Luukos 5:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Oo kolkiiba baraskii waa ka baxay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 1:3 : 3 Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiin ha ahaado: iftiin baana ahaaday.
  • Bil 1:9 : 9 ¶ Ilaahna wuxuu yidhi, Biyaha samada ka hooseeya meel ha isugu soo urureen, oo ciidda engegani ha muuqato; sidaasayna ahaatay.
  • 2 Boq 5:10 : 10 Oo Eliishaa wargeeyuu u diray oo wuxuu ku yidhi, Tag oo Webi Urdun toddoba jeer ku maydho, oo jiidhkaagu mar kaluu kuu soo noqon doonaa, oo nadiif baad ahaan doontaa.
  • 2 Boq 5:14 : 14 Markaasuu tegey, oo sidii ninkii Ilaah isaga ku yidhi ayuu yeelay, oo Webi Urdun ayuu toddoba jeer liimbaday; oo jiidhkiisiina mar kaluu u soo noqday isagoo u eg ilmo yar jiidhkiis, nadiif buuna noqday.
  • Sab 33:9 : 9 Waayo, isagu wuu hadlay, wayna noqotay, Oo wuu amray, wayna adkaatay.
  • Yex 36:25-27 : 25 Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba. 26 Oo weliba waxaan idin siin doonaa qalbi cusub, oo ruux cusubna waan idin gelin doonaa; jidhkiinnana qalbigii dhagaxa ahaa baan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa qalbi jiidh ah. 27 Oo Ruuxayga ayaan idin dhex gelin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inaad qaynuunnadayda ku socotaan, xukummadaydana waad xajin doontaan, waadna samayn doontaan.
  • Yex 36:29 : 29 Oo weliba wasakhnimadiinna oo dhan waan idinka badbaadin doonaa, oo waxaan idiinku yeedhi doonaa hadhuudh, waanan badin doonaa, oo abaarna idinkuma soo dejin doono.
  • Hos 14:4 : 4 Dibunoqoshadooda waan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u jeclaan doonaa si ikhtiyaar ah, waayo, cadhadaydii way ka noqotay.
  • Mat 9:29-30 : 29 Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto. 30 Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan.
  • Luuk 4:39 : 39 oo intuu isa soo dul taagay ayuu qandhadii canaantay, wayna daysay. Kolkiiba way kacday oo u adeegtay iyagii.
  • Luuk 8:54-55 : 54 Markaasuu dadkii oo dhan dibadda u saaray, oo uu gacanteeda qabtay oo qayliyey isagoo leh, Yartoy, kac. 55 Ruuxeedii ayaa ku soo noqday, oo markiiba way kacday, oo wuxuu amray in cunto la siiyo iyada.
  • Yoox 4:50-53 : 50 Ciise wuxuu ku yidhi, Soco, wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa ninkii rumaystay hadalkii Ciise ku yidhi, wuuna socday. 51 Intuu socday ayaa addoommadiisii ka hor yimaadeen, iyagoo leh, Wiilkaagii waa nool yahay. 52 Markaasuu wuxuu iyagii weyddiiyey saacadduu ladnaaday. Waxay ku yidhaahdeen, Shalayto saacaddii toddobaad ayaa qandhadii daysay. 53 Markaasaa aabbuhu gartay inay saacaddaas ahayd saacaddii Ciise ku yidhi, Wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa isagii qudhiisu rumaystay iyo kuwii gurigiisii joogay oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 8:2-4
    3 aayado
    96%

    2Oo bal eeg, waxaa u yimid nin baras leh oo caabuday, oo ku yidhi, Sayidow, haddaad doonaysid, waad i daahirin kartaa.

    3Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday,

    4oo Ciise ayaa ku yidhi, Iska eeg, oo ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga iska mar, oo wadaadka istus, oo bixi hadiyaddii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

  • Mark 1:40-44
    5 aayado
    92%

    40¶ Markaasaa waxaa u yimid nin baras leh, wuuna jilba joogsaday oo baryay, oo ku yidhi, Haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa.

    41Kolkaasaa Ciise u naxariistay, oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay oo ku yidhi, Waa doonayaa ee daahirsanow.

    42Kolkiiba baraskii waa ka baxay, oo wuu daahirsanaaday.

    43Ciisena aad buu u xukumay, oo markiiba ayuu iska diray,

    44oo ku yidhi, Ninna waxba ha kala hadlin, laakiin tag oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii uu Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

  • 12¶ Goortuu magaalooyinka middood ku jiray, waxaa la arkay nin baras miidhan ah. Isaguna markuu Ciise arkay, wejigiisuu dhulka dhigay oo ka baryay isagoo leh, Sayidow, haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa.

  • Luuk 5:14-15
    2 aayado
    83%

    14Markaasuu ku amray, Ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga mar oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

    15Laakiin weliba warkii isaga ku saabsanaa ayaa sii fiday; o dad aad u badan ayaa u yimid inay maqlaan, iyo in bukaankooda laga bogsiiyo.

  • 78%

    12Oo goortuu tuulo galay, waxaa la kulmay toban nin oo baras leh oo meel fog ka istaagay.

    13Markaasay codka kor u qaadeen iyagoo leh, Ciisow, Macallimow, noo naxariiso.

    14Goortuu arkay, wuxuu ku yidhi, Taga oo istusa wadaaddada. Oo waxaa dhacay, intay sii socdeen, inay daahirsameen.

  • 10Markaasuu isha wada mariyey, wuxuuna ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Markaasuu yeelay sidaas, gacantiisuna waa bogsatay.

  • Mark 5:28-31
    4 aayado
    75%

    28Waayo, waxay tidhi, Haddaan dharkiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa.

    29Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay oo waxay jidhkeedii ka garatay inay cudurkii ka bogsatay.

    30Ciise kolkiiba wuxuu iska gartay in xoog ka baxay isagii, oo intuu cidhiidhiga ku soo jeestay ayuu yidhi, Yaa dharkayga taabtay?

    31Xertiisii ayaa ku tidhi, Adigu waad aragtaa dadka badan oo ku cidhiidhinaya. Ma waxaad na leedahay, Yaa i taabtay?

  • Laaw 14:2-3
    2 aayado
    75%

    2Kanu waa inuu ahaadaa sharciga ku saabsan qofkii baras qaba maalinta la daahirinayo: Waa in isaga wadaadka loo keenaa.

    3Oo wadaadku waa inuu xerada dibadda uga baxaa, oo waa inuu qofkaa fiiriyaa, oo bal eeg, cudurkii barasku hadduu ka bogsaday qofkii baraska qabay,

  • 75%

    11kaasu waa baras gaboobay oo dubka jidhka ku dhex jira, oo wadaadku kaas waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, oo isaga waa inuusan karantiilin, waayo, isagu waa nijaas.

    12Oo haddii barasku dubka ku faafo, oo uu barasku kan cudurka qaba dubkiisa oo dhan qariyo tan iyo madaxiisa iyo ilaa cagihiisa, in alla intii wadaadka u muuqata,

    13markaas wadaadku waa inuu qofkaas fiiriyaa, oo bal eeg, haddii barasku jidhkiisa oo dhan ku faafay, markaas isagu kan cudurka qaba waa inuu ku yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo, isagu wuu wada caddaaday oo waa daahir.

  • 19Markaasuu ku yidhi, Kac oo soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.

  • Laaw 13:7-9
    3 aayado
    75%

    7Laakiinse qoloftu hadday jidhka ku sii faafto markii u daahirintiisa aawadeed wadaadka isu tuso dabadeed, waa inuu wadaadka mar kale istusaa.

    8Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii qoloftu ay jidhka ku faafto, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa baras.

    9¶ Oo haddii nin cudurka baraska qabo waa in wadaadka loo keenaa,

  • 13Markaasuu ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Wuuna soo taagay, oo way bogsatay sida tan kale.

  • 13Kolkaasuu gacmihiisa saaray, oo kolkiiba way toosnaatay, oo Ilaah bay ammaantay.

  • 11Laakiinse Nacamaan wuu cadhooday oo tegey, oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan mooday inuu isaga qudhiisu ii soo baxayo oo istaagayo, oo uu magaca Rabbiga Ilaahiisa ah iigu ducaynayo, oo uu gacantiisa meesha bukta dul marmarinayo, oo uu saas baraska ku bogsiinayo.

  • 7Oo wadaadkuna kan baraska laga daahirinayo toddoba jeer waa inuu dhiigga ku saydhaa oo waa inuu yidhaahdaa, Kanu waa daahir. Oo shimbirta noolna berrin bannaan ha ku sii daayo.

  • 27Oo maalinta toddobaad waa in wadaadku qofkaas fiiriyaa, oo haddii nabarku dubka sare ku faafay, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii baraska.

  • 57Kanu waa sharciga baraska ku saabsan, oo idinkala baraya markay wax nijaas yihiin iyo markay daahir yihiin.

  • 6Oo Rabbigu wuxuu kaloo ku sii yidhi isagii, Bal gacanta laabta saar, markaasuu gacanta laabta saaray, oo markii uu ka qaaday, bal eeg, gacantii baras bay yeelatay oo waxay u caddaatay sida baraf cad.

  • 10Waayo, dad badan ayuu bogsiiyey, sidaa daraaddeed ayay waxay ugu kufeen si ay kuwii cudur qabay oo dhan u taabtaan isaga.

  • 32Kaasu waa sharciga ku saabsan qofkii cudurka baraska ah qaba, oo aan awoodin inuu keeno wixii daahirintiisa waajibka ku ahaa.

  • 56Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.

  • 15Markaasuu gacanteeda taabtay, qandhadiina waa ka baxday. Wayna kacday oo u adeegtay isaga.

  • 27Haddaba waxaa adiga iyo farcankaagaba idinku dhegi doona weligiin Nacamaan baraskiisii. Oo wuxuu hortiisii ka tegey isagoo baras qaba oo u cad sida baraf cad oo kale.

  • 19Dadkii badnaa oo dhan waxay doonayeen inay taabtaan isaga, waayo, xoog baa ka soo baxay oo wada bogsiiyey.

  • 25Kolkiiba hortood ayuu kacay, oo qaatay wixii uu ku jiifay, oo gurigiisa tegey, isagoo Ilaah ammaanaya.

  • Mark 7:32-33
    2 aayado
    72%

    32Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la', waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro.

    33Kolkaasuu dadkii badnaa dhinaca uga bixiyey, oo farihiisa ayuu dhegihiisa ka geliyey, wuuna tufay oo carrabkiisa taabtay.

  • 15Oo wadaadku waa inuu boogtii xumayd fiiriyaa oo waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, boogta xumu waa nijaas oo waa baras.

  • 27Laakiin Ciise ayaa gacanta qabtay oo kiciyey; markaasuu kacay.

  • 44isagu waa nin baras qaba, oo waa nijaasaysan yahay, oo sida xaqiiqada ah wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay; oo cudur buu madaxa ka qabaa.

  • Luuk 8:46-47
    2 aayado
    72%

    46Laakiin Ciise wuxuu yidhi, Qof baa i taabtay, waayo, waxaan gartay in xoog iga baxay.

    47Naagtii goortay aragtay inaanay qarsoonaan karin ayay timid iyadoo gariiraysa, oo hortiisay isku ridday, oo u caddaysay dadkii oo dhan hortooda waxay u taabatay iyo siday markiiba u bogsatay.

  • 7Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi, Waan imanayaa oo bogsiinayaa.