Luukos 17:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo goortuu tuulo galay, waxaa la kulmay toban nin oo baras leh oo meel fog ka istaagay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 13:45-46 : 45 ¶ Oo qofkii cudurka baraska qaba dharkiisu wax jeexjeexan ha ahaadeen, oo timaha madaxiisuna ha bannaanaadeen, oo bushintiisa sarena ha daboolo, oo ha ku qayliyo, Waan nijaasaysnahay, waan nijaasaysnahay! 46 Oo in alla intuu cudurkaas qabo oo dhan isagu waa inuu nijaasaysnaadaa, waayo, isagu waa nijaasaysan yahay, oo waa inuu keligiis meel ku hoydaa, oo hoygiisuna waa inuu ahaadaa xerada dibaddeeda.
  • 2 Boq 5:27 : 27 Haddaba waxaa adiga iyo farcankaagaba idinku dhegi doona weligiin Nacamaan baraskiisii. Oo wuxuu hortiisii ka tegey isagoo baras qaba oo u cad sida baraf cad oo kale.
  • 2 Boq 7:3 : 3 ¶ Haddaba iridda magaalada laga soo galo waxaa joogay afar nin oo baras qabay; oo iyana midba kii kaluu ku yidhi, War maxaynu halkan u fadhinnaa ilaa aynu ka dhimanno?
  • 2 Taar 26:20-21 : 20 Markaasaa Casaryaah oo ahaa wadaadka sare iyo wadaaddadii oo dhammu isagay fiiriyeen, oo waxay arkeen inuu wejigiisa baras ku leeyahay, markaasay haddiiba halkaas ka saareen, oo isaga qudhiisiina wuu isdedejiyey inuu baxo, maxaa yeelay, Rabbigaa wax ku dhuftay. 21 Oo Boqor Cusiyaahna tan iyo maalintii uu dhintay wuxuu ahaa barasle, oo isagoo baras qaba ayuu joogi jiray guri gaar ah, waayo, wuu ka go'ay gurigii Rabbiga, oo wiilkiisii Yootam ayaa reerka boqorka u talin jiray, isagoo dadkii dalka degganaa u gar qaybinaya.
  • Luuk 5:12 : 12 ¶ Goortuu magaalooyinka middood ku jiray, waxaa la arkay nin baras miidhan ah. Isaguna markuu Ciise arkay, wejigiisuu dhulka dhigay oo ka baryay isagoo leh, Sayidow, haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa.
  • Luuk 18:13 : 13 Laakiin cashuurqaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu indhihiisa cirka u qaado, laakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh, Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh.
  • Tir 5:2-3 : 2 Waxaad reer binu Israa'iil amar ku tidhaahdaa, Xerada ka saara mid kasta oo baras qaba, iyo mid kasta oo dheecaan ka dareera, iyo mid kasta oo meyd ku nijaasoobay. 3 Oo waa inaad rag iyo dumarba bixisaan, oo aad xerada dibaddeeda geeysaan si aanay u nijaasayn xeradooda aan anigu dhex deggan ahay.
  • Tir 12:14 : 14 Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Haddii aabbeheed wejiga kaga candhuufo sow ma ay ceebowdeen intii toddoba maalmood ah? Haddaba xerada ha laga saaro intii toddoba maalmood ah, oo markaas dabadeedna ha la soo celiyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    13Markaasay codka kor u qaadeen iyagoo leh, Ciisow, Macallimow, noo naxariiso.

    14Goortuu arkay, wuxuu ku yidhi, Taga oo istusa wadaaddada. Oo waxaa dhacay, intay sii socdeen, inay daahirsameen.

    15Midkood goortuu arkay inuu bogsaday, ayuu soo jeestay oo cod weyn Ilaah ku ammaanay.

    16Oo wejigiisa ayuu cagihiisa ag dhigay oo u mahadnaqay. Wuxuuna ahaa reer Samaariya.

    17Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Tobankii miyaanay daahirsamin? Laakiin meeye sagaalkii?

    18Miyaan la arag kuwa u soo noqday inay Ilaah ammaanaan, shisheeyahan maahee?

    19Markaasuu ku yidhi, Kac oo soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.

  • 11¶ Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay.

  • Luuk 5:12-14
    3 aayado
    81%

    12¶ Goortuu magaalooyinka middood ku jiray, waxaa la arkay nin baras miidhan ah. Isaguna markuu Ciise arkay, wejigiisuu dhulka dhigay oo ka baryay isagoo leh, Sayidow, haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa.

    13Oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Oo kolkiiba baraskii waa ka baxay.

    14Markaasuu ku amray, Ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga mar oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

  • Mark 1:40-42
    3 aayado
    78%

    40¶ Markaasaa waxaa u yimid nin baras leh, wuuna jilba joogsaday oo baryay, oo ku yidhi, Haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa.

    41Kolkaasaa Ciise u naxariistay, oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay oo ku yidhi, Waa doonayaa ee daahirsanow.

    42Kolkiiba baraskii waa ka baxay, oo wuu daahirsanaaday.

  • Mat 8:2-3
    2 aayado
    75%

    2Oo bal eeg, waxaa u yimid nin baras leh oo caabuday, oo ku yidhi, Sayidow, haddaad doonaysid, waad i daahirin kartaa.

    3Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday,

  • 35Oo nimankii halkaas degganaa goortay garteen isaga, waxay cid u direen dalkaas ku wareegsan oo dhan, oo waxay u keeneen kuwa buka oo dhan,

  • 9¶ Oo haddii nin cudurka baraska qabo waa in wadaadka loo keenaa,

  • 8Oo kuwii baraska qabayna markay yimaadeen xeradii dibaddeeda sare ayay teendho galeen, oo wax bay cuneen, waxna way cabbeen, markaasay halkaas ka qaateen lacag, iyo dahab, iyo dhar, oo intay tageen ayay soo qarsadeen; oo haddana way soo noqdeen oo waxay galeen teendho kale, oo halkaasna wax kalay ka qaateen, oo intay tageen ayay soo qarsadeen.

  • 9Bogsiiya kuwa buka oo halkaas jooga, oo ku dhaha, Boqortooyada Ilaah waa idinku soo dhow dahay.

  • 27Wakhtigii Nebi Eliishaana waxaa Israa'iil ku jiray dad badan oo baras leh, midkoodna lama daahirin Nacamaan reer Suuriya maahee.

  • 73%

    11kaasu waa baras gaboobay oo dubka jidhka ku dhex jira, oo wadaadku kaas waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, oo isaga waa inuusan karantiilin, waayo, isagu waa nijaas.

    12Oo haddii barasku dubka ku faafo, oo uu barasku kan cudurka qaba dubkiisa oo dhan qariyo tan iyo madaxiisa iyo ilaa cagihiisa, in alla intii wadaadka u muuqata,

  • 56Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.

  • 6¶ Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray,

  • 10Waayo, dad badan ayuu bogsiiyey, sidaa daraaddeed ayay waxay ugu kufeen si ay kuwii cudur qabay oo dhan u taabtaan isaga.

  • Laaw 14:2-3
    2 aayado
    72%

    2Kanu waa inuu ahaadaa sharciga ku saabsan qofkii baras qaba maalinta la daahirinayo: Waa in isaga wadaadka loo keenaa.

    3Oo wadaadku waa inuu xerada dibadda uga baxaa, oo waa inuu qofkaa fiiriyaa, oo bal eeg, cudurkii barasku hadduu ka bogsaday qofkii baraska qabay,

  • Mark 1:44-45
    2 aayado
    72%

    44oo ku yidhi, Ninna waxba ha kala hadlin, laakiin tag oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii uu Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

    45Laakiin wuu baxay oo bilaabay inuu aad u naadiyo oo warka faafiyo, taas aawadeed kol dambe Ciise magaaladuu bayaan u geli kari waayay, laakiin wuxuu joogay dibadda ee meelo cidla ah, meel kastana waa looga yimid.

  • 72%

    30Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Nin baa Yeruusaalem ka soo degayay oo Yerixoo ku socday; wuxuuna ku dhex dhacay tuugag, oo intay dharka ka furteen oo garaaceen ayay ka tageen oo daayeen isagoo bestiis ah.

    31Waxay noqotay in wadaad jidkaas ku soo degayay, oo markuu arkay ayuu dhinaca kale maray.

    32Sidaas oo kalena nin reer Laawi ah goortuu meeshaas yimid oo arkay, ayuu dhinaca kale maray.

    33Laakiin nin reer Samaariya ah intuu socday ayuu meeshiisa yimid, oo markuu arkay ayuu u naxariistay.

    34Wuuna u dhowaaday, oo nabrihiisii ka duudduubay, oo saliid iyo khamri ku shubay, markaasuu saaray neefkiisii, oo hudheel geeyey, waana u dadaalay.

  • 11Laakiin dadkii badnaa, goortay ogaadeen, way soo raaceen. Markaasuuna iyaga soo dhoweeyey, oo wuxuu kala hadlay wax ku saabsan boqortooyadii. Ilaah, oo kuwii u baahnaa in la bogsiiyona wuu bogsiiyey.

  • 5¶ Goortuu Kafarna'um galay, waxaa u yimid boqol-u-taliye, isagoo baryaya

  • 17Markaasuu hoos ula degay, oo bannaan ayuu istaagay, isaga iyo qaar badan oo xertiisa ah, iyo dad badan oo Yahuudiya iyo Yeruusaalem iyo xeebaha Turos iyo Siidoon uga yimaadeen inay maqlaan iyo in cudurradooda laga bogsiiyo.

  • 30Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey.

  • 34Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.

  • 14Goortuu degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, oo kuwoodii bukay ayuu bogsiiyey.

  • 2Waxaana soo raacay dad aad u badan, oo halkaas ayuu ku bogsiiyey iyaga.

  • 33Markaasaa dadkii magaalada oo dhan albaabka ku soo ururay.

  • 11Laakiinse Nacamaan wuu cadhooday oo tegey, oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan mooday inuu isaga qudhiisu ii soo baxayo oo istaagayo, oo uu magaca Rabbiga Ilaahiisa ah iigu ducaynayo, oo uu gacantiisa meesha bukta dul marmarinayo, oo uu saas baraska ku bogsiinayo.

  • 17¶ Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu wax barayay, oo halkaasna waxaa ag fadhiyey qaar Farrisiinta iyo macallimiintii sharciga ah oo ka yimid magaalo walba oo Galili iyo Yahuudiya iyo Yeruusaalem; xoogga Rabbiguna waa la jiray isaga si uu u bogsiiyo kuwa buka.

  • 37¶ Maalintii xigtay, goortay buurta ka soo degeen, waxaa dhacay in dad badni la kulmay isaga.

  • 2Oo bal eeg, waxaa hortiisa joogay nin uurweynaad qaba.

  • 10Kuwii la soo dirayna kolkay gurigii ku noqdeen, waxay heleen addoonkii oo ladan.

  • 52Markaasuu hortiisa cid u diray, oo intay tageen ayay galeen tuulo reer Samaariya ah inay wax u diyaariyaan isaga.

  • 21Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan.