Luukos 12:52

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, intii haddeer ka dambaysa waxaa guri ku jiri doona shan kala soocan, saddex laba ka gees ah iyo laba saddex ka gees ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 14:1-4 : 1 ¶ Waxaa Ikoniyon ka dhacday inay wada galeen sunagogga Yuhuudda, oo siday u hadleen aawadeed dad badan oo Yuhuud iyo Gariigba ah ayaa rumaystay. 2 Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii. 3 Haddaba wakhti dheer ayay halkaas joogeen iyagoo geesinimo ugu hadlaya Rabbiga, kaasoo markhaati u furay ereyga nimcadiisa, wuxuuna siiyey inay calaamooyin iyo yaabab gacmahooda ku sameeyaan. 4 Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii.
  • Fal 28:24 : 24 Oo qaar baa rumaystay waxyaalihii lagu hadlay, qaar kalena way rumaysan waayeen.
  • Sab 41:9 : 9 Xataa saaxiibkaygii aan isku halleeyey, oo kibistaydii cunay, Ayaa cedhibtiisa ii qaaday.
  • Miik 7:5-6 : 5 Deris ha isku hallaynina, saaxiibna ha ku kalsoonaanina, afkaagana ka xidho tan laabtaada ku jiifta. 6 Waayo, wiil wuxuu sharafjebiyaa aabbihiis, gabadhuna waxay ku kacdaa hooyadeed, oo naaguna waxay ku kacdaa soddohdeed, oo nin cadowgiisuna waa dadka gurigiisa.
  • Yoox 7:41-43 : 41 Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Kanu waa Masiixii. Qaarse waxay yidhaahdeen, Laakiin Masiixii ma wuxuu ka imanayaa Galili? 42 Qorniinku miyaanu odhan, Masiixu wuxuu ka iman doonaa farcanka Daa'uud iyo tuuladii Beytlaxam oo Daa'uud joogay? 43 Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa kala qaybsamay aawadiis.
  • Yoox 9:16 : 16 Sidaa aawadeed Farrisiinta qaarkood waxay yidhaahdeen, Ninkan xaggii Ilaah kama iman, waayo, sabtida ma dhawro. Qaar kalese waxay yidhaahdeen, Sidee baa nin dembi leh calaamooyinkan oo kale u samayn karaa? Markaasay kala qaybsameen dhexdoodii.
  • Yoox 10:19-21 : 19 ¶ Yuhuuddu haddana way kala qaybsameen hadalladaas aawadood. 20 Badidood waxay yidhaahdeen, Jinni buu qabaa, wuuna waalan yahay, ee maxaad u maqlaysaan? 21 Qaar kale waxay yidhaahdeen, Hadalladaasu ma aha kuwa nin jinni qaba. Jinni miyuu indhaha u furi karaa nin indha la'?
  • Yoox 15:18-21 : 18 ¶ Dunidu hadday idin nebcaato, waad garanaysaan inay hortiin i nebcaatay. 19 Haddaad kuwa dunida ahaan lahaydeen, dunidu kuweeda way jeclaan lahayd, laakiin kuwa dunida ma ihidin, waanse idinka doortay dunida, taas aawadeed dunidu way idin neceb tahay. 20 Xusuusta hadalkaan idinku idhi, Addoon kama weyna sayidkiisa. Hadday i silciyeen, idinkana way idin silcin doonaan. Hadday hadalkayga xajiyeen, kiinnana way xajin doonaan. 21 Laakiin waxyaalahaas oo dhan waxay idiinku samayn doonaan magacayga aawadii, maxaa yeelay, waxaanay garanayn kii i soo diray.
  • Yoox 16:2 : 2 Waxay idinka saari doonaan sunagogyada, weliba saacaddaa imanaysa in mid walboo idin dilaa uu u malaynayo inuu Ilaah u adeegayo.
  • Fal 13:43-46 : 43 Haddaba markii sunagogga laga tegey, kuwa badan oo Yuhuud ah iyo kuwa cibaadaysan oo Yuhuudda raacsan ayaa waxay raaceen Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo la hadlayay iyaga oo ku adkeeyey inay nimcada Ilaah ku sii wadaan. 44 ¶ Sabtida dambe ayaa magaaladii oo dhan in yar mooyaane isugu timid inay maqasho ereyga Ilaah. 45 Laakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen. 46 Haddaba Bawlos iyo Barnabas ayaa geesinimo ku hadlay iyagoo leh, Waxay ahayd lagama maarmaan in ereyga Ilaah markii hore idinka laydinkula hadlo. Laakiin idinku waad diiddeen, oo waxaad isku xukunteen sidii kuwo aan istaahilin nolosha weligeed ah, oo bal eega, sidaas aawadeed waxaannu u jeesanaynaa dadka aan Yuhuudda ahayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 90%

    53Waa kala soocmayaan, aabbe wiil ka gees ah iyo wiil aabbe ka gees ah, hooyo gabadh ka gees ah iyo gabadh hooyadeed ka gees ah, soddoh afadii wiilkeeda ka gees ah iyo afadii wiilkii soddohdeed ka gees ah.

    54¶ Weliba wuxuu dadkii badnaa ku yidhi, Goortaad aragtaan daruur gabbaldhac ka soo baxaysa, kolkiiba waxaad tidhaahdaan, Roob baa soo socda, oo sidaasuu noqdaa.

  • 51Miyaad u malaynaysaan inaan u imid inaan nabad dhulka siiyo? Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiinse kalasoocid.

  • Mat 10:34-37
    4 aayado
    82%

    34¶ Ha u malaynina inaan u imid inaan nabad dhulka u keeno; uma aan iman inaan nabad keeno, laakiin inaan seef keeno.

    35Waxaanse u imid inaan nin cadow kaga dhigo aabbihiis, gabadhna hooyadeed, naagna soddohdeed.

    36Nin cadowgiisu waa dadka gurigiisa.

    37Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wiilkiisa iyo gabadhdiisa iga jecel, ima istaahilo.

  • 76%

    12Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiis, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan, oo dhimasho ay gaadhsiin doonaan.

    13Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta kaasaa badbaadi doona.

  • Mark 3:24-26
    3 aayado
    75%

    24Haddii boqortooyo kala qaybsanto, boqortooyadaasu ma taagnaan karto.

    25Haddii gurina kala qaybsamo, gurigaasu ma taagnaan kari doono.

    26Haddii Shayddaanna isku kaco oo qaybsamo, ma taagnaan karo. Laakiin wuxuu leeyahay dhammaansho.

  • Mat 12:25-26
    2 aayado
    75%

    25Laakiin isagoo garanaya fikirradooda ayuu ku yidhi, Boqortooyo walba oo kala qaybsantaa, cid la' bay noqotaa, oo magaalo walba iyo guri walba oo kala qaysamaa, ma taagnaan doonaan.

    26Haddii Shayddaan Shayddaan saaro, waa kala qaybsamaa. Haddaba boqortooyadiisu sidee bay u taagnaan doontaa?

  • 6Waayo, wiil wuxuu sharafjebiyaa aabbihiis, gabadhuna waxay ku kacdaa hooyadeed, oo naaguna waxay ku kacdaa soddohdeed, oo nin cadowgiisuna waa dadka gurigiisa.

  • 21Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiisa, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan oo dhimashay gaadhsiin doonaan.

  • 72%

    17Laakiin isagoo garanaya fikirradooda ayuu ku yidhi, Boqortooyo walba oo kala qaybsantaa, cidla' bay noqotaa, guri guri ka qaybsamaana waa dumaa.

    18Shayddaankuna hadduu kala qaybsamo, boqortooyadiisu sidee bay u taagnaan doontaa? Waayo, waxaad tidhaahdaan, Waxaad jinniyo ku saartaa Be'elsebul.

  • Luuk 2:34-35
    2 aayado
    71%

    34Simecoon ayaa iyaga u duceeyey, wuxuuna hooyadiis Maryan ku yidhi, Ogow, wiilkan waxaa loo dhigay dhicidda iyo kicidda kuwa badan oo Israa'iil ku jira, iyo calaamo ka gees ahaan lagaga hadlo,

    35si ay qalbiyo badan fikirradoodu u muuqan doonaan. Adigana seef baa naftaada ka mudhbixi doonta.

  • 70%

    25¶ Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi,

    26Haddii qof ii yimaado oo aanu nicin aabbihiis iyo hooyadiis iyo afadiisa iyo carruurtiisa iyo walaalihiis, xataa naftiisana xer iima ahaan karo.

  • Mat 12:48-50
    3 aayado
    70%

    48Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi kii u sheegay, Yaa hooyaday ah oo yaa walaalahay ah?

    49Gacantiisa ayuu xertiisa ku taagay oo yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay!

    50Waayo, ku alla kii yeela doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday ah.

  • 30Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa.

  • 10Markaasuu ku yidhi, Quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo.

  • 68%

    16Laakiin idinka waxaa idin gacangelin doona waalidkiinna, iyo walaalahiinna, iyo xigaalkiinna, iyo saaxiibbadiinna, qaarkiinnana waa la dili doonaa.

    17Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona.

  • 10Maarkaas qaar badan ayaa xumaan doona, midba mid buu gacangelin doonaa, wayna isnebcaan doonaan.

  • 23Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa.

  • 12Oo dalkuna waa wada barooran doonaa, qoys kastaba gooni ahaantiisa, qoyska reer Daa'uud gooni ahaantiis, naagahooduna gooni ahaantood, qoyska reer Naataanna gooni ahaantiis, naagahooduna gooni ahaantood,

  • 8Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro. Waxanu waa bilowga hoogagga.

  • 56Oo naagta jilicsan, oo idinku dhex jirta oo qabow ku noolaan jirtay oo aan u quudhin inay cagteeda cad dhulka dhigto nolosheedii qaboobayd oo jilicsanayd aawadeed, waxay il shar ah ku dayi doontaa ninkeeda laabta kaga jiifa, iyo wiilkeeda iyo gabadheeda.

  • 29Oo mid walba oo ka tegey guryo, ama walaalo, ama aabbe, ama hooyo, ama carruur, ama beero, magacayga aawadiis, wuxuu heli doonaa boqol laab, oo wuxuu dhaxli doonaa nolosha weligeed ah.

  • 12Oo hadduu nin ka adkaado mid keligiis ah kolley laba way hor joogsan doonaan. Xadhig saddex qaybood laysugu soohay dhaqso uma kala go'o.

  • Mat 19:5-6
    2 aayado
    66%

    5oo wuxuu yidhi, Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh?

    6Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh. Haddaba wixii Ilaah isku xidhay, ninna yaanu kala furin.

  • 42Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 50oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 66%

    29Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Ma jiro nin aawaday iyo injiilka aawadiis uga tegey guri, ama walaalo, ama hooyo, ama aabbe, ama carruur, ama beero,

    30oo aan haatan oo la joogo helayn boqol laab guryo ah, iyo walaalo, iyo hooyooyin, iyo carruur, iyo beero, wuxuuna la heli doonaa silec, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.

  • 11¶ Wuxuuna yidhi, Nin baa laba wiil lahaa.

  • 19¶ Yuhuuddu haddana way kala qaybsameen hadalladaas aawadood.

  • 29Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur,

  • 12laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.

  • 32Oo waxaad arki doontaa dhibaatada rugtayda markii Ilaah reer binu Israa'iil maal siiyo, oo reerkaaguna nin da' weyn ma yeelan doono weligiisba.

  • 43Waayo, maalmuhu way kuu iman doonaan markii cadowyadaadu ay xaggaaga dhufays u soo qodan doonaan, oo ay kugu wareegi doonaan oo ay dhinac walba kaa celin doonaan.

  • 13¶ Oo mid dadka ka mid ah ayaa ku yidhi, Macallimow, walaalkay u sheeg inuu dhaxalka ila qaybsado.

  • 45Markaasuu tagaa oo wuxuu wataa toddoba jinni oo kale oo ka xunxun isaga, wayna galaan oo halkaas joogaan. Ninkaas wakhtigiisa dambe ayaa ka darnaada wakhtiga hore. Sidaasay u noqon doontaa qarnigan sharka leh.