Falimaha Rasuullada 5:10
Markiiba intay ku hor dhacday isaga, ayaa naftii ka dhacday; markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa soo galeen, oo waxay arkeen iyadoo meyd ah, markaasay intay qaadeen ku aaseen ninkeedii agtiisa.
Markiiba intay ku hor dhacday isaga, ayaa naftii ka dhacday; markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa soo galeen, oo waxay arkeen iyadoo meyd ah, markaasay intay qaadeen ku aaseen ninkeedii agtiisa.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
5Markii Ananiyas hadalladaas maqlay ayaa, intuu dhulka ku dhacay, naftii ka dhacday; oo kuwii taas maqlay oo dhan cabsi weyn baa gashay.
6Markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa, intay kaceen, isagay duudduubeen, markaasay qaadeen oo soo aaseen.
7¶ Abbaaraha saddex saacadood dabadeed ayaa haweenaydiisii soo gashay iyadoo aan ogayn wixii dhacay.
8Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Inaad dhulkii intaas ku iibiseen iyo in kale, ii kala sheeg. Markaasay tidhi, Haah, intaasaannu ku iibinnay.
9Laakiin Butros baa ku yidhi, Sidee baad ugu heshiiseen inaad Ruuxa Rabbiga jirrabtaan? Bal eeg, kuwii ninkaaga soo aasay cagahoodii albaabka agtiisay ka soo sanqadhayaane. Adigana way ku qaadi doonaan.
11Markaasaa cabsi weyni gashay kiniisaddii iyo kuwii waxyaalahaas maqlay oo dhan.
37Wakhtigaas waxaa dhacday inay bukootay, wayna dhimatay, kolkay maydheenna waxay dhigeen qollad sare.
27Oo cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay oo jiifsaday: Cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay: Oo meeshuu ku foororsaday ayuu ku dhacay isagoo meyd ah.
31oo kii saddexaadna waa dumaalay. Sidaasay toddobadii u wada guursadeen, carruurna kama ay tegin, wayna dhinteen.
32Kulligood dabadeed naagtiina waa dhimatay.
39Markaasaa Butros kacay oo raacay iyagii. Oo kolkuu yimidna, waxay geeyeen qolladdii sare; carmalladii oo dhammina waa ag taagnaayeen iyagoo ooyaya oo tusaya garbageliyaashii iyo dharkii Dorkas samaysay intay la joogi jirtay iyaga.
40Laakiin Butros baa dhammaantood dibadda u saaray, markaasuu jilba joogsaday oo duceeyey, oo intuu meydka xaggiisa u jeestay ayuu ku yidhi, Tabitay, kac. Markaasay indhihii kala qaadday; oo markay Butros aragtayna way fadhiisatay.
41Markaasuu gacan siiyey oo kiciyey; oo markuu u yeedhay quduusiintii iyo carmalladiiba, iyadoo nool ayuu hor taagay.
27Markay wada dhinteen dabadeed naagtiina waa dhimatay.
34Oo markuu meeshii galay ayuu wax cunay oo wax cabbay, dabadeedna wuxuu yidhi, Bal naagtan habaaran u jeesta oo aasa, waayo, iyadu waa ina boqor.
35Oo iyana waxay u tageen inay iyadii soo aasaan, laakiinse waxba kama ay helin dhaladii iyo cagihii iyo calaacalihii gacmaheeda mooyaane.
24wuxuu ku yidhi, Ka leexda, yartu ma dhiman, waase huruddaa. Wayna ku qosleen.
25Laakiin markii dadkii badnaa la saaray, ayuu galay oo gacanteeda qabtay, yartiina waa kacday.
52Kulligood waxay u ooyayeen oo u barooranayeen iyada, laakiin wuxuu ku yidhi, Ha ooyina, iyadu ma dhiman, waase huruddaa.
53Wayna ku qosleen, iyagoo og inay dhimatay.
54Markaasuu dadkii oo dhan dibadda u saaray, oo uu gacanteeda qabtay oo qayliyey isagoo leh, Yartoy, kac.
55Ruuxeedii ayaa ku soo noqday, oo markiiba way kacday, oo wuxuu amray in cunto la siiyo iyada.
37Markaasay gudaha soo gashay, oo cagihiisii ku dhacday, oo dhulkay ku sujuudday, markaasay wiilkeedii qaadatay oo dibadda u baxday.
5Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan, Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool,
31Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato.
32Haddaba Maryan markay timid meeshii Ciise joogay oo ay aragtay isaga, waxay ku dhacday cagihiisa iyadoo ku leh, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.
31Markaasuu u soo dhowaaday oo gacanteeda qabtay oo uu kiciyey. Kolkiiba qandhadii waa ka baxday oo ay u adeegtay iyaga.
29Tan goortii xertiisii maqashay, ayay yimaadeen oo meydkiisii qaadeen oo aaseen.
19Oo naagtan ilmaheediina habeenkii buu dhintay, maxaa yeelay, iyadaa ku dul seexatay.
9Waxaana daaqadda fadhiyey nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Yutukhos, isagoo hurdo weyn la dhacay; oo intii Bawlos weli hadalkii sii dheeraynayay ayaa wiilkii oo aad u hurdaysan dabaqaddii saddexaad ka soo dhacay, oo isagoo meyd ah baa la qaaday.
2markaasuu qiimihii, haweenaydiisii oo la og, intuu qaar la hadhay, qaar keenay oo rasuulladii soo hor dhigay.
18Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho, Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay.
6Laakiin tii raaxaysi u noolaataa waa meyd intay nooshahay.
25Oo way sugeen ilaa ay isla yaabeen; oo bal eeg isna albaabbadii qowladda ma uu furin, sidaas daraaddeed furahay qaadeen oo albaabbaday fureen, oo markaasay arkeen sayidkoodii oo dhulka ku dhacay oo meyd ah.
39Goortuu galay wuxuu ku yidhi, Maxaad sidaas ugu buuqaysaan oo u ooyaysaan? Gabadhu ma dhiman, waase huruddaa.
2¶ Markaasaa niman cibaado leh Istefanos aaseen oo aad ugu baroorteen.
26Markaasaa naagtii timid markii waagu soo kaahay, oo waxay ku dhacday albaabkii ninkii gurigiisa oo uu sayidkeedii joogay, ilaa ay iftiin noqotay.
27Markaasaa sayidkeedii kacay aroortii, oo albaabbadii guriga furay, oo inuu tago ayuu dibadda ugu soo baxay; oo bal eeg, naagtiisii addoonta ahayd waxay ku dhacday guriga iriddiisa, oo gacmaheeduna waxay saarnaayeen marinka.
10Iyadu waa tagtay oo waxay u sheegtay kuwii la joogi jiray, iyagoo barooranaya oo ooyaya.
16Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu gurigii boqorka u mari jireen, oo halkaasaa lagu dilay.
26Oo Uuriyaah bilcaantiisiina markay maqashay in ninkeedii Uuriyaah dhintay, way u barooratay ninkeedii.
15Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu guriga boqorka u mari jireen; oo halkaasay ku dileen.
37Oo subaxdii markii Naabaal sakhraankii ka ba'ay ayay naagtiisii waxyaalahan u sheegtay, markaasaa qalbigii ku dhex dhintay, oo sidii dhagax oo kale ayuu noqday.
32Oo Eliishaa markuu gurigii soo galay ayuu arkay in yarku meyd yahay, oo uu sariirtiisii ku jiifo.
27Gurigeedu waa jidkii She'ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda.
21Oo iyana kor bay u baxday, oo waxay isagii ku jiifisay sariirtii ninkii Ilaah, oo intay albaabkii ku xidhay ayay ka baxday.
23Markiiba ayaa malaa'igtii Rabbigu ku dhufatay, maxaa yeelay, Ilaah ma uu ammaanin; markaasaa waxaa cunay dixiryo, oo naftiina ka dhacday.
30Oo xabaashiisii uu isagu lahaa ayuu meydkiisii geliyey, wayna u baroorteen, oo yidhaahdeen, Hoognay, walaalkayow!
42Kolkiiba gabadhii waa kacday oo socotay; waxay jirtay laba iyo toban sannadood. Dadkuna aad bay ula wada yaabeen.
22Toddobadii way wada guursadeen, dhalna kama tegin. Kulligood dabadood naagtiina waa dhimatay.