Luukos 12:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Fiiriya ubaxyada, siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan. Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtiga ammaantiisii oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 10:1-9 : 1 ¶ Boqoraddii Shebaa markay maqashay Sulaymaan warkiisii ku saabsanaa xagga magaca Rabbiga ayay ugu timid inay ku imtixaanto su'aalo adadag. 2 Oo waxay Yeruusaalem la timid dad aad u badan, iyo awr badan oo ay ku raran yihiin uunsi, iyo dahab aad u badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo markay Sulaymaan u timid wixii qalbigeeda ku jiray oo dhan ayay kala hadashay. 3 Sulaymaanna wuxuu uga jawaabay su'aalaheedii oo dhan; oo wax boqorka ka qarsoonaa oo uusan u sheegin ma jirin. 4 Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan oo dhan, iyo gurigii uu dhisay, 5 iyo cuntadii miiskiisa, iyo fadhigii addoommadiisa, iyo hawshii adeegayaashiisa, iyo dharkoodii, iyo kuwiisii cabniinka siin jiray, iyo wixii uu guriga Rabbiga ku fuuli jiray, naf dambe iyadii kuma hadhin. 6 Markaasay boqorkii ku tidhi, Warkii aan dalkaygii ku maqlay ee ku saabsanaa falimahaaga iyo xigmaddaadu run buu ahaa. 7 Habase yeeshee erayadaas ma aan rumaysan jeeraan imid oo ay indhahaygu arkeen; oo weliba badhna la iima sheegin. Xigmaddaada iyo barwaaqadaadu way ka sii badan yihiin warkii aan maqlay. 8 Waxaa faraxsan raggaaga, oo waxaa faraxsan addoommadaadan had iyo goorba hortaada taagan oo xigmaddaadana maqla. 9 Waxaa mahad leh Rabbiga Ilaahaaga ah oo kugu farxay inuu kugu fadhiisiyo carshiga reer binu Israa'iil. Rabbigu weligiisba wuu jeclaaday reer binu Israa'iil, oo sidaas aawadeed ayuu boqor kaaga dhigay inaad samaysid xukun iyo caddaalad. 10 Markaasay boqorkii siisay boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah, iyo uunsi faro badan, iyo dhagaxyo qaali ah; uma iman uunsi dambe oo u badan sidii kii boqoradda Shebaa ay siisay Boqor Sulaymaan. 11 Oo Xiiraam doonniyihiisii Oofir dahab ka keenay, waxay kaloo Oofir ka keeneen geedo almuug ah oo badan, iyo dhagaxyo qaali ah. 12 Oo boqorkiina geedihii almuugga ahaa ayuu tiirar uga dhigay gurigii Rabbiga, iyo gurigii boqorka, oo wuxuu kaloo nimankii gabayaaga ahaa uga sameeyey kataarado iyo shareerado; oo ilaa maantadan la joogo geedo almuug ah oo kuwaas oo kale ah ma iman, lamana arkin. 13 Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, oo ayan ku jirin wixii uu Sulaymaan u siiyey sharafta boqornimadiisa, markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyadii iyo addoommadeediiba.
  • 2 Taar 9:1-9 : 1 ¶ Boqoraddii Shebaa markay maqashay Sulaymaan warkiisii ayay Sulaymaan ugu timid Yeruusaalem inay ku imtixaanto su'aalo adadag, oo waxay wadatay dad aad u badan, iyo awr badan oo ay ku raran yihiin uunsi, iyo dahab aad u badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo markay Sulaymaan u timid wixii qalbigeeda ku jiray oo dhan ayay kala hadashay. 2 Sulaymaanna wuxuu uga jawaabay su'aalaheedii oo dhan, oo wax Sulaymaan ka qarsoonaa oo uusan u sheegin ma jirin. 3 Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan iyo gurigii uu dhisay, 4 iyo cuntadii miiskiisa, iyo fadhigii addoommadiisa, iyo hawshii adeegayaashiisa iyo dharkoodii, iyo kuwiisii cabniinka siin jiray iyo dharkoodii, iyo wixii uu guriga Rabbiga ku fuuli jiray, naf dambe iyadii kuma hadhin. 5 Markaasay boqorkii ku tidhi, Warkii aan dalkaygii ku maqlay ee ku saabsanaa falimahaaga iyo xigmaddaada run buu ahaa. 6 Habase yeeshee erayadoodii ma aan rumaysan jeeraan imid oo ay indhahaygu arkeen, oo weliba xigmaddaada weynaanteedii badhna la iima sheegin, haddaba waad ka sii weyn tahay warkii aan maqlay. 7 Waxaa faraxsan raggaaga oo waxaa faraxsan addoommadaadan had iyo goorba hortaada taagan oo xigmaddaadana maqla. 8 Waxaa mahad leh Rabbiga Ilaahaaga ah oo kugu farxay inuu kugu fadhiisiyo carshigiisa inaad boqor ahaatid Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis. Ilaahaagu wuu jeclaaday reer binu Israa'iil inuu xoogeeyo weligood, oo sidaas aawadeed ayuu kaaga dhigay boqor iyaga u taliya inaad samaysid xukun iyo caddaalad. 9 Markaasay boqorkii siisay boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah, iyo uunsi faro badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo boqoraddii Shebaa uunsigii ay Boqor Sulaymaan siisay oo kale ma jirin. 10 Oo Xuuraam addoommadiisii iyo Sulaymaan addoommadiisii oo Oofir dahab ka keenay, waxay kaloo keeneen geedo almuug ah iyo dhagaxyo qaali ah. 11 Oo boqorkiina geedihii almuugga ahaa ayuu gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorkaba uga dhigay jaranjarooyin, oo wuxuu kaloo nimankii gabayaaga ahaa uga sameeyey kataarado iyo shareerado, oo waxaasoo kalena hore looguma arag dalka Yahuudah. 12 Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, iyo weliba wax ka sii badan wixii ay boqorka u keentay. Markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyada iyo addoommadeediiba.
  • Mat 6:28-30 : 28 ¶ Maxaad dharka ugu welweshaan? Fiiriya ubaxyada duurka siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan. 29 Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtigii ammaantiisa oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood. 30 Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysadyarayaalow?
  • Luuk 12:24 : 24 Tukayaasha fiiriya, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, mana haystaan maqsin ama meel ay wax ku urursadaan, oo Ilaah baa cunto siiya. Intee baad ka roon tihiin shimbirraha!
  • Yac 1:10-11 : 10 kii taajir ahuna ha ku faano hoosaysiintiisa, waayo, wuxuu u idlaan doonaa sida ubaxa cawska. 11 Qorraxdu waxay la soo baxdaa kulaylka, wayna engejisaa cawska, oo ubaxiisuna wuu daataa, quruxda midabkiisuna way ka luntaa; sidaas oo kale ayaa taajirku ugu lumi doonaa socodkiisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 6:25-34
    10 aayado
    91%

    25Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, iyo waxaad cabbi doontaan, jidhkiinnana ha ugu welwelina waxaad u huwan doontaan. Naftu miyaanay ka roonayn cuntada, jidhkuna miyaanu ka roonayn dharka?

    26Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya. Idinku miyaydnaan ka roonayn?

    27Midkiinnee intuu welwelo dhererkiisa dhudhun ku dari kara?

    28¶ Maxaad dharka ugu welweshaan? Fiiriya ubaxyada duurka siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan.

    29Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtigii ammaantiisa oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood.

    30Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysadyarayaalow?

    31Sidaa darteed ha ku welwelina, idinkoo leh, Maxaannu cunaynaa? ama, Maxaannu cabbaynaa? ama, Maxaannu huwanaynaa?

    32Waayo, quruumuhu waxaas oo dhan ayay doondoonaan. Aabbihiinna jannada ku jiraa waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin.

    33Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa.

    34Sidaa darteed berrito ha ka welwelina, waayo, berrito iyadaa isu welwelaysa. Maalinta sharkeedu waa ku filan yahay.

  • 84%

    28Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysad yarayaalow?

    29Ha doondoonina waxaad cuntaan iyo waxaad cabtaan, oo ha shakiyina,

    30waayo, quruumaha dunidu waxaas oo dhan ayay doondoonaan; laakiin Aabbihiin waa og yahay inaad waxaas u baahan tihiin.

    31Laakiin doondoona boqortooyadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydiinku dari doonaa.

    32Ha baqina, idoyahow yari, waayo, Aabbihiin waxaa ka farxiya inuu boqortooyada idin siiyo.

    33Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabbi'in.

  • 81%

    21Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.

    22¶ Markaasuu xertiisii ku yidhi, Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, jidhkiinnana waxaad huwin doontaan.

    23Waayo, naftu waa ka roon tahay cuntada, jidhkuna waa ka roon yahay dharka.

    24Tukayaasha fiiriya, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, mana haystaan maqsin ama meel ay wax ku urursadaan, oo Ilaah baa cunto siiya. Intee baad ka roon tihiin shimbirraha!

    25Midkiinee intuu welwelo, dhererkiisa dhudhun ku dari kara?

    26Haddaba haddii aanad samayn karin xataa waxa u yar, maxaad ugu welweshaan intii kale?

  • Yac 1:10-11
    2 aayado
    70%

    10kii taajir ahuna ha ku faano hoosaysiintiisa, waayo, wuxuu u idlaan doonaa sida ubaxa cawska.

    11Qorraxdu waxay la soo baxdaa kulaylka, wayna engejisaa cawska, oo ubaxiisuna wuu daataa, quruxda midabkiisuna way ka luntaa; sidaas oo kale ayaa taajirku ugu lumi doonaa socodkiisa.

  • Luuk 12:6-7
    2 aayado
    69%

    6Shan shimbirrood miyaan laba beesadood lagu iibin? Oo midna lagama illaawin Ilaah hortiisa.

    7Laakiin timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin. Ha baqina; waad ka qiima badan tihiin shimbirro badan.

  • 69%

    15Wuxuu iyaga ku yidhi, Fiiriya oo iska ilaaliya damacnimada oo dhan, waayo, qof goortuu maal badnaado, noloshiisu kama timaado maalkuu leeyahay.

    16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

    17Kolkaasuu isla tashaday isagoo leh, Maxaan sameeyaa, waayo, ma haysto meel aan ku ururiyo wixii ii baxay?

    18Markaasuu yidhi, Sidan ayaan samayn doonaa. Maqsinnadaydii ayaan dumin doonaa oo kuwa ka waaweyn ayaan dhisan doonaa; halkaasna ayaan ku urursan doonaa sarreenkayga iyo alaabtayda oo dhan,

  • 25Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka wanaagsan qaba oo hodan ku nool waxay joogaan guryaha boqorrada.

  • 25Cawska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda, Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa.

  • 7Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin, Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.

  • Mat 10:29-31
    3 aayado
    68%

    29Laba shimbirrood miyaan beesad lagu iibin? Middoodna dhulka ku dhici mayso amarka Aabbihiin la'aantiis.

    30Timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin.

    31Sidaa darteed ha baqina, waad ka qiima badan tihiin shimbirro badan.

  • 24Waayo, Wax kasta oo jiidh lahu waa sida caws oo kale, Oo quruxdiisa oo dhammuna waa sida ubaxa duurka oo kale, Haddaba cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa;

  • 8Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka jilicsan qaba waxay joogaan guryaha boqorrada.

  • Mat 13:31-32
    2 aayado
    67%

    31¶ Masaal kale ayuu u saaray oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay iniin khardal, tan uu nin qaaday oo beertiisa ku beeray.

    32Taas waa ka wada yar tahay iniinaha oo dhan, laakiin goortay weynaato, way ka weyn tahay dhalatada oo dhan, oo waxay noqotaa geed dheer si ay shimbirraha cirku u yimaadaan oo laamaheeda ugu degaan.

  • 19¶ Maal ha ku urursanina dhulka, meesha aboorka iyo miridhku ku baabbi'iyaan, iyo meesha tuugaggu jebiyaan oo ka xadaan,

  • 2Aad iyo aad buu u magooli doonaa, oo xataa wuxuu ku rayrayn doonaa farxad iyo gabay, oo waxaa la siin doonaa ammaantii Lubnaan iyo haybaddii Karmel iyo Shaaroon. Waxaa la arki doonaa ammaanta Rabbiga iyo haybadda Ilaaheenna.

  • 3Isqurxintiinnu yaanay ahaan tan dibadda ah, oo ah timo tidcan, iyo dahab layska lulo, amase dhar la xidho,

  • 15Laakiinse dadka cimrigiisu waa sida doog oo kale, Sida ubaxa berrinka ayuu u barwaaqoobaa.

  • Mark 4:31-32
    2 aayado
    66%

    31Wuxuu yahay sida iniin khardal oo kale, tan goortii dhulka lagu beero waa ka wada yar tahay iniinaha dhulka ku jira oo dhan.

    32Laakiin goortii la beero way baxdaa oo ka weynaataa dhalatada oo dhan, oo ay laamo waaweyn bixisaa si ay shimbirraha cirku hooskeeda ugu degaan.

  • 11Gabdhaha reer Siyoonow, bal baxa, oo Boqor Sulaymaan eega, Isagoo qaba taajkii hooyadiis madaxa u saartay maalintii arooskiisa, Iyo maalintii qalbigiisu faraxsanaa.

  • 14kuwiinnan aan garanaynin waxa berri dhici doona. Noloshiinnu waa maxay? Waayo, idinku waxaad tihiin ceeryaamo, tan wakhti yar muuqata dabadeedna libidha.

  • 27Isagu waa hurdaa, waana kacaa maalin iyo habeenba, oo abuurku waa baxaa oo weynaadaa, laakiin si ay tahay isagu garan maayo.

  • 14Kuwii qodxanta ku dhex dhacayna waa kuwan maqla oo intay socdaan waxaa ceejiya welwelidda iyo hodantinimada iyo farxadda ifkan, midho bisilna ma dhalaan.