Luukos 14:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markii nin kuugu yeedho aroos, kursiga hore ha fadhiisan, waaba intaasoo isagu nin kaa murwad weyn ugu yeedho,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 25:6-7 : 6 Ha isweynweynayn boqorka hortiisa, Oo kuwa waaweyn meeshoodana ha istaagin. 7 Amiirkii aad indhahaaga ku aragtay Intii hortiisa lagu hoosaysiin lahaa, Waxaa kuu wanaagsan iyadoo lagu yidhaahdo, Halkan sare kaalay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 14:9-17
    9 aayado
    91%

    9oo kii isaga iyo adiga idiin yeedhay uu yimaado oo kugu yidhaahdo, Kan meel sii, oo markaasaad bilaabaysaa inaad meesha dambe ceeb ku fadhiisato.

    10Laakiin goortii laguu yeedho, tag oo meesha u hoosaysa fadhiiso, si kii kuu yeedhay kolkuu yimaado uu kuugu yidhaahdo, Saaxiibow, sare u soco. Markaasaad ammaan ku lahaan doontaa kuwa cuntada kula fadhiya oo dhan hortooda.

    11Waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa; oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

    12¶ Wuxuuna ku yidhi kii u yeedhay, Goortaad qado ama casho samayso, ha u yeedhin saaxiibbadaada ama walaalahaa ama xigaalkaa ama derisyadaada hodanka ah, waaba intaasoo iyaguna ay markooda kuu yeedhaan, oo ay abaalgud kugu noqotaa.

    13Laakiin goortaad diyaafad samayso waxaad u yeedhaa masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo curyaannada iyo indhoolayaasha,

    14oo aad barakaysnaan doontaa, waayo, iyagu maleh waxa ay kuugu abaalgudaan, laakiin waxaa laguu abaalgudi doonaa wakhtiga sarakicidda kuwa xaqa ah.

    15¶ Kuwa cuntada ula fadhiyey midkood, goortuu waxaas maqlay, wuxuu isaga ku yidhi, Waxaa barakaysan kan kibis ku cuni doona boqortooyada Ilaah.

    16Wuxuuse ku yidhi, Nin baa casho weyn sameeyey, oo dad badan u yeedhay,

    17oo saacaddii cashada ayuu addoonkiisii u diray inuu kuwii loo yeedhay ku yidhaahdo, Kaalaya, waayo, haatan wax waluba waa diyaar.

  • 7¶ Goortuu arkay kuwii loo yeedhay siday kursiyada hore u doorteen, ayuu masaal kula hadlay oo ku yidhi,

  • Mat 22:8-12
    5 aayado
    75%

    8Markaasuu addoommadiisii ku yidhi, Arooskii waa diyaar, kuwii loo yeedhayse ma ay istaahilin.

    9Haddaba taga meesha jidadka ku kala leexdaan, oo in alla intaad heshaan arooska ugu yeedha.

    10Markaasaa addoommadaas jidadkay u baxeen, oo ay soo ururiyeen kuwii ay heleen oo dhan, kuwii sharka lahaa iyo kuwii wanaagsanaaba; gurigii arooskana waxaa laga buuxiyey marti.

    11Laakiin boqorkii kolkuu soo galay inuu martida eego, wuxuu meesha ku arkay nin aan dharkii arooska qabin,

    12oo wuxuu ku yidhi, Saaxiibow, sidee baad halkan u soo gashay adigoo aan dharkii arooska qabin? Wuuna iska aamusay.

  • Maah 25:6-8
    3 aayado
    75%

    6Ha isweynweynayn boqorka hortiisa, Oo kuwa waaweyn meeshoodana ha istaagin.

    7Amiirkii aad indhahaaga ku aragtay Intii hortiisa lagu hoosaysiin lahaa, Waxaa kuu wanaagsan iyadoo lagu yidhaahdo, Halkan sare kaalay.

    8Dirir degdeg ha ugu bixin, Waaba intaasoo aad ugu dambaysta garan weydaa waxaad samayn lahayd, Markii uu deriskaagu ku ceebeeyey dabadeed.

  • 3oo aad fiirisaan ka dharka quruxdasan qaba oo aad ku tidhaahdaan, Adigu kaalay oo halkan wanaagsan fadhiiso, oo aad ku tidhaahdaan ka miskiinka ah, Adigu xaggaas istaag ama halkan cagahayga ag fadhiiso,

  • 74%

    20Mid kale ayaa yidhi, Naag baan guursaday, sidaa darteed ma iman karo.

    21Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada.

    22Kolkaasaa addoonkii ku yidhi, Sayidow, waxaad amartay waa la yeelay, oo weli meel baa bannaan.

    23Markaasaa sayidkii wuxuu addoonkii ku yidhi, Jidadka iyo wadiiqooyinka oodaha u bax, oo dadka ku qasab inay soo galaan, si uu gurigaygu u buuxsamo.

    24Waayo, waxaan idinku leeyahay, Nimankaas loo yeedhay midkoodna cashadayda dhadhamin maayo.

  • 39iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha.

  • 8Oo weliba waa inaadan innaba u gelin gurigii diyaafadu taal inaad iyaga la fadhiisatid oo aad wax la cuntid, waxna la cabtid.

  • 6waxay jecel yihiin meelaha hore oo diyaafadaha, iyo kursiyada hore oo sunagogyada,

  • 72%

    26Idinkuse sidaas ma ahaan doontaan, laakiin kan dhexdiinna ugu weyn, ha noqdo sida kan yar; kan u sarreeyaana, ha noqdo sida kan adeega.

    27Waayo, kee baa weyn, ma kan cuntada u fadhiya baa mise waa kan adeega? Miyaanu ahayn kan cuntada u fadhiya? Aniguse sida kan adeega ayaan idiin dhex joogaa.

  • 1Markaad u fadhiisatid inaad taliye wax la cuntid, Aad uga fiirso waxa hortaada yaal,

  • Mat 22:2-4
    3 aayado
    72%

    2Boqortooyada jannada waxay la mid tahay sidii boqor wiilkiisa aroos u dhigay.

    3Addoommadiisii ayuu u diray inay u yeedhaan kuwa arooska loogu yeedhay, mana ay doonaynin inay yimaadaan.

    4Haddana addoommo kale ayuu diray oo wuxuu ku yidhi, Kuwii loo yeedhay waxaad ku tidhaahdaan, Bal eega, cuntadaydii waan diyaargareeyey, dibiyadaydii iyo neefafkaygii buurbuurnaana waa la qalay, wax walubana waa diyar, ee arooska kaalaya.

  • Mat 23:11-12
    2 aayado
    72%

    11Laakiin kan idiinku weyn waa inuu ahaado midiidinkinna.

    12Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • Luuk 17:7-8
    2 aayado
    71%

    7Laakiin kiinnee baa leh addoon dhulka jaraya ama adhi jiraya, oo ku odhan doona goortuu beerta ka yimaado, Dhaqso u kaalay oo cunto u fadhiiso?

    8Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi?

  • 11Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda,

  • 46Iska jira culimmada oo doonaya inay khamiisyo dhaadheer ku socdaan, oo jecel salaanta suuqa, iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha,

  • 14Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • 69%

    29Waxay ka iman doonaan bari iyo galbeed iyo woqooyi iyo koonfur, waxayna dhex fadhiisan doonaan boqortooyada Ilaah.

    30Ogaada, kuwa ugu dambeeya ayaa ugu horrayn doona, kuwa ugu horreeyaana way ugu dambayn doonaan.

  • 6Nacasnimadu waxay joogtaa meelo sarsare oo waaweyn oo taajiriintuna waxay fadhiyaan meel hoose.

  • 16Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa. Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn.

  • 30si aad wax uga cuntaan oo uga cabtaan miiskayga oo boqortooyadayda ku jira, oo waxaad ku fadhiisan doontaan carshiyo idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil.

  • 10Is-hoosaysiiya Rabbiga hortiisa, isna wuu idin sarraysiin doonaa.

  • 37¶ Goortuu hadlayay, nin Farrisi ah ayaa weyddiistay inuu wax la cuno; wuuna galay gurigiisa, oo cunto u fadhiistay.

  • 43Waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo, waxaad jeceshihiin kursiyada hore oo sunagogyada, iyo salaanta suuqa.

  • 27Mid ka mid ah kuwa aan rumaysnayn hadduu diyaafad idiinku yeedho oo aad doonaysaan inaad tagtaan, wax kasto oo laydin hor dhigoba cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed.