Laawiyiintii 6:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haaruun iyo wiilashiisa amar oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu waa sharciga qurbaanka la gubo ku saabsan: qurbaanka la gubo waa inuu habeenkii oo dhan saarnaadaa qoryaha meesha allabariga saaran tan iyo ilaa waagu ka baryo; oo dabka meesha allabarigana waa in laga sii ololiyaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 28:3 : 3 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kanu waa qurbaanka dabka lagu sameeyo oo aad Rabbiga u bixisaan laba wan oo gu jir ah oo aan iin lahayn oo aad maalin kasta qurbaan la gubo oo joogto ah u bixisaan.
  • Bax 29:38-42 : 38 Haddaba waxanu waa wixii aad meesha allabariga ku dul bixin lahayd; maalin walba had iyo goor waa inaad laba wan oo sannad jira ku bixisaa. 39 Wan waa inaad subaxda bixisaa, wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa. 40 Oo bur wanaagsan oo hiin rubuceed oo saliid saafi ah lagu daray toban meelood oo meel waa inaad wanka la bixisaa, iyo weliba hiin rubuceed oo khamri ah oo ah qurbaankii cabniinka. 41 Oo wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa, oo waxaad u bixisaa sida qurbaanka hadhuudhka ah oo subaxda, iyo qurbaanka cabniinka oo subaxda, caraf udgoon ha lahaado hana ahaado qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo. 42 Oo wuxuu ka ab ka ab ahaan doonaa qurbaan joogto ah oo Rabbiga hortiisa lagu gubo xagga iridda taambuugga shirka, oo ah meesha aan kugula kulmi doono inaan kula hadlo aawadeed.
  • Laaw 6:12-13 : 12 Oo dabka meesha allabarigana waa in had iyo goor la sii ololiyaa oo waa inuusan marna demin; oo wadaadku waa inuu subax kasta qoryo saaraa, oo uu qurbaanka la gubona ku dul hagaajiyaa, oo xaydha qurbaanka nabaadiinadana waa inuu ku dul gubaa. 13 Oo dab joogto ah waa in meesha allabariga dusheeda laga sii ololiyaa had iyo goorba, oo waa inuusan marna demin.
  • Laaw 1:1-9 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu Muuse uga yeedhay teendhadii shirka oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi, 2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii nin idinka mid ahu uu Rabbiga qurbaan u bixinayo, qurbaankiinna waxaad ka bixisaan xoolaha, kuwaasoo ah lo'da iyo idaha. 3 ¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay qurbaan la gubo oo lo' ah, waa inuu bixiyaa neef lab oo aan iin lahayn, oo waa inuu ku bixiyaa teendhada shirka iriddeeda, si isaga Rabbiga hortiisa loogu aqbalo. 4 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka la gubayo, oo waxaa loo aqbali doonaa inuu isaga u ahaado kafaaraggud. 5 Oo dibiga waa inuu Rabbiga hortiisa ku gowraco, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga keenaan, oo ay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga ee teendhada shirka horteeda taal. 6 Oo neefka qurbaanka la gubayo waa inuu haragga ka bixiyaa, oo haddana waa inuu xubin xubin u googooyaa. 7 Oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay meesha allabariga dab ku shubaan oo haddana waa inay qoryo ku dul hagaajiyaan dabka, 8 oo markaas wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu xubnaha iyo madaxa iyo baruurta ha ku dul hagaajiyeen qoryaha dabka meesha allabariga saaran, 9 laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 10 ¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay neef adhi ah, ha ahaado wan ama orgi oo qurbaan la gubo loo keenay, ha bixiyo neef lab oo aan iin lahayn. 11 Oo neefka waa inuu Rabbiga ku hor gowraco meesha allabariga dhinaceeda woqooyi, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu dhiiggiisa ha ku dul rusheeyeen hareeraha meesha allabariga. 12 Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo qoryaha dabka meesha allabariga saaran, 13 laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku dhammaantiis ha bixiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 14 ¶ Oo haddii qurbaankiisa uu Rabbiga u bixinayo uu yahay haad qurbaan la gubo ah, markaas qurbaankiisa ha u bixiyo qoolleyo ama xamaam yaryar. 15 Oo wadaadku ha keeno meesha allabariga agteeda, oo madaxa ha ka maroojiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, oo dhiiggana ha lagaga miiro meesha allabariga agteeda. 16 Oo waa inuu ka soo bixiyaa gulgulada iyo baalasheeda oo ha ku tuuro meesha allabariga dhinaceeda bari, kaasoo ah meeshii dambaska. 17 Oo garbaha ha ka jeexo, laakiinse yuusan kala dillaacin dhammaanteed, oo wadaadku ha ku dul gubo qoryaha dabka meesha allabariga saaran, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
  • Tir 28:9 : 9 ¶ Oo maalinta sabtidana waxaad bixisaa laba wan oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn, iyo eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay labadiis meelood ee qurbaan hadhuudh ah oo saliid lagu daray iyo qurbaankiisii cabniinka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 6:12-14
    3 aayado
    82%

    12Oo dabka meesha allabarigana waa in had iyo goor la sii ololiyaa oo waa inuusan marna demin; oo wadaadku waa inuu subax kasta qoryo saaraa, oo uu qurbaanka la gubona ku dul hagaajiyaa, oo xaydha qurbaanka nabaadiinadana waa inuu ku dul gubaa.

    13Oo dab joogto ah waa in meesha allabariga dusheeda laga sii ololiyaa had iyo goorba, oo waa inuusan marna demin.

    14¶ Oo kanuna waa sharciga qurbaanka hadhuudhka ku saabsan: Wiilashii Haaruun waa inay ku hor bixiyaan meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa ah.

  • 5Oo wiilasha Haaruun waa inay ku dul gubaan meesha allabariga iyo qurbaanka la gubayo oo kor saaran qoryaha dabka, waayo, taasu waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • Laaw 6:22-25
    4 aayado
    78%

    22Oo waxaa bixin doona wadaadka subkan oo reer Haaruun oo isaga meeshiisa joogi doono, oo qaynuun weligiis ah waa in dhammaan Rabbiga loogu gubaa.

    23Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo wadaadku bixiyoba waa in dhammaantiis la wada guba, oo waa inaan la cunin.

    24¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    25La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka dembiga: meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco waa in qurbaanka dembigana lagu gowracaa Rabbiga hortiisa, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

  • 21Taambuugga shirka gudihiisa oo ku yaal ilxidhka dibaddiisa, kuna hor yaalla maragga, fiidka ilaa subaxda waa inay Haaruun iyo wiilashiisu Rabbiga hortiisa ku diyaariyaan laambadda; oo wuxuu reer binu Israa'iil u noqon doonaa qaynuun weligiis u jira ka ab ka ab.

  • 40in had iyo goor subax iyo habeenba meeshii qurbaanka la gubo ay Rabbiga ugu dul bixiyaan qurbaanno la gubo kuwaasoo ahaa sidii dhammaan waxa ku qoran sharciga Rabbiga, oo uu reer binu Israa'iil ku amray.

  • 49¶ Laakiinse Haaruun iyo wiilashiisu waxay meesha allabariga la gubo iyo girgiraha fooxa wax ugu bixin jireen shuqulkii meesha ugu quduuska ah oo dhan iyo inay reer binu Israa'iil kafaaraggud ugu sameeyaan, sidii dhammaan addoonkii Ilaah ee Muuse ahaa amray.

  • 9Oo kibistaas waxaa iska yeelan doona Haaruun iyo wiilashiisa, oo waa inay meel daahir ah ku cunaan, waayo, taasu isaga waa ugu wada quduusan tahay qurbaannada Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo qaynuun weligiis ah loo amray.

  • Laaw 1:6-9
    4 aayado
    77%

    6Oo neefka qurbaanka la gubayo waa inuu haragga ka bixiyaa, oo haddana waa inuu xubin xubin u googooyaa.

    7Oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay meesha allabariga dab ku shubaan oo haddana waa inay qoryo ku dul hagaajiyaan dabka,

    8oo markaas wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu xubnaha iyo madaxa iyo baruurta ha ku dul hagaajiyeen qoryaha dabka meesha allabariga saaran,

    9laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • Bax 30:7-8
    2 aayado
    76%

    7Oo Haaruun waa inuu ku shido foox udgoon; subax walba markuu laambadaha hagaajinayo waa inuu foox shido.

    8Oo makhribka Haaruun markuu laambadaha shidayo waa inuu foox shido, kaasoo ah foox joogto u ah Rabbiga hortiisa, ka ab ka ab.

  • Laaw 6:18-20
    3 aayado
    76%

    18Oo qof kasta oo lab ah oo reer Haaruun ka mid ahu waa inuu wax ka cunaa, oo tan iyo ab ka ab intaasaa looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; oo ku alla kii taabtaana quduus buu ahaan doonaa.

    19¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    20Kanu waa qurbaanka Haaruun iyo wiilashiisu ay Rabbiga u bixin doonaan maalintii isaga la subko, waana eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis, oo ah qurbaan hadhuudh oo joogto ah, oo intaas badhkeed subaxdii ha la bixiyo, badhka kalena fiidkii ha la bixiyo.

  • 3Oo daaha markhaatiga dibaddiisa oo teendhada shirka gudaheeda ah Haaruun waa inuu Rabbiga hortiisa had iyo goorba ku hagaajiyaa tan iyo fiidkii iyo ilaa subaxdii, oo kaasu waa inuu ahaadaa qaynuun weligiis idiin jiri doona tan iyo ab ka ab.

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 10Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • Tir 28:23-24
    2 aayado
    76%

    23Kuwaas waa inaad bixisaan iyadoo uusan ku jirin qurbaanka la gubo oo subaxnimada, kaasoo ah qurbaan la gubo oo joogto ah.

    24Sidan waa inaad maalin kasta intii toddoba maalmood ah u bixisaan cuntada ah qurbaanka dabka lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. Taas waa in la bixiyaa iyadoo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

  • 18Oo wanka oo dhan waa inaad ku dul gubtaa meesha allabariga, waayo, waa qurbaan Rabbiga loo gubo; oo waa caraf udgoon oo waa qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga.

  • 17Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii hadhuudhka, markaasuu cantoobo muggeed ka qaaday oo ku dul gubay meesha allabariga, kaasoo ka gooni ah qurbaankii la gubayay oo subaxnimada.

  • 10Oo wadaadkuna waa inuu xidhaa dharkiisa wanaagsan, oo sirwaalkiisa marada wanaagsan laga sameeyeyna waa inuu gashadaa, oo waa inuu qaadaa dambaskii qurbaanka la gubayay oo dabku meesha allabariga dusheeda ku baabba'saday, oo waa inuu meesha allabariga ku ag shubaa.

  • 11Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.

  • 13Oo haddana waxay isagii u keeneen neefkii qurbaankii la gubo oo cad cad ah iyo madaxii neefka, oo isna wuxuu ku dul gubay meesha allabariga.

  • 6Kaasu waa qurbaan la gubo oo joogto ah oo Buur Siinay laga amray inuu ahaado qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga oo caraf udgoon u ah.

  • 10Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadho waa in Haaruun iyo wiilashiisu iska lahaadaan, oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.

  • 37Haddaba kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, iyo kan quduuskadhigidda, iyo kan allabariga qurbaannada nabaadiinada ah,

  • 3Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadhana waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa; oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.

  • 31Oo wadaadku waa inuu baruurta ku dul gubaa meesha allabariga, laakiinse sakaarka waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa.

  • 32Oo hilibka iyo kibista wixii ka hadhana waa inaad dab ku gubtaan.

  • 18Waxaad la hadashaa Haaruun iyo wiilashiisa iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii reer binu Israa'iil ka mid ah, ama dadka shisheeyayaasha ah ee reer binu Israa'iil dhex deggan, markay keenaan qurbaankooda ay Rabbiga ugu bixinayaan qurbaan la gubo aawadiis, hadduu yahay nidarradooda midkood amase qurbaannadooda ikhtiyaarka ah,

  • 20Markaasay baruurtii saareen sakaarradii, oo isna baruurtii buu ku dul gubay meeshii allabariga.

  • 2oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.

  • 5Oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, waayo, kaasu waa qurbaankii xadgudubka.

  • 28Kolkaasaa Muuse gacmahoodii ka qaaday oo wuxuu qurbaankii la gubayay kula dul gubay meesha allabariga, oo waxay ahaayeen quduuskadhigidda oo caraf udgoon loo bixiyo. Taasu waxay ahayd qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

  • Bax 29:34-35
    2 aayado
    73%

    34Oo haddii hilibka quduuskadhigidda iyo kibista wax ka hadhaan oo ay gaadhaan ilaa subaxda, de markaas waa inaad intii hadhay dab ku gubtaa, oo waa inaan la cunin, maxaa yeelay, waa quduus.

    35Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad ku samaysaa sidii aan kugu amray oo dhan, oo toddoba maalmood waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa.

  • 9Kulli waxyaalaha aad u quduuska ah oo dabka laga reebay oo aad lahaan doonto waa kuwan: mid kasta oo qurbaankooda ah, xataa qurbaankooda kasta ee hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda kasta ee dembiga, iyo qurbaankooda kasta ee xadgudubka, oo ay ii bixinayaan, adiga iyo wiilashaadaba ayay aad u quduus idiin ahaan doonaan.

  • 25Oo markaas waa inaad gacmahooda ka qaaddid, oo waxaad ku dul gubtaa qurbaanka la gubo oo meesha allabariga kor yaal, inay caraf udgoon ku ahaadaan Rabbiga hortiisa. Waa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga.

  • 2Waxaad la hadashaa Haaruun, iyo wiilashiisa, iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxanu waa wixii Rabbigu amray, oo uu yidhi,

  • Laaw 1:12-13
    2 aayado
    72%

    12Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo qoryaha dabka meesha allabariga saaran,

    13laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku dhammaantiis ha bixiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • 7Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Meesha allabariga u dhowow, oo waxaad bixisaa qurbaankaaga dembiga iyo qurbaankaaga la gubo, oo nafsaddaada kafaaraggud u samee, iyo weliba dadka aawadiis, oo waxaad bixisaa dadka qurbaankiisii oo iyaga kafaaraggud ugu samee sidii Rabbigu amray.