Luukos 3:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasuu u jawaabay oo iyagii ku yidhi, Kii laba khamiis qabaa, ha siiyo kii aan waxba qabin; kii cunto qabaana, sidaas oo kale ha yeelo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Daan 4:27 : 27 Haddaba Boqorow, taladayda aqbal, dembiyadaadana xaqnimo ku jebi, xumatooyinkaagana ku jebi naxariista aad masaakiinta u naxariisatid si ay xasilloonaantaadu u sii raagto.
  • Luuk 18:22 : 22 Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac.
  • 1 Tim 6:18 : 18 Oo waani inay wax san sameeyaan, oo ay shuqullo wanaagsan hodan ku ahaadaan, oo ay deeqsi ahaadaan, oo ay dadka kale wax siiyaan,
  • 1 Yoox 3:17 : 17 Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga?
  • 1 Yoox 4:20 : 20 Haddii qof yidhaahdo, Ilaah waan jeclahay, oo uu walaalkiis neceb yahay, waa beenaaleh, maxaa yeelay, kan aan jeclayn walaalkii uu arko sidee buu u jeclaan karaa Ilaaha uusan arag?
  • Ish 58:7-9 : 7 Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman? 8 Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa. 9 Markaasaad dhawaaqi doontaa, oo Rabbiguna waa kuu jawaabi doonaa, waad u qayshan doontaa, oo isna wuxuu ku odhan doonaa, Waa i kan. Haddaad dhexdaada ka fogaysid harqoodka, iyo farta fiiqiddeeda, iyo hadlidda sharka ah, 10 oo haddaad ka gaajaysan quudkaaga siisid, oo aad nafta dhibaataysan dherjisid, markaas iftiinkaagu gudcur buu ka soo dhex kaahi doonaa, oo madowgaaguna wuxuu noqon doonaa sida hadh cad oo kale. 11 Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin.
  • Cib 6:10 : 10 Waayo, Ilaah ma xaqdarra, mana illoobo shuqulkiinna iyo jacaylka aad magiciisa u qabtaan, maxaa yeelay, quduusiinta ayaad u adeegteen oo weli waad u adeegtaan.
  • Yac 1:27 : 27 Cibaado daahir ah oo aan nijaas lahayn Ilaaha Aabbaha ah hortiisa waxay tahay in la xannaaneeyo agoonta iyo carmallada markay dhib ku jiraan, iyo in layska dhawro wasakhda dunida.
  • Yac 2:15-26 : 15 Walaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin, 16 oo midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa? 17 Haddaba sidaas oo kale rumaysadku haddaanu shuqullo lahayn keli ahaantiisu waa meyd. 18 ¶ Laakiin waxaa la odhan doonaa, Adigu waxaad leedahay rumaysad, anna waxaan leeyahay shuqullo. I tus rumaysadkaaga aan shuqullada lahayn, anna rumaysadkayga shuqulladaydaan kugu tusi doonaa. 19 Waad rumaysan tahay in Ilaah yahay mid keliya. Taas waad ku wanaagsan tahay. Xataa jinniyaduna sidaas way rumaysan yihiin, wayna gariiraan. 20 Doqonow, ma doonaysaa inaad garatid in rumaysadka aan shuqullada lahaynu aanu waxba tarin? 21 Miyaan awowgeen Ibraahim shuqullo lagu caddaynin inuu xaq yahay goortuu wiilkiisii Isxaaq meeshii allabariga ku bixiyey? 22 Waad garanaysaa in rumaysadku shuqulladiisii la shaqeeyey, oo rumaysadku kaamil ku noqday shuqullada. 23 Waxaa rumoobay Qorniinka leh, Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo, oo waxaa loogu yeedhay saaxiibkii Ilaah. 24 Waxaad garanaysaan in nin shuqullo lagu caddeeyo inuu xaq yahay oo aan lagu caddayn rumaysadka oo keliya. 25 Sidaas oo kale miyaan dhilladii Raxab ahayd shuqullo lagu caddayn inay xaq tahay kolkay soo dhowaysay basaasyadii oo ay jid kale u dirtay? 26 Sida jidhkii aan ruux lahaynu meyd u yahay, sidaas oo kaluu rumaysadkii aan shuqullo lahaynuna meyd u yahay.
  • Luuk 19:8 : 8 Sakhayos waa istaagay oo Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, Sayidow, maalkayga badhkiisa ayaan masaakiinta siinayaa, oo haddii aan nin wax ka dulmay, waxaan u celinayaa afar laab.
  • Yoox 13:29 : 29 Yuudas baa kiishaddii lacagta hayay, taas aawadeed qaar waxay u maleeyeen in Ciise ku yidhi, Soo iibi waxaynu iidda u baahan nahay, ama, Masaakiinta wax sii.
  • Fal 10:2 : 2 Ninkaasu nin cibaadaysan buu ahaa, oo Ilaah buuna ka cabsan jiray, isaga iyo gurigiisuba, dadkana sadaqooyin badan buu siin jiray, oo had iyo goorna Ilaah buu baryi jiray.
  • Fal 10:4 : 4 Markaasuu aad u fiiriyey isagoo cabsanaya oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay, Rabbiyow? Markaasay ku tidhi, Baryooyinkaaga iyo sadaqooyinkaaga waxay Ilaah hortiisa u baxeen xusuus.
  • Fal 10:31 : 31 oo wuxuu yidhi, Korneeliyosow, baryadaadii waa la maqlay, sadaqooyinkaagiina Ilaah hortiisa waa laga xusuustay.
  • 2 Kor 8:3-9 : 3 Waayo, waxaan u marag furayaa inay tabartooda ku siiyeen, oo weliba si dhaafsiisan tabartooda, siday u doonayeen, 4 iyagoo aad nooga baryaya inaannu ka guddoonno hadiyadda qaybta ku leh adeegidda xagga quduusiinta, 5 oo mana aha sidaan rajaynay, laakiin hortii way isa siiyeen Rabbiga iyo annagaba sidii Ilaah doonayay. 6 Sidaas daraaddeed Tiitos waannu ka barinnay, in siduu hortii u bilaabay, sidaas oo kale uu idiinku dhammeeyo nimcadatan. 7 Laakiin sidaad wax kasta badnaan uga haysaan xagga rumaysadka, iyo hadalka, iyo aqoonta, iyo dadaalka oo dhan, iyo jacaylka aad noo qabtaan, waa inaad nimcadanna badnaan uga haysaan. 8 ¶ U hadli maayo amar ahaan, laakiin inaan dadaalka kuwa kale ku caddeeyo lillaahinimada jacaylkiinna. 9 Waad garanaysaan nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix in isagoo hodan ah uu aawadiin miskiin u noqday, inaad miskiinnimadiisa hodan ku noqotaan. 10 Oo sidan ayaan idinkula talinayaa, waayo, tanu way idiin dhaantaa idinkoo ah kuwii sannaddii hore ugu hor bilaabay inay sameeyaan, mana aha inaad samaysaan oo keliya, laakiin waanad doonaysaan. 11 Laakiin hadda shaqaddii dhammeeya, in sidaad diyaar u ahaydeen, aad haddana ugu dhammaysaan waxaad awooddaan. 12 Waayo, haddii diyaar la yahay, sida loo haysto ayaa loo aqbalaa ee ma aha sidaan loo haysan. 13 Waayo, tan u odhan maayo in kuwa kale la daayo oo idinka laydin dhibo, 14 laakiin sida ay sinnaantu tahay, wax ka siiya waxa badan ee aad wakhtigan la joogo haysataan, waayo, way baahan yihiin, inay waxooda badan wax idinka siiyaan markaad baahataan, si ay sinnaani u dhacdo,
  • Mat 25:40 : 40 Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.
  • Mark 14:5-8 : 5 Waayo, cadarkan waxaa lagu iibin kari lahaa wax saddex boqol oo dinaar ka badan oo masaakiinta la siin lahaa, wayna ku gunuunaceen iyadii. 6 Laakiin Ciise baa ku yidhi, Daaya. Maxaad iyada u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye. 7 Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan. Markaad doonaysaan wax wanaagsan waad u samayn kartaan. Aniguse mar walba idinlama joogo. 8 Way samaysay waxay kartay. Waxay hore ugu soo baxday inay jidhkayga udgoonayso aasniintayda aawadeed.
  • Luuk 11:41 : 41 Laakiin waxa gudaha ah sadaqad u bixiya, oo bal eeg, wax walba waa idiin nadiifsan yihiin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 10Markaasaa dadkii badnaa weyddiiyeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba maxaannu samaynaa?

  • Luuk 3:12-14
    3 aayado
    81%

    12Markaasaa waxaa u yimid cashuurqaadayaal in la baabtiiso, waxayna ku yidhaahdeen, Macallimow, annaguna maxaannu samaynaa?

    13Isaguna wuxuu ku yidhi, Waxaa laydiin amray wax ka badan ha qaadanina.

    14Markaasaa askarna weyddiisay oo ku tidhi, Annaguna maxaannu samaynaa? Wuxuu iyagii ku yidhi, Ninna ha dulmina, oo ninna ha masabidina; mushahaaradiinnana raalli ku ahaada.

  • Luuk 6:29-31
    3 aayado
    75%

    29Kii dhabanka kaa dhirbaaxa, kan kalena u du; oo kii maradaada kaa qaata, khamiiskaagana ha ka celin.

    30Mid walba oo wax kaa barya, sii; kii waxaaga qaatana, ha ka baryin.

    31Oo sidaad doonaysaan in dadku idiin sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya iyaga.

  • Mat 5:40-42
    3 aayado
    73%

    40oo kii doonaya inuu ku ashtakeeyo oo khamiiskaaga kaa qaato, maradaadana u daa,

    41oo ku alla kii kugu qasba inaad mayl la socotid, laba la soco.

    42Kii wax kaa barya, sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo ha ka sii jeesan.

  • 37Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan?

  • 72%

    35Maalintii dambe wuxuu soo bixiyey laba dinaar, oo siiyey ninkii hudheelkii lahaa, oo ku yidhi, U dadaal, oo wixii dambe oo kaaga baxa, soo noqodkayga ayaan kuu celin doonaa.

    36Saddexdaas kee bay kula tahay inuu deris u ahaa kii tuugagga ku dhex dhacay?

    37Wuxuu ku yidhi, Kii u naxariistay. Markaasaa Ciise ku yidhi, Tag oo sidaas oo kale yeel.

  • 9Kabo gashada, laakiin laba khamiis ha gashanina.

  • 3Wuxuuna ku yidhi, Waxba safarka ha u qaadanina, ama ul, ama qandi, ama kibis, ama lacag. Laba khamiisna ha qaadanina.

  • Yac 2:15-16
    2 aayado
    70%

    15Walaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin,

    16oo midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa?

  • 41Laakiin waxa gudaha ah sadaqad u bixiya, oo bal eeg, wax walba waa idiin nadiifsan yihiin.

  • 13Wuxuuse ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Annagu wax ka badan shan kibsood iyo laba kalluun ma hayno, inaannu tagno oo dadkan oo dhan cunto u soo iibinno maahee.

  • 46Waayo, haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, abaalkee baad leedihiin? Cashuurqaadayaashu miyaanay sidaas oo kale samayn?

  • 22Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac.

  • 37Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay?

  • 12Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.

  • 3Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, iina sheega.

  • 38Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buuxdhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa.

  • 30Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Nin baa Yeruusaalem ka soo degayay oo Yerixoo ku socday; wuxuuna ku dhex dhacay tuugag, oo intay dharka ka furteen oo garaaceen ayay ka tageen oo daayeen isagoo bestiis ah.

  • 11¶ Wuxuuna yidhi, Nin baa laba wiil lahaa.

  • 7Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman?

  • 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 12¶ Wuxuuna ku yidhi kii u yeedhay, Goortaad qado ama casho samayso, ha u yeedhin saaxiibbadaada ama walaalahaa ama xigaalkaa ama derisyadaada hodanka ah, waaba intaasoo iyaguna ay markooda kuu yeedhaan, oo ay abaalgud kugu noqotaa.

  • 33Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabbi'in.

  • 68%

    13¶ Oo mid dadka ka mid ah ayaa ku yidhi, Macallimow, walaalkay u sheeg inuu dhaxalka ila qaybsado.

    14Laakiin wuxuu ku yidhi, Ninkow, yaa iiga kiin dhigay xukume ama qaybiye?

  • 33Haddaad wanaag u fashaan kuwa wanaag idiin fala, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba sidaasay yeelaan.

  • 25Wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan weligiin akhriyin wixii Daa'uud sameeyey markuu wax u baahnaa oo uu gaajaysnaa, isaga iyo kuwii la jiray?

  • 3Haddii nin idinku yidhaahdo, Maxaad waxan u samaynaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu u soo diri doonaa halkan.

  • 17Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga?

  • 12¶ Haddaba wax kasta oo aad doonaysaan in laydinku sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya; waayo, kanu waa sharcigii iyo nebiyadii.

  • 68%

    35¶ Wuxuuna ku yidhi, Goortaan idin diray kiishadla'aan iyo qandila'aan iyo kabola'aan, wax ma u baahnaydeen? Waxay yidhaahdeen, Maya, waxba.

    36Markaasuu ku yidhi, Laakiin haddeer kii kiishad qabaa ha qaato, sidaas oo kalena qandi ha qaato. Kii aan midna qabinna, dharkiisa ha iibiyo, oo seef ha iibsado.

  • 33¶ Waxay ku yidhaahdeen, Xerta Yooxanaa marar badan bay soomaan oo tukadaan, kuwa Farrisiintuna sidaas oo kale ayay yeelaan, laakiin kuwaagu wax bay cunaan oo cabbaan.

  • 25Kii wax haysta waa la siin doonaa. Kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.

  • 21Markaasaa Ciise intuu eegay jeclaaday oo ku yidhi, Wax keliya ayaa kuu dhiman. Tag oo iibi waxaad haysatid oo dhan, oo masaakiintana sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.

  • 44Iyaguna markaasay u jawaabi doonaan oo ku odhan doonaan, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan ama harraadsan ama qariib ah ama qaawan ama buka ama xabsi ku jira oo aannu ku kalmayn waynay?

  • 4Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen.

  • 16Culimmadii iyo Farrisiintii markay arkeen isagoo dembilayaal iyo cashuurqaadayaal wax la cunaya, waxay xertiisii ku yidhaahdeen, Waa sidee? Wuxuu wax la cunaa oo la cabbaa cashuurqaadayaal iyo dembilayaal.

  • 16Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Uma ay baahna inay tagaan, idinku siiya waxay cunaan.

  • 11Goortii Farrisiintu arkeen ayay xertiisii ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu muxuu cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha ula cunaa?

  • 15sida qoran, Kii wax badan soo gurtay, waxba uma hadhin, kii wax yar soo gurtayna, waxba kama dhinmin.