Falimaha Rasuullada 7:60

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu jilba joogsaday oo cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Rabbiyow, dembigan dushooda ha ka dhigin. Oo markuu sidaas yidhi, ayuu dhintay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 5:44 : 44 laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya,
  • Fal 20:36 : 36 ¶ Markuu waxaas ku hadlay dabadeed ayuu jilba joogsaday oo la tukaday dhammaantood.
  • Luuk 23:34 : 34 Markaasaa Ciise wuxuu yidhi, Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan. Markaasay dharkiisii qaybsadeen, wayna saami riteen.
  • Fal 9:40 : 40 Laakiin Butros baa dhammaantood dibadda u saaray, markaasuu jilba joogsaday oo duceeyey, oo intuu meydka xaggiisa u jeestay ayuu ku yidhi, Tabitay, kac. Markaasay indhihii kala qaadday; oo markay Butros aragtayna way fadhiisatay.
  • Fal 13:36 : 36 Maxaa yeelay, Daa'uud markuu qarnigiisa ugu shaqeeyey talada Ilaah dabadeed ayuu dhintay, waana lala xabaalay awowayaashiis, wuuna qudhmay;
  • 1 Tes 4:13-14 : 13 ¶ Laakiin walaalayaalow, dooni mayno inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan kuwii dhintay ee waxaannu doonaynaa inaydnaan calool xumaan sida kuwa kale oo aan rajo lahayn. 14 Waayo, haddaynu rumaysan nahay in Ciise dhintay oo haddana soo sara kacay, de sidaas oo kalaa kuwii Ciise rumaysnaa oo dhintay Ilaah la keeni doonaa isaga.
  • 1 Kor 15:6 : 6 Markaasuu wuxuu mar keliya u muuqday kuwo ka badan shan boqol oo walaalo ah, kuwo weli intoodii badnayd ay hadda joogto, laakiin qaar baa dhintay.
  • 1 Kor 15:18 : 18 Oo weliba kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintayna, way halligmeen.
  • 1 Kor 15:20 : 20 ¶ Laakiinse haatan Masiixa ayaa kuwii dhintay laga sara kiciyey, isagoo ah midhaha ugu horreeya ee kuwa dhintay.
  • Fal 21:5 : 5 Oo markii maalmahaasu noo dhammaadeen ayaannu ka tagnay oo sii soconnay; oo dhammaantood, iyaga iyo dumarkoodii iyo carruurtoodiiba, ayay na sii ambabbixiyeen ilaa magaalada dibaddeeda; markaasaannu xeebta ku jilba joogsannay oo tukannay,
  • Luuk 22:41 : 41 Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday,
  • Room 12:14-21 : 14 U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina. 15 La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya. 16 Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina. 17 Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa. 18 Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan. 19 Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay. 20 Laakiin haddii cadowgaagu gaajaysan yahay, cunto sii; hadduu harraadsan yahayna, waraabi, waayo, haddaad saas samayso waxaad madaxiisa ku kor ururin doontaa duxulo dab ah. 21 Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow.
  • 1 Kor 11:30 : 30 Sababtaas aawadeed ayay badidiinnu u itaal daranyihiin, oo u bukaan, oo qaar aan yaraynu u dhinteen.
  • Mat 27:52 : 52 Xabaalihiina waa furmeen, oo quduusiin badan oo hurdayna meydadkoodii waa la kiciyey.
  • Luuk 6:28 : 28 Kuwa idin habaara u duceeya, kuwa idin caayana Ilaah u barya.
  • Cesr 9:5 : 5 Oo markii qurbaankii makhribka la gaadhay ayaan ka kacay is-hoosaysiintaydii, iyadoo dharkaygii iyo go'aygiiba jeexjeexan yihiin, markaasaan jilbajoogsaday oo gacmaha u horsaday Rabbiga Ilaahayga ah;
  • Daan 6:10 : 10 Daanyeelna markuu ogaaday in qorniinkii la saxeexay ayuu gurigiisii galay, haddaba daaqadihii qolkiisa oo xagga Yeruusaalem u jeeday way furnaayeen, oo saddex jeer buu maalintiiba jilbo joogsan jiray oo tukan jiray, oo Ilaahiis ku mahadnaqi jiray, siduu hore u yeeli jiray.
  • 1 Kor 15:51 : 51 Eega, waxaan idiin sheegayaa wax qarsoon. Dhammaanteen ma wada dhiman doonno, laakiin dhammaanteen waa layna beddeli doonaa,
  • 1 Tes 5:10 : 10 kan inoo dhintay, inaynu la wada noolaanno isaga, haddaynu nool nahay iyo haddaynu dhimannoba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 7:54-59
    6 aayado
    85%

    54¶ Haddaba markay waxyaalahaas maqleen way ka xanaaqeen oo u ilka jirriqsadeen isaga.

    55Laakiin isagoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxo ayuu samada aad u fiiriyey, oo wuxuu arkay ammaanta Ilaah iyo Ciise oo midigta Ilaah taagan,

    56oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan arkayaa samooyinkii oo la furay iyo Wiilkii Aadanaha oo midigta Ilaah taagan.

    57Laakiin markaasay cod weyn ku qayliyeen oo dhegaha furaysteen, oo iyagoo isku wada qalbi ah ku yaaceen isagii.

    58Markaasay intay magaalada ka soo saareen dhagxiyeen; kuwii maragga ahaana dharkoodii waxay ag dhigteen nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Sawlos.

    59Markaasay dhagxiyeen Istefanos oo Rabbiga baryaya oo ku leh, Rabbi Ciisow, ruuxayga qaado.

  • Fal 8:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Sawlosna raalli buu ka ahaa diliddiisa. Oo maalintaas kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil aad baa loo silciyey; oo dhammaantoodna rasuulladii mooyaane waxay ku kala firdheen dalalka Yahuudiya iyo Samaariya.

    2¶ Markaasaa niman cibaado leh Istefanos aaseen oo aad ugu baroorteen.

  • 71%

    46Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Aabbow, gacmahaaga ayaan ruuxayga u dhiibayaa. Goortuu waxaas yidhi, ayuu ruuxii bixiyey.

    47Boqol-u-taliyihii goortuu arkay wixii dhacay, ayuu Ilaah ammaanay oo yidhi, Hubaal ninkanu xaq buu ahaa.

  • Fal 22:19-23
    5 aayado
    71%

    19Markaasaan idhi, Rabbiyow, iyaga qudhoodu way og yihiin inaan xidhxidhay oo aan sunagog walba ku garaacay kuwa ku rumaystay;

    20oo markii la daadshay dhiigga Istefanos oo ahaa markhaatigaaga, aniguna waan ag taagnaa oo u oggolaanayay oo haynayay kuwii isagii dilay dharkoodii.

    21Markaasuu igu yidhi, Tag, maxaa yeelay, waxaan kuu dirayaa meel fog inaad dadka aan Yuhuudda ahayn ugu tagtid.

    22¶ Wayna dhegaysteen ilaa hadalkaas; markaasay codkoodii sare u qaadeen iyagoo leh, Dhulka ka fogee ninka caynkan ah, maxaa yeelay, ma qummana inuu noolaado.

    23Oo markay qaylinayeen oo dharka iska xoorayeen oo siigo hawada ku tuurayeen,

  • 41Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday,

  • Fal 5:5-6
    2 aayado
    70%

    5Markii Ananiyas hadalladaas maqlay ayaa, intuu dhulka ku dhacay, naftii ka dhacday; oo kuwii taas maqlay oo dhan cabsi weyn baa gashay.

    6Markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa, intay kaceen, isagay duudduubeen, markaasay qaadeen oo soo aaseen.

  • 36¶ Markuu waxaas ku hadlay dabadeed ayuu jilba joogsaday oo la tukaday dhammaantood.

  • 7Markaasaan dhulka ku dhacay, oo waxaan maqlay cod igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?

  • 37Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo ruuxii bixiyey.

  • 4Markaasuu dhulka ku dhacay, oo wuxuu maqlay cod isaga ku leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?

  • 50Markaasaa Ciise goortuu mar kale cod weyn ku dhawaaqay, ruuxii bixiyey.

  • 24Markaasaa Simoon u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ii barya inaan waxyaalahaas aad ku hadasheen midkoodna igu dhicin.

  • Fal 13:28-30
    3 aayado
    67%

    28Oo in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo.

    29Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen.

    30Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,

  • 34Markaasaa Ciise wuxuu yidhi, Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan. Markaasay dharkiisii qaybsadeen, wayna saami riteen.

  • 41Kolkii saddexaad ayuu yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta, waa ku filan tahay. Saacaddii waa timid. Bal eega, Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa.

  • 45Markaasuu xertii u yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta. Bal eega, saacaddii waa dhow dahay, oo Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa.

  • 7Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa.

  • 35Waxoogaa ayuu hore u socday oo dhulkuu ku dhacay, wuxuuna tukaday in hadday suurtowdo saacaddu ay dhaafto.

  • 14Oo kolkii aannu dhammaantayo dhulka ku wada dhacnay, ayaan maqlay cod afka Cibraaniga ku hadlaya oo igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa? Way kugu adag tahay inaad harraatidid wax ku muda.

  • 66%

    44Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya.

    45Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda.

  • 39Kolkaasaa boqol-u-taliyihii oo meel ku toosan taagnaa markuu arkay inuu sidaas ruuxiisii u baxshay, wuxuu yidhi, Runtii, ninkanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah.

  • 35Oo markii Bawlos sallaankii fuulay, waxaa dhacay in askartii kor u qaadday isagii dadkii badnaa xooggooda aawadiis,

  • 6Kuwaasay rasuulladii hor keeneen; oo markay tukadeen dabadeed, ayay gacmahoodii saareen.

  • 38Markaasuu ku yidhi, Naftaydu aad bay u calool xun tahay tan iyo dhimasho; halkan jooga oo ila soo jeeda.

  • Fal 9:6-7
    2 aayado
    66%

    6laakiin kac oo magaalada gal, oo waxaa laguu sheegi doonaa wixii kugu waajib ah inaad samaysid.

    7Nimankii la sodcaalayayna hadalla'aan bay istaageen, iyagoo codkii maqlaya laakiin aan ninna arkaynin.

  • 66Maxay idinla tahay? Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuxuu istaahilaa dhimasho.

  • 9Waxaana daaqadda fadhiyey nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Yutukhos, isagoo hurdo weyn la dhacay; oo intii Bawlos weli hadalkii sii dheeraynayay ayaa wiilkii oo aad u hurdaysan dabaqaddii saddexaad ka soo dhacay, oo isagoo meyd ah baa la qaaday.

  • 30Haddaba markii Ciise khalkii qaatay ayuu yidhi, Waa dhammaatay, markaasuu madaxa foororshay oo ruuxii bixiyey.

  • 8¶ Markaasaa Istefanos oo ay nimco iyo xoog ka buuxaan ayaa dadka dhexdiisa ku sameeyey yaabab iyo calaamooyin waaweyn.

  • 29wuxuuna la hadlay oo la dooday Yuhuuddii Gariigta ahayd; iyaguse waxay doondooneen inay dilaan.

  • 5Markii dadkii aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuddaba, iyaga iyo taliyayaashoodii, ay ku yaaceen inay caayaan oo dhagxiyaan,

  • 10Oo sidaasaan ku sameeyey Yeruusaalem; weliba waxaan xabsi ku xidhay kuwo badan oo quduusiin ah, anigoo amar ka wata wadaaddada sare, oo kolkii la dilayayba waan ku raacsanaa.

  • 15Oo kuwii shirka wada fadhiyey oo dhan, iyagoo aad u fiirinaya, waxay arkeen wejigiisii oo ah sidii weji malaa'igeed oo kale.

  • 37Markaasuu yimid oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Simoonow, ma huruddaa? Miyaad kari wayday inaad saacad keliya soo jeeddo?