Falimaha Rasuullada 20:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaana daaqadda fadhiyey nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Yutukhos, isagoo hurdo weyn la dhacay; oo intii Bawlos weli hadalkii sii dheeraynayay ayaa wiilkii oo aad u hurdaysan dabaqaddii saddexaad ka soo dhacay, oo isagoo meyd ah baa la qaaday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 17:19 : 19 Markaasuu ku yidhi, Naa bal wiilkaaga ii keen. Oo intuu isagii ka qaaday xabadkeedii ayuu kor ula baxay qowladdii uu isagu degganaa, oo wuxuu saaray sariirtiisii.
  • Yoon 1:5-6 : 5 Markaasay raggii baxriyiinta ahaa aad u baqeen, oo mid waluba wuxuu u qayshaday ilaahiisii. Alaabtii doonnida ku jirtayna badday ku dhex tuureen, si ay doonnidu iyaga ugu fududaato. Laakiinse wuxuu Yoonis mar hore u dhaadhacay doonnida meesha ugu hoosaysa, oo halkaasuu seexday, wuxuuna ku jiray hurdo weyn. 6 Haddaba waxaa isagii u yimid naakhudihii doonnida, oo ku yidhi, Hurdahayow, maxaad u jeeddaa? Kac oo Ilaahaaga u qayli, waaba intaasoo uu inaga fikiraa inaannan halligmine.
  • Mat 26:40-41 : 40 Xertii ayuu u yimid, oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Waa sidee? Miyaad kari weydeen inaad saacad keliya ila soo jeeddaan? 41 Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ruuxu waa diyaar, laakiin jidhku waa itaal daranyahay.
  • Mark 9:26 : 26 Jinnigii intuu qayliyey, aad buu u gilgilay, kolkaasuu ka soo baxay. Markaasuu wiilku noqday sidii mid dhintay oo kale, sidaa darteeda dad badan baa yidhi, Waa dhintay.
  • Mark 13:36 : 36 waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda.
  • Fal 14:19 : 19 ¶ Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 20:10-13
    4 aayado
    84%

    10Markaasaa Bawlos hoos u soo degay oo ku dul dhacay isagii, waana isku duubay, isagoo leh, Ha buuqina; maxaa yeelay, naftii waa ku jirtaa.

    11Oo markuu dusha aadayna oo kibis jejebiyey oo cunay oo wakhti dheer la hadlay iyagii, ilaa waagii beryay, ayuu markaas ka tegey.

    12Wiilkiina way keeneen isagoo nool, si aan yarayn baana loo qalbi qaboojiyey iyagii.

    13¶ Laakiin annagoo ka hor marayna, waxaannu aadnay doonnida, oo Asos u dhoofnay, meeshaasoo aannu doonaynay inaannu Bawlos ka qaadno; maxaa yeelay, sidaasuu kula ballamay isagoo ku talo jiray inuu lugeeyo.

  • Fal 20:7-8
    2 aayado
    77%

    7¶ Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka markaannu isugu nimid inaannu kibis jejebinno, ayaa Bawlos la hadlay iyagii, isagoo ku talo jira inuu maalinta dambe tago, hadalkiina ilaa habeenbadhkii ayuu sii dheereeyey.

    8Siraaddo badan baa ka baxayay qowladda sare oo aannu ku urursanayn.

  • Fal 5:5-6
    2 aayado
    69%

    5Markii Ananiyas hadalladaas maqlay ayaa, intuu dhulka ku dhacay, naftii ka dhacday; oo kuwii taas maqlay oo dhan cabsi weyn baa gashay.

    6Markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa, intay kaceen, isagay duudduubeen, markaasay qaadeen oo soo aaseen.

  • Fal 5:10-11
    2 aayado
    68%

    10Markiiba intay ku hor dhacday isaga, ayaa naftii ka dhacday; markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa soo galeen, oo waxay arkeen iyadoo meyd ah, markaasay intay qaadeen ku aaseen ninkeedii agtiisa.

    11Markaasaa cabsi weyni gashay kiniisaddii iyo kuwii waxyaalahaas maqlay oo dhan.

  • Fal 14:19-20
    2 aayado
    68%

    19¶ Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay.

    20Laakiin intii xertii hareerihiisii taagnaayeen, ayuu kacay, markaasuu magaaladii galay; maalintii dambena wuu ka baxay oo Barnabas u raacay Derbe.

  • Fal 14:8-10
    3 aayado
    67%

    8¶ Lustara waxaa fadhiyey nin aan cagaha xoog ku lahayn, oo tan iyo markuu uurka hooyadii ka dhashay curyaan ahaa, kaasoo aan weligiis socon.

    9Isagu wuxuu maqlay Bawlos oo hadlaya, kaasoo indhaha aad ugu fiiriyey, gartayna inuu rumaysad uu ku bogsan karo leeyahay,

    10wuxuuna cod dheer ku yidhi, Cagahaaga sare isugu taag. Markaasuu booday oo socday.

  • 29Markaasuu cid u diray siraaddo, oo gudaha ku booday isagoo baqdin la gargariiraya, oo wuxuu ku hor dhacay Bawlos iyo Silas,

  • 30Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,

  • 14Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Kaaga hurdow toos, oo kuwii dhintay ka kac, oo Masiixuna waa ku iftiimin doonaa.

  • 60Markaasuu jilba joogsaday oo cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Rabbiyow, dembigan dushooda ha ka dhigin. Oo markuu sidaas yidhi, ayuu dhintay.

  • Fal 21:29-30
    2 aayado
    65%

    29Maxaa yeelay, mar hore waxay magaalada kula arkeen Torofimos oo reer Efesos ahaa, kaasoo ay u maleeyeen in Bawlos macbudka keenay.

    30Markaasaa magaaladii oo dhammu kacday, dadkuna waa isku soo yaacay; kolkaasay Bawlos qabteen oo macbudka ka jiideen; oo markiiba albaabbadii waa la xidhay.

  • 21¶ Oo kolkii ay wakhti dheer cuntola'aan sii joogeen ayaa Bawlos dhexdooda istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxaa idinku habboonayd inaad i maqashaan oo aydaan Kereetee ka soo dhoofin oo helin waxyeelladan iyo khasaaradan toona.

  • Fal 20:36-37
    2 aayado
    65%

    36¶ Markuu waxaas ku hadlay dabadeed ayuu jilba joogsaday oo la tukaday dhammaantood.

    37Markaasay kulligood aad u wada ooyeen, oo Bawlos qoorta kaga dhaceen oo dhunkadeen,

  • 17¶ Oo waxaa dhacday, markaan Yeruusaalem ku soo noqday dabadeed, intaan macbudka ku tukanayay, inaan riyooday,

  • 11¶ Haddaba habeenkii dambe Rabbiga ayaa is-ag taagay isagii oo ku yidhi, Kalsoonow, maxaa yeelay, sidaad Yeruusaalem iigu markhaati furtay waa inaad Roomana iigu markhaati furtid.

  • Luuk 7:14-15
    2 aayado
    64%

    14Oo intuu ku soo dhowaaday, ayuu taabtay rabrabtii. Kuwii sidayna way joogsadeen. Markaasuu yidhi, Dhallinyarow, waxaan kugu leeyahay, Kac.

    15Kolkaasaa kii dhintay sara fadhiistay oo bilaabay inuu hadlo, oo markaasaa Ciise isagii u dhiibay hooyadiis.

  • 21haddii ayan ahayn codkan keliya oo aan ku dhawaaqay markaan iyaga dhex taagnaa oo idhi, Wax ku saabsan sarakicidda kuwii dhintay ayaad maanta igu xukumaysaan.

  • 19laakiin waxay lahaayeen su'aalo isaga ka gees ah oo ku saabsan diintooda iyo mid Ciise la odhan jiray oo dhintay, laakiin Bawlos leeyahay inuu nool yahay.

  • 27Xabsihayihiina markuu hurdada ka toosay oo arkay albaabbadii xabsiga oo wada furmay, ayuu seeftiisii la baxay oo ku dhowaaday inuu isdilo, maxaa yeelay, wuxuu u malaynayay maxaabiistii inay baxsatay.

  • 22¶ Wayna dhegaysteen ilaa hadalkaas; markaasay codkoodii sare u qaadeen iyagoo leh, Dhulka ka fogee ninka caynkan ah, maxaa yeelay, ma qummana inuu noolaado.

  • 40Laakiin Butros baa dhammaantood dibadda u saaray, markaasuu jilba joogsaday oo duceeyey, oo intuu meydka xaggiisa u jeestay ayuu ku yidhi, Tabitay, kac. Markaasay indhihii kala qaadday; oo markay Butros aragtayna way fadhiisatay.

  • 24Oo waxaa badda ka kacay duufaan weyn, ilaa ay hirarku qariyeen doonnida, laakiin isagu waa hurday.

  • 6Laakiin iyagii waxay filanayeen inuu haddiiba bararo ama uu markiiba dhaco isagoo meyd ah; laakiin kolkii ay wakhti dheer dhawrayeen oo ay arkeen inaan waxyeello ku dhicin isagii, ayay fikirradoodii beddeleen, oo waxay isku yidhaahdeen, Isagu waa ilaah.

  • 18Sidaas daraaddeed ayuu kaxeeyey oo u geeyey sirkaalkii sare oo ku yidhi, Bawlos oo maxbuuska ah ayaa ii yeedhay, oo wuxuu i weyddiistay inaan kuu keeno wiilka oo war qaba inuu kuu sheego.

  • 33Halkaasna wuxuu ka helay nin la odhan jiray Ayne'as, kaas oo siddeed sannadood sariirtiisa jiifay, maxaa yeelay, curyaan buu ahaa.

  • 14Laakiin wakhti aan dheerayn dabadeed ayaa waxaa ka soo kacay duufaan weyn oo magiciisa la yidhaahdo Yurokludoon;

  • 4Markaasuu dhulka ku dhacay, oo wuxuu maqlay cod isaga ku leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?

  • 33Haddaba Bawlos waa ka dhex tegey iyagii.

  • 30Sababtaas aawadeed ayay badidiinnu u itaal daranyihiin, oo u bukaan, oo qaar aan yaraynu u dhinteen.

  • Fal 17:18-19
    2 aayado
    64%

    18Waxaana la kulmay isagii kuwo ka mid ah faylosuufiinta Ebikuriyiin iyo Istoo'ikiin ah. Qaar baa waxay yidhaahdeen, Ninkan dawdarka ihi muxuu odhan doonaa? Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Wuxuu u eg yahay nin ilaahyo qalaad wax ka sheega; maxaa yeelay, wuxuu dadkii ku wacdiyey Ciise iyo sarakicidda.

    19Markaasay isagii qabteen, oo waxay u kaxeeyeen Are'obagos iyagoo ku leh, Ma ogaan karnaa waxay tahay waxbariddan cusub oo aad ku hadlaysid?

  • 32Oo Eliishaa markuu gurigii soo galay ayuu arkay in yarku meyd yahay, oo uu sariirtiisii ku jiifo.

  • Mark 9:26-27
    2 aayado
    64%

    26Jinnigii intuu qayliyey, aad buu u gilgilay, kolkaasuu ka soo baxay. Markaasuu wiilku noqday sidii mid dhintay oo kale, sidaa darteeda dad badan baa yidhi, Waa dhintay.

    27Laakiin Ciise ayaa gacanta qabtay oo kiciyey; markaasuu kacay.

  • 14Waayo, haddaynu rumaysan nahay in Ciise dhintay oo haddana soo sara kacay, de sidaas oo kalaa kuwii Ciise rumaysnaa oo dhintay Ilaah la keeni doonaa isaga.

  • 39Goortuu galay wuxuu ku yidhi, Maxaad sidaas ugu buuqaysaan oo u ooyaysaan? Gabadhu ma dhiman, waase huruddaa.

  • 32Markaasaa askartii xadhkaha huuriga ka jareen oo ay huurigii sii daayeen inuu dhaco.

  • 25Oo way sugeen ilaa ay isla yaabeen; oo bal eeg isna albaabbadii qowladda ma uu furin, sidaas daraaddeed furahay qaadeen oo albaabbaday fureen, oo markaasay arkeen sayidkoodii oo dhulka ku dhacay oo meyd ah.