Luukos 20:32

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kulligood dabadeed naagtiina waa dhimatay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 2:10 : 10 Oo weliba dadkii qarnigaas oo dhammu waxay ku darmadeen awowayaashood; oo waxaa ka daba kacay kuwo qarni kale ah oo aan aqoon Rabbiga, ama shuqulkii uu u sameeyey reer binu Israa'iil.
  • Wacd 1:4 : 4 Qarni baa taga, oo qarni kalena wuu yimaadaa, laakiinse dhulku weligiisba wuu waaraa.
  • Wacd 9:5 : 5 Waayo, kuwa noolu way og yihiin inay dhiman doonaan, laakiinse kuwa dhintay waxba ma oga, oo innaba abaalgud dambe ma heli doonaan, waayo, iyaga waa la illoobay.
  • Cib 9:27 : 27 Waxaa dadka looga dhigay inay mar dhintaan, taas dabadeedna la xukumo,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 22:24-28
    5 aayado
    95%

    24oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu yidhi, Haddii nin dhinto isagoo aan carruur lahayn, walaalkiis waa inuu naagtiisa dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo.

    25Waxaa nala jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey ayaa guursaday, wuuna dhintay, dhalna ma lahayn, wuxuuna naagtiisii uga tegey walaalkiis.

    26Sidaas oo kalaa ku dhacday kii labaad, iyo kii saddexaad ilaa kii toddobaad.

    27Markay wada dhinteen dabadeed naagtiina waa dhimatay.

    28Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay toddobadoodii kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, kulligood way wada guursadeen iyada.

  • 88%

    19Macallimow, Muuse wuxuu noo qoray, Nin walaalkiis hadduu dhinto oo naag ka tago isagoo aan ilmo lahayn, walaalkiis naagtiisa waa inuu dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo.

    20Waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay, wuuna dhintay, dhalna kama tegin.

    21Kii labaad baa dumaalay, wuuna dhintay, isaguna dhal kama tegin, oo sidaas oo kalaa ku dhacday kii saddexaad.

    22Toddobadii way wada guursadeen, dhalna kama tegin. Kulligood dabadood naagtiina waa dhimatay.

    23Wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay iyaga kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen.

  • 87%

    27¶ Waxaa u yimid qaar Sadukiin ah, kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto.

    28Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu noo qoray, Nin walaalkiis hadduu dhinto isagoo naag leh oo aan carruur lahayn, walaalkiis naagtiisa waa inuu dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo.

    29Haddaba waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay, wuuna dhintay carruurla'aan.

    30Kii labaadna wuu guursaday,

    31oo kii saddexaadna waa dumaalay. Sidaasay toddobadii u wada guursadeen, carruurna kama ay tegin, wayna dhinteen.

  • 83%

    33Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay, iyaga kee bay naagtiisa ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen.

    34Ciise wuxuu ku yidhi, Wiilashii wakhtigan waa guursadaan, guurna waa la siiyaa,

    35laakiin kuwa loo xisaabay inay istaahilaan inay gaadhaan wakhtigaas iyo ka soo sarakicidda kuwii dhintay ma guursadaan, guurna lama siiyo,

  • 10Markiiba intay ku hor dhacday isaga, ayaa naftii ka dhacday; markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa soo galeen, oo waxay arkeen iyadoo meyd ah, markaasay intay qaadeen ku aaseen ninkeedii agtiisa.

  • Room 7:2-3
    2 aayado
    70%

    2Naagtii nin luhu sharcigay ugu xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiinse mar haddii ninku dhinto, way ka furan tahay sharcigii ninka.

    3Sidaas daraaddeed inta ninkeedu nool yahay, hadday nin kale naag u noqoto, waxaa loogu yeedhi doonaa dhillo, laakiinse ninkeedu hadduu dhinto, sharciga way ka furan tahay, oo sidaas daraaddeed dhillo ma aha in kastoo ay nin kale naag u noqoto.

  • 31Laakiin xagga sarakicidda kuwii dhintay miyaydnaan akhriyin wixii Ilaah idinkula hadlay, markuu yidhi,

  • 5Oo haddana Maxloon iyo Kilyoon labadiiba way dhinteen; oo naagtii waxaa ka dhintay labadeedii carruur ahayd iyo ninkeedii.

  • Sharc 24:2-3
    2 aayado
    68%

    2Oo iyadu markay gurigiisa ka tagto way tegi kartaa oo nin kale naagtiis way noqon kartaa.

    3Oo ninka dambena hadduu iyada nebcaado, oo uu qoro warqaddii furniinta, oo uu iyada gacanta u geliyo, oo uu gurigiisana ka eryo, amase haddii ninka dambe oo iyada guursaday uu dhinto,

  • 68%

    21Dhimashadu nin bay ku timid, saas aawadeed sarakicidda kuwii dhintayna nin bay ku timid.

    22Siday dhammaan Aadan ugu wada dhintaan, sidaas oo kalaa dhammaan Masiixa loogu wada noolayn doonaa,

  • 39Naag waxay ku xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiin haddii ninku dhinto, waa xor inay guursato kay doonto laakiin xagga Rabbiga oo keliya.

  • 10Oo nin alla ninkii ka sinaysta nin kale naagtiis, kaasoo ah kii ka sinaysta naagta deriskiisa, sida xaqiiqada ah dhillayga iyo dhilladaba waa in la dilaa.

  • 26Oo cadaawaha ugu dambeeya ee la baabbi'in doonaa waa dhimasho.

  • 22¶ Oo haddii la helo nin la jiifa naag nin kale qabo, markaas labadooduba waa inay dhintaan, ninkii naagta la jiifsaday iyo naagtaba, oo sidaas waa inaad sharka reer binu Israa'iil dhexdooda uga saartaan.

  • 25Waayo, goortay kuwii dhintay ka soo sara kacaan layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha jannada ku jira.

  • 15Kuwii isaga ka hadhana dhimashaa xabaali doonta, Oo carmalladiisuna uma ay barooran doonaan.

  • 20Wakhtigii Yaared noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo lixdan sannadood; wuuna dhintay.

  • 14Oo dhimashadii iyo Haadeesba waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah.

  • 18Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho, Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay.

  • 17Haddaba sidaas daraaddeed dila dhallaanka mid kastoo lab ah, oo dila naag kastoo nin la seexatay.

  • Bil 2:23-24
    2 aayado
    66%

    23Ninkiina wuxuu yidhi, Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga: waxaa iyada loogu yeedhi doonaa Naag, maxaa yeelay, iyada waxaa laga soo saaray Nin.

    24Sidaas daraaddeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa: oo waxay noqonayaan isku jidh.

  • 22Wax walba oo dhulka engegan joogay oo dulalka sankiisa ay neefta ruuxa nolosha ku jirtay, way wada dhinteen.

  • 5¶ Haddii walaalo wada deggan yihiin, oo midkood dhinto, laakiinse uusan wiil lahayn, kan dhintay naagtiisu yaanay dibadda ka guursan mid shisheeye ah. Ninkeedii walaalkiis waa inuu u guri galo oo dumaalo, oo uu ku sameeyo wixii ku habboon ninkeedii walaalkiis inuu ku sameeyo.

  • 37Wakhtigaas waxaa dhacday inay bukootay, wayna dhimatay, kolkay maydheenna waxay dhigeen qollad sare.

  • Luuk 8:52-53
    2 aayado
    66%

    52Kulligood waxay u ooyayeen oo u barooranayeen iyada, laakiin wuxuu ku yidhi, Ha ooyina, iyadu ma dhiman, waase huruddaa.

    53Wayna ku qosleen, iyagoo og inay dhimatay.

  • 19Oo naagtan ilmaheediina habeenkii buu dhintay, maxaa yeelay, iyadaa ku dul seexatay.

  • 5Oo dadkii dhintay intoodii kalena sooma ay noolaan ilamaa ay kunkii sannadood dhammaadeen. Kanu waa sarakicidda kowaad.

  • 7¶ Abbaaraha saddex saacadood dabadeed ayaa haweenaydiisii soo gashay iyadoo aan ogayn wixii dhacay.

  • 17Markaasaa Ayuub dhintay isagoo duq ah oo cimri weyn.

  • 12Naagna haddii ay ninkeeda furto oo mid kale guursato ayay sinaysataa.