Luukos 14:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Wuxuuna ku yidhi kii u yeedhay, Goortaad qado ama casho samayso, ha u yeedhin saaxiibbadaada ama walaalahaa ama xigaalkaa ama derisyadaada hodanka ah, waaba intaasoo iyaguna ay markooda kuu yeedhaan, oo ay abaalgud kugu noqotaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yac 2:1-6 : 1 ¶ Walaalahayow, iimaanka Rabbigeenna Ciise Masiix kan ammaanta leh eexasho ha ku haysanina. 2 Haddii nin kaatun dahab ah iyo dhar quruxsan qabaa shirkiinna soo galo, oo haddana haddii nin kale oo miskiin ah oo dhar uskag leh qabaa soo galo, 3 oo aad fiirisaan ka dharka quruxdasan qaba oo aad ku tidhaahdaan, Adigu kaalay oo halkan wanaagsan fadhiiso, oo aad ku tidhaahdaan ka miskiinka ah, Adigu xaggaas istaag ama halkan cagahayga ag fadhiiso, 4 miyeydnaan kala qaybsamin oo miyeydnaan noqonin kuwa fikirrada sharka leh wax ku xukuma? 5 I dhegaysta, walaalahayga aan jeclahayow. Miyaan Ilaah u dooran kuwa ah masaakiinta xagga dunida inay ahaadaan kuwa hodan ku ah rumaysadka oo dhaxla boqortooyaduu u ballanqaaday kuwa isaga jecel? 6 Laakiin idinku waad maamuus jebiseen miskiinkii. Taajiriintu miyaanay idin dulmin oo miyaanay idiin jiidin maxkamadda?
  • Mat 5:46 : 46 Waayo, haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, abaalkee baad leedihiin? Cashuurqaadayaashu miyaanay sidaas oo kale samayn?
  • Mat 6:1-4 : 1 ¶ Iska jira inaydnaan xaqnimadiinna dadka ku hor samayn inay idin arkaan, haddii kale abaal kuma lihidin Aabbihiinna jannada ku jira. 2 ¶ Haddaba markaad sadaqad bixinayso, buun ha ugu dhufan hortaada sida labawejiilayaashu sunagogyada iyo jidadka ku sameeyaan si dadku u ammaanaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. 3 Laakiin adigu goortaad sadaqad bixinayso, bidixdaadu yaanay ogaan waxa midigtaadu samaynayso, 4 si ay sadaqaddaadu u qarsoonaato, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.
  • Luuk 6:32-36 : 32 Haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba way jecel yihiin kuwa jecel iyaga. 33 Haddaad wanaag u fashaan kuwa wanaag idiin fala, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba sidaasay yeelaan. 34 Haddaad wax amaahisaan kuwa aad ka rajaynaysaan inaad ka heshaan, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba way amaahiyaan dembilayaasha inay ka helaan intii oo kale. 35 Laakiin cadowyadiinna jeclaada, oo wanaag u sameeya, oo amaahiya, idinkoo aan waxba ka rajaynaynin, abaalgudkiinnuna waa badan doonaa, oo waxaadna noqon doontaan wiilashii Kan ugu sarreeya, waayo, isagu waa u roon yahay kuwa aan mahadnaqin iyo kuwa sharka leh. 36 Naxariis lahaada sida Aabbihiin naxariis u leeyahay.
  • Maah 22:16 : 16 Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.
  • Sak 7:5-7 : 5 Waxaad la hadashaa dadka dalka deggan oo dhan iyo wadaaddadaba, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad soomi jirteen oo aad barooran jirteen bisha shanaad iyo bisha toddobaad, oo ah toddobaatankan sannadood, miyaad innaba aniga ii soomi jirteen? 6 Oo markaad wax cuntaan, iyo markaad wax cabtaan, miyaydaan nafsaddiinna u cunin oo miyaydaan nafsaddiinna u cabbin? 7 Sow ma aha erayadii Rabbigu kaga dhex qayliyey nebiyadii hore, markii Yeruusaalem la degganaa oo ay barwaaqada ku dhex jirtay, oo la wada degganaa magaalooyinka hareeraheeda ku wareegsan iyo xagga koonfureed iyo bannaankaba?
  • Maah 14:20 : 20 Miskiinka xataa deriskiisu waa neceb yahay, Laakiinse taajirku saaxiibbo badan buu leeyahay.
  • Mat 6:16-18 : 16 ¶ Kolkaad soontaan ha ahaanina sida labawejiilayaashu u fool qulubsan yihiin, waayo, way isfoolxumeeyaan si ay dadka ugu muuqdaan inay sooman yihiin. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. 17 Laakiin adigu goortaad soontid, madaxaaga saliid marso oo fool dhaqo, 18 si aadan dadka ugu muuqan inaad sooman tahay, laakiin aad ugu muuqatid Aabbahaaga meel qarsoon ku jira, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arkaa waa kuu abaalgudi doonaa.
  • Luuk 1:53 : 53 Kuwii gaajaysnaa ayuu wax wanaagsan ka dhergiyey, Kuwii hodanka ahaana iyagoo madhan ayuu diray.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    13Laakiin goortaad diyaafad samayso waxaad u yeedhaa masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo curyaannada iyo indhoolayaasha,

    14oo aad barakaysnaan doontaa, waayo, iyagu maleh waxa ay kuugu abaalgudaan, laakiin waxaa laguu abaalgudi doonaa wakhtiga sarakicidda kuwa xaqa ah.

    15¶ Kuwa cuntada ula fadhiyey midkood, goortuu waxaas maqlay, wuxuu isaga ku yidhi, Waxaa barakaysan kan kibis ku cuni doona boqortooyada Ilaah.

    16Wuxuuse ku yidhi, Nin baa casho weyn sameeyey, oo dad badan u yeedhay,

    17oo saacaddii cashada ayuu addoonkiisii u diray inuu kuwii loo yeedhay ku yidhaahdo, Kaalaya, waayo, haatan wax waluba waa diyaar.

    18Markaasay kulligood waxay bilaabeen inay fikir keliya ku marmarsiiyoodaan. Kii u horreeyey ayaa ku yidhi, Beer baan iibsaday, oo waa inaan tago oo aan soo arko. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato.

  • Luuk 14:7-11
    5 aayado
    82%

    7¶ Goortuu arkay kuwii loo yeedhay siday kursiyada hore u doorteen, ayuu masaal kula hadlay oo ku yidhi,

    8Markii nin kuugu yeedho aroos, kursiga hore ha fadhiisan, waaba intaasoo isagu nin kaa murwad weyn ugu yeedho,

    9oo kii isaga iyo adiga idiin yeedhay uu yimaado oo kugu yidhaahdo, Kan meel sii, oo markaasaad bilaabaysaa inaad meesha dambe ceeb ku fadhiisato.

    10Laakiin goortii laguu yeedho, tag oo meesha u hoosaysa fadhiiso, si kii kuu yeedhay kolkuu yimaado uu kuugu yidhaahdo, Saaxiibow, sare u soco. Markaasaad ammaan ku lahaan doontaa kuwa cuntada kula fadhiya oo dhan hortooda.

    11Waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa; oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • 78%

    23Markaasaa sayidkii wuxuu addoonkii ku yidhi, Jidadka iyo wadiiqooyinka oodaha u bax, oo dadka ku qasab inay soo galaan, si uu gurigaygu u buuxsamo.

    24Waayo, waxaan idinku leeyahay, Nimankaas loo yeedhay midkoodna cashadayda dhadhamin maayo.

    25¶ Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 21Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada.

  • 9¶ Oo waxaan idinku leeyahay, Saaxiibbo ku samaysta maalka xaqdarrada in goortuu dhammaado ay idiinku dhoweeyaan degmooyinka weligood ah.

  • Luuk 17:7-8
    2 aayado
    72%

    7Laakiin kiinnee baa leh addoon dhulka jaraya ama adhi jiraya, oo ku odhan doona goortuu beerta ka yimaado, Dhaqso u kaalay oo cunto u fadhiiso?

    8Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi?

  • 39iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha.

  • 6waayo, saaxiibkay ayaa safar iiga yimid, oo waxaan hor dhigo ma hayo.

  • Mat 22:3-4
    2 aayado
    71%

    3Addoommadiisii ayuu u diray inay u yeedhaan kuwa arooska loogu yeedhay, mana ay doonaynin inay yimaadaan.

    4Haddana addoommo kale ayuu diray oo wuxuu ku yidhi, Kuwii loo yeedhay waxaad ku tidhaahdaan, Bal eega, cuntadaydii waan diyaargareeyey, dibiyadaydii iyo neefafkaygii buurbuurnaana waa la qalay, wax walubana waa diyar, ee arooska kaalaya.

  • 37¶ Goortuu hadlayay, nin Farrisi ah ayaa weyddiistay inuu wax la cuno; wuuna galay gurigiisa, oo cunto u fadhiistay.

  • Mat 6:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Iska jira inaydnaan xaqnimadiinna dadka ku hor samayn inay idin arkaan, haddii kale abaal kuma lihidin Aabbihiinna jannada ku jira.

    2¶ Haddaba markaad sadaqad bixinayso, buun ha ugu dhufan hortaada sida labawejiilayaashu sunagogyada iyo jidadka ku sameeyaan si dadku u ammaanaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.

  • 29Laawi wuxuu gurigiisa ugu sameeyey diyaafad weyn. Waxaana joogay qaar badan oo cashuurqaadayaal ah iyo qaar kale oo cunto ula fadhiya iyaga.

  • 3oo aad fiirisaan ka dharka quruxdasan qaba oo aad ku tidhaahdaan, Adigu kaalay oo halkan wanaagsan fadhiiso, oo aad ku tidhaahdaan ka miskiinka ah, Adigu xaggaas istaag ama halkan cagahayga ag fadhiiso,

  • 6waxay jecel yihiin meelaha hore oo diyaafadaha, iyo kursiyada hore oo sunagogyada,

  • 8Markaasuu addoommadiisii ku yidhi, Arooskii waa diyaar, kuwii loo yeedhayse ma ay istaahilin.

  • 2Sidaas daraaddeed halkaasaa casho loogu sameeyey, Maartana waa adeegaysay, oo Laasaros wuxuu ka mid ahaa kuwa cuntada ula fadhiistay.

  • Luuk 6:34-35
    2 aayado
    70%

    34Haddaad wax amaahisaan kuwa aad ka rajaynaysaan inaad ka heshaan, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba way amaahiyaan dembilayaasha inay ka helaan intii oo kale.

    35Laakiin cadowyadiinna jeclaada, oo wanaag u sameeya, oo amaahiya, idinkoo aan waxba ka rajaynaynin, abaalgudkiinnuna waa badan doonaa, oo waxaadna noqon doontaan wiilashii Kan ugu sarreeya, waayo, isagu waa u roon yahay kuwa aan mahadnaqin iyo kuwa sharka leh.

  • 12Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • 69%

    13¶ Oo mid dadka ka mid ah ayaa ku yidhi, Macallimow, walaalkay u sheeg inuu dhaxalka ila qaybsado.

    14Laakiin wuxuu ku yidhi, Ninkow, yaa iiga kiin dhigay xukume ama qaybiye?

  • 42Kii wax kaa barya, sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo ha ka sii jeesan.

  • 1¶ Haddana wuxuu xertii ku yidhi, Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo wakiil lahaa, kan loogu ashtakeeyey inuu alaabtiisa khasaarinayay.

  • 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 5Markaasuu u yeedhay mid walba oo sayidkiisu dayn ku lahaa. Kii hore ayuu ku yidhi, Sayidkaygu immisuu kugu leeyahay?

  • 36¶ Farrisiinta midkood ayaa weyddiistay inuu wax la cuno, wuuna galay gurigii Farrisiga oo cunto u fadhiistay.

  • Mat 22:11-12
    2 aayado
    69%

    11Laakiin boqorkii kolkuu soo galay inuu martida eego, wuxuu meesha ku arkay nin aan dharkii arooska qabin,

    12oo wuxuu ku yidhi, Saaxiibow, sidee baad halkan u soo gashay adigoo aan dharkii arooska qabin? Wuuna iska aamusay.

  • 11Kolkaasuu u jawaabay oo iyagii ku yidhi, Kii laba khamiis qabaa, ha siiyo kii aan waxba qabin; kii cunto qabaana, sidaas oo kale ha yeelo.

  • Luuk 6:30-31
    2 aayado
    68%

    30Mid walba oo wax kaa barya, sii; kii waxaaga qaatana, ha ka baryin.

    31Oo sidaad doonaysaan in dadku idiin sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya iyaga.

  • 20Miskiinka xataa deriskiisu waa neceb yahay, Laakiinse taajirku saaxiibbo badan buu leeyahay.

  • 21Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.

  • 37Wuxuu ku yidhi, Kii u naxariistay. Markaasaa Ciise ku yidhi, Tag oo sidaas oo kale yeel.

  • 14Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • 46Waayo, haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, abaalkee baad leedihiin? Cashuurqaadayaashu miyaanay sidaas oo kale samayn?