Luukos 19:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Hore buu u orday, oo wuxuu fuulay geed sukomoor inuu isaga arko, waayo, goor dhow jidkaas ayuu soo mari lahaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 10:27 : 27 Oo boqorku wuxuu lacag Yeruusaalem kaga dhigay sida dhagaxyo oo kale, oo geedo kedar ahna wuxuu u soo badiyey oo ka dhigay sida geedaha darayga ah oo dhulka hoose ka baxa oo kale.
  • 1 Taar 27:28 : 28 Oo dhirtii saytuunka ahayd iyo dhirtii darayga ahayd oo dalkii dooxada ahaa ku yiilna waxaa u talinayay Bacal Xaanaan oo ahaa reer Geder, guryihii saliidda lagu kaydiyeyna waxaa u talinayay Yoo'aash.
  • Ish 9:10 : 10 Lebennadii way soo dheceen, laakiinse annagu waxaannu ku dhisi doonnaa dhagaxyo la qoray, geedihii darayga ahaa waa la jaray, laakiinse waxaannu ku beddeli doonnaa geedo kedar ah.
  • Aam 7:14 : 14 Markaasaa Caamoos jawaabay oo wuxuu Amasyaah ku yidhi, Anigu nebi ma aan ahayn, nebi wiilkiisna ma aan ahayn, laakiinse waxaan jiray adhijir iyo mid midhaha darayga urursada,
  • Luuk 5:19 : 19 Markay heli waayeen meel ay ka geliyaan dadkii badnaa aawadiis, ayay guriga dushiisa fuuleen, oo saqafka ayay ka dusiyeen isaga iyo sariirtiisii, oo ay dhex dhigeen Ciise hortiisa.
  • Sab 78:47 : 47 Geedcanabkoodii wuxuu ku baabbi'iyey roobdhagaxyaale, Oo dhirtoodii darayga ahaydna wuxuu ku baabbi'iyey sayax barafoobay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 19:1-3
    3 aayado
    86%

    1¶ Ciise wuxuu galay oo dhex marayay Yerixoo.

    2Oo bal eeg, waxaa jiray nin Sakhayos la odhan jiray; kan ahaa madaxda cashuurqaadayaasha, oo hodan buuna ahaa.

    3Wuxuuna doonayay inuu Ciise arko cid uu yahay, wuuna kari waayay dadkii badnaa aawadood, waayo, wuu gaabnaa.

  • Luuk 19:5-10
    6 aayado
    86%

    5Ciise goortuu meeshii yimid, ayuu kor u eegay, oo wuxuu ku yidhi, Sakhayosow, dhaqso u soo deg, waayo, maanta waa inaan gurigaaga joogo.

    6Dhaqso ayuu u soo degay, oo farxad ayuu ku soo dhoweeyey.

    7Dadkii goortay arkeen, kulligood way wada gunuunaceen, iyagoo leh, Nin dembi leh ayuu u marti galay.

    8Sakhayos waa istaagay oo Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, Sayidow, maalkayga badhkiisa ayaan masaakiinta siinayaa, oo haddii aan nin wax ka dulmay, waxaan u celinayaa afar laab.

    9Ciise wuxuu ku yidhi, Maanta badbaadinta ayaa gurigan timid, waayo, isaguna waa ina Ibraahim.

    10Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu kii hallaabay doondoono oo badbaadiyo.

  • 71%

    35¶ Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay,

    36oo goortuu maqlay dadka badan oo ag maraya ayuu weyddiiyey waxaas waxay ahaayeen.

    37Waxay u sheegeen in Ciisihii Reer Naasared ag marayo.

  • 70%

    28¶ Goortuu waxaas ku hadlay ayuu hore u socday oo Yeruusaalem tegey.

    29Goortuu Beytfaage iyo Beytaniya ku dhowaaday ilaa buurta Buur Saytuun la yidhaahdo ayuu laba xer ah diray,

  • 9¶ Ciise kolkuu meeshaas ka tegey intuu socday ayuu wuxuu arkay nin la odhan jiray Matayos oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. Markaasuu kacay oo raacay.

  • 6¶ Laakiin goortuu Ciise meel fog ka arkay, ayuu ku soo orday oo u sujuuday.

  • 24Kor buu u eegay oo yidhi, Waxaan arkayaa niman, oo waxay ii le'eg yihiin sida geedo socda.

  • 30Laakiin isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.

  • 48Markaasaa Nataana'el wuxuu ku yidhi, Xaggee baad igu tiqiin? Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Intaan Filibos kuu yeedhin, markaad geedkii berdaha hoostiisa joogtay, ayaan ku arkay.

  • 19Oo wuxuu arkay geed berde ah oo jidka ku ag yaal, kolkaasuu u yimid, waxbana kama uu helin, caleemo keliya maahee. Oo wuxuu ku yidhi, Hadda dabadeed weligaa midho yaanay kaa bixin, oo kolkiiba geedkii berdaha ahaa waa engegay.

  • Luuk 5:27-28
    2 aayado
    68%

    27¶ Waxyaalahaas dabadood ayuu baxay, oo wuxuu arkay cashuurqaade Laawi la odhan jiray oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac.

    28Markaasuu wax walba ka tegey, wuuna kacay oo raacay.

  • 40Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi,

  • 13Meel fog wuxuu ka arkay geed berde ah oo caleen leh. Wuu u yimid inuu haddana wax ka helo. Goortuu u yimid waxba kama uu helin caleemo keliya maahee, waayo, wakhtigii berdaha ma ahayn.

  • 4Oo wuxuu lahaa inuu Samaariya dhex maro.

  • 14Goortuu ag marayay, wuxuu arkay Laawi ina Alfayos, isagoo fadhiya meesha cashuurta lagu qaado, oo uu ku yidhi isaga, I soo raac. Wuuna kacay oo raacay.

  • 46¶ Kolkaasay yimaadeen Yerixoo, oo goortuu Yerixoo ka soo baxayay, isaga iyo xertiisii iyo dad faro badanba, nin indha la' oo Bartimayos la odhan jiray, oo ina Timayos ahaa, ayaa jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay.

  • 41¶ Oo markuu ku soo dhowaaday, ayuu magaalada arkay oo u ooyay,

  • 50Intuu maradiisa iska tuuray ayuu booday oo Ciise u yimid.

  • 15Kolkiiba dadkii badnaa markay isaga arkeen aad bay u yaabeen oo ku soo ordeen oo nabdaadiyeen.

  • 1¶ Kor buu u eegay, oo wuxuu arkay kuwa hodanka ah oo hadiyadahoodii khasnadda ku ridaya.

  • Luuk 9:51-52
    2 aayado
    67%

    51¶ Goortii wakhtigii isaga kor loo qaadi lahaa uu dhowaaday, wuxuu wejigiisa u jeediyey inuu Yeruusaalem tago.

    52Markaasuu hortiisa cid u diray, oo intay tageen ayay galeen tuulo reer Samaariya ah inay wax u diyaariyaan isaga.

  • Yoox 1:50-51
    2 aayado
    66%

    50Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad u rumaysatay odhaatinkii aan kugu idhi, Geedka berdaha hoostiisa ayaan kugu arkay? Waxaad arki doontaa wax waxyaalahaas ka waaweyn.

    51Markaasuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waxaad arki doontaan samadoo furan iyo malaa'igaha Ilaah oo kor u kacaya oo ku soo degaya Wiilka Aadanaha.

  • 17¶ Goortuu jidka u soo baxay, mid baa ku soo orday oo intuu u jilba joogsaday ayuu weyddiiyey oo ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo?

  • 1¶ Ciise intuu socday, wuxuu arkay nin indhala'aan ku dhashay.

  • 16¶ Markaasuu wuxuu yimid Naasared oo ahayd meeshuu ku koray, oo maalintii sabtida sida caadadiisu ahayd ayuu sunagogga galay, wuuna istaagay inuu wax akhriyo.

  • 29¶ Markaasuu masaal kula hadlay, Bal eega berdaha iyo dhirta oo dhan;

  • 11¶ Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay.

  • 29¶ Kolkay Yerixoo ka tegayeen waxaa raacay dad aad u badan.

  • 66%

    36Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen.

    37Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood,

  • 1¶ Markaasuu doonni fuulay oo dhanka kale u tallaabay oo magaaladiisii yimid.

  • 31Waxay noqotay in wadaad jidkaas ku soo degayay, oo markuu arkay ayuu dhinaca kale maray.

  • 6¶ Markaasuu masaalkan ku hadlay, Nin baa wuxuu lahaa geed berde ah oo beertiisii canabka ahayd lagu beeray. Waa u yimid isagoo midho ka doonaya, waxbana kama uu helin.

  • 19Markay heli waayeen meel ay ka geliyaan dadkii badnaa aawadiis, ayay guriga dushiisa fuuleen, oo saqafka ayay ka dusiyeen isaga iyo sariirtiisii, oo ay dhex dhigeen Ciise hortiisa.

  • 57¶ Oo intay jidka ku socdeen nin baa ku yidhi isaga, Waan ku raacayaa meel alla meeshaad tagtidba.

  • 3Dhegaysta, waxaa baxay beerrey inuu wax beero.

  • 13waxay qaateen laamihii geedaha timirta ah, oo ay baxeen inay ka hor tagaan, iyagoo ku dhawaaqaya Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya oo boqorka Israa'iil ah.