Luukos 12:53

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waa kala soocmayaan, aabbe wiil ka gees ah iyo wiil aabbe ka gees ah, hooyo gabadh ka gees ah iyo gabadh hooyadeed ka gees ah, soddoh afadii wiilkeeda ka gees ah iyo afadii wiilkii soddohdeed ka gees ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Miik 7:6 : 6 Waayo, wiil wuxuu sharafjebiyaa aabbihiis, gabadhuna waxay ku kacdaa hooyadeed, oo naaguna waxay ku kacdaa soddohdeed, oo nin cadowgiisuna waa dadka gurigiisa.
  • Sak 13:2-6 : 2 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxay wakhtigaas noqon doontaa inaan dalka dhexdiisa ka wada baabbi'iyo magacyada sanamyada, oo mar dambena iyaga lama soo xusuusan doono, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa inay nebiyada beenta ah iyo ruuxa wasakhda ahuba dalka ka dhex baxaan. 3 Oo markii mid wax sii sheego, aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga ku yidhaahdaan, Waa inaadan sii noolaan, waayo, been baad magaca Rabbiga ku sheegtaa. Oo aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga wareemaan intuu wax sii sheegayo. 4 Oo wakhtigaas nebiyada midkood kastaaba wuu ku ceeboobi doonaa riyadiisii markuu wax sii sheegayo, mana ay xidhan doonaan dhar dhogor badan oo ay wax ku khiyaanaan. 5 Laakiinse wuxuu odhan doonaa, Anigu nebi ma ahi, ee waxaan ahay dhulbeerte, waayo, tan iyo yaraantaydii baa lay addoonsanayay. 6 Oo waxaa lagu odhan doonaa, Waa maxay nabrahan gacmahaaga ku yaalla? Oo isna wuxuu ugu jawaabi doonaa, Waa kuwii laygu dhaawacay anigoo guriga saaxiibbaday jooga.
  • Mat 10:21-22 : 21 Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiisa, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan oo dhimashay gaadhsiin doonaan. 22 Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta, kaasaa badbaadi doona.
  • Mat 24:10 : 10 Maarkaas qaar badan ayaa xumaan doona, midba mid buu gacangelin doonaa, wayna isnebcaan doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 90%

    51Miyaad u malaynaysaan inaan u imid inaan nabad dhulka siiyo? Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiinse kalasoocid.

    52Waayo, intii haddeer ka dambaysa waxaa guri ku jiri doona shan kala soocan, saddex laba ka gees ah iyo laba saddex ka gees ah.

  • Mat 10:34-37
    4 aayado
    84%

    34¶ Ha u malaynina inaan u imid inaan nabad dhulka u keeno; uma aan iman inaan nabad keeno, laakiin inaan seef keeno.

    35Waxaanse u imid inaan nin cadow kaga dhigo aabbihiis, gabadhna hooyadeed, naagna soddohdeed.

    36Nin cadowgiisu waa dadka gurigiisa.

    37Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wiilkiisa iyo gabadhdiisa iga jecel, ima istaahilo.

  • 6Waayo, wiil wuxuu sharafjebiyaa aabbihiis, gabadhuna waxay ku kacdaa hooyadeed, oo naaguna waxay ku kacdaa soddohdeed, oo nin cadowgiisuna waa dadka gurigiisa.

  • 81%

    12Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiis, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan, oo dhimasho ay gaadhsiin doonaan.

    13Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta kaasaa badbaadi doona.

  • 21Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiisa, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan oo dhimashay gaadhsiin doonaan.

  • 54¶ Weliba wuxuu dadkii badnaa ku yidhi, Goortaad aragtaan daruur gabbaldhac ka soo baxaysa, kolkiiba waxaad tidhaahdaan, Roob baa soo socda, oo sidaasuu noqdaa.

  • 73%

    25¶ Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi,

    26Haddii qof ii yimaado oo aanu nicin aabbihiis iyo hooyadiis iyo afadiisa iyo carruurtiisa iyo walaalihiis, xataa naftiisana xer iima ahaan karo.

  • Mat 12:25-26
    2 aayado
    72%

    25Laakiin isagoo garanaya fikirradooda ayuu ku yidhi, Boqortooyo walba oo kala qaybsantaa, cid la' bay noqotaa, oo magaalo walba iyo guri walba oo kala qaysamaa, ma taagnaan doonaan.

    26Haddii Shayddaan Shayddaan saaro, waa kala qaybsamaa. Haddaba boqortooyadiisu sidee bay u taagnaan doontaa?

  • Mat 12:48-50
    3 aayado
    72%

    48Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi kii u sheegay, Yaa hooyaday ah oo yaa walaalahay ah?

    49Gacantiisa ayuu xertiisa ku taagay oo yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay!

    50Waayo, ku alla kii yeela doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday ah.

  • Mark 3:24-25
    2 aayado
    72%

    24Haddii boqortooyo kala qaybsanto, boqortooyadaasu ma taagnaan karto.

    25Haddii gurina kala qaybsamo, gurigaasu ma taagnaan kari doono.

  • 72%

    56Oo naagta jilicsan, oo idinku dhex jirta oo qabow ku noolaan jirtay oo aan u quudhin inay cagteeda cad dhulka dhigto nolosheedii qaboobayd oo jilicsanayd aawadeed, waxay il shar ah ku dayi doontaa ninkeeda laabta kaga jiifa, iyo wiilkeeda iyo gabadheeda.

    57Wayna ka qarsan doontaa mandheerta ka soo dhex baxdo labadeeda lugood, iyo carruurteeda ay dhasho, waayo, qarsoodi bay iyaga u cuni doontaa iyadoo wax kasta u baahan, intay ku jirto hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan.

  • 10Markaasuu ku yidhi, Quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo.

  • 71%

    16Laakiin idinka waxaa idin gacangelin doona waalidkiinna, iyo walaalahiinna, iyo xigaalkiinna, iyo saaxiibbadiinna, qaarkiinnana waa la dili doonaa.

    17Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona.

  • 10Maarkaas qaar badan ayaa xumaan doona, midba mid buu gacangelin doonaa, wayna isnebcaan doonaan.

  • 17Laakiin isagoo garanaya fikirradooda ayuu ku yidhi, Boqortooyo walba oo kala qaybsantaa, cidla' bay noqotaa, guri guri ka qaybsamaana waa dumaa.

  • 8Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro. Waxanu waa bilowga hoogagga.

  • 6Oo isagu aabbayaasha qalbigooda ayuu u soo jeedin doonaa carruurta xaggooda, oo carruurta qalbigoodana wuu u soo jeedin doonaa aabbayaasha xaggooda, si aanan u iman oo dhulka inkaar ugu dhufan.

  • 12Oo dalkuna waa wada barooran doonaa, qoys kastaba gooni ahaantiisa, qoyska reer Daa'uud gooni ahaantiis, naagahooduna gooni ahaantood, qoyska reer Naataanna gooni ahaantiis, naagahooduna gooni ahaantood,

  • 14Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Midba mid kalaan ku garaaci doonaa, xataa aabbayaasha iyo wiilashoodaba. Oo innaba uma aan nixi doono, umana aan tudhi doono, umana aan naxariisan doono, waanan wada baabbi'in doonaa.

  • Yex 16:44-45
    2 aayado
    69%

    44¶ Bal ogow, mid kasta oo maahmaahyo ku maahmaahaaba wuxuu kuugu maahmaahi doonaa maahmaahyadan isagoo leh, Sida ay hooyadu tahay ayaa gabadheeduna tahay.

    45Waxaad tahay gabadhii hooyadaa oo ninkeeda iyo carruurteedaba nacda, oo weliba waxaad tahay walaashii walaalahaa oo nimankoodii iyo carruurtoodiiba nacay. Hooyadaa waxay ahayd reer Xeed, oo aabbahaana wuxuu ahaa reer Amor.

  • 30Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa.

  • 54Ninka idinku dhex jira oo idiinku jilicsan, oo qabow ku noolaan jiray, wuxuu il shar ah ku dayi doonaa walaalkiis, iyo naagtiisa laabta kaga jiifta, iyo kuwa carruurtiisa ka hadhay,

  • 35si ay qalbiyo badan fikirradoodu u muuqan doonaan. Adigana seef baa naftaada ka mudhbixi doonta.

  • 11Waxaa jira farcan aabbahood inkaara, Oo aan hooyadoodna u ducayn.

  • 5Oo dadkana midkood kastaba waxaa dulmi doona mid kale, oo mid kastaba waxaa dulmi doona deriskiisa, yarku wuxuu ku kibri doonaa odayga, oo kan hoosena kan sharafta leh.

  • 23Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa.

  • 3Oo markii mid wax sii sheego, aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga ku yidhaahdaan, Waa inaadan sii noolaan, waayo, been baad magaca Rabbiga ku sheegtaa. Oo aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga wareemaan intuu wax sii sheegayo.

  • 12idinku uma daysaan mar dambe inuu aabbihii iyo hooyadii wax u sameeyo.

  • 29Oo mid walba oo ka tegey guryo, ama walaalo, ama aabbe, ama hooyo, ama carruur, ama beero, magacayga aawadiis, wuxuu heli doonaa boqol laab, oo wuxuu dhaxli doonaa nolosha weligeed ah.

  • 7Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona abaaro iyo dhulgariir.

  • 10Sidaas daraaddeed aabbayaashu dhexdaaday wiilashooda ku cuni doonaan, oo wiilashuna aabbayaashood bay cuni doonaan, oo dhexdaadaan xukummo ku samayn doonaa, oo kuwaaga hadhay oo dhanna waxaan u kala firdhin doonaa dabaylaha oo dhan.

  • 6Oo anoo addoontaadii ahuna waxaan lahaa laba wiil, oo labadoodii ayaa ku diriray duurka, oo wax kala qabtaana lama jirin; markaasaa midkood kii kale wax ku dhuftay, wuuna dilay.

  • 42Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 4Waayo, isagu wuxuu wiilkiinna ka leexin doonaa aniga lasocodkayga inay iyagu u adeegaan ilaahyo kale, sidaas daraaddeed Rabbiga cadhadiisu aad bay idiinku kululaan doontaa, markaasuu haddiiba idin baabbi'in doonaa.

  • 35Ku alla kii yeela doonistii Ilaah kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday.

  • 18¶ Haddii nin leeyahay wiil madax adag oo caasi ah oo aan addeecin hadalka aabbihiis ama hadalka hooyadiis, oo in kastoo ay edbiyaan aan iyaga dhegaysan innaba,

  • 23Kii i neceb, waxaa kaluu neceb yahay Aabbahay.