Luukos 22:47

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 26:14-16 : 14 ¶ Markaas mid laba-iyo-tobankii ka mid ahaa oo Yuudas Iskariyod la odhan jiray ayaa u tegey wadaaddada sare 15 oo ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaad i siisaan? Anna waan idiin soo gacangelin doonaaye. Oo waxay bixiyeen soddon gogo' oo lacag ah. 16 Markaas dabadeed wuxuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.
  • Mat 26:45-56 : 45 Markaasuu xertii u yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta. Bal eega, saacaddii waa dhow dahay, oo Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa. 46 Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay. 47 ¶ Oo intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo waayeellada dadka. 48 Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii ee qabta. 49 Kolkiiba Ciise buu u yimid oo ku yidhi, Nabad, Macallimow; wuuna dhunkaday. 50 Kolkaasaa Ciise ku yidhi, Saaxiibow, maxaad u timid? Markaasay yimaadeen, oo gacmahooda ayay Ciise saareen oo qabteen. 51 Oo bal eeg, mid ka mid ah kuwii Ciise la jiray ayaa gacanta fidiyey, oo seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay. 52 Markaasaa Ciise ku yidhi, Seeftaada meesheedii ku celi, waayo, kuwa seefo qaada oo dhammu seef bay ku halligmi doonaan. 53 Ma waxaad u malaynaysaa inaanan Aabbahay baryi karin oo uusan haddeer ii soo diri karin malaa'igo laba iyo toban guuto ka badan? 54 Haddaba sidee buu u noqon doonaa Qorniinku kan leh, Waa in sidaasu noqotaa? 55 Saacaddaas qudheeda ayaa Ciise dadkii badnaa ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidaan tuug ahay? Maalin walbaba macbudka ayaan fadhiyi jiray oo wax bari jiray, imana aydnaan qabsan. 56 Laakiin waxan oo dhan ayaa noqday in qorniinka nebiyadu rumoobo. Markaasaa xertii oo dhammu ka wada tageen oo carareen.
  • Mark 14:10 : 10 ¶ Yuudas Iskariyod oo ahaa mid laba-iyo-tobanka ka mid ah ayaa u tegey wadaaddada sare inuu u gacangeliyo.
  • Mark 14:41-50 : 41 Kolkii saddexaad ayuu yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta, waa ku filan tahay. Saacaddii waa timid. Bal eega, Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa. 42 Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay. 43 ¶ Kolkiiba intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo culimmada iyo waayeellada. 44 Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii. Qabta oo kaxeeya oo dhawra. 45 Kolkuu yimidba, kolkiiba ayuu u tegey oo ku yidhi, Macallimow, wuuna dhunkaday. 46 Markaasay gacmaha saareen, wayna qabteen. 47 Midkooda oo ag taagnaa ayaa seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadkii sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay. 48 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidaan tuug ahay? 49 Maalin walbaba macbudka ayaan idinkula jiri jiray oo wax bari jiray, imana aydnaan qabsan, laakiin Qorniinku waa inuu rumoobo. 50 Markaasay xertii ka wada tageen oo carareen.
  • Luuk 22:3-6 : 3 ¶ Markaasaa Shayddaanku wuxuu galay Yuudas, kan Iskariyod la odhan jiray, isagoo ka mid ah tirada laba-iyo-tobanka. 4 Markaasuu tegey, oo wuxuu la hadlay wadaaddada sare iyo madaxdii askarta si uu ugu gacangeliyo. 5 Goortaasay farxeen oo kula heshiiyeen inay lacag siiyaan, 6 wuuna oggolaaday, oo wuxuu doonayay goor wanaagsan inuu u soo gacangeliyo intii dadka maqnaayeen.
  • Yoox 18:2-9 : 2 Yuudasna, kii gacangeliyey, meeshaas wuu garanayay, waayo, Ciise marar badan ayuu meeshaas xertiisii la tegi jiray. 3 Haddaba Yuudas isagoo askar iyo saraakiil ka wada wadaaddadii sare iyo Farrisiintii ayuu meeshaas la yimid laambado iyo siraaddo iyo hub. 4 Sidaa daraaddeed Ciise isagoo og waxa ku dhici doona oo dhan ayuu baxay oo ku yidhi iyaga, Kumaad doondoonaysaan? 5 Waxay ugu jawaabeen, Ciisihii reer Naasared. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Isagii baan ahay. Waxaana iyaga la taagnaa Yuudas kii gacangeliyey. 6 Sidaa daraaddeed Ciise markuu ku yidhi, Isagii baan ahay, dib bay u socdeen, oo dhulkay ku dhaceen. 7 Mar kale haddaba ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi, Kumaad doondoonaysaan? Oo waxay ku yidhaahdeen, Ciisihii reer Naasared. 8 Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay inaan isagii ahay. Haddaba haddaad i doonaysaan, kuwan iska daaya, ha tageene. 9 Wuxuu saas u yidhi inuu dhammaado hadalkii uu ku hadlay oo ahaa, Kuwii aad i siisay, midkoodna ma lumin. 10 Simoon Butros haddaba, isagoo seef haysta, ayuu soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo ka gooyay dhegta midigta. Addoonkii magiciisu wuxuu ahaa Malkos. 11 Sidaa daraaddeed Ciise wuxuu Butros ku yidhi, Seefta galkeeda ku celi. Koobka Aabbuhu i siiyey miyaanan cabbayn?
  • Fal 1:16-18 : 16 Walaalayaalow, waxaa waajib ahaa in Qorniinku noqdo, kaas oo Ruuxa Quduuska ahu waagii hore afka Daa'uud kaga hadlay waxa ku saabsan Yuudas oo ahaa kii waday kuwii qabtay Ciise. 17 Maxaa yeelay, isaga waa laynagu tirshay, oo shuqulkan ayuu qaybtiisii helay. 18 Haddaba ninkaasu meel ayuu ku iibsaday abaalgudka xaqdarradiis; oo intuu madax madax u dhacay ayuu dhexda ka kala dillaacay, oo mindhicirkiisii oo dhammuna waa ka soo daatay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 91%

    48Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacangelinaysaa dhunkasho?

    49Kuwii ag joogay goortay garteen waxa dhici doona, waxay yidhaahdeen, Sayidow, seef miyaannu ku dhufannaa?

  • Mat 26:45-50
    6 aayado
    87%

    45Markaasuu xertii u yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta. Bal eega, saacaddii waa dhow dahay, oo Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa.

    46Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.

    47¶ Oo intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo waayeellada dadka.

    48Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii ee qabta.

    49Kolkiiba Ciise buu u yimid oo ku yidhi, Nabad, Macallimow; wuuna dhunkaday.

    50Kolkaasaa Ciise ku yidhi, Saaxiibow, maxaad u timid? Markaasay yimaadeen, oo gacmahooda ayay Ciise saareen oo qabteen.

  • 84%

    41Kolkii saddexaad ayuu yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta, waa ku filan tahay. Saacaddii waa timid. Bal eega, Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa.

    42Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.

    43¶ Kolkiiba intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo culimmada iyo waayeellada.

    44Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii. Qabta oo kaxeeya oo dhawra.

    45Kolkuu yimidba, kolkiiba ayuu u tegey oo ku yidhi, Macallimow, wuuna dhunkaday.

    46Markaasay gacmaha saareen, wayna qabteen.

  • 80%

    10¶ Yuudas Iskariyod oo ahaa mid laba-iyo-tobanka ka mid ah ayaa u tegey wadaaddada sare inuu u gacangeliyo.

    11Iyagu markay maqleen ayay farxeen oo waxay ka ballanqaadeen inay lacag siiyaan. Markaasuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.

  • Mat 26:14-16
    3 aayado
    80%

    14¶ Markaas mid laba-iyo-tobankii ka mid ahaa oo Yuudas Iskariyod la odhan jiray ayaa u tegey wadaaddada sare

    15oo ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaad i siisaan? Anna waan idiin soo gacangelin doonaaye. Oo waxay bixiyeen soddon gogo' oo lacag ah.

    16Markaas dabadeed wuxuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.

  • 4Laakiin Yuudas Iskariyod, oo ahaa mid xertiisii ka mid ah, oo gacangelin lahaa, wuxuu yidhi,

  • 76%

    25Isagoo sidii ugu tiirsan laabta Ciise, ayuu ku yidhi, Sayidow, waa kuma?

    26Markaasaa Ciise ugu jawaabay, Waa kii aan koosaarta u dari doono oo aan siin doono. Haddaba markuu koosaarta u daray ayuu qaaday oo siiyey Yuudas Iskariyod ina Simoon.

    27Markuu koosaarta qaatay dabadeed, Shayddaan baa galay isagii. Sidaa daraaddeed Ciise wuxuu ku yidhi, Waxaad samaynayso dhaqso u samee.

  • Luuk 22:3-4
    2 aayado
    76%

    3¶ Markaasaa Shayddaanku wuxuu galay Yuudas, kan Iskariyod la odhan jiray, isagoo ka mid ah tirada laba-iyo-tobanka.

    4Markaasuu tegey, oo wuxuu la hadlay wadaaddada sare iyo madaxdii askarta si uu ugu gacangeliyo.

  • 71Wuxuu ka hadlay Yuudas ina Simoon Iskariyod, waayo, isaguu ahaa kan gacangelin lahaa, isagoo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa.

  • Yoox 13:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Iidda Kormaridda horteed Ciise wuxuu garanayay inay timid saacaddiisii uu dunidan ka tegi lahaa ilaa Aabbaha, oo siduu u jeclaa kuwiisii dunida joogay, ayuu u jeclaa tan iyo dhammaadka.

    2Ibliiska ayaa markii hore qalbiga Yuudas Iskariyod ina Simoon geliyey inuu Ciise gacangeliyo.

  • 21¶ Ciise markuu sidaas yidhi, ayuu ka qalbi xumaaday, wuxuuna bayaan u sheegay oo yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.

  • 25Yuudas oo ah kii gacangeliyey ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma aniga baa, Sayidow? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.

  • 19iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

  • 75%

    17¶ Goortii makhribkii la gaadhay ayuu laba-iyo-tobankii la yimid.

    18Oo intay fadhiisteen oo wax cunayeen, Ciise baa yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin oo wax ila cunaya ayaa i gacangelin doona.

    19Markaasay calool xumaadeen, oo mid baa mid ku yidhi, Ma aniga baa?

    20Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waa mid ka mid ah laba-iyo-tobankii oo saxanka gacanta ila gesha.

  • 21oo intay wax cunayeen ayuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.

  • 46Markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.

  • Yoox 18:1-3
    3 aayado
    74%

    1¶ Ciise markuu waxyaalahaas yidhi wuu la baxay xertiisii oo kala gudbay Tog Qidroon, meeshay ku tiil beer uu galay, isaga iyo xertiisiiba.

    2Yuudasna, kii gacangeliyey, meeshaas wuu garanayay, waayo, Ciise marar badan ayuu meeshaas xertiisii la tegi jiray.

    3Haddaba Yuudas isagoo askar iyo saraakiil ka wada wadaaddadii sare iyo Farrisiintii ayuu meeshaas la yimid laambado iyo siraaddo iyo hub.

  • 3¶ Markaas Yuudas, oo ahaa kii gacangeliyey, goortuu arkay in la xukumay, ayuu isqoomameeyey, oo soddonkii gogo' oo lacagta ahaa ayuu wadaaddadii sare iyo waayeelladii ku celiyey,

  • 6wuuna oggolaaday, oo wuxuu doonayay goor wanaagsan inuu u soo gacangeliyo intii dadka maqnaayeen.

  • 74%

    21laakiin eega, gacanta kan i gacangelinaya miiskay ila saaran tahay,

    22waayo, Wiilka Aadanahu waa baxayaa sidii loo gooyay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas gacangelinaya.

  • 23Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Kii saxanka gacanta ila gesha kaasaa i gacangelin doona.

  • 4iyo Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

  • 16Walaalayaalow, waxaa waajib ahaa in Qorniinku noqdo, kaas oo Ruuxa Quduuska ahu waagii hore afka Daa'uud kaga hadlay waxa ku saabsan Yuudas oo ahaa kii waday kuwii qabtay Ciise.

  • 16iyo Yuudas ina Yacquub, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

  • 22Yuudas (Yuudas Iskariyod ma aha) ayaa ku yidhi isaga, Sayidow, maxaa dhacay oo annaga aad isugu kaaya muujin doontaa, dunidana aadan isugu muujin doonin?

  • 22¶ Intay Galili ku warwareegayeen, Ciise ayaa ku yidhi, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelin doonaa.