Luukos 12:26

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba haddii aanad samayn karin xataa waxa u yar, maxaad ugu welweshaan intii kale?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 39:6 : 6 Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.
  • Wacd 7:13 : 13 Bal Ilaah shuqulkiisa ka fiirso, waayo, wixii uu isagu qalloociyey bal yaa toosin kara?
  • Luuk 12:29 : 29 Ha doondoonina waxaad cuntaan iyo waxaad cabtaan, oo ha shakiyina,
  • 1 But 5:7 : 7 Welwelkiinna oo dhan isaga saara, maxaa yeelay, isagu dan buu idinka leeyahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    21Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.

    22¶ Markaasuu xertiisii ku yidhi, Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, jidhkiinnana waxaad huwin doontaan.

    23Waayo, naftu waa ka roon tahay cuntada, jidhkuna waa ka roon yahay dharka.

    24Tukayaasha fiiriya, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, mana haystaan maqsin ama meel ay wax ku urursadaan, oo Ilaah baa cunto siiya. Intee baad ka roon tihiin shimbirraha!

    25Midkiinee intuu welwelo, dhererkiisa dhudhun ku dari kara?

  • Mat 6:24-34
    11 aayado
    84%

    24¶ Ninna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.

    25Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, iyo waxaad cabbi doontaan, jidhkiinnana ha ugu welwelina waxaad u huwan doontaan. Naftu miyaanay ka roonayn cuntada, jidhkuna miyaanu ka roonayn dharka?

    26Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya. Idinku miyaydnaan ka roonayn?

    27Midkiinnee intuu welwelo dhererkiisa dhudhun ku dari kara?

    28¶ Maxaad dharka ugu welweshaan? Fiiriya ubaxyada duurka siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan.

    29Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtigii ammaantiisa oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood.

    30Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysadyarayaalow?

    31Sidaa darteed ha ku welwelina, idinkoo leh, Maxaannu cunaynaa? ama, Maxaannu cabbaynaa? ama, Maxaannu huwanaynaa?

    32Waayo, quruumuhu waxaas oo dhan ayay doondoonaan. Aabbihiinna jannada ku jiraa waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin.

    33Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa.

    34Sidaa darteed berrito ha ka welwelina, waayo, berrito iyadaa isu welwelaysa. Maalinta sharkeedu waa ku filan yahay.

  • 81%

    27Fiiriya ubaxyada, siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan. Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtiga ammaantiisii oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood.

    28Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysad yarayaalow?

    29Ha doondoonina waxaad cuntaan iyo waxaad cabtaan, oo ha shakiyina,

    30waayo, quruumaha dunidu waxaas oo dhan ayay doondoonaan; laakiin Aabbihiin waa og yahay inaad waxaas u baahan tihiin.

    31Laakiin doondoona boqortooyadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydiinku dari doonaa.

    32Ha baqina, idoyahow yari, waayo, Aabbihiin waxaa ka farxiya inuu boqortooyada idin siiyo.

    33Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabbi'in.

  • Luuk 12:6-7
    2 aayado
    70%

    6Shan shimbirrood miyaan laba beesadood lagu iibin? Oo midna lagama illaawin Ilaah hortiisa.

    7Laakiin timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin. Ha baqina; waad ka qiima badan tihiin shimbirro badan.

  • Mat 10:28-31
    4 aayado
    69%

    28Ha ka baqina kuwa jidhka dila, laakiin aan karin inay nafta dilaan, waxaadse ka baqdaan kan jahannamada ku hallayn kara nafta iyo jidhkaba.

    29Laba shimbirrood miyaan beesad lagu iibin? Middoodna dhulka ku dhici mayso amarka Aabbihiin la'aantiis.

    30Timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin.

    31Sidaa darteed ha baqina, waad ka qiima badan tihiin shimbirro badan.

  • 69%

    10Kan waxa u yar aamin ku ah, ayaa weliba wax badan aamin ku ah. Kan waxa u yar ku xaqdaran, ayaa waxa badanna ku xaqdaran.

    11Haddii aydnaan maalka xaqdaran aamin ku ahayn, waxa run ah yaa idinku aaminaya?

    12Haddii aydnaan wixii qof kale leeyahay aamin ku ahayn, yaa idin siinaya wixiinna?

  • 68%

    15Wuxuu iyaga ku yidhi, Fiiriya oo iska ilaaliya damacnimada oo dhan, waayo, qof goortuu maal badnaado, noloshiisu kama timaado maalkuu leeyahay.

    16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

    17Kolkaasuu isla tashaday isagoo leh, Maxaan sameeyaa, waayo, ma haysto meel aan ku ururiyo wixii ii baxay?

    18Markaasuu yidhi, Sidan ayaan samayn doonaa. Maqsinnadaydii ayaan dumin doonaa oo kuwa ka waaweyn ayaan dhisan doonaa; halkaasna ayaan ku urursan doonaa sarreenkayga iyo alaabtayda oo dhan,

  • 31Wuxuu yahay sida iniin khardal oo kale, tan goortii dhulka lagu beero waa ka wada yar tahay iniinaha dhulka ku jira oo dhan.

  • 28Waayo, midkiinnee doonaya inuu noobiyad dhiso oo aan kolkii hore fadhiisan inuu xisaabo intay ku kacayso, inuu ogaado inuu haysto wax uu ku dhammeeyo iyo in kale?

  • 32Taas waa ka wada yar tahay iniinaha oo dhan, laakiin goortay weynaato, way ka weyn tahay dhalatada oo dhan, oo waxay noqotaa geed dheer si ay shimbirraha cirku u yimaadaan oo laamaheeda ugu degaan.

  • Mat 11:28-29
    2 aayado
    67%

    28Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa.

    29Harqoodkayga dushiinna ku qaata oo wax iga barta; waayo, waan qaboobahay, qalbigayguna waa hooseeyaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan.

  • 11Goortay idin hor keenayaan sunagogyada, iyo taliyayaasha, iyo kuwa amarka leh, ha ka welwelina sidii iyo wixii aad ku jawaabi doontaan ama waxaad odhan doontaan,

  • 19¶ Maal ha ku urursanina dhulka, meesha aboorka iyo miridhku ku baabbi'iyaan, iyo meesha tuugaggu jebiyaan oo ka xadaan,

  • 8Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weyddiin.

  • 4¶ Waxaan idinku leeyahay, saaxiibbadayow, Ha ka baqina kuwa jidhka dila, oo aan dabadeed wax kale samayn karin.

  • 8Ciise oo gartay ayaa ku yidhi, Maxaad isula hadlaysaan, rumaysadyarayaalow? Ma kibista aydnan haysan aawadeed baa?

  • 41Laakiin Sayidku waa u jawaabay oo ku yidhi, Maarta, Maartay, wax badan ayaad ka welwelaysaa oo isku dhibaysaa.

  • 25Kii wax haysta waa la siin doonaa. Kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.

  • 7Welwelkiinna oo dhan isaga saara, maxaa yeelay, isagu dan buu idinka leeyahay.

  • 45Markaasuu u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen.