Luukos 13:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Goortuu waxaas yidhi cadaawayaashiisii oo dhan way wada ceeboobeen, dadkii oo dhanna ayaa ku reyreeyey wax walba oo ammaanta lahaa oo uu falay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 132:18 : 18 Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb, Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.
  • 1 But 3:16 : 16 idinkoo qalbi wanaagsan leh, in markii wax xun laydinka sheego, ay ceeboobaan kuwa caaya dabiicaddiinna wanaagsan ee xagga Masiixa ah.
  • Bax 15:11 : 11 Rabbiyow, adiga bal yaa kula mid ah ilaahyada dhexdooda? Bal yaa adiga kula mid ah oo quduusnimada ammaan ku leh, Oo ammaantiisa laga cabsadaa, oo cajaa'ibyo sameeya?
  • Sab 40:14 : 14 Kuwa doonaya inay naftayda halligaan ha ceeboobeen, Oo dhammaantood ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxana Dib ha loo celiyo, oo sharafdarro ha ku soo degto.
  • Sab 109:29 : 29 Cadaawayaashaydu sharafdarro ha xidheen, Oo ceebtooda ha u huwadeen sida go' oo kale.
  • Sab 111:3 : 3 Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad, Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.
  • Ish 4:2 : 2 ¶ Oo maalintaas ayaa biqilka Rabbigu noqon doonaa wax qurux iyo ammaan badan, oo midhaha dhulkuna waxay kuwa reer binu Israa'iil oo baxsaday u noqon doonaan wax lagu faano oo quruxsan.
  • Ish 45:24 : 24 Waxaa laygu odhan doonaa, Rabbiga uun ayaa xaqnimo iyo xoogba leh. Isagaa loo iman doonaa, oo kuwii isaga u cadhaysnaa oo dhammuna way wada ceeboobi doonaan.
  • Luuk 14:6 : 6 Wayna uga jawaabi kari waayeen waxyaalahaas.
  • Luuk 18:43 : 43 Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.
  • Luuk 19:37-40 : 37 Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood, 38 iyagoo leh, Waxaa barakaysan Boqorka Rabbiga magiciisa ku imanaya. Nabadi jannada ha ku jirto, ammaantuna meelaha ugu sarreeya. 39 Farrisiintii qaarkood oo dadkii badnaa ku dhex jiray ayaa ku yidhi, Macallimow, xertaada canaano. 40 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Kuwani hadday aamusaan, dhagaxyada ayaa qaylin doona.
  • Luuk 19:48 : 48 oo ay waayeen waxay ku sameeyaan, waayo, dadka oo dhan ayaa aad u dhegaysanayay.
  • Luuk 20:40 : 40 Kol dambe kuma ay dhicin inay wax weyddiiyaan.
  • Yoox 12:17-18 : 17 Haddaba waxaa marag furay dadkii badnaa ee la joogay markuu Laasaros xabaasha uga yeedhay oo uu kuwa dhintay ka soo sara kiciyey. 18 Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa u kaceen inay ka hor tagaan, waayo, waxay maqleen inuu calaamadaas sameeyey.
  • Fal 3:9-9 : 9 Dadkii oo dhammuna waxay arkeen isagoo socda oo Ilaah ammaanaya; 10 markaasay waxay garteen inuu isagu yahay kii Albaabkii Quruxda Badnaa agtiisa dawarsiga u fadhiisan jiray; markaasay yaab iyo amankaag ula dhinteen wixii ku dhacay isaga. 11 ¶ Oo intuu Butros iyo Yooxanaa ku dhegganaa ayay dadkii oo dhammu ku soo wada ordeen balbaladii la odhan jiray Balbaladii Sulaymaan iyagoo aad u yaabsan.
  • Fal 4:21 : 21 Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.
  • 2 Tim 3:9 : 9 Laakiinse hore uma socon doonaan, waayo, nacasnimadoodu bayaan bay dadka oo dhan u noqon doontaa sidii ay kuwaas toodiiba u noqotay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 16Oo naagtan oo ina Ibraahim ah oo Shayddaanku siddeed iyo toban sannadood xidhay, miyaanay lahayn in maalinta sabtida ah laga fura xidhmaddaas?

  • Mat 15:30-31
    2 aayado
    72%

    30Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey.

    31Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 71%

    12Ciise goortuu arkay, ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haweentoy, cudurkaaga waad ka furan tahay.

    13Kolkaasuu gacmihiisa saaray, oo kolkiiba way toosnaatay, oo Ilaah bay ammaantay.

    14Kii sunagogga u sarreeyey ayaa cadho ku jawaabay, waayo, Ciise maalintii sabtida ahayd ayuu wax bogsiiyey, wuxuuna dadkii badnaa ku yidhi, Waxaa jira lix maalmood oo dadkii leeyihiin inay shaqeeyaan. Maalmahaas haddaba kaalaya, ha laydin bogsiiye, ee ha imanina maalinta sabtida ah.

  • 43¶ Kulli way ka wada yaabeen Ilaah weynaantiisa.

  • 43Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.

  • Mat 12:22-23
    2 aayado
    70%

    22¶ Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay.

    23Kolkaasaa dadkii badnaa oo dhammu yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn ina Daa'uud?

  • 15Kolkiiba dadkii badnaa markay isaga arkeen aad bay u yaabeen oo ku soo ordeen oo nabdaadiyeen.

  • 15Sunagogyadoodana ayuu wax ku baray, dhammaanna waa la wada ammaanay isaga.

  • 37Aad iyo aad bay ula yaabsanaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Wax walba si wanaagsan ayuu u sameeyey. Kuwa dhegaha la' wax buu maqashiiyaa, kuwa carrabka la'na wax buu ka hadliyaa.

  • 37Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood,

  • 21Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan.

  • 40¶ Markii Ciise noqday ayaa dadkii badnaa farxad ku qaatay, waayo, way wada sugayeen.

  • 69%

    16Markii hore xertiisii waxyaalahaas ma ay garan, laakiin markii Ciise ammaanmay dabadeed ayay xusuusteen in waxyaalahaas xaggiisa laga qoray iyo in waxyaalahaas lagu sameeyey isaga.

    17Haddaba waxaa marag furay dadkii badnaa ee la joogay markuu Laasaros xabaasha uga yeedhay oo uu kuwa dhintay ka soo sara kiciyey.

    18Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa u kaceen inay ka hor tagaan, waayo, waxay maqleen inuu calaamadaas sameeyey.

    19Haddaba Farrisiintii waxay dhexdoodii isku yidhaahdeen, Waad arkaysaan sidaydnaan waxba u taraynin. Eega, dunidii oo dhan baa raacdaye.

  • 8Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.

  • 21Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.

  • 41Waxyaalahaas Isayos ayaa yidhi, maxaa yeelay, ammaantiisuu arkay, wuuna ka hadlay isaga.

  • 10Markaasuu isha wada mariyey, wuxuuna ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Markaasuu yeelay sidaas, gacantiisuna waa bogsatay.

  • 18¶ Haddaba wuxuu yidhi, Boqortooyada Ilaah maxay u eg tahay oo maxaan u ekaysiiyaa?

  • 47Naagtii goortay aragtay inaanay qarsoonaan karin ayay timid iyadoo gariiraysa, oo hortiisay isku ridday, oo u caddaysay dadkii oo dhan hortooda waxay u taabatay iyo siday markiiba u bogsatay.

  • Luuk 5:25-26
    2 aayado
    68%

    25Kolkiiba hortood ayuu kacay, oo qaatay wixii uu ku jiifay, oo gurigiisa tegey, isagoo Ilaah ammaanaya.

    26Markaasay wada yaabeen oo Ilaah ammaaneen, aad bayna u baqeen, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaannu aragnay waxyaalo yaab leh.

  • 19Dadkii badnaa oo dhan waxay doonayeen inay taabtaan isaga, waayo, xoog baa ka soo baxay oo wada bogsiiyey.

  • 37Meel kasta oo dalka ku wareegsan ayaa warka isaga ku saabsan gaadhay.

  • 17¶ Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu wax barayay, oo halkaasna waxaa ag fadhiyey qaar Farrisiinta iyo macallimiintii sharciga ah oo ka yimid magaalo walba oo Galili iyo Yahuudiya iyo Yeruusaalem; xoogga Rabbiguna waa la jiray isaga si uu u bogsiiyo kuwa buka.

  • 26Markaasaa warkaasu dalkaas oo dhan gaadhay.

  • 10¶ Maalin sabti ah sunagogyada midkood ayuu wax ku barayay.

  • 20¶ Intuu kitaabkii duudduubay ayuu midiidinka u dhiibay oo fadhiistay; oo dadkii sunagoggii ku jiray oo dhan ayaa indhaha ku taagay.

  • 15Laakiin weliba warkii isaga ku saabsanaa ayaa sii fiday; o dad aad u badan ayaa u yimid inay maqlaan, iyo in bukaankooda laga bogsiiyo.

  • 4Laakiin way aamuseen. Isaguse, intuu ninkii qabtay, ayuu bogsiiyey, markaasuu sii daayay.

  • 20Kolkaasuu tegey oo bilaabay inuu Dekabolis ku naadiyo waxa weyn oo Ciise u sameeyey, oo dhammaan bay la wada yaabeen.

  • 36Kolkaasaa kuwii arkay waxay iyaga u sheegeen sida jinnoolihii loo bogsiiyey.

  • 11Laakiin dadkii badnaa, goortay ogaadeen, way soo raaceen. Markaasuuna iyaga soo dhoweeyey, oo wuxuu kala hadlay wax ku saabsan boqortooyadii. Ilaah, oo kuwii u baahnaa in la bogsiiyona wuu bogsiiyey.

  • 18Markii wadaaddadii sare iyo culimmadii maqleen, waxay doonayeen si ay u dilaan, waayo, way ka baqeen, maxaa yeelay, dadka oo dhan waxay ka yaabeen waxbariddiisa.

  • 2Waxaana soo raacay dad aad u badan, oo halkaas ayuu ku bogsiiyey iyaga.

  • Mark 1:32-33
    2 aayado
    67%

    32¶ Makhribkii goortay qorraxdii dhacday, waxay u keeneen kuwa buka oo dhan iyo kuwa jinniyo qaba.

    33Markaasaa dadkii magaalada oo dhan albaabka ku soo ururay.

  • 16Goortii makhribkii la gaadhay waxay u keeneen qaar badan oo jinniyo qaba. Eray ayuu jinniyadii ku saaray, kuwii bukay oo dhanna wuu bogsiiyey,

  • 28Markii kuwii sunagogga ku jiray oo dhan waxaas maqleen ayay aad u cadhoodeen.

  • 32Kolkaasuu hareerihiisii ka fiirfiiriyey inuu arko tan waxan samaysay.

  • 45¶ Dadkii oo dhan oo maqlaya, ayuu xertiisii ku yidhi,

  • 15¶ Ciise goortuu ogaaday ayuu halkaas ka tegey, oo waxaa raacay dad badan, dhammaantoodna wuu wada bogsiiyey.

  • 22Kulligood markhaati bay ahaayeen, wayna ka yaabeen hadallada nimcada leh oo afkiisa ka soo baxay, markaasay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn wiilkii Yuusuf?

  • 38iyo siduu Ilaah Ciisaha reer Naasared ku subkay Ruuxa Quduuska ah iyo xoogga. Isagu waa wareegi jiray, wanaagna wuu fali jiray, oo wuxuu bogsiin jiray kuwii Ibliisku caddibay oo dhan; maxaa yeelay, Ilaah baa la jiray isagii.