa laba wan oo yaryar oo aan innaba iin lahayn, iyo nayl gu jira oo aan iin lahayn, iyo eefaah toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood oo bur ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan hadhuudh, iyo qiyaas log la yidhaahdo oo saliid ah.

  • Laaw 2:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Oo markii qof qurbaan hadhuudh ah Rabbiga u bixinayo, qurbaankiisu ha ahaado bur, oo waa inuu saliid ku shubaa, oo fooxna saaraa.

    2Oo isagu ha u keeno wadaaddada wiilasha Haaruun ah, oo cantoobo muggeed ha ka qaato burka, iyo saliidda, iyo fooxa oo dhan, oo wadaadku xusuus ahaan meesha allabariga dusheeda ha ugu gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • 6Oo wankii weynna waxaad qurbaan hadhuudh ah u diyaarisaan eefaah toban meelood loo qaybiyo labadiis meelood oo bur wanaagsan ah oo hiin saddex meelood meel saliid ah lagu daray.

  • 16Oo markaas wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa keenaa, oo waa inuu bixiyaa qurbaankiisa dembiga iyo qurbaankiisa la gubo.

  • Laaw 5:15-16
    2 aayado
    75%

    15Haddii qof xadgudbo oo uu si kama' ah ugu dembaabo Rabbiga waxyaalihiisa quduuska ah, markaas waa inuu Rabbiga u keenaa qurbaankii xadgudubkiisii aawadiis, kaasoo ah wan aan iin lahayn oo idaha laga soo bixiyey, oo aad ku qiimaysay lacag intuu sheqel yahay, iyadoo lagu miisaamay sheqelka meesha quduuska ah, oo kaas qurbaan xadgudub ha u bixiyo.

    16Oo alaabtii quduuska ahayd oo uu ku dembaabay waa inuu magdhabaa, oo weliba iyadoo shan meelood loo dhigay meesheed waa inuu ku daraa, oo waa inuu wadaadka u dhiibaa, oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wankii ahaa qurbaanka xadgudubka oo isna waa la cafiyi doonaa.

  • 9markaas eefaah toban meelood loo qaybiyey saddexdiis meelood oo bur wanaagsan ah oo lagu daray hiin nuskeed saliid ah qurbaan hadhuudh ha ula bixiyo dibiga.

  • 7Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo birdaawe lagu dubay, markaas ha laga sameeyo bur saliid lagu daray.

  • 6Oo isagu qurbaanka xadgudubkiisa aawadiis waa inuu Rabbiga ugu keenaa wan aan iin lahayn oo uu idaha ka soo bixiyey ee aad qiimaysay, oo qurbaan xadgudub aawadiis wadaadka ha ugu keeno.

  • 28haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid dhaddig oo aan iin lahayn, dembigiisii uu dembaabay aawadiis.

  • 10¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay neef adhi ah, ha ahaado wan ama orgi oo qurbaan la gubo loo keenay, ha bixiyo neef lab oo aan iin lahayn.

  • Laaw 5:18-19
    2 aayado
    75%

    18Oo isagu waa inuu idaha ka soo bixiyaa wan aan iin lahayn oo aad adigu qiimaysay, oo waa inuu wadaadka ugu dhiibaa qurbaan xadgudub, oo wadaadkuna waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wixii uu kama' ugu qaldamay isagoo aan ogayn, oo isna waa la cafiyi doonaa.

    19Waa qurbaan xadgudub, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah isagu Rabbiga hortiisa eed buu ku leeyahay.

  • Laaw 2:4-5
    2 aayado
    75%

    4¶ Oo markaad bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo foorno lagu dubay, ha ahaado moofo aan khamiir lahayn oo laga sameeyo bur saliid lagu daray, ama canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay.

    5Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo digsi lagu dubay, ha ahaado bur aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray.

  • 12Oo wadaadku waa inuu soo qaadaa wananka midkood oo waa inuu u bixiyaa qurbaan xadgudub aawadiis, oo weliba waa inuu logga saliidda ah qaadaa oo uu iyaga Rabbiga hortiisa ugu ruxruxaa qurbaan la ruxruxo.

  • 32¶ Oo hadduu neef ido yar ah u keeno qurbaanka dembigana waa inuu neef dhaddig oo aan iin lahayn keenaa.

  • 35Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa sidii xaydhii laga qaado wanka yara oo ahaa allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyo, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.

  • 3iyo haddii wadaadka subkanu uu dembaabo oo uu sidaas dadka dembi ugu keeno, markaas waa inuu dembigiisa uu dembaabay aawadiis Rabbiga qurbaan dembi ugu bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn.

  • 13Oo qurbaankiisa hadhuudhka ahuna waa inuu ahaadaa eefaah toban meelood loo dhigay labadiis meelood oo bur wanaagsan ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo qurbaankiisa cabniinka ahuna waa inuu ahaadaa khamri, kaasoo ah hiin afar meelood loo dhigay meesheed.

  • 16Oo wadaadku waa inuu gubaa intii xusuusta ahayd, oo qaarkeed ha ahaado hadhuudhka tuman, qaarkeedna ha ahaado saliiddeeda, iyo fooxeeda oo dhan, waayo, taasu waa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

  • 14oo waa inuu qurbaankiisa Rabbiga u bixiyaa. Wan yar oo gu jir ah oo aan iin lahayn waa inuu qurbaan la gubo u bixiyaa, oo uu sabeen gu jir ah oo aan iin lahaynna qurbaan dembi u bixiyaa, oo wan weyn oo aan iin lahaynna qurbaanno nabaadiino u bixiyaa,

  • 26Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii xaydhii allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo kale, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii, oo isna waa la cafiyi doonaa.

  • 30Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, oo midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu iyada kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa dheecaankii nijaasteeda aawadiis.

  • 22Oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, oo waa inuu Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa dembiguu dembaabay aawadiis, oo isagana waa laga cafiyi doonaa dembigii uu dembaabay.

  • 13Oo wan kasta oo yarna waxaad qurbaan hadhuudh ula bixisaan eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis oo saliid lagu daray, kaasoo wada ah qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah oo Rabbiga dab loogu sameeyo.

  • 23haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid lab oo aan iin lahayn.

  • 12Oo hadduu mahadnaqid aawadeed u bixinayo, waa inuu allabariga mahadnaqidda la bixiyaa moofo aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, iyo moofo saliid lagu daray oo bur la qoyay laga sameeyey.

  • 24Oo wadaadku markaas waa inuu soo qaadaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, iyo logga saliidda ah, oo wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa ugu ruxruxaa qurbaan la ruxruxo.