Falimaha Rasuullada 9:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu dhulka ku dhacay, oo wuxuu maqlay cod isaga ku leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sak 2:8 : 8 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaan dabadeed wuxuu ii soo diray quruumihii adiga ku dhacay, waayo, kii ku taabto wuxuu taabtaa ishiisa inankeeda.
  • Fal 26:14-15 : 14 Oo kolkii aannu dhammaantayo dhulka ku wada dhacnay, ayaan maqlay cod afka Cibraaniga ku hadlaya oo igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa? Way kugu adag tahay inaad harraatidid wax ku muda. 15 Markaasaan idhi, Yaad tahay Sayidow? Kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha aad silcinaysid.
  • Ish 63:9 : 9 Dhibaatadoodii oo dhan ayuu isna ku dhibaatooday, oo waxaa iyagii badbaadisay malaa'igta hortiisa joogta, oo wuxuu iyagii ku soo furtay jacaylkiisii iyo naxdintiisii, oo isna wuu soo xambaaray, oo waayihii hore oo dhanna wuu siday.
  • Room 11:22 : 22 Bal hadda fiiri roonaanta iyo adkaanta Ilaah; kuwii dhacay xaggooda adkaantiisaa la jirta, laakiinse xaggaaga waxaa la jirta roonaanta Ilaah, haddaad roonaantiisa ku sii socotid, haddii kaleeto adna waa lagu gooyn doonaa.
  • 1 Kor 4:7 : 7 Waayo, yaa kaa soocay? Maxaad haysataa oo, aanad helin? Laakiin haddaad heshay, bal maxaad u faanaysaa sidii adigoo aan helin?
  • 1 Kor 12:12 : 12 ¶ Haddaba sida jidhku mid keliya u yahay, oo uu xubno badan u leeyahay, oo xubnaha oo dhan ee jidhka ay jidh keliya u yihiin, in kastoo ay badan yihiin, Masiixuna waa sidaas oo kale.
  • Ef 5:30 : 30 waayo, innagu waxaynu nahay xubnihii jidhkiisa.
  • Bil 3:9 : 9 Oo Rabbiga Ilaah ahu wuu u yeedhay ninkii, oo wuxuu ku yidhi, Xaggee baad joogtaa?
  • Bil 16:8 : 8 Oo malaa'igtii waxay ku tidhi, Haagaar, midiidintii Saaray, xaggee baad ka timid? Xaggee baadse ku socotaa? Oo waxay ku tidhi, Murwadayda Saaray baan ka cararayaa.
  • Bil 22:11 : 11 Markaasay malaa'igtii Rabbigu samada uga yeedhay isaga, oo waxay ku tidhi, Ibraahimow, Ibraahimow. Kolkaasuu yidhi, Waa i kan.
  • Bax 3:4 : 4 Oo markuu Rabbigu arkay inuu ku soo leexday inuu arko ayaa Ilaah uga yeedhay geedka dhexdiisii, oo wuxuu ku yidhi, Muusow, Muusow. Markaasuu yidhi, Waa i kan.
  • Tir 16:45 : 45 Adigu shirkan ka soo kac, aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee. Oo iyana markaasay wejiga dhulka dhigeen.
  • Mat 25:40 : 40 Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.
  • Mat 25:45-46 : 45 Markaasuu u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen. 46 Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.
  • Luuk 10:41 : 41 Laakiin Sayidku waa u jawaabay oo ku yidhi, Maarta, Maartay, wax badan ayaad ka welwelaysaa oo isku dhibaysaa.
  • Yoox 18:6 : 6 Sidaa daraaddeed Ciise markuu ku yidhi, Isagii baan ahay, dib bay u socdeen, oo dhulkay ku dhaceen.
  • Yoox 20:16 : 16 Ciise wuxuu ku yidhi, Maryamay. Markaasay jeesatay oo afka Cibraaniga ku tidhi, Rabbooni, ee ah Macallimow.
  • Yoox 21:15 : 15 ¶ Haddaba markay quraacdeen dabadeed Ciise wuxuu Simoon Butros ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, kuwan ma iga jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Baraarkayga daaji.
  • Fal 5:10 : 10 Markiiba intay ku hor dhacday isaga, ayaa naftii ka dhacday; markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa soo galeen, oo waxay arkeen iyadoo meyd ah, markaasay intay qaadeen ku aaseen ninkeedii agtiisa.
  • Fal 22:7-8 : 7 Markaasaan dhulka ku dhacay, oo waxaan maqlay cod igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa? 8 Markaasaan u jawaabay oo ku idhi, Yaad tahay, Sayidow? Markaasuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha reer Naasared oo aad silcinaysid.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 22:6-11
    6 aayado
    95%

    6¶ Oo waxaa dhacday, intaan sodcaalayay oo Dimishaq u soo dhowaanayay, iyadoo duhur ah, in dhaqsiba iftiin weyn oo samada ka yimid hareerahayga ka iftiimay.

    7Markaasaan dhulka ku dhacay, oo waxaan maqlay cod igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?

    8Markaasaan u jawaabay oo ku idhi, Yaad tahay, Sayidow? Markaasuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha reer Naasared oo aad silcinaysid.

    9Oo kuwii ila joogayna runtii waxay arkeen iftiinkii, laakiin ma ay maqlin kii ila hadlay codkiisii.

    10Markaasaan ku idhi, Maxaan sameeyaa, Rabbiyow? Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Kac oo Dimishaq gal; meeshaasaana laguugu sheegi doonaa waxa ku saabsan waxyaalihii lagu amray inaad samaysid oo dhan.

    11Markaan waxba arki waayay dhalaalkii iftiinka aawadiis, kuwii ila joogay ayaa gacanta igu hagay oo waxaan imid Dimishaq.

  • Fal 26:12-17
    6 aayado
    90%

    12¶ Oo markaan Dimishaq u sodcaalayay, boqorow, anigoo wata amarkii iyo dardaarankii wadaaddada sare,

    13ayaan waxaan hadhkii arkay, intaan jidka marayay, iftiin samada ka baxaya oo qorraxda ka sii dhalaal dheer, oo ka iftiimaya hareerahayga aniga iyo kuwii ila socdayba.

    14Oo kolkii aannu dhammaantayo dhulka ku wada dhacnay, ayaan maqlay cod afka Cibraaniga ku hadlaya oo igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa? Way kugu adag tahay inaad harraatidid wax ku muda.

    15Markaasaan idhi, Yaad tahay Sayidow? Kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha aad silcinaysid.

    16Laakiin bal sara joogso, oo cagahaaga ku istaag; waayo, sababtan aawadeed ayaan kuugu muuqday inaan kaaga dhigo midiidin iyo markhaati waxyaalihii aad igu aragtay iyo waxyaalaha aan kuugu muuqan doonaba;

    17anigoo kaa samatabbixinaya dadka iyo quruumaha aan kuu diri doonaba,

  • Fal 9:5-18
    14 aayado
    88%

    5Markaasuu ku yidhi, Yaad tahay, Sayidow? Wuxuuna ku yidhi, Waxaan ahay Ciisaha aad silcinaysid;

    6laakiin kac oo magaalada gal, oo waxaa laguu sheegi doonaa wixii kugu waajib ah inaad samaysid.

    7Nimankii la sodcaalayayna hadalla'aan bay istaageen, iyagoo codkii maqlaya laakiin aan ninna arkaynin.

    8Markaasaa Sawlos dhulkii ka kacay; markii indhihiisii furmeenna, waxba ma uu arkin; markaasay gacanta ku hageen oo Dimishaq keeneen.

    9Saddex maalmood ayuu aragla'aan joogay, waxbana ma cunin, waxbana ma cabbin.

    10¶ Haddaba waxaa Dimishaq joogay nin xer ah oo la odhan jiray Ananiyas; oo Rabbigu wuxuu kula hadlay riyo, isagoo ku leh, Ananiyasow. Isna wuxuu ku yidhi, Waa i kan, Rabbiyow.

    11Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Kac oo aad jidka la yidhaahdo Toosane, oo waxaad guriga Yuudas ka doontaa nin la yidhaahdo Sawlos oo reer Tarsos ah; oo bal eeg, waa tukanayaaye;

    12oo wuxuu arkay nin la yidhaahdo Ananiyas isagoo u soo gelaya oo gacmihiisa dul saaraya inuu araggiisii helo.

    13Laakiin Ananiyas baa u jawaabay oo ku yidhi, Rabbiyow, waxaan dad badan ka maqlay ninkanu intuu shar badan u gaystay quduusiintaada Yeruusaalem jooga;

    14halkanna wuxuu wadaaddada sare ka haystaa amar inuu xidhxidho kuwa magacaaga kuugu yeedha oo dhan.

    15Laakiin Rabbigu wuxuu ku yidhi, Soco, maxaa yeelay, wuxuu ii yahay weel aan doortay inuu magacayga hor geeyo dadka aan Yuhuudda ahayn iyo boqorrada iyo reer binu Israa'iil;

    16maxaa yeelay, waxaan tusi doonaa waxyaalaha waajib ku ah inuu u silco magacaygii dartiis.

    17¶ Markaasaa Ananiyas tegey oo gurigii galay, oo intuu gacmihiisa dul saaray, ayuu wuxuu ku yidhi, Walaal Sawlosow, Rabbi Ciise oo kuugu muuqday jidkaad ku timid baa ii soo diray inaad araggaaga heshid iyo in Ruuxa Quduuska ahu kaa buuxsamo.

    18Oo markiiba waxaa indhihiisa ka soo dhacay wax xuubab u eg, wuuna helay araggiisii; markaasuu kacay oo waa la baabtiisay;

  • Fal 9:1-3
    3 aayado
    86%

    1¶ Laakiin Sawlos oo weli dhaaranaya inuu cabsiiyo oo dilo xerta Rabbiga, ayuu wuxuu u tegey wadaadkii sare,

    2oo weyddiistay warqado uu la tago Dimishaq ilaa sunagogyada, si hadduu helo dadkii Jidka, ha ahaadeen rag ama dumarba, uu iyagoo xidhxidhan Yeruusaalem u keeno.

    3Oo kolkuu sodcaalay, waxaa dhacday inuu Dimishaq u soo dhowaaday; oo dhaqsiba waxaa hareerihiisa ka iftiimay iftiin samada ka yimid.

  • Fal 22:13-14
    2 aayado
    77%

    13ayaa ii yimid oo iskay ag taagay isagoo igu leh, Walaal Sawlosow, araggaaga hel. Oo saacaddiiba waan arkay isagii.

    14Markaasuu igu yidhi, Ilaaha awowayaasheen ayaa ku doortay inaad doonistiisa ogaatid, iyo inaad Kan Xaqa ah aragtid oo aad afkiisa cod ka maqashid.

  • Fal 9:20-21
    2 aayado
    77%

    20Oo markiiba sunagogyada dhexdooda ayuu dadka kaga dhex wacdiyey Ciise inuu yahay Wiilka Ilaah.

    21Dadkii maqlay oo dhammuna waa yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu sow ma aha kii Yeruusaalem ku layn jiray kuwa magacaas ugu yeedhi jiray? Oo sababtaas ayuu halkan u yimid inuu iyagoo xidhxidhan hor keeno wadaaddada sare.

  • 13Waad maqasheen dabiicaddaydii hore xagga diintii Yuhuudda, sidii aan kiniisaddii Ilaah aad iyo aad ugu silcin jiray oo u kharribi jiray.

  • 9Laakiin Sawlos, oo ahaa Bawlos, kaasoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxsamay, ayaa aad u fiiriyey,

  • Fal 9:26-27
    2 aayado
    73%

    26¶ Oo kolkuu Yeruusaalem yimid, wuxuu isku dayay inuu xertii ku darsamo; dhammaantoodse waa ka cabsadeen, maxaa yeelay, ma ay rumaysnayn inuu xer yahay.

    27Laakiin Barnabas baa kaxeeyey, oo wuxuu u geeyey rasuulladii oo u sheegay siduu Rabbiga ugu arkay jidka, iyo inuu la hadlay, iyo siduu Dimishaq geesinimo ugu wacdiyey magaca Ciise.

  • 23Laakiin waxay maqleen oo keliya in la yidhi, Kii mar ina silcin jiray, hadda wuxuu wax ku wacdiyayaa iimaankii uu mar kharribi jiray.

  • 19Markaasaan idhi, Rabbiyow, iyaga qudhoodu way og yihiin inaan xidhxidhay oo aan sunagog walba ku garaacay kuwa ku rumaystay;

  • 4Jidkanna waan silcin jiray tan iyo dhimasho, anigoo xidhaya oo xabsiga geeynaya rag iyo dumarba.

  • 6Sidaa daraaddeed Ciise markuu ku yidhi, Isagii baan ahay, dib bay u socdeen, oo dhulkay ku dhaceen.

  • 17¶ Oo waxaa dhacday, markaan Yeruusaalem ku soo noqday dabadeed, intaan macbudka ku tukanayay, inaan riyooday,

  • 21Markaasuu igu yidhi, Tag, maxaa yeelay, waxaan kuu dirayaa meel fog inaad dadka aan Yuhuudda ahayn ugu tagtid.

  • 9Waayo, anigu waxaan ahay kan rasuullada u liita oo aan istaahilin in loogu yeedho rasuul, waayo, kiniisadda Ilaah baan silcin jiray.

  • 10Oo sidaasaan ku sameeyey Yeruusaalem; weliba waxaan xabsi ku xidhay kuwo badan oo quduusiin ah, anigoo amar ka wata wadaaddada sare, oo kolkii la dilayayba waan ku raacsanaa.

  • 41Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.

  • 3Laakiin Sawlos aad buu kiniisadda u rafaadiyey, oo intuu guri walba galay, ayuu rag iyo dumarba ka soo jiiday, oo xabsi ku riday.

  • 1¶ Sawlosna raalli buu ka ahaa diliddiisa. Oo maalintaas kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil aad baa loo silciyey; oo dhammaantoodna rasuulladii mooyaane waxay ku kala firdheen dalalka Yahuudiya iyo Samaariya.

  • 29Markaasuu cid u diray siraaddo, oo gudaha ku booday isagoo baqdin la gargariiraya, oo wuxuu ku hor dhacay Bawlos iyo Silas,

  • 11Haddaba, bal eeg, gacanta Rabbigu waa ku saaran tahay, oo waad indha beeli doontaa, adigoo aan qorraxda arkayn intii wakhti ah. Kolkaasaa markiiba waxaa ku soo dhacday isagii ceeryaamo iyo gudcur; wuuna warwareegay oo doondoonay nin gacanta ku haga.