Luukos 10:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Saacaddaas qudheeda ayuu Ruuxa Quduuska ah ku reyreeyey oo yidhi, Waan kugu mahadnaqayaa, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilmo yaryar. Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Kor 4:3 : 3 Laakiin injiilkayagu hadduu daboolan yahay, wuxuu ka daboolan yahay kuwa lumaya.
  • 1 Kor 2:6-8 : 6 ¶ Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa garashadu ku dhan tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabbi'in doono; 7 laakiin qarsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed, 8 tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garanaynin, waayo, hadday garan lahaayeen, iskutallaabta kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta,
  • Ef 1:5 : 5 oo hore inoogu doortay inuu inaga dhigto carruurtiisii xagga Ciise Masiix siduu doonayay oo ku farxay,
  • Ef 1:11 : 11 Isagaynu dhaxal ku helnay innagoo laynagu doortay qasdiga kan wax kasta kaga shaqeeya sida ay tahay talada doonistiisu,
  • Kol 2:2-3 : 2 inay qalbiyadoodu dhiirranaadaan, iyagoo jacayl isugu xidhan, iyo inay wada helaan hodantinimada hubaasha waxgarashada, inay ogaadaan qarsoodiga Ilaah, kaas oo ah Masiixa. 3 Isaga waxaa ku wada qarsoon waxyaalaha qaaliga ah oo dhan oo ah xigmadda iyo aqoonta.
  • Ish 66:1 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Samadu waa carshigayga, dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto. Guri caynmaad ii dhisi doontaan? Oo maxay tahay meeshaan ku nastaa?
  • Mat 13:11-16 : 11 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan, kuwaase lama siiyo. 12 Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto. 13 Sidaa darteed ayaan masaallo ugula hadlaa, waayo, iyagoo arkaya ma arkaan, oo iyagoo maqlaya ma maqlaan, mana gartaan. 14 Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh, Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan, Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto. 15 Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday, Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan, Indhahoodana way isku qabteen; Si aanay indhaha wax ugu arkin, Oo dhegaha wax ugu maqlin, Oo qalbiga wax ugu garan, Si aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin. 16 Laakiin waxaa barakaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan.
  • Mat 16:17 : 17 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad barakaysan tahay Simoon ina Yoonis, waayo, bini-aadmi tan kuuma muujin, laakiin Aabbahayga jannada ku jira ayaa kuu muujiyey.
  • Mat 21:16 : 16 oo ku yidhaahdeen, Ma maqlaysaa kuwanu waxay leeyihiin? Ciise ayaa ku yidhi, Haah, miyaydnaan weligiin akhriyin, Ammaanta waxaad ku hagaajisay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga?
  • Luuk 15:5 : 5 Oo goortuu soo helo, aan garbihiisa saarin, isagoo faraxsan.
  • Luuk 15:9 : 9 Oo markay hesho, aan saaxiibbadeeda iyo derisyadeeda isugu yeedhin iyadoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay daraakmadii iga luntay.
  • Yoox 17:24-26 : 24 ¶ Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydii aad i siisay, waayo, adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin. 25 Aabbaha xaqa ahow, dunidu kuma ay garanaynin, laakiinse waan ku garanayay; kuwanna waxay garanayeen inaad i soo dirtay. 26 Magacaagaan iyagii garansiiyey, waanan garansiin doonaa, in jacaylkii aad i jeclayd uu ku jiro iyaga, anna aan iyaga ku jiro.
  • 1 Kor 1:9-9 : 9 Ilaah waa aamin, kan xaggiisa laydiinku yeedhay xidhiidhka Wiilkiisa Ciise Masiix ee Rabbigeenna ah. 10 ¶ Walaalayaalow, waxaan magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinkaga baryayaa inaad dhammaantiin isku wax ku wada hadashaan, iyo inaydnaan kala qaybsamin, laakiin inaad ku dhammaataan isku maan iyo isku talo. 11 Walaalahayow, dadkii Khalo'ee ayaa iiga kiin warramay in ilaaqi idin dhex taal. 12 Tan waxaan ula jeedaa midkiin inuu leeyahay, Waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos; mid kalena, Kuwa Abolloos; mid kalena, Kuwa Keeyfas; mid kalena, Kuwa Masiix. 13 Masiixu miyuu qaybsamaa? Bawlos miyaa iskutallaabta laydiinku qodbay? Ama ma waxaa laydinku baabtiisay magaca Bawlos? 14 Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inaanan midkiinna baabtiisin, Kirisbos iyo Gayus maahee 15 inaanu ninna odhan, Waxaa laydinku baabtiisay Bawlos magiciisa. 16 Waxaan kaloo baabtiisay kuwii guriga Istefanas joogay. Weliba garan maayo inaan qaar kale baabtiisay iyo in kale. 17 Waayo, Masiixu iima uu soo dirin inaan dad baabtiiso, laakiin wuxuu ii soo diray inaan dadka injiilka ku wacdiyo, ee ma aha inaan ku hadlo xigmadda hadalka, waaba intaasoo iskutallaabta Masiixa la caaqibo tiraaye. 18 ¶ Waayo, hadalka ku saabsan iskutallaabtu waa u nacasnimo kuwa lumaya, laakiin waa u xoogga Ilaah kuweenna badbaadaya. 19 Maxaa yeelay, waxaa qoran, Xigmadda kuwa xigmadda leh waan baabbi'in doonaa, Oo garashada kuwa garashada leh ayaan diidi doonaa. 20 Meeh kan xigmadda lihi? Meeh kan culimmada ka mid ahi? Meeh kan wakhtigan muranka badani? Ilaah miyaanu nacasnimo ka dhigin xigmadda dunida? 21 Dunidu Ilaah kuma ay garanaynin xigmaddeeda, laakiin Ilaah xigmaddiisa aawadeed ayuu ku farxay inuu kuwa rumaysta ku badbaadiyo nacasnimadii wacdiga. 22 In kastoo ay Yuhuuddu calaamooyin doonaan oo Gariigtuna ay xigmad doonaan, 23 annaguse waxaannu dadka ku wacdinnaa Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay, oo u ah xagga Yuhuudda wax lagu turunturoodo, xagga Gariigtana u ah nacasnimo. 24 Xagga kuwa loo yeedhayse, ha ahaadeen Yuhuudda ama Gariigta, Masiix baa u ah xoogga Ilaah iyo xigmadda Ilaah. 25 Waayo, nacasnimada Ilaah waa ka xigmad badan tahay xigmadda dadka, oo itaaldarrada Ilaahna waa ka itaal badan tahay itaalka dadka. 26 ¶ U fiirsada waxa laydiinku yeedhay, walaalayaalow, sidaan loogu yeedhin qaar badan oo xigmad leh xagga jidhka, ama qaar badan oo xoog leh, ama qaar badan oo gob ah, 27 laakiinse Ilaah wuxuu doortay waxyaalaha nacasnimada ah ee dunida inuu ceebeeyo kuwa xigmadda leh, oo Ilaah baa doortay waxyaalaha itaalka daran inuu ceebeeyo waxyaalaha itaalka leh. 28 Waxyaalaha hoose iyo waxyaalaha la fududaystana Ilaah baa doortay, xataa waxyaalaha aan jirin, inuu waxyaalaha jira wax aan wax tarin ka dhigo, 29 si aan qofna ugu faanin Ilaah hortiisa.
  • Saf 3:17 : 17 Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa.
  • Mat 11:25-27 : 25 ¶ Wakhtigaas Ciise ayaa hadalkan yidhi, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kugu mahadnaqayaa, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilma yaryar. 26 Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay. 27 ¶ Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo Wiilka maahee iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.
  • Ish 53:11 : 11 Wuxuu arki doonaa waxay naftiisu ku dhibtootay, wuuna u riyaaqi doonaa. Addoonkayga xaqa ahuna aqoontiisa ayuu kuwa badan xaq kaga dhigi doonaa, wuxuuna xambaari doonaa xumaatooyinkooda.
  • Sab 8:2 : 2 Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga, Waana cadaawayaashaada daraaddood, Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
  • Sab 24:1 : 1 Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan, Iyo dunida iyo kuwa degganba.
  • Sab 25:14 : 14 Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
  • Ish 29:14 : 14 sidaas daraaddeed bal eega, waxaan mar kale dadkan dhexdiisa ku sii samayn doonaa waxyaalo yaab ah, waana waxyaalo yaab iyo naxdinba leh, oo xigmadda nimankooda xigmadda leh way baabbi'i doontaa, oo waxgarashada raggooda garashada lehna way qarsoomi doontaa.
  • Ish 29:18-19 : 18 Oo wakhtigaas kuwa dhegaha la'u erayada qorniinka ayay maqli doonaan, oo kuwa indhaha la' indhahooduna wax bay mugdiga iyo gudcurka ka arki doonaan. 19 Oo kuwa hooseeyaana aad bay Rabbiga ugu sii farxi doonaan, oo masaakiinta dadka ku dhex jirtaana waxay ku rayrayn doonaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
  • Ish 35:8 : 8 Oo waxaa halkaas jiri doona jid weyn, oo waxaa jidka loo bixin doonaa Jidkii Quduusnimada, kuwa aan daahirsanaynuna ma mari doonaan, laakiinse waxaa leh kuwa isaga jidka la socda, oo xataa nacasyaduna kuma qaldami doonaan.
  • Ish 62:5 : 5 Waayo, sida barbaar inan bikrad ah u guursado oo kale ayaa wiilashaadu kuu guursan doonaan, oo sida ninkii aroos ahu uu aroosadda ugu farxo oo kale ayaa Ilaahaagu kuugu farxi doonaa.
  • Yoox 11:41 : 41 Markaasay dhagaxii ka qaadeen. Ciisena indhihiisuu kor u taagay oo yidhi, Aabbow, waan kuugu mahadnaqayaa inaad i maqashay.
  • Mark 10:15 : 15 Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.
  • 1 But 2:1-2 : 1 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed iska wada fogeeya xumaan oo dhan, iyo khiyaano oo dhan, iyo labawejiilenimo, iyo hinaaso, iyo cay oo dhan, 2 oo sida carruur dhallaan ah u jeclaada caanaha ruuxa ee saafiga ah, si aad ugu kortaan xagga badbaadada,
  • 1 Kor 3:18-20 : 18 ¶ Ninna yuusan iskhiyaanayn. Haddii nin dhexdiinna joogaa uu u malaynayo inuu wakhtigan xigmad leeyahay, doqon ha noqdo si uu xigmad u yeesho. 19 Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa, 20 oo haddana, Rabbigu waa garanayaa tashiyada kuwa xigmadda leh inayan waxba tarin.
  • Ayuub 5:12-14 : 12 Madhnaan buu ka dhigaa talada khaa'innada, Si ayan gacmahoodu u oofin karin farsamadoodii. 13 Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa; Oo kuwa qalloocan taladoodana degdeg baa loo rogaa. 14 Oo maalinnimada ayay gudcur helaan, Oo hadhka ayay wax haabhaabtaan sida habeennimada oo kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 11:25-27
    3 aayado
    88%

    25¶ Wakhtigaas Ciise ayaa hadalkan yidhi, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kugu mahadnaqayaa, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilma yaryar.

    26Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay.

    27¶ Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo Wiilka maahee iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.

  • 77%

    22Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo cid uu yahay Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo cid uu yahay, Wiilka maahee, iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.

    23Wuxuuna u jeestay xertiisa oo keli ahaan ugu yidhi, Waxaa barakaysan indhaha arka waxaad aragtaan;

  • 20Laakiin tan ha ku farxina in jinniyadu ay idinka dambeeyaan, laakiin ku farxa in magacyadiinnu ay jannada ku qoran yihiin.

  • 1¶ Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano,

  • 41Markaasay dhagaxii ka qaadeen. Ciisena indhihiisuu kor u taagay oo yidhi, Aabbow, waan kuugu mahadnaqayaa inaad i maqashay.

  • Mat 21:15-16
    2 aayado
    72%

    15Laakiin wadaaddada sare iyo culimmadu goortay arkeen waxyaalaha yaabka leh oo uu suubbiyey iyo carruurta macbudka ka qaylinaysa, iyagoo leh, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud, way cadhoodeen

    16oo ku yidhaahdeen, Ma maqlaysaa kuwanu waxay leeyihiin? Ciise ayaa ku yidhi, Haah, miyaydnaan weligiin akhriyin, Ammaanta waxaad ku hagaajisay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga?

  • 70%

    24¶ Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydii aad i siisay, waayo, adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin.

    25Aabbaha xaqa ahow, dunidu kuma ay garanaynin, laakiinse waan ku garanayay; kuwanna waxay garanayeen inaad i soo dirtay.

  • 16Gacmihiisuu ku qaaday oo intuu calaacalihiisa saaray, ayuu barakeeyey.

  • 25Waxyaalahaas ayaan masaallo idinkula hadlay. Waxaa imanaysa goortii aanan mar dambe masaallo idinkula hadli doonin, laakiin aan bayaan idiinkaga warrami doono Aabbaha.

  • 28Aabbow, magacaaga ammaan. Haddaba waxaa samada ka yimid cod leh, Waan ammaanay, waanan ammaani doonaa mar kale.

  • 17Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad barakaysan tahay Simoon ina Yoonis, waayo, bini-aadmi tan kuuma muujin, laakiin Aabbahayga jannada ku jira ayaa kuu muujiyey.

  • 23Maalintaas reyreeya oo farxad ku boodbooda, waayo, bal ogaada, abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay jannada, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii ku samayn jireen.

  • 68%

    27¶ Waxaa dhacay goortuu waxyaalahaas yidhi, in qof dumar ah oo dadka ka mid ah codkeeda kor u qaadday oo ku tidhi, Waxaa barakaysan uurka ku siday iyo naasihii aad nuugtay.

    28Laakiin wuxuu ku yidhi, Runtaa, laakiin waxaa barakaysan kuwa ereyga Ilaah maqla oo xajiya.

  • 56Aabbihiin Ibraahim waa ku reyreeyey inuu maalintayda arko, wuuna arkay oo ku farxay.

  • 20Waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabbihiin kan idinka dhex hadlayaa.

  • 37Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood,

  • 16Laakiin waxaa barakaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan.

  • 20Waayo, Aabbuhu Wiilkuu jecel yahay, oo wuxuu tusaa wuxuu isagu sameeyo oo dhan, oo wuxuuna tusi doonaa shuqullo kuwan ka waaweyn inaad la yaabtaan.

  • 17oo cod baa samooyinka ka lahaa, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay, oo aan ku faraxsanahay.

  • 11Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan, kuwaase lama siiyo.

  • 17¶ Toddobaatankii farxad ayay la soo noqdeen, iyagoo leh, Sayidow, xataa jinniyadu magacaaga ayay nooga dambeeyaan.

  • 15¶ Kuwa cuntada ula fadhiyey midkood, goortuu waxaas maqlay, wuxuu isaga ku yidhi, Waxaa barakaysan kan kibis ku cuni doona boqortooyada Ilaah.

  • 21Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan.

  • 67%

    10Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale markii mid dembi leh toobadkeenoba, farxad ayaa kaga jirta malaa'igaha Ilaah hortooda.

    11¶ Wuxuuna yidhi, Nin baa laba wiil lahaa.

  • 2Wuxuu ku yidhi, Goortaad tukanaysaan dhaha, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado, boqortooyadaadu ha timaado.

  • 11Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa wax wanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?

  • 3Oo wakhtiga cashada Ciise oo garanaya in Aabbuhu wax walba gacanta u geliyey iyo inuu Ilaah ka yimid oo Ilaah ku noqonayo,

  • 12Mahad baannu u naqaynaa Aabbaha inaga dhigay kuwa istaahila inay ka qayb qaataan dhaxalka quduusiinta nuurka ku jirta.

  • 13Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa Ruuxa Quduuska ah uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?

  • 20Adhijirraduna way noqdeen iyagoo Ilaah ku ammaanaya oo ku weynaynaya waxyaalihii ay maqleen oo ay arkeen oo dhan, sidii iyaga loogu sheegay.

  • 11Kolkaasuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada Ilaah garataan, laakiin kuwa dibadda jooga wax walba waxaa loogu sheegaa masaallo,

  • 11Waxaa samooyinka ka yimid cod leh, Adigu waxaad tahay Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.

  • 35Aabbuhu wuu jecel yahay Wiilka, oo wax walba ayuu gacanta u geliyey.

  • 28markaasuu gacmihiisa ku qaaday, oo Ilaah ammaanay, oo yidhi,

  • 47Ruuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah.

  • 21¶ Markii dadkii oo dhan la baabtiisay, waxaa dhacay in Ciisena la baabtiisay, oo intuu tukanayay ayaa samadu furantay,

  • 10Wuxuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyadii Ilaah garataan, kuwa kalese masaallo ayaa loogu sheegaa, si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan.

  • 17in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin.

  • 21Waxaana barakaysan kuwiinna haddeer gaajaysan, waayo, waad dhergi doontaan. Waxaana barakaysan kuwiinna haddeer ooyaya, waayo, waad qosli doontaan.

  • 67%

    41Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday,

    42isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto.

  • 36Ilmo yar ayuu qaaday oo dhexdooda joojiyey, oo goortuu gacmihiisii ku soo qaaday ayuu iyaga ku yidhi,

  • 26¶ Sidaa darteed ha ka baqina, waayo, wax daboolan ma jiro oo aan soo muuqan doonin, wax qarsoonna ma jiro oo aan la garan doonin.