Luukos 11:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa Ruuxa Quduuska ah uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 7:11 : 11 Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa wax wanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?
  • Yoox 4:10 : 10 Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Haddaad garanaysid hadiyaddii Ilaah iyo kuu yahay kan kugu leh, I waraabi, adigu waad weyddiisan lahayd isaga, oo wuxuu ku siin lahaa biyaha nool.
  • Yex 36:27 : 27 Oo Ruuxayga ayaan idin dhex gelin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inaad qaynuunnadayda ku socotaan, xukummadaydana waad xajin doontaan, waadna samayn doontaan.
  • Room 7:18 : 18 Waayo, waan ogahay inaan wax wanaagsanu igu dhex jirin, taas waxaan ula jeedaa, jidhkayga wax wanaagsanu kuma jiraan, waayo, waan ku talo jiraa inaan waxa wanaagsan sameeyo, laakiin ma sameeyo.
  • Room 8:32 : 32 Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga?
  • Cib 12:9-9 : 9 Oo weliba waxaynu lahayn aabbayaal xagga jidhka ah, oo ina edbiyey, oo waynu maamuusnay. Miyaynan intaas in ka badan ka dambaynayn Aabbaha ruuxyada oo aynaan noolaannayn? 10 Waayo, iyagu dhawr maalmood ayay inoo edbiyeen sidii la wanaagsanayd, laakiin isagu wuxuu inoo edbiya si inoo faa'iido ah si aynu uga qayb galno quduusnimadiisa.
  • 2 Kor 3:9-9 : 9 Waayo, hadday adeegidda xukunka keentaa ammaan ahayd, adeegidda xaqnimada keentaa aad bay uga ammaan badan tahay. 10 Waayo, wixii ammaan lahaan jiray, ammaan kama lahayn wixii kan ku saabsan, ammaanta ka sarraysa aawadeed. 11 Waayo, haddii waxa idlaanayaa ammaan lahaan jiray, intee ka badan baa waxa hadhaa ammaan leeyahay.
  • Maah 1:23 : 23 Canaantayda u soo noqda; Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga, Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda.
  • Ish 44:3-4 : 3 Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa. 4 Oo iyana waxay ka soo dhex bixi doonaan cawska sida geedo safsaaf ah oo biyo socda ku ag yaal.
  • Yoox 7:37-39 : 37 ¶ Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo. 38 Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi. 39 Waxaas ayuu kaga hadlay Ruuxa oo ay kuwii isaga rumaystay heli doonaan, waayo, Ruuxa weli lama bixin, maxaa yeelay, Ciise weli ma ammaanmin.
  • Room 5:9-9 : 9 Haddaba haddaynu haatan dhiiggiisa xaq ku noqonnay, de si ka badanna isagaynu kaga badbaadi doonnaa cadhada Ilaah. 10 Waayo, haddii, intaynu col la ahayn, Ilaah inagula heshiiyey dhimashadii Wiilkiisa, de si ka badanna, innagoo la heshiis ah, ayaynu ku badbaadi doonnaa noloshiisa,
  • Room 5:17 : 17 Haddii mid dembigiisa aawadiis ay dhimasho ku talisay midkaas aawadiis, de si ka badanna kuwa hela badnaanta nimcada iyo hadiyadda xaqnimada, noloshay ku dhex talin doonaan kii kale aawadiis kaas oo ah Ciise Masiix.
  • Fal 2:38 : 38 Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.
  • Luuk 11:2 : 2 Wuxuu ku yidhi, Goortaad tukanaysaan dhaha, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado, boqortooyadaadu ha timaado.
  • Luuk 15:30-32 : 30 Laakiin goortii uu yimid wiilkaagani waxaagii aad ku noolayd dhillooyin la cunay, waxaad u gowracday dibigii yaraa ee la shishleeyey. 31 Markaasuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, weligaa waad ila joogtaa, oo waxayga oo dhan adigaa leh, 32 laakiin waxaa inoo wanaagsanayd inaynu rayrayno oo faraxno, waayo, waalaalkaagani waa dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay.
  • Yoox 3:5-6 : 5 Ciise baa ugu jawaabay, Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Qof haddaanu ka dhalan biyo iyo Ruuxa, boqortooyadii Ilaah geli kari maayo. 6 Waxa jidhka ka dhashaa waa jidh, waxa Ruuxa ka dhashaana waa ruux.
  • Ish 49:15 : 15 Miyaa naagu ilmeheeda nuuga illoobi kartaa inayan wiilkii uurkeeda ka soo go'ay u naxariisan? Mindhaa kuwaasu way illoobi karaan, aniguse innaba ku illoobi maayo.
  • Bil 8:21 : 21 Rabbiguna wuxuu uriyey caraftii udgoonayd, kolkaasuu Rabbigu iska yidhi qalbigiisa, Mar dambe dadka aawadiis dhulka uma habaari doono, maxaa yeelay, malaha qalbiga dadku waa shar tan iyo yaraantiisa; mar dambena ma aan dili doono wax kasta oo nool sidii aan yeelay.
  • Ayuub 15:14-16 : 14 Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo uu daahir ahaado? Kii naagu dhashayse muxuu yahay oo uu xaq ahaado? 15 Bal eeg, Ilaah ma aamino kuwiisa quduuska ah, Oo xataa samooyinku hortiisa daahir kuma aha. 16 Haddaba bal sidee buu u daahir ahaanayaa nin karaahiyo iyo wasakhaan ah, Oo dembiga sida biyo u cabbaa!
  • Sab 51:5 : 5 Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan, Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.
  • Yoel 2:28 : 28 ¶ Oo markaas dabadeedna anigu ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan, oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, oo odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan, oo raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan,
  • Mat 5:16 : 16 Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.
  • Mat 5:45 : 45 si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di'iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba.
  • Mat 6:14 : 14 ¶ Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona.
  • Mat 6:30 : 30 Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysadyarayaalow?
  • Mat 6:32 : 32 Waayo, quruumuhu waxaas oo dhan ayay doondoonaan. Aabbihiinna jannada ku jiraa waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin.
  • Titus 3:3 : 3 Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay.
  • Bil 6:5-6 : 5 Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba. 6 Rabbiguna wuxuu ka qoomamooday abuuriddii uu dadka ku abuuray dhulka, wuuna caloolxumaaday.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 7:7-11
    5 aayado
    92%

    7¶ Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa;

    8waayo, mid kasto oo weyddiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa.

    9Ninkiinnee baa haddii wiilkiisu kibis weyddiisto, dhagax siinaya?

    10Ama hadduu kalluun weyddiisto, abeeso siinaya?

    11Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa wax wanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?

  • Luuk 11:9-12
    4 aayado
    82%

    9Waxaan idinku leeyahay, Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan; garaaca oo waa laydinka furi doonaa.

    10Waayo, mid kasta oo weyddiista waa la siiyaa; kii doonaana waa helaa; kii garaacana waa laga furi doonaa.

    11Midkiinnee baa oo aabbe ah haddii wiilkiisu kibis weyddiisto, dhagax siinaya? Ama hadduu kalluun weyddiisto, kalluunka meeshiis abeeso siinaya?

    12Ama hadduu ukun weyddiisto, dabaqallooc siinaya?

  • Mat 6:8-9
    2 aayado
    72%

    8Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weyddiin.

    9¶ Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado.

  • 45si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di'iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba.

  • 69%

    25Oo kolkaad tukasho u taagan tihiin, cafiya haddii aad dad wax ku leedihiin, si Aabbihiinna jannada ku jiraa xumaantiinna idiin cafiyo.

    26Haddii aanad cafiyin, Aabbihiinna jannada ku jira xumaantiinna idiin cafiyi maayo.

  • Mat 6:14-15
    2 aayado
    69%

    14¶ Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona.

    15Laakiin haddaanad dadka cafiyin, Aabbihiinnu xumaantiinna idiin cafiyi maayo.

  • 68%

    18Shayddaankuna hadduu kala qaybsamo, boqortooyadiisu sidee bay u taagnaan doontaa? Waayo, waxaad tidhaahdaan, Waxaad jinniyo ku saartaa Be'elsebul.

    19Anigu haddii aan jinniyada ku saaro Be'elsebul, wiilashiinna yay ku saaraan? Sidaa darteed iyagu waxay ahaanayaan xaakinnadiinna.

  • Mat 12:27-28
    2 aayado
    68%

    27Oo anigu haddii aan jinniyada ku saaro Be'elsebul, wiilashiinnu yay ku saaraan? Sidaa darteed iyagu waxay ahaanayaan xaakinnadiinna.

    28Laakiin haddaan jinniyada ku saaro Ruuxa Ilaah, waxaa idiin timid boqortooyada Ilaah.

  • 14¶ Wuxuu saarayay jinni carrab la'. Waxaana dhacay goortuu jinnigii baxay inuu kii carrabka la'aa hadlay, dadkiina way yaabeen.

  • 20Waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabbihiin kan idinka dhex hadlayaa.

  • 21¶ Saacaddaas qudheeda ayuu Ruuxa Quduuska ah ku reyreeyey oo yidhi, Waan kugu mahadnaqayaa, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilmo yaryar. Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay.

  • 67%

    11¶ Wuxuuna yidhi, Nin baa laba wiil lahaa.

    12Kii yaraa ayaa aabbihii ku yidhi, Aabbow, waxaaga qaybtii aan heli lahaa i sii. Markaasuu iyaga u qaybiyey wuxuu ku noolaa.

  • Luuk 11:1-4
    4 aayado
    67%

    1¶ Meel buu ku tukanayay, oo goortuu dhammeeyey, mid xertiisa ka mid ah ayaa ku yidhi, Sayidow, na bar si loo tukado, sida Yooxanaa xertiisa u baray.

    2Wuxuu ku yidhi, Goortaad tukanaysaan dhaha, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado, boqortooyadaadu ha timaado.

    3Maalinba maalin kibistayada nagu filan na sii.

    4Oo naga cafi dembiyadayada, waayo, annaguba waa u cafinnaa mid walba oo aannu qaan ku leennahay, oo jirrabaaddana ha noo kaxayn.

  • 5¶ Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye.

  • 12waayo, Ruuxa Quduuska ah ayaa saacaddaas idin bari doonaa wixii aad leedihiin inaad tidhaahdaan.

  • Mat 13:11-12
    2 aayado
    66%

    11Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan, kuwaase lama siiyo.

    12Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.

  • 11Oo goortii laydin wado oo laydin gacangeliyo, horta ha ka welwelina wixii aad ku hadli doontaan; laakiin wixii saacaddaas laydin siiyo, waxaas ku hadla, waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Quduuska ah.

  • 13Oo wax alla waxaad magacayga ku weyddiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu ku ammaanmo Wiilka.

  • 7Haddaad igu jirtaan, oo ay erayadayduna idinku jiraan, weyddiista waxaad doonaysaanba, waana laydiin yeeli doonaa.

  • Luuk 6:35-36
    2 aayado
    66%

    35Laakiin cadowyadiinna jeclaada, oo wanaag u sameeya, oo amaahiya, idinkoo aan waxba ka rajaynaynin, abaalgudkiinnuna waa badan doonaa, oo waxaadna noqon doontaan wiilashii Kan ugu sarreeya, waayo, isagu waa u roon yahay kuwa aan mahadnaqin iyo kuwa sharka leh.

    36Naxariis lahaada sida Aabbihiin naxariis u leeyahay.

  • 14Sidaas oo kale, ma aha doonista Aabbihiinna jannada ku jira in yaryarkan midkood lumo.

  • 13Sida aabbe carruurtiisa ugu naxo oo kale Ayaa Rabbigu ugu naxaa kuwa isaga ka cabsada.

  • 10oo mid walba oo ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah, waa loo cafiyi doonaa, laakiin kii caaya Ruuxa Quduuska ah looma cafiyi doono.

  • Mat 11:25-26
    2 aayado
    65%

    25¶ Wakhtigaas Ciise ayaa hadalkan yidhi, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kugu mahadnaqayaa, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilma yaryar.

    26Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay.

  • 32Ha baqina, idoyahow yari, waayo, Aabbihiin waxaa ka farxiya inuu boqortooyada idin siiyo.

  • 30waayo, quruumaha dunidu waxaas oo dhan ayay doondoonaan; laakiin Aabbihiin waa og yahay inaad waxaas u baahan tihiin.

  • 34Dhal jilbisay, sidee baad wax wanaagsan ugu hadli karaysaan idinkoo shar leh? Waayo, afku wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.

  • 42Intuu weli soo socday, jinnigii ayaa jeexjeexay oo gilgilay. Markaasaa Ciise jinnigii wasakhda lahaa canaantay, wiilkiina ayuu bogsiiyey oo aabbihiis ku celiyey.

  • 34Waayo, kii Ilaah soo diray ayaa ereygii Ilaah ku hadla, maxaa yeelay, isagu qiyaas kuma siiyo Ruuxa.

  • 31Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Dembi walba iyo cay walba waa loo cafiyi doonaa dadka, laakiin cayda Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono.

  • 32Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga?