Luukos 6:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadkii badnaa oo dhan waxay doonayeen inay taabtaan isaga, waayo, xoog baa ka soo baxay oo wada bogsiiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 14:36 : 36 oo waxay ka baryeen inay faraqa maradiisa keliya taabtaan, oo kuwii taabtayna way bogsadeen.
  • Mark 3:10 : 10 Waayo, dad badan ayuu bogsiiyey, sidaa daraaddeed ayay waxay ugu kufeen si ay kuwii cudur qabay oo dhan u taabtaan isaga.
  • Mark 5:30 : 30 Ciise kolkiiba wuxuu iska gartay in xoog ka baxay isagii, oo intuu cidhiidhiga ku soo jeestay ayuu yidhi, Yaa dharkayga taabtay?
  • Mat 9:20-21 : 20 Kolkaas naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay ayaa dhabarkiisa timid oo taabatay maradiisa darafteeda. 21 Waayo, waxay isku tidhi, Haddaan maradiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa.
  • 2 Boq 13:21 : 21 Markii nin la aasayay ayay kuwii aasayay u jeedeen guuto soo socota; markaasay waxay ninkii ku dhex tuureen qabrigii Eliishaa; oo haddiiba ninkii markuu taabtay Eliishaa lafihiisii ayuu soo noolaaday, oo sara joogsaday.
  • Mark 6:56 : 56 Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.
  • Mark 8:22 : 22 ¶ Markaasay yimaadeen Beytsayda. Oo waxay u keeneen nin indha la' oo ay ka baryeen inuu taabto.
  • Luuk 5:17 : 17 ¶ Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu wax barayay, oo halkaasna waxaa ag fadhiyey qaar Farrisiinta iyo macallimiintii sharciga ah oo ka yimid magaalo walba oo Galili iyo Yahuudiya iyo Yeruusaalem; xoogga Rabbiguna waa la jiray isaga si uu u bogsiiyo kuwa buka.
  • Luuk 8:45-46 : 45 Markaasaa Ciise yidhi, Yuu yahay kan i taabtay? Markay wada dafireen, Butros iyo kuwa la jiray waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, dadkii badnaa ayaa ku jiidhaya oo ku cidhiidhinaya. 46 Laakiin Ciise wuxuu yidhi, Qof baa i taabtay, waayo, waxaan gartay in xoog iga baxay.
  • Yoox 3:14-15 : 14 Sidii Muuse abeesadii kor ugu qaaday cidlada, sidaasoo kale Wiilka Aadanaha waa in kor loo qaado, 15 in mid kastoo isaga rumaystaa uu lahaado nolosha weligeed ah.
  • Fal 5:15-16 : 15 xataa waxay noqotay inay kuwii bukay jidadka u soo saareen oo ku jiifiyeen sariiro iyo dermooyin si hooskiisu u dul maro qaarkood, markii Butros uu soo maro. 16 Oo waxaa kaloo ku soo ururay dad badan oo ka yimid magaalooyinkii Yeruusaalem ku wareegsanaa, iyagoo wada dad buka iyo kuwo jinniyo wasakh lahu derdereen; oo kulligood waa la wada bogsiiyey.
  • Fal 19:12 : 12 sidaas aawadeedna waxaa jidhkiisa kuwii bukay looga keenay marooyin yaryar ama macawiso, markaasaa cudurradii iyagii daayeen, jinniyadiina waa ka baxeen.
  • 1 But 2:9 : 9 ¶ Laakiinse idinku waxaad tihiin jinsi la doortay, iyo wadaaddada boqorka, iyo quruun quduus ah, iyo dad Ilaah iska leeyahay, inaad ogeysiisaan wanaagga kan gudcurka idiinka yeedhay oo idiinku yeedhay xagga nuurkiisa yaabka leh.
  • Tir 21:8-9 : 8 Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Abeeso samee, oo tiircalan kor saar, oo mid kasta oo la qaniinoba, markuu arko wuu noolaanayaa. 9 Oo Muuse baa abeeso naxaas ah sameeyey oo wuxuu kor saaray tiirkii calanka, oo haddii abeeso qof qaniinto oo qofku soo eego abeesadii naxaasta ahayd wuu noolaan jiray.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 6:55-56
    2 aayado
    83%

    55Oo waxay orod ku wareegeen dalka u dhow oo dhan oo bilaabeen inay kuwa buka sariiro ugu soo qaadaan meeshii ay ku maqleen inuu joogo.

    56Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.

  • Luuk 6:17-18
    2 aayado
    82%

    17Markaasuu hoos ula degay, oo bannaan ayuu istaagay, isaga iyo qaar badan oo xertiisa ah, iyo dad badan oo Yahuudiya iyo Yeruusaalem iyo xeebaha Turos iyo Siidoon uga yimaadeen inay maqlaan iyo in cudurradooda laga bogsiiyo.

    18Oo kuwo jinniyo wasakh leh derdereenna waa la bogsiiyey.

  • 10Waayo, dad badan ayuu bogsiiyey, sidaa daraaddeed ayay waxay ugu kufeen si ay kuwii cudur qabay oo dhan u taabtaan isaga.

  • Luuk 8:45-47
    3 aayado
    81%

    45Markaasaa Ciise yidhi, Yuu yahay kan i taabtay? Markay wada dafireen, Butros iyo kuwa la jiray waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, dadkii badnaa ayaa ku jiidhaya oo ku cidhiidhinaya.

    46Laakiin Ciise wuxuu yidhi, Qof baa i taabtay, waayo, waxaan gartay in xoog iga baxay.

    47Naagtii goortay aragtay inaanay qarsoonaan karin ayay timid iyadoo gariiraysa, oo hortiisay isku ridday, oo u caddaysay dadkii oo dhan hortooda waxay u taabatay iyo siday markiiba u bogsatay.

  • Mat 14:35-36
    2 aayado
    81%

    35Oo nimankii halkaas degganaa goortay garteen isaga, waxay cid u direen dalkaas ku wareegsan oo dhan, oo waxay u keeneen kuwa buka oo dhan,

    36oo waxay ka baryeen inay faraqa maradiisa keliya taabtaan, oo kuwii taabtayna way bogsadeen.

  • Mark 5:27-31
    5 aayado
    80%

    27Markay Ciise warkiisa maqashay ayay dadkii soo dhex martay oo dhabarkiisa timid, markaasay maradiisa taabatay.

    28Waayo, waxay tidhi, Haddaan dharkiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa.

    29Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay oo waxay jidhkeedii ka garatay inay cudurkii ka bogsatay.

    30Ciise kolkiiba wuxuu iska gartay in xoog ka baxay isagii, oo intuu cidhiidhiga ku soo jeestay ayuu yidhi, Yaa dharkayga taabtay?

    31Xertiisii ayaa ku tidhi, Adigu waad aragtaa dadka badan oo ku cidhiidhinaya. Ma waxaad na leedahay, Yaa i taabtay?

  • 40¶ Markii qorraxdu sii dhacaysay, dadkii oo dhan oo lahaa dad cudurro kala cayncayn ah qabay ayay isaga u keeneen; mid kastaba gacmihiisuu saaray oo bogsiiyey.

  • 2Waxaana soo raacay dad aad u badan, oo halkaas ayuu ku bogsiiyey iyaga.

  • Mat 15:30-31
    2 aayado
    78%

    30Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey.

    31Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 16Goortii makhribkii la gaadhay waxay u keeneen qaar badan oo jinniyo qaba. Eray ayuu jinniyadii ku saaray, kuwii bukay oo dhanna wuu bogsiiyey,

  • 2Dad badanna way raaceen, waayo, waxay arkeen calaamooyinkii uu ku sameeyey kuwii bukay.

  • 11Laakiin dadkii badnaa, goortay ogaadeen, way soo raaceen. Markaasuuna iyaga soo dhoweeyey, oo wuxuu kala hadlay wax ku saabsan boqortooyadii. Ilaah, oo kuwii u baahnaa in la bogsiiyona wuu bogsiiyey.

  • 16Oo waxaa kaloo ku soo ururay dad badan oo ka yimid magaalooyinkii Yeruusaalem ku wareegsanaa, iyagoo wada dad buka iyo kuwo jinniyo wasakh lahu derdereen; oo kulligood waa la wada bogsiiyey.

  • 15Laakiin weliba warkii isaga ku saabsanaa ayaa sii fiday; o dad aad u badan ayaa u yimid inay maqlaan, iyo in bukaankooda laga bogsiiyo.

  • 15¶ Ciise goortuu ogaaday ayuu halkaas ka tegey, oo waxaa raacay dad badan, dhammaantoodna wuu wada bogsiiyey.

  • 8Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.

  • 14Goortuu degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, oo kuwoodii bukay ayuu bogsiiyey.

  • 10Markaasuu isha wada mariyey, wuxuuna ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Markaasuu yeelay sidaas, gacantiisuna waa bogsatay.

  • 21Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan.

  • 13Jinniyo badan ayay saareen, dad badan oo bukayna saliid bay mariyeen, wayna bogsiiyeen.

  • Mat 4:23-25
    3 aayado
    75%

    23¶ Ciise ayaa Galili oo dhan ku wareegay, isagoo sunagogyadooda wax ku baraya oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyaya oo bukaan oo dhan iyo cudur oo dhan bogsiinaya dadka dhexdiisa.

    24Warkiisuna waa gaadhay Suuriya oo dhan, oo waxay u keeneen kuwii bukay oo dhan, oo cudurro kala cayncayn ah iyo silic qabay, iyo kuwo jinni qaba, iyo kuwo suuxdin qaba, iyo kuwa curyaan ah, wuuna bogsiiyey.

    25Waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili iyo Dekabolis iyo Yeruusaalem iyo Yahuudiya iyo Webi Urdun shishadiisa.

  • Mark 1:32-34
    3 aayado
    75%

    32¶ Makhribkii goortay qorraxdii dhacday, waxay u keeneen kuwa buka oo dhan iyo kuwa jinniyo qaba.

    33Markaasaa dadkii magaalada oo dhan albaabka ku soo ururay.

    34Oo wuxuu bogsiiyey dad badan oo cudurro kala cayncayn ah qabay, dadkana jinniyo badan buu ka saaray, oo uma oggolaanin jinniyadu inay hadlaan, waayo, isagay garanayeen.

  • 43¶ Kulli way ka wada yaabeen Ilaah weynaantiisa.

  • 5Meeshaas shuqul xoog leh kuma samayn karin inuu dhawr buka gacmihiisii saaro oo bogsiiyo mooyaane.

  • 17¶ Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu wax barayay, oo halkaasna waxaa ag fadhiyey qaar Farrisiinta iyo macallimiintii sharciga ah oo ka yimid magaalo walba oo Galili iyo Yahuudiya iyo Yeruusaalem; xoogga Rabbiguna waa la jiray isaga si uu u bogsiiyo kuwa buka.

  • 15Kolkiiba dadkii badnaa markay isaga arkeen aad bay u yaabeen oo ku soo ordeen oo nabdaadiyeen.

  • 41Kolkaasaa Ciise u naxariistay, oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay oo ku yidhi, Waa doonayaa ee daahirsanow.

  • 1¶ Markaasuu wuxuu u yeedhay laba-iyo-tobankii xertiisa ahaa oo wuxuu siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan oo ay bugto walba iyo cudur walba ku bogsiiyaan.

  • 13¶ Haddana wuu u baxay badda xeebteeda, oo dadkii oo dhan baa u yimid, wuuna wax baray.

  • 37Meel kasta oo dalka ku wareegsan ayaa warka isaga ku saabsan gaadhay.

  • 13Oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Oo kolkiiba baraskii waa ka baxay.

  • 35¶ Ciise wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayay:

  • 24Markaasaa Ciise raacay, dad faro badanna waa la socday, wayna cidhiidhiyeen.

  • 1¶ Laba-iyo-tobankii ayuu isugu yeedhay, wuxuuna siiyey xoog iyo amar ay jinniyada oo dhan ku saaraan oo ay cudurro ku bogsiiyaan.

  • 6Markaasay baxeen, oo tuulooyinka ayay dhex mareen, iyagoo injiilka ku wacdiyaya oo meel walbaba kuwa buka ku bogsiinaya.

  • 3Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday,